    abdikarim hassan | Wednesday, November 08, 2000 - 01:22 am Waxaa Maskaxdeyda gaaban ii sheegaysaa in aanay weli dhalan dalka soomaaliya dadkii lahaa waayo ummad dhammaanteed muslin ah haddana isku raacdey wax kasta oo xumaan ah. ummad dalkeedii dooneysa inay burburiso. 10 sanno ee la soo dhaafay soomaaliya waxay dib u dhacday 100 sanno. adduunku wuxuu ku caawin karaa marka aad u soo jeedo dhismaha dalkaaga hooyo. ummad aan wax naxariis ah leheyn somalia ka hor ma arkin. hantidii shacabka soomaaliyeed sida wershadihii waxaa loo iibgeeyey dalalka east africa iyo bariga dhexe sida wershedii sonkorta jilib oo loo iibgeeyey wadanka kenya, wershedii shamiitada ee berbera waxaa iyana laga iibiyey dalka ETHOIPIA dhammaan qalabkii korontada iyo biyaha waxaa laga iibiyey wadamada kenya, qaar ka mida bariga dhexe. haddii aan tusaale usoo qaadano ururadii dalka qabsadey markii siyaad alla haw naxariistee wuxu ahaaba isaga iyo allahii abuurtey ayey ka dhexeysa waxey burburiyaan ama xasuuqaan mooyee waxba may qaban, ETHIOPIA markii ay qabsadeen Tegray ma uuna ka baxay mingistu ma dhicin wax bililiqeysi ah dawlad baa dhacdey dawlad kale ayaa timi somaliya- ana waxay noqotey sida ay somalidu tiraahdo kud ka guur oo qanjo u guur, waxaan u meleynayaa in aanu jirin qof somali ah oo ka naxaya dalkiisa iyo dadkiisa hadduu jirana waa boqolkiiba laba ama saddex, haddaan ka hadlo saddexda qabiil ee lagu sheego inay somalia ugu w/weyn yihiin sida daarod, hawie iyo isak dhammaantood waxay ka taliyeen xaq darro aqoon yahay, culimo, dhallinyaro iyo waayeel qabiil kastaa waxaa uu dhexdiisa kaga heshiiyey in uu xasuuqo qabiilada kale qabiil kastaana wuxuu sameystay urur uu isagu iska leeyaha haddana huwan magac soomaaliyeed SNM, SSDF, SPM,USC, haddii ay jirto somalinimo ama islaanimo maxaa loo sameys waayey urur kulmiya dhammaan somalida kana soo hor jeeda ama ka madax bannaan qabiil, saddexda qabiil ee aan kor ku soo xusan waxaa dhacdey inay dhex- dooda is xasuuqeen ( ISDILAAN), shacabka somaliyed ee xaqdarad lagu diley qaarkood gaajo, haraad iyo silic u dhinteen way ka badan tahay one milyan ila laba milyan waxayna u dhinteen arrimo qabiil ee umey dhiman difaaca dalka hooyo ama cuduro kale inay somaliya sidaas ahaato yey dani ugu jirtaa waa qab-qablayaasha ama kuwa isku sheega inay hoggaamiyaan ummadda, suldaanada, garaadad, malaa- qyada,boqorada iyo qaar ka mida culimada kuwa kuwa diinta waxka yaqaan kuwaas oo hoggaamiye kasta ku yiraahda xaq ayaad ku taagan tahay si uu u xasuuqo shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay kaga nool yihiin wadanka, hadal iyo dhammaantiis somaliya ma waxaa u dan ah inay sidaas ahaato weligeed inta adduunka laga rogayo mise inay iska tuurto heeryada qabiilka ilaaheyna u noqoto dibna u dhisano dalkeenii hooyo kana difaacno cadawga faragelinta ku haya diinteena iyo dalkeena,shacab- ka soomaaliyed ayey u taalaa inuu qaado wadada ??? saxda ama wadada duliga iyo dulmiga. |
    goobjoog | Wednesday, November 08, 2000 - 01:43 am Waxaa kaa muuqata walaalkeeyow inaad nin aad psimistic u ah tahay oo aysan kuu muuqan xal dhow oo ummadda soomaaliyeed.Haddaba hadday saas tahay maad danahaaga ka raacatid ood dadka optimistic ah oo aaminsan in wax la qaban karo jaanis siisid. midda kale talo yar oo aan rajaynayo inaadan dhayalsanbaan ku siinayaa oo ah,inaad dhaqtar cilmu nafsiga wax kayaqaan la tashato ugana sheekayso xaaladdaada! |
