Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000): Warbixin hordhac ah oo ku aadan Dilkii Yusuf Talan
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saroon

Wednesday, October 25, 2000 - 10:18 am
Baarayaal madax banaan oo si qarsoodi ah ku jooga Muqdisho kuwaas oo ka socda Beesha uu ka dhashay Gen.Yusuf Talan ALLE ha u naxariistee waxa baritaankooduna ku aadan yahay waxa dhabtii loo dilay Yusuf Talan.
Su'aalaha ay baaritaankooda jawaabta ugu raadinayaan waa kuwaan:
1.Yaa dilay Yusuf Talan?
2.Yaa dhabtii ka dambeeyay dilkiisa?
Labadaan su'aalood todobaad ay Muqdisho joogeen ka dib waxay kooxda baarayaasha samaroon jawaab cad u heleen su'aasha hore waxayna rasmiyan u aqoonsadeen kuwii gacantooda ku dilay Genanka inkastoo ayan ku lahayn Xamar awood ay ku ciqaabaan dambigooda.
Kooxda baarayaasha Samaroon waxay ku dhawyihiin inay jawaab u helaan su'aasha 2aad waxay hayaan raadka tilmaamo muujinaya dhabtii maskaxdii ka dambaysay dilka Yusuf Talan waxaa raadad lahayaa muujinayaa laba tilmaamood oo midi lugta la galayso General Galaal tan kalana Cusmaan Caato.
"Waxaan weli ku dhex jirnaa baaritaanka ma cadyn karno kan dhabtii ka dambeeyay dilka Ex.Gen.marxuum Yusuf Talan kuu yahay Gen.Galaal mise Cusmaan Caato labadaas oo ah kuwa aan u baahanahay kooda dhabtii falkaan ka dambeeyay kuu yahay inaan cadayno ayuu ku gaabsaday midkamida baarayaashu.
Waxaan dhamaystirnay wajigii hore ee baaritaankayaga oo dhib badan naga qabsatay waayo ma daganin Xamar beeshuna tabar kuma leh Muqdisho hawshaan ku jirnaana waa mid naftayada galaafan karta sidaas awgeed kama bogan karno hawsha baaritaan raad raacyada aan helaynaa ma ahan kuwo aan jawaabahooda si xora u helayno ayuu ku gaabsaday baare kale oo ka mida kooxda baarayaasha dhabtii cida ka dambaysay dilkii Yusuf Talan isgoo sheegay inay gacan ka helayaan beel uu san magacaabin ".
Haddii ALLE idmo maalmaha soosocda ayay u dhawdahay in gudigaani hawshooda soo gabagabeeyaan
Natiijada baaritaankana waxaa lagu baahin doonaa Internet-ka iyadoo waqtiga loo tabar helana la fulindoono ciqaabta kuwii gaystay iyo kuwii kadambeeyay dilkaas.

Waxaan ka codsanaynaa cidii haysa wax war dheeriya oo arintaa ku saabsan inay ku soo dirto emailkaa: talanmemory@yahoo.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, October 25, 2000 - 12:21 pm
To: Saroon

Walaal,

waxan hadda kuusoo diray EMAIL.
Intaa ka waxan talo ahaan kuusoo jeedinayaa in haddii ad ogthay barayaasha hawshan ku jira, anad marnaba magacooda sheegin.

Cidii dishay Tallan waa la garanayaa, cidise ka danbaysay waa arrin u baahan in xoog la saaro.
waxa kale oo la gudboon daddka reer AWDAL inay warqad u qoraan madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee C/Qaasim, ooy ku qasbaan in gacan ku dhiiglayaashaas la hor keeno sharci Islaam, iyo kuwii ka danbeeyayba.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samaroon

Thursday, October 26, 2000 - 12:52 am
Haddii aad waxuun wara ka hayso fadlan soo gaarsii baarayaasha dilkii yusuf Talan cidii ka dambaysay baaraya ku soo hagaaji warkaaga Email-kaan: Talanmemory@yahoo.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GARYAQAAN

