    Somali | Monday, November 06, 2000 - 08:45 am Ani waxay ila tahay ceeb, misaal xun(bad model)iyo basar xumo weyn oo KMG ku talaabsatay. Yadoo awelba Wasiir ka kowaad Cali Khaliif Galayr farta lagu godayey inuu hantidii dalka diyaarad ka buuxsaday oo shirikado waaweyn Imaaraadka Carabta kaga furtay. Kalsoonidii anigu shaqsi ahaan waan kala noqday. Soomaliyay ila eega arinkaa. Ma la saxi karaa KMG oo loo hanweynaa? |
    xalaal cun | Monday, November 06, 2000 - 09:13 am Tuug(Cali Khalif) xaaraan ku weynaaday miyuu xalaal rabaa? |
    Waddani | Monday, November 06, 2000 - 09:15 am waxay is caddeeyeen C/Qaasim iyo Galeyr inay maafiya yihiin. Asalkoodii yay u noqdeen. |
    geedi | Monday, November 06, 2000 - 11:01 am aad iyo aad baan idiinku raacay in ay tahay waxay u barteen in aysan dayneen waan wada ognahay HAL XAARAN AH NIRIG XALAAL AH MA DHASHO. haday cilmi iyo aqoon leeyihiin ma ay san ku howgaleen lacag xaaran ah oo lmugu dhacayo dadka xoogsatada soomaaliyeed ee awalba dulmaneed diin ahaan iyo cilmi kaleba nooma banaynayo lacagta waraaqaha ah oo ay keensadeen daba kanaaxyo ku taajiray dhiiga caruurta waaxaan u soo jeedinayaa dadka shaqaysta ee soomaalida nadiifka ah ee ku nool dibadda in ay xoolahooda ka ilaashadaan yeyda wadanka qabsatay |
    Xiis | Monday, November 06, 2000 - 12:59 pm Ganacsata ku sheeggi iyo wadaadadi ma waxay isu rogeen mafia qawleysata ah oo dawladdaa carta heshiis lagalay in hantida dadka lagula wareego lacag been abuura. Halkee ayay ka dhacdaa adduunka? |
    Daljir | Monday, November 06, 2000 - 06:14 pm Waxaad u badantihiin maangaabyo haddiiba aad hadda ogaateen in meesha tuugo isugu timid. Waa xaaraama cunowyo kaliya oo aan marna ka danqan xanuunka xoogsatada. Waa kuwo ku naaxey xilibka walaalkood. Ilaahay C/Qasim iyo Dowladdisa ha na dhaafiyo oo ayagana ha ka abaal mariyo dambiyadii ay naga galeen hadaa nahay shacabka somaliyeed. |