Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : Waa maxay Soomaalinimo? Yaase macneeyey ?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samatar

Wednesday, November 08, 2000 - 02:25 pm
Waa maxay Soomaalinimo ?

Sida aan u fahansanahay, su`aashaan jawaabteeda waa laba qeybood:

- Marka aan qof Soomaali ah ama dalka Soomaaliya, aan gar iyo gar-darro la safanahay ama aan wax kasta ka horumariyo ayaga , xaq iyo xaq-daraba.
- Soomaalinimo, macnaha kale ee aan u fahansanahay, waxeey tahay in ey ceeb ama wax laga xishooda tahay aduunka modern-ka ah, "nationalism" oo ah fal ka sii yaraanaayo dalal badan ee