Thursday, October 26, 2000 - 01:14 am
ku denbi baare

sxb ninkii soo joog laga waayo soo jiifsaa laga helaa in yar kaaman hor taagnayn koonfur iyo maxaysatada ku nool balse waad garan wayday maantana ale ha u naxariistee waxay si waxshnimo axmaqnimo iyo doqoniimoba udileen marxuun muwaadina oo wax uu gaystay iyo wax uu galabsaday aanay jirin waxaanse ku lee yahay weli fari kama qodna berina waxaad maqli mid kale oo indho la aani xamar gaysay waxaanu koofurk ka yahay dameer bakhtiyay oo laba cali is waydiin mayso.
hadaba inta aan hadhaagaaga haadu cunin dib isaga soo noqo waayo horaa loo yiri (CAWS JIILAAL WAA LAMA HURAAN).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

keyse

Thursday, October 26, 2000 - 01:56 am
To:Dhamaan dadka ka yimi gobolka awdal:
salaan kadib walaal anigu horta kama imaan gobolkaas aad ayaana uga xumahay dilka tallan laakiin idinka keliya idinkama maqna ee soomaali oo dhan ayaa wayday marka maalinba cinwaan cusub hasoo qorinina insha allaahu waa la helayaa wixii dilay maxkama xaqsoorana waa la sootaagi hadana waa layaqaanaa laakiin duruufta ayaan saamaxayn in maanta la qabto amam maxkamad la horgeeyo.

ilaahoow tallanoow kuu naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, October 26, 2000 - 06:14 pm
Alla ha u naxariisto general yousuf tallan cali
Genaralku waxa uu ahaa nin aad ugu khabiir ah xaga
mulatarigu mar aan la shaqeeyay muddo aad u fog ka hor, ninkii garanaya ayaa garanayee general
tallan waxa uu aad uga soo horjeeday ina ina
Cigaal iyo kuwo uu ku Adeegto ee ku nool awdal
ugu dambeyn anagoo ku hadlayna codka somalida
caafimaadka qabta waxaa tacsi u diraynaa eheladii
iyo qaraabadii uu jananku ka tegay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Thursday, October 26, 2000 - 06:23 pm
Waxa aan in yar ku idhaahdo ninka isku sheegay
garyaqaan. ma jecli in aan caytemo lakiin aan ku
sheego wax yar oo aanad adigu aad ka indha laadahay ilaahayna indhaha ha kuu fure eh
haddii uu jananku ku dhinto Xamar iyo Borama
labaduba waa dhulkiisii, mida kale miyaanad ogeyn
waqooyiga aad sheegayso in awdal ay tahay meel hoos timaada ciidamo isaaq ah oo gadbiirsiga maamula taas oo ahayd waxyaalaha uu jananku rabey
in uu ka xoreeyo dadkiisa.
ugu dambeyn wareyso dadka ka yimid Awdal markaas
ayaan ogaandoontaa xaqiiqda runta ah.
Ka Nax oo Nafta waa.
General tallan waxa uu ka geeriyooday dhamaan
ummada soomaaliyeed oo dhan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

habargidir

Thursday, October 26, 2000 - 08:58 pm
To saroon

waxaan magacawday laba nin oo habargidir ah nin mise ninka kale
waan dhihi karnaa cismaan caato gaymkaan wuu dheeli karaa waayo waa nin dowladdan ka soo hor jeedda waana nin ula jeedadiisu habargidir fahmi la`dahay.
ninka kale waxaan u maleynayaa ninkaagan iska dhigaya gadabiirsi inaanad ahayn eed tahay majerten ama isaq waayo janaral galaal taariiqdiisa waa layaqaan wax isu keeni karana asaga iyo ganaral tallal ma jirto oo tartan ma dhexmari karo janaral galalna waa nin saalix ah oo xumaan tii dagaalkii sokeeye ka fog.
marka dadka isku diraayo laba qabiil oon danbi laheyn war somaliyey waan ku dhamaanay xaqdaro.
wasalaamo-caleykum