Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: 307 million makula tahay inay Soomaliya wax ka qaban karto?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MALIK

Tuesday, November 07, 2000 - 02:30 pm
Aniga cilmiga dhaqaalaha aad ayaa la iga badiyaa laakiin aduunka maanta 300 million waxba kama aha, xataa hub aruuriska kaliya ayaaney ku filneyn ayey ila tahay.

300M is like like a drop in a bucket!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, November 07, 2000 - 02:58 pm
Waa runtaa, laakiin koleey sabab ayay intaas usoo qorteen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samatar

Tuesday, November 07, 2000 - 03:05 pm
Dowladda cusub, waxeey ila tahay in ey ku tashatey lacagta ey heli karto oo kaliya, oo culeeys ey qaadi karin waa ka leexatey.

Saa u sheegtay waaye Soomaaliya maanta 300 malyan oo doolar waxba kama aha wax-qabadka Qaranka hadii laga hadlaayo.

150 malyan jaamicadda carabta ayaa balan qaaday ilaa iyo hadda , iyo UN-ta oo 20 malyan oo doolar balan qaaday ayana, inta kalena ee ka dhiman meesheey ka keeneeyso ayadaa og.

Lacag 300 oo malyan ka badan ma u maleeynaayo in ey heli karto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

habargidir

Wednesday, November 08, 2000 - 02:02 am
dadkeena ceyrta qaada aan qaaraanka qabiilkaba waan aruurunaahe maan mid aan janno ku galeyno aruurino oon dowladda ku caawino

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, November 08, 2000 - 03:36 am
Dawladu waxay ku talagashay inay soo bandhigto waxa daruuriga ahadda ah ee maangalka noqon kara ee caalamku bixin karo ugu horeynta, intaan ka garanayno baahidda dalka ama aan ka ognahay in ka badan ayey ka ogyihiin,kolka waxay ilatahay inayna iska mala awaalin tiradaas. Haddayse heleen bay buro sidaan!! lacag yarna ma aha haddii la helo wax weyn bay ka qaban Soomaaliya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AB

Wednesday, November 08, 2000 - 08:03 am
i don't know who this guy, galayr, come this magic number. i guess it is just wild imagnation. and all he means is to empress the world and somalis to convince some rhetoric reasoning and show that the government can do a shiit.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Wednesday, November 08, 2000 - 11:57 am
Dawladu markii ugu horeysay waxay dalka keentay
hub iyo qalab ciidan oo kale iyadoon keenin wax
shacabka soomaaliyeed u baahan yahay daawooyin,
raashin, shidaal, waxaana ii cad in dawladdani
durba qaadeyso wado khaldan haddii ay hub u baahan
tahay waxaa ku filan kan dalka yaal oo keliya
waxay ahayd inay raadiso dhaqaale ay hubka kaga
dhigto dadka hubka heysta iyadoo hubka ugu bedela-
ysa qof kasta lacag miyeysan idinla aheyn intii
dalka hub kale la keeni lahaa in la raadiyo hab
marka hore dadka hubka laga ururiyo ka dibna la
sugo amaanka dalka ummadduna isu soo noqoto markaa
dawladu haddey u baahan tahay hub ay dalka kaga
difaacdo cadawga debbeda way gadan kartaa haddii
hubkaasi uusan noqonayn mid shacabka soomaaliyeed
laga xasuuqo.waxay ahyd inay dawladdu xoogga sarto
sidii ay shacabka soomaaliyeed baahida uga saari
laheyd hadday noqon raashin, daawo, shidaal biyo
soo celintii, sidee bay ku dhici kartaa dadkaagii
oo u dhimanay gaajo, oon cuduro in aad waxoogaagii
deeqa ahaa aad u kala qeybisid masruufka dawlada
iyo qalab ciidan soo gadid (soo iibsi hub)waxaan
kaloo xooga saari karaa dhaqaalaha wadanka gaar
ahaan dhinaca beeraha, kaluumeysiga iyo in suuq
loo raadiyo xoolaha nool maaha in lagu sii ordo
uun saudigan maalin walba oranaya xoolihiinu cudur
bey qabaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samatar

Wednesday, November 08, 2000 - 01:14 pm
300 million doolar-kii, meeshii laga keeni lahaa waa soo carfoosaa asxaabeey.

