Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: Dawlada oo aan soo booqan xaruuntii villa soomaaliya
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jaako

Wednesday, November 08, 2000 - 01:36 am
waxa aan la yaabanahay dawlada oo wax walba qorshaysay sidii soomaaliyoo nabad.meelaha muhiimka ee dawlada maa laga eryo burcada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, November 08, 2000 - 03:26 am
Salaan kadib, Md Jaako waxaan qabaa allena ka rajeyn in iyadoon qori iyo xabad loo qaadan ay kala tagidoonaan mooryaanta fadhida xaruntii madaxtooyada Qaran Soomaaliyeed ee Villa Somalia
waxaa kale oo aan Soomaali ahaan ka codsanayanaa in Qabiilooyinkoodu naga ceshadaan Mooryaanta fadhida goobaha Qaranku leeyahay, ama diidadan in dhibkan iyo cadaabkan laga baxo, hadday kari waayaan waxay u soo bandhi karaan Bulshoweynta Soomaaliyeed oo subax qudha ku dhaqaajin karta oo sida kaneecada loo buufin doonaa iygoo ah dambiileyaal dagaal (crimenal wars). maantay arini la gudbontahaye yaa yidhaahda is daba qabta?!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ranger dile

Wednesday, November 08, 2000 - 09:59 am
To anonymous:
Nacas dhulos aa riyo ku jiraa tahay.cali qaliif ha ka saaro. wiilashii ku dhabi jiraa haysta goobahaad sheegtay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muu

Wednesday, November 08, 2000 - 03:57 pm
aflagaadada ceeb waaye mooryaan tol maleh waa burcad in latoogto u baahan wixii umada dhibo umadda ayaa iska qabaneysa ama ilaah ayaa ka qabanaya weyna ka baxayaan meelaha ay ku jiraan dhib la'aan hadii alla idmo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muwaadin

Thursday, November 09, 2000 - 05:36 am
MR ranger dile af lagaado waxba tari meyso ma kula tahay haddii ay noqoto dowladdan dowlad loo dhan yahay inuu sidaa ugu raaxeysanayaan villa soomaaliya ina ceydiid iyo mooryaantiisa . remembar this is not a joke haddi ay si sharaf leh ay ugu bixi waayaan dharbaaxa xoogleh ayaa ku soo food leh ay soomaali u dhantahay anan mooryaan loogu aaba yeelin iney sii haystaan xoolihii ay dowlada lahaan jirtay ranger dile adiga oo kale futo madow waan ku naqaana waa ka mid ahayd mooryaantii gabdhaha masaajidka ku kufsaday nacas baad tahay ee afkaaga laba farood saar xoola aadan laheyn ha ku faanin dowlada kaa ma baqeyso ee waa laguu kaadinayaa oksoonow.shame on oyu ina ceydiid .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

koofi-dhuub.

