Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000): REER ISAAQ UU RAACAYAA INABUUBA IYO CIGAAL?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, October 28, 2000 - 10:18 pm
waxaan ka wadaa marka hore ina cigaal waa in reer shikhi sixaaq ah marka labaad waa in reer subayr awal ah marka xiga waa in cisa muuse ah oo ku dhashay magaalada burco wuxuu ka mid ahaa ragii yaraa ee gonfur u joogi jiray isaaqa sigastaba hagu joogee walaxidhay markee snm dagaalkii u gulaysaday ee la riday siyaad bare wuxuu ka qaybgalay shirkii jibuuti ee 1991 kii isagoo ku dhawaaqaya somaliweyn ,1993 waxaa loo magacabay madaxwaynaha somaliland daba deedna wuxuu caydhiyay ragii somaliland xoreeyay oo ay ka mid yihiin ina buuba iyo nimanka ka qayb galay shirka cart waxba yan hadalka idinku dalin ee ma waxaynu raacnaa ina buuba iyo cumaan kaluun mise cigaal.

qodobka labaad inabuuba waa nin reea isaaq ah oo garxajis ah oo nin reer cidalgale ah oo reer uu ka soo jeedo suldaan ka guud reer shikh isxaaq markii uu dhamaysay waxbarashadiisi oo u ku dheeraaday si uu u qaado shahaado wax ku oolah. indaa gadib wuxuu ku biiray ururkii snm oo uu xilal badan soo qabtay wuxuu noqday wasiiradii uguhoreeyay somaliland halka markaa ina cigaal somaliweyn u ololaynayay waxaan ahay nin fahansan in nin walbaba dandisa u ordayo manda hadii in cigaal laga qado xukunka wuxuu oranayaa somaliweyn markaa waxaan ahay in reer shiikh isxaaq maxaa dan ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

amaan

Sunday, October 29, 2000 - 04:36 am
TO ANONYMOUS;

inadeer war baad keentay anigu 1991 somalilandtii reer shiekh isaaq oo dhan isku racneed ayaan aaminsanaa lakin maanta kadib markee oo ina cigaal yhedii afarta nin ee subeer awal ayaa ii doortay u tolkee oo caqli cilin waayey(ileen nin waalan tolkee aya oo caqil ah) oo aay reer shiekh isaaqii shalay isku SNM aha isdleen oo laysku diray oo daud iyo saciid garxajia shiekh isaaq intee kale ee isaaq iskugu tagaty ee lawaayay nin kaliya oo sharaf iyo magac leh oo yhidaahda waar nimanyow waa rag inala dhashay oo dagaalkee faqaashata cidkasta ah oo isaaqa kale ka dagaal iyo dhaawac badna oo raga kaga dhintay dagaalkee faqashta inta kale ee isaaaq ka dhiman hadana layskugu tag garxajis habr/jeclo oo aan waxba hubsan oo iska soo booda waa tee burca laga saaray oo maanta garoowe iyo beer magaala ku sheegta,habr/awalna isaaq dhibaatadeesa mooyaaan ee wanaag wale lagama arag...
maxaay idinla tahay intaas oo nin ah oo SNM aha cabdulraxman tuur,kaluun,buubba,jamac yare iyo ina wadaad diid oo dadkooda iyo wadankooda oo halgamay waa wada ex-SNM vetrans maxay tahay sababta aay xamar oo wada tageen maxa qabiil waayo siyaasii qabiil ma yaqaane ee waa caqli xumada ina cigaal meesha oo ku wado ee dalkii ee ragii lixle iyo ina koosaaar maxamed cali iyo qaar kalo badan osu halgameen oo noqday maqhaaxii habr awal ah iyo inta yar ee oo nacamlaysa,imika waa almost 10 years cidina ictiraafe maayso somaliland taasina waa run ee filnkan ina cigaal dadka oo siraaday iyana waa dad badankii qabiil ahaan ku raaceen inta kalena waa dad iska reer miye ah oo aan siyaasad wax ka aqoon nimankii wax garad aha waa kuwa xamar jooga ee soomalidooda kale wax la qabsanaya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, October 29, 2000 - 05:19 am
Marka hore, SNM, waxay dhashay Dawlad, la yidhaah Somaliland, reer kastana, wuxuu dirtay xubno uga mid noqonaya golaha siyaasadda. Halkaas ayaa siyaasadda iyo aayaha Somaliland lagu goynayaa. Waxayna ka godaa dadka shacbiga ee gudaha jooga. Ninkii ina cigaal neceb, wuu u leeyahay xaq, waana madaxweynihiisi, cid u diidaysa, inuu wax ka sheego, ma jirto. Laakiin dalka iyo ciiddu waa ma gooraan, lama taabtaan. Taas horta ha la fahmo.
Tan kale. Ina Buubaa, waa nin aan 6 sanno ee u dambeeyay dalka gudihiisa joogin. Waa nin aan qeyb weyn ka qaadan nabadaynta. Haddaba, haddii ay dhab ka tahay, inuu doonayo inuu dadkiisa la tashado, wuxuu arrinkiisa ka billaabi lahaa Hargeyisa, ee cadow kuma soo hoggaamiyeen.
Waxaa maanta dadka uu ka dhashay, u arkaan nin dagaal geliyay, waxbana uga tari kari waayay, kadibna nabad ayay qaateen. Taasoo ay la qaateen dawladda Somaliland iyo beelaha kale ee Somaliland. Maanta wax kasta haddii la sameeyo, cid dambe oo dagaal gelin kartaa ma jirto. Way ka ilbaxeen, talaayeen. Markaas ninkii Xamar tegayaa, dantiisu sidaas ku jirto, isaga ayaa yaqaan, wuuna tegay, isagoon cidna la tashan, markuu tashadayna, imika markay ku xumaatay, ma suuroodow, inuu yidhaahdo : talaayeey.
Way dhammaatay wakhtigeedi. Cabdiqaasim ayaa u tol ah, ee ha caawiyo. Laakiin dawladda iyo beelaha nabadda ku nool ee reer Somaliland dab ha la soo gelina, nabaddooda ha ka carqaladaynin.
Mucaarid ninkii doonaya inuu dawladda ku noqdoo, waxaa la furay xisbiyada nooca tirada badan. Soo sameyso xisbi mabaadii leh, kana raadso beel kasta dad xubno kuu noqda. Maxaa kugu xayiraya beel keli ah. Waayo haddii aad la colowdo beelaha kale, dee ma xukumi karaysid hadhow.
Waxaad noqonaysaa codowgooda.
Arrinta Somaliland, maanta ma joogto Cigaal, Buubaa, Jaamac Yare, Cabdiraxmaan iyo shaqsi qudh oo keliya ah. Waxay ku xidhan tahay isfahamka beelaha, nabadda dhexdooda ka bilaamay, taasoo u keenay kalsoon ay ku qabaal dawlad Somaliland ah, ninka madaxweynaha ka ahina aanu muhiim ahayn, ee uu yahay uun nin xil lala ogyahay loo dhiibtay, oo khaadimka shacbiga ah. Shalay Cabdiraxmaan Axmed Cali ayuu ahaa. Maanta waa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Berina lama oga kuu noqon doono, ee maad adigu isku sharaxdid, intaad Ummad dhan khalkhal la doonaysid?