Idaacaddaha Dalka Sacuudiga, ayaa laga soo xigtay akhbaar ku saabsan gargaar dhaqaale oo deg deg ah ee la siin doono dalka Jamhuuriyadda Saddexaad ee Soomaaliya.

Waa sida ey qortey jariiradda "Ayaamaha"


Dalalka Khaliijka…
Lixda dal ee ku bahoobay ama la isku yiraahdo Dalalka Kahliijka oo ay ka mid yihiin Kuwayt, Qadar, Baxrayn, Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga ayaa waxay balanqaadeen in ay ka qaaybqaadan doonaay Dib u dhiska dalka Jamhuuriyada Cusub ee Soomaaliya.
Dalalka Kahliijka ayaa taageeray Shikrii Carta ee lagu doortay Madaxweyne C/qaasim Salaad Xassan, Golaha Baarlamaanka iyo Ra'isul wasaare Cali Khaliif Galayr Waxay dalalkaasi sheegeen in inta uusan dhamaan Sanadkani ay Soomaaliya Soo gaarsiin doonaa Mucaawino aad u Balaaran, Sidaan ka soo xiganay Idaacadda Sacuudiga.
Madaxwaynaha Jamhuuriyada ayaa la filayaa in dhawaan uu Booqashooyin ku soo kala bixiyo lixdaasi dal isaga oo Waydiisan doona sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen dib u dhiska Dalaka.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAYOW

Wednesday, November 08, 2000 - 01:25 pm
Samatar thanx for the news bro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samatar

Wednesday, November 08, 2000 - 02:32 pm
Mayow, welcome bro..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samatar

Wednesday, November 08, 2000 - 02:32 pm
Mayow, welcome bro..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CAATO

Wednesday, November 08, 2000 - 04:56 pm
WAXAY ILA TAHAY CABDI QAASIM XITAA HADUU DHUXUL SOO GUBO INUUSAN HELEYN LACAGTAA,TEEDA KALE GEELA MA GEELA BAH ARARSAME AYAA JOOGA 307 MILLION,WAXAAN MOODAYAA INEY QALDAMEEN OO LACAGTU TAHAY SOOMAALI BALSE AYSAN AHAYN DOLLAR.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

samo-saadshe

Wednesday, November 08, 2000 - 05:07 pm
Su'aashan ninka meesha ku soo qoray waa nin aan shaqo lahayn waayo rag aqoon u leh oo weliba la tijaabiyey ayaa soo diyaariyey markaa inaad na waydiiso maxay qaban kartaa maaha. waana baahida ay ku talogaleen inay wax ka qabtaan duniduna way is caawisaa iyaguse waxay soo qorshaysteen strategy ay ku talogaleen inay tahay ta muddada dhow wax laga qabanayo ee waxaan odhan lahaa ha ka xaasidine akhri horta qorshaha dawladda guulna u rajee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bari

Wednesday, November 08, 2000 - 05:31 pm
as you can see, we are fortunate to have someone like glaydh, with strategy beyond bill clinton dreams, to rebuild this destroyed and abused country that we came from...i hope they get this money, so they can start their 100 days evaluation..i wished them all the best!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BS Man

Thursday, November 09, 2000 - 02:50 am
To.Abdikarim Hassan

Waxaan u maleynayaa in aadan beryahan wadankii tegin sida ayse dawladani wax ku bilowday waa sida ugu dhow ee wax ku hagaagi karaan hubka Soomaaliya maanta yaalana Dawlada iyo Somaali toona ma laha ee waxaa leh niman qowlaysato ah oo iyagu ku shaqaysta markaa si nabad gelyo lagu gaadho waxaa khasab ku ah in ciidamo dawladu leedahey dib loo sameeyo hubna lasiiyo ileen qowlaysatada hubay haystaan ay markay rabaan iyo ciday rabaan wax ku yeeli karaane.