    Anonymous | Wednesday, November 08, 2000 - 03:52 am Sidaad sheegi way dhacday C/karim laakiin miyaan ku dul ooyaan uun oo aan ka sheekaynaa uun oo aan caacallaa uun oo aan is niyad jabinaa uun?! hadduusan waxaad sheegi dhici lahayn miyaabay taniba teen ahaan lahayd oo doodiba furaan lahayd oo bushadu dhutin lahayd ama dhiman lahayd ama dhibaatoon lahayd. waan wada ognahaye oo waa war laqabo xiiso ma leh ee sheeg xalkiina oo ku dar. Maantaan isku daynay inaan ka soo kabanao ayaad dib noo xusuusin waxaan goob joog u wada ahayn oo aan bogsiinayn boogta dawada u baahan!! |
    Cadhaysane | Wednesday, November 08, 2000 - 04:54 am Ilaa inta soamaali somaali gumayanayo oo uu dhulkiisa ku kor kaadshayo wadininimo ha sugin. Waa in uu qofkastaa degaankiisa ku noqdaa. |
    QOSLAAYE | Wednesday, November 08, 2000 - 07:06 am Abdikariimoow: Intay somalidu jidka isku dhaafayso(hag waxwada qabsi)ee aanay is waydiinaynin halkay kusocoto iyo halkay kasocoto, sidaa aad sheegtay waxbaa kajira. Ilaahay hasiiyo ubad wanaagsan dalkeena. |
    abdikarim hassan | Wednesday, November 08, 2000 - 10:45 am TO NINKA LA BAXAY GOOBJOOG saaxiib anigu waxaan ka gunayaa dhibaatada dal- keyga iyo dadkeyga heysata meel kastoo ay joogto laakiin waxaa ii muuqata in aanad adigu xal u heyn ama aannad gareneyn meesha dhibaatada soomalidu ka bilaabantay ama dhibaatadu ku heysato, mideeda kale aan adiga su,aal ku weydiiyee maxaad goobjoog u heyd ma wax wanaagsan mise wax xun sida magac- aaga ka muuqata, somalida xalkeedu waa in laga haro arrimaha qabiil caabudka ilaaheyna loo noqdo leyskana dhaafo habka ay soomaalidu ku doorenayso hoggaamiyahooda waa in aan qabiil wax lagu qeybsan sababtoo ah ilaa iyo maalintaan xornimada qaadaney waxaynu wax qeybsaneyn qabiil khasaaradii qabiilk- ana waan aragney, haddii aad sameyso ganacsi aadna ku qasaarto ganacsigaas miyaad sii wadi ilaa iyo aad ka dhimaneyso mise waxaad raadin hab kale ood faa,iido ku raadisid arrintu weyska cadahay umana baahna faahfaahin haddii run la doonayo, haddii somalida go,aankeedu yahay qabiil ama maalin walba kii xasuuqi lahaa aan codka siino waxaynu weligeen joogi doonaa halka aynu maanta joogno ama weynu ka sii liidan waayo xaalka aynu ku socono ayaa ku dhisan xaqdarro kuma dhaqano sharci muslin iyo mid gaalo toona sharciga aynu ku dhaqano ayaa ah qabil caabud iyo nin jecleysi TO GOOB JOOG marka aad leedahay takhtar baad u baahan tahay sxb waan caafimaad qabaa boqolkiiba boqol waxaana ka hadley wax hore u dhacay ama dhici doona haddii la qaado wadadii duliga, sidaas darteed haddii aan khalad sameeyey waxay ahayd in aad khaladkeyga ii sheegto adigoon kululaan mise waxaad ka mid tahay inta ku raaxeysa dhibaatada shacabka soomaaliyeed, waxaana kugu magcaabi lahaa xaq-ma arke halka aad goobjoog kala baxdey mise ii macneyn kartaa sababta aad goob joog ula baxdey inta caafimaadka qabta ee aan cudurka qabiilku maskaxda ka gelin ama duleysan waxaan oran lahaa saaxiibyaal haka caajisina waaninta ama wax u sheega shacabka soomaaliyeed adigoo kasoo bilaa- baya qoyskaaga ilaa bulsha weynta, ilaahey jidka toosan hayna tuso( xaqa hayna garan siiyo> |
    waddani | Wednesday, November 29, 2000 - 01:59 am to- abdikarim hassan. waad salaaman tahay marka horre. walaal somaliya dadkii lahaa weli madhan, mar haddii aad eegtit waa run, markale haddii aad eegtit, waa lahelayaa dad wadanayiin (dhulkiisa jecel) ee su'aashu waxay tahay yaa wax kaa maqlaya oo dhagaha udaloolaan. waxaana garaya dhulka qiimihiisa qof qurbaha jooga ama joogijiray muddo dheer, marka walaal waxay ila tahay in aan da'daalo aan kor uqaadno wacyiga dadka meelkasta ay joogaan. maxaa yeelay? waxaanu halkan ku aragnay intii aan ku tilmaamayay in ay waxbarteen ayaa waxay isku caanayaa anaa reer fulaan ah iyonagaa idinsoo xukumijirnay. soomaalidda iyo somaliya ELLE ayaa umaqan, cidna umma maqna ceelna umma qodna. wasalaamucalaykum |