Thursday, November 09, 2000 - 09:55 am
qolo kasta waajib ayaa saaran waana tan runtu;-
1-hawiye ha bannneeyo ugu horraan,goobaha doowladda ee mooryaantoodu fadhiso.wiilashooda hangoolada la taagan ummadda halaga wareejiyo(cato,muse-sudi oo hadda wax maqal bilaabay,ina caydiid,bood iyo qanyare.
2-daarood cabdullaahi haka wareejiyeen ummadda horteeda,warqadaha uu saxiixayo ee baddii qaranka lagu xaalufiyey kiimikadana ku shuba, yuusan mar danbe saxiixin ee gacanta halaga gaawiyo. dhulka majeerteen malaha ee soomaalibaa leh.
3-digle iyo mirifle,wadaadkan kitaabo jeexa ah ee
shaati gaduud,ha soo qabteen ummadda ha halla hor keeno,qur`aanna hala saaro.amxaaro,walaal amxaar,soomaali uf,ereygaasna halaga mabnuuco in uu mar danbe yiraahdo.
4- dir,isaaq ummaddiisa yuusan ku hor cararine hala socdo,haddii kale balaayo meel iska raamsanaysa ayuu noo geeynayaa sidii faraskii cigaal-shiidad.
5-bahda others-ka, waxaan leeyahay iimaanka is gelsha,oo midooba wixii laydin siiyana aayar u qaado,dadkii nabadda looga daysan lahaa ayaad tihiin,siyaasaddiinnu go`aan ha lahaato,is bedbeddelka joojiya. shanta af ee aad ku kala hadleeysaan joojiya,qaylo iyo iimaan darro waa tii aad faradheerta ku xaman-jirteen haddase adinkii ayaa laydunku xantaa.
2-bahda haweenka waxaan oron la`haa dadka adinkaa hooyo u ah ee si wacan uga war haya,guubaabo-nabadeed,iyo mashxarad wixii fiican ku dhaqaaqa dimoqraadiguna janno ma`ahan,ee caqiiddo haka dhigannina,adduunka inaan is tusinno ma`ahan waa in ay innaga na arkaan ,tartiibteenna iyo diinteenna.
Soomaaliyeey,kolleey qolo ayaa dhihi doonta anaka ayuu na hilmaamay,ee haddii intaaas aan sheegay aysan suurtoobaynin,caruurta yeeynaan iska sasin,oo been iyo huuhaa xamar la soo gelin,intaas ahddii ay suuroowdo,dowladdu waa xamaaran,garguuran,socon, markaasna ordi haddii la`doono. intaas wixii ka soo haraa waa beeeeeeen,ee reer hawiyoow adinkaa ugu cawaansane heys leynina illaa inta kale shaqadooda billaabaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DALALOOS,

Thursday, November 09, 2000 - 08:37 pm
to:koofi-dhuub walaalkiis waxaad sheegtay runta adiga ka hor ma arag wax soomali ah oo soomali danteeda ka hadla walaahi waxaad sheegtay waxa soomali u baahan tahay aniga sidaas ayaan qabaa hadii la waayo,waa ha layska hadlo marka intuu yiri koofi-dhuub sameeya ama iska aamusa walaalkiis waxaan ku oron lahaa ilaahay maskaxda kaama qaado,soomalina waxaan oron lahaa ma suubiseen waxuu koofi-dhuub yiri haday arintu tahay haa waad guulaysan,hadii kale beenta aad isku sheegaysaan meesha kala taga,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mujaahid

Friday, November 10, 2000 - 11:21 am
Gaalooy jan ninkii la jiroow jab

GAALOOY JAB NINKII LA JIROOW JAB

GAALOOY JAB NINKII LA JIROOW JAB

GAALOOY JAB NINKII LA JIROOOOOOW JAB

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

liibaan

Saturday, November 11, 2000 - 01:16 am
war war waxmatarayo wadadii villa somaaliya waa la mari waysanyahay saakaytaan waxaa ka jira isbaarooyin waaweyn ee dawlada ha timaado oo cagta ha marido ama cartihii lagu soo dhoodhoobay hayskaga laabato yeysan been noo sheegine

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gaalo-leged.

Saturday, November 11, 2000 - 09:33 am
doowladan in ay cagta wax mariso looma soo dhisin .waxaa loo dhisay in ay wax toosiso,adduunku jejebis iyo qarbud iyo cag marin waa laga il-baxay,kuwa isbaaradda dhigtayna dadka ay ku abtirsadaan ayaa loo dirayaa markii ay wax ka qaban-waayaan,markaas ayaa wixii laga maarmi-waayo lagu dhaqaaqi.ugu yaraan diinta islaamka ayaa lala tiigsan oo qofkii jid gooyo wxa ku habboon ayaa lagu dhaqaaqi,marka kuwa aad leedahay jid beey gooyeen,gacan iyo lug isdhaafa inta aan laga jarin oo wadaadadu ka adeegan u sheeg dan kale ha yeesheen.