Hubka aad maqashey ee wadanka yimina waxuu ahaa 7 tan oo isugu jiray hubka fudud oo ah qoryaha askartu qaadato iyo dirayka askartu xidhato kaasoo ay caawimo inoo siisay dawlada Yamani.

Waxay dowladu sheegtay in aaney gobol iyo shakhsi midna ku duuli doonin laakiin iyana xaq waxay u leedahay in ay naftooda iyo xafiisyadooda iyo shaqaalahoodaba ka difaacan dadka doonaya in dhibaatadu sii socoto si iyana ay xaqdaradii u sii wadaan.

Waxaa dhamaan Soomaali la gudboon in aan wakhti siino dawladan isna garab taagno waayo waynu ka wada dheregsanahay waxa kale ee wadanka ka jira cida ay u dhisanyihiin iyo shakhsiyaadka yar yar ee iyagu sida gaarka ah ugu danaysta.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, November 09, 2000 - 03:11 am
C/KARIMOW: waxan la yaabay waxa aad kula yaabatay!
dawlada dalkeedii haystaan Budhacad hubaysan oo qori kaliya ku taliya,dadkana kaga adag qori kaliya inay keensato hub iyo ciidan waaba "loojiga" ugu horeeya,waayo hubka dawladu wuxuu cabudhin hubka dadka lagu cabudhiyo ee maaha mid D/weynaha lagu cabudhiyo, ma waxaad doonaysay inay markay garoonka ka soo dagaanba Caato meel ku xirto oo uu madaxfuarsho ka dalbo Qabaa,ilkoodii ama UN-ka ama cidii bin Aadamnimo uga naxda falkaas? inay dawladu xoog lahaato oo ka adkaato Budhcada xubnaheedii laysay iyo qabaa,ilka qaran duminta caadaysatay, allaan ka rajeynaynaa!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Thursday, November 09, 2000 - 04:22 am
nimankan aad ka wada hadleysaan sida caato, bood,
ina caydiid IWM, haddii ay jirto daacadi waxaa ku
filan in la helo dhaqaale lagaga gado kuwa u daga-
alamaya iyo hubka ay haystaanba waayo ragga u
dagaalamaya nimanka qawleystada aad ku sheegaysaan
ma filayo inay dhaqaale haystaan markaa halaga soo
gado waxa ay heystaan oo dhan, somaliyana waxaa
iigu dambeysay bishii june 1995 mana ah wakhti aad
u fog dhaqsana waan u tegi doonaa haddii allaha
awooda leh ogolaado iimase muuqato xal aan kalsoni
ku siiyo dawladda aad sheegaysaan waayo waxaa ku
jira raggii ku qubeystay dhiigii shacabka aan
waxba galabsan waxaa jira ummado dhan oo dhulkoodi
laga qaadey dad meelo kale yimidna ay xoog ku
heystaan sida Gobolada shabeelaha hoose, jubbada
hoose, jubbada dhexe iyo banaadir dadkii masaakin-
ta ahaa ee beeraha waxa ka soo baxa ku noolaa inta
laga dhigay wax la dilay qaar gaajo isaga dhintay
iyo qaar beerahoodii la yiri shaqaale ayaad ka
tihiin ayaa jira saaxiibayaal waxna aan la siin
iyadoo dhiigoodii lagu shaqeysanayo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, November 09, 2000 - 04:54 am
C/KARIMOW: waan kugu raacsanahay inay qabqableyaashu adeegsadaan lacag oo haddii lacag la siiyo budhcadooda ay soo tagayso,laakiin qaar uun way la hadhayaan ugu yaraan,waa laysku dari karaa labada habba oo in laga gado iyo in ciidan Qaran laga garab abuuraba ah iyagana lag soo jiito waana tii socotay laba bilood sidaan akhriyeynay.
caddaalad darida iyo gafka dhacay waan kugu raacsanahay laakiin sidee lagu xalin ma ul sixir ah baa lagu taaban"casaa muusaa" dhiigyocabka waa inaga buuxaa oo soomali haddaan nahay garaado ayaanba ugu taxnaa dhiiga dadka kii daadiya,haddana waxa la baryayo waa dhiigyocabkii oo la leeyahay "walaalayaal intaa nagu daaya dhib ka dharagnaye idinna ka dharagte dhiig iyo xaq daro,e" waana la kari la,ayahay sidaad ogtahay.waxaan qabaa xalku waa in la joojiyo inay xaqdarau iska scoto uun oo hadda kadibna laga digtoonaado inay dhacdo nala xaliyo halakey hadda marayso iyo inta laga gaadho,dadka dhulkooda loo daayo,hantidoodana loo nabadgaliyo,dhiigoodana la xaarantinimeeyo in la daadiyo.hadday jirto cid saacad ku xalin karta maxay nooga hagranaysay? inaynu horey u socono ayaa ka fiican in inaan meel uun joogno ama niyadjabno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xildhibaan

