    abdikarim hassan | Friday, October 27, 2000 - 11:39 am Saaxiib haddaan ka jawaabo su,aashaada somalia waxaa mar labaad isu keeni kara arrimaha hoos ku qoran. 1 in marka hore qabiil waliba soo qabto munaafaqa hoggaamiya 2 in aan wax xil loo dhiibin dhammaan nimankii ka soo shaqeyn jiray dawladihii hore. 3 in ummadda soomaaliyeed ilaahay u noqoto oo is cafiso, iskana ilawdo wixii hore u dhacay. 4 in la raadiyo xal marka hore nabad ka dhexdhali- ya ummadda soomaaliyeed 5 in la raadiyo qof muslina aan kana qayb qaadan dhagartii soomaaliya ka dhacday qofkaas oo noqon doona midkii hoggaamin lahaa ummadda xiliga kala guurka, markii la helo nabad iyo dawlad xalaala in maxkamad caddaalad ah la soo taago dhammaan dadkii ka qayb qaatay xasuuqii soomaaliya ka dhacay. 7 in soomaaliya xukunka laga dhisayaa noqdo mid federali ah sida kan Mareykanka, anigu waxaan qabaa haddii la doonayo in soomaaliya la badbaa- diyo laguna dhaqmo qodobada kor ku xusan in soomaaliya isu iman karto mar labaad, haddii aan la fulin qodobada kor ku xusan ka sugin somalia wax rajo ah. |
    soodaa | Saturday, October 28, 2000 - 08:24 pm aniga waxay ilatahay in nimakii danbiilayaasha ahaa sharciga la hor keeno kadibna ka danbiilaha noqon doonaa ku quus qaato hadii kale waa shinbirayahow heesa hees wanaagsan qaada arintu,hadaan taa la yeelin waxaba rajo ah soomaliiya haka sugin,danbiilayaashuna waa kuwan waxaan ka xusuusto ninkii wax kudarayana waa wellcome,,,,,,,,,,,,snm,ssdf,usc,xhks,xisbiga hantiwadaaga kacaanka soomaaliyeed weeyaan,,xhks,hadaan sidaa la yeelin oo qabiil walbaa ninkiisa hoosta gashto wax badan ayaad nabad sugi. |