Ugu dambeyn waxaan kugula talin lahaa, intaad Hargeysa iyo Burco aad tagto, dadkii sida ay hadda nabad iyo barwaaqo ugu jiraan, intaad soo eegto, soona waydiiso, waxaad ka hadlayso, goorta ay ka gudbeen. Cabdiraxmaan (Tuur) uu tegay Burco, waxaan loo sheegay, walaal nabad ayaanu ku wada noolnahay, ee haddii aad sidaas nagula noolaanaysid, soo dhawow, haddii kale, nabadgelyo. Waxaana sidaas ku yidhi dadkiisii.
Ina Buubaana sidoo kale. Wax awood ah oo ay maanta siyaasadda ay wataan, haba yaraatee ay ku leedahay, ma jirto. Cigaal, waa xariif, wuxuu ku dhaqmaa siyaasadda ay dadku jecelyihiin. Wuu ogyahay in dadku ay doonayaa Somaliland. Siyaas ayuu isu raaciyaa hadba, dabysha dadku meesha ay u jeedo. Aniguna waxba kama qabo, mar haddii aanu ka soo hor jeedsan karin dad, ugu dambeyna ay noqon doonto, waxa shacbiga reer Somaliland, inta badani ay rabto.
Reer Sheekh Isaxaaq iyo Reer Gadabiirsi iyo Reer Harti iyo Reer Sheekh Ciise maanta, wax keli ah, ayuun baynu noqon karaa. Laakiin mid kastaa reerkiisa wuu yahay. Uma halgami karo. Waayo Ilaahay ayaa reerkaaga kaa dhigay, waxbana kama qaban kartid. Laakiin waxaa loo halgamayaa waa in qaran la noqdo. Haddba ma mid Somaliland la yidhaahdo ayaynu noqonaa , mise ma Somalia la yidhaahdo. Dadka reer Somaliland hore ayay u rideen go´aankooda, waxayna dhisteen qaran la yidhaahdo Somaliland.
Hase yeeshe, waxaa la sameynayaa afti lagu kala ogaan doono bal arrintaas, waxaana soo qabanqaabin doonta dawladda Somaliland, waxayna ku casuumi doontaa, cid kasta oo danaynaysa.
Inta taas laga gaadhayo dawladda Somaliland ayaa ka masuul ah dalka iyo dadkaba.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogaadeen

Thursday, January 18, 2001 - 12:54 pm
fadlan ciwaanka badala oodhaha isaaq meesha aad kadhahdeen reer isaaq sabab too ah reer isaaq waa ogaadeen buubaa iyo cigaala makala xigaa.marka idin kaa raali ah magacyada hada kadib inoo kala duwa.meeli nama wada qaadee.