Thursday, November 09, 2000 - 06:29 am
Hadii ay lacagtu nagu filnaanwaydo waxa aan hayanaa mishiinada roga lacagta faalsada ah,waxaasna dhibnaguma hayso hana ka warwarina cidina cydhiina idin baryi mayso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

expert

Thursday, November 09, 2000 - 07:08 am
307 waa lacag badan hadii aan dib udhisweyn lasamaynaynin. mushaharka dadka ushaqeynaya dowlada kufilan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Thursday, November 09, 2000 - 10:14 am
waan jecelahay saaxiibayaal inta aannan dhiman
ileyn cidina ma oga wakhtiga ay dhimanayso inaan
arko soomaaliweyn walaaltinimo, saaxiibtinimo
islaanimo run, dalkii oo dhismay horumar gaaray
barwaaqo, waxaa iswaydiin leh sidee lagu helayaa
intaas oo dhan ma been iyo huuhaa mise run cadaa-
lad islaanimo heryadii qabiilka oo la tuuray tuug-
adii oo maxkamad caddaalad lasoo wada taagay lana
marsiiyey qof waliba wixii uu dambi geystay,
waxaan leeyahay xaq-daradu ha dhacdo weligii
xaqu ha sareeyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C.I.D.

Thursday, November 09, 2000 - 10:38 am
QORI DABLEH AYUU LA WAREEGAYAA..
===============================|
Aqristayaasha,sharafta leh, waxaan digniin gaar ah ka siinayaa in ay jiraan dad jirran,oo jaah-wareer ku dhacay,oo maqlay in lays-dagaalay laakiinSE aan ogayn meel lagu heshiiyey,dadkaas oo good news-ku u daran yahay,..hadaba waxaan daraasaad qaas ah ku sameeynay nin somali-netka caan ka ah, oo waxa wanaagsani dhibaan kana naxaya,ninkaas waxaa la`yiraahdaa Mr.cabdikarim hassan. bal-eeg fikirkiisa qallooca ka muuqda,lama aqristo waa laga gudbaa si uusan kuugu daaran viruska uu la`wareegayo.aragnaye adiguna nala arka.soomaaliya ha noolaato.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

koofi-dhuub.

Thursday, November 09, 2000 - 10:48 am
iimaan allah ayaa uur buuxsha.
haddii qaran dhan oo la`xididdo siibey ku fillaatay under 300.000.000.U.S.$.teendo xun oo bariga london ku taala oo la yiraahdo mellenium dome waxaa lagu dhisay in ka badan 480.000.000.U.S$.haddaba ilaahey ummaddeena nabad ha ka dhex-dhaliyo.si ay wax isula qabsadaan,dhaqaaalahoodana u gaarsiiyaan heer shaqsi walba dhacdiid u seexdo.raggaan u istaagey qaranka soomaaliyeed hala taageero,si ay kalsooni u helaan,oo ay shaqo wanaagsan innoogu qabtaan.
doowladdu haddii aysan cudud yeelan waxay la mid noqonaysaa libaax aan ilko lahayn,oo waraabaha iyo weerka ayaa damaacinaya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDIKARIM HASSAN

Thursday, November 09, 2000 - 11:09 am
TO NINKA LA MAGAC BAXAY C.I.D MARKA HORE MAGACA
AAD WADATAA WAA MAGACII KUWII DADKA XINIINYAHA
KA GAARI JIRAY, INTA AANNAN KUU JAWAABIN MAGAC
SAX LA IMAW, UFTANA QARSO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SOOYAAL

Thursday, November 09, 2000 - 03:58 pm
C/KARIIN WAA SOOMAALI SAX AH WAA SHAKHSI GARANAYA DHIBAATADA HAYSATA UMADDIISA,WAA SHAKHSI GARANAYA XALKA DHIBAATADAN,WAA QOF FAHMI KARA SHAKHSIYAADKII DANBIGA KA GALAY UMADDA SOOMAALIYEED,OGNA MARXALADA SIYAASADEED EE KA JIRTA WADANKIISA,WAXAAN ORAN LAHAA KUWA WELI HURDA KACA OO XAQIINA DOONTA,RAGA SHAARKA CUSUB WATA WAA SARAAKIISHII AFWEYNE MANA DHICI KARTO INAY MAR LABAAD HODAAN UMADDA SOOMAALIYEED,QOLADA KALE EE KA SOO HORJEEDA AMA KOOXAHA MUQDISHO HA AHAADEEN AMA WAQOOYI BARI IYO WAQOOYI GALBEED WAXAAD OGAATAAN INEYSAN JIRIN MAANTA CID WADA DAN GUUD

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dr Raashid

Friday, November 10, 2000 - 12:47 am
US$307 million ma aha lacag badan oo qaranka ku filan ma aha, marka hore waxaa ogaataa ineysan weli jirin weli dawlad adag oo leh ile dhaqaale, Maamul adag .

Lacag ma aha lagac buuxin karata Baahida lakiin
Aqoonyahanda dhaqaalaha ee dejiyey waxey waxey xoog saareen meelaha muhuunka ah oo keliya si loosoo celiyo Maamulkii guud ee Dawlada iyo dalka waana sanadka soo soxa oo keliya, waxaan ku bixindoontaa oo keliya meelah loo qoonndayey
sida,
1)dib dhiska Xurunaha dawlada
2) Mushaharka dowlada
3) dib u dejenta
4) Musharka & dayartirka Gobalda iyo dogmooyinka
5) Nabadanta iyo nabad gelyada good
iyo meelo kale oo loo arkey Muhiin

Marka weli waxaa dimin lacga aad u badan oo loo bahanyahey in lagu bixiyo
Waxbarasha, cafimaadka, beeraha iyo deeganka, jidadka, dekadaha, Kaluumassiga, shaqo abuurada iyo tababarada , IWM

Arintaan waxaan ka soo xigtey mar aaan weydiiyey nin ah (Economic Adviser) dawlada ku jira kana mida dadka waxa dejiyey Miisaniyadan ,
kuna shaqeya Xafiiska dhaqaalaha ee Dawlada

kuna heysata shahaado sare cilmiga dhaqaalaha (PHD) from LSE, London University)


Waad mahadsantihiin

Dr Raashid Xasan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUJAAHID

Friday, November 10, 2000 - 11:40 am
KUWII SOOMAALIYA ADUUNKA KU CAAN BIXIYEY QABRIGII BARYADA AYAA MAANTA LA SOO CELIYEY DAWLADNIMO MA YAQAANAANE WAXAY MEESHOODII KA BILAABEEN BARYA GAALO.

-WARYAA U SHEEGA 1960 QIYAANOOYINKOODII WAA LA BARTAY.

-WARYAA U SHEEGA QARNIGU QARNIGOODII MAAHA.

-WARYAA U SHEEGA CAADA QAATE DABA DHILIF SOOMAALI DAWLAD UMA NOQDEE YAA U SHEEGA.

-WARYAA U SHEEGA QABIIL QABIIL DADKEY ISUGI DIRI JIREEN DADKU DADKII MAAHA.

-WARYAA U SHEEGA QARNIGII DADKA LA JAAHILSAN JIREY LAYSKA DHICI JIREY MAAHA

-WARYAA U SHEEGA 2000 AYAA LAGU JIRAA XABADII SOOMAALIYA LAGU XUKUMI JIREY WAA KA DHAMAATAYE KUWAN YAA QORI UQAADI DOONA YAASE U QAADAN DOONA SEEBA WAX JIRA MAAHEE !

-WARYAA U SHEEGA GAALO DANAHAY NAGA LEEDAHAY INAAN LA SOCONA CAADE QAATAYAASHAAM YAA U SHEEGA

-WARYAA U SHEEGA MAXKAMADIHII ISLAAMIGA BAABI'INTEEDA AY KA SHAQEYNAYEEN WAR ISLAAM SAAS KUMA TIRTIRMEE YA LA TALIYA NIMANKAN PENSIONKA GALAY FACOODNA MAR HORE GOD GALEEN XAASIDNIMO RABO INAAN QABRIYADA BADINO.

GAALOOY JAB NINKII LA JIROOW JAB

GAALOOY JAB NINKII LA JIROOW JAB

GAALOOY JAB NINKII LA JIROOW JAB
GAALOOY JAB NINKII LA JIROOW JAB

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Maxamed

Saturday, November 11, 2000 - 08:05 am
To: jihaad saxiib waxaad u muuqataa nin wareersan waxaad u baahan tahay in aad is dajiso kana faaidaysato dooda wacan ee ay is waydaar sanayaan dhalinyaradu taasi ood moodo in qofwaliba uu soo bandhigayo xigmad aqooni ku dheehantahay hadaadan fikrad hayn saaxiib akhriso kuwa dadka kale kana faaidayso way ku anficiye. wa bilaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

zuu

Saturday, November 11, 2000 - 02:06 pm
marka hore ayaa dowladda u fasaxay in ay wadan ka keento hub maxay caadifadu idiin qadaysaa soo lama aga qaraarka ka soo baxay U.N ee ah cuno qabanaynta hubka ee soomaaliya miyaysan dowladda aad sheegaysaan jabinayn haday tahay mid sharcin ku dhisan oo ay dhaanta kuwa qabablayaasha ah, tan kale hadii aad sheegteen in dadcilmiga dhaqaalaha yaqaan ay dejiyeen maxay lacagta waraaqaha ah u isticmaalayaan tan kale ma waxaad rabtaan in hadana laga soo laabto gacan hoorsashadii soo ma ogidin in laga baxay oo ay maanta soomaali isku filanta hay yaa bixiya musharka soomaaliland puntlant iyo ciidamadooda soo may gaarin heer isku filaansho ah oo dadkuay isku tashadaan tan kala hadana ma waxaad rabtaan in xamar la diso oo mooryaan dumiso ha dhisteen ninka is ka leh sida reer hargaysa u dhisteen maxaa keenay in xamar lugufangareeyo 100 000 000$ inka badan inta kalena 20 000 000$ wax aan gaareen

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, November 11, 2000 - 03:10 pm
307 BILLION AYAA KU JIRTA DHULKA SOOMAALIYEED HADII AAD ISKA DEEYSAAN QABIILKA OO ISKU DAYDAAN INAAD QAYRAADKA WADANKA LA SOO BAXDAAN!
CEELBUUR WAXAA LA SHEEGAY IN EEY KU JIRTO MACDAN LAGU QIYAASAY US$5.0 BILLION.
DHUUSAMREEB MEESHUU MADXWEYNAHA CUSUB KU DHASHAY WAXA KU JIRA URANIUM LAGU QIYAASAY 12 BILLION.
MAREEG CEELDHEER WAXA KU YAAL LABA CEEL OO PETROLEUM AH OO LA SHEEGAY IN LAGA SOO SAARI KARO HALF MILLION BARRELS A DAY!
INTAAS WAA GOBALKA MADAXWEYNUHU KA YIMID OO KALIYA.
AFGOOYE ILAA QORYOOLEEY WAXAA YAAL NATURAL GAS SOO GELIN KARA DALKA 3 BILLION ANNUALLY
BADDA MALAAYGA KU JIRA...
BEERAHA.......
XOOLAHA........
XITAA AAD SOMALILAND>>GUBAN IYO LUGHAYE....WAA CEELAL PETROL.....
BIRTA..IRON ORE.....BAY IYO BAKOOL


SOOMALIYEEY WAXAAD BARATAAN SIDA LOO SOO SAARTO QAYRAADKA WADANKA..
BADDA ARAGOST AMA LOBSTER ayaa KA BUUXDA...
HADII SI FIICAN LOO GALO....WAA ISKA
200 MILLION A YEAR
QABIIL SI FIICAN AAN U BARANAY

TUUGSINA DAA
MARKA WAA IN WAX LAGA BADALAA DABEECADAN BAAS EE AH WAX MA QABSAN KARNO
WAX QABSADA>>>>HADAL YAR IYO HOWL BADAN
BUUR DAHAB AA YAAL
WADANKA WA BARWAQO
DADKIISA WAA BAAHAN YIHHIN
INTII AQOON LAGU SHEEGAYNA SIDII GEELJIRIHII AYAY QABIIL IYO QOLO QOLO ISU CUNAYAAN
ALLA MURUGO IYO UUR KU TAALA BADANAA
SOOMALI MA DUGAAG BAA MISE WAA DAD

ABUUKAREEY!@

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, November 13, 2000 - 03:09 am
KU: C/KARIIM salaanta islaamka kadib waxaan alle kaaga baryayaa inaad aragto sidaad jeceshahay ee ah Somaliweyn oo nabad,midnimo,xornimo iyo badhaadhe ku nool inaad aragto,intaadan dhiman anna waan isu rajeyn,allena wax ku adag ma aha

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daljir

Tuesday, November 14, 2000 - 07:57 pm
$307M waxaa kabadan inta Galayr iyo Ina Salaadboy horay nooga gooyeen. Haddii ay xaq wadaan ha soo celiyaan hantida waddanka hana is casilaan illeen nin dambiile ahi maamul kuma qumanee.
Rafle, Gaani, Morgan, Mahdi, Caato, Galaal, Caydiid, Yusuf, M Sh cusman, Cabdi Warsame Caddow , suudi, Bood iyo dhowrka wadaad oo diinta looga haybeysan jiray lakin hadda ku qaraabta, muslinimo iyo somalinimo midna yaanaan iskugu imaan. Baabuurta ha iska ilaaliyaan.

Alternative? Waxaan la yaabaa qaarkiin sida ay uga go'antahay inaad difaacdaan dambiilayaasha. Maxaa isku keenay alternative iyo nin dambiile ah. In fact, waxaan oran karaa waa afduub toos ah waxaad difaacaysiin oo ah CAQLIGA SLADBOY AMA HA LA AAMUSO.

Ina Salaadboy hadii uu Somalinimo, dareen iyo dadnimo leeyahay ma uusan horfadhin lahayn siyaad Barre muddo 20 sano ah. Mana uusan ogalaadeen burburkii qaranka iyo shacabka soomaaliyeed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fariid

Wednesday, November 15, 2000 - 01:43 am
waxaan la yaabaa marka aanka hadlayno horumarka wadanka iyo soocelinta calanka.
dadbaa marna fuyuujarka arkin ee ku dhagan waabaa nala dhacay iyo dowlad qarni kasoo wareegatay yaa wax halaysay.
maxaa ku daawoowdaan marka in 20sano ladagaalo adinkana aad cayrqaadataan.
tv yadana caruurteena looga tuugsado.
ilaahay ha gacan qabto cidwalba oo soomaalinimo iyo horumar wado.

waxaan u rajaynaynaa dowlad qayr iyo baraaro usoo hoyso soomaaliya inay noqoto dowlada maanta ka dhalatay ee tar tiib tartiib u hana qaadaysa.

paece and love
fariid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BS1

Wednesday, November 15, 2000 - 05:52 pm
To Caato.
Waxaan u jawaabayaa ninka la baxay caato,sida magacaagu sheegayo nin caato ah baa tahay xoolo kastoo aad heshana kaa hadhimayso.Ama geelayaga aannu xaraashno ama meel kale ka keenno anagaa nalaga yaqaan inaan dawlad idiin samaynno ee idinku hadhow sidiinnii ha yeelina!!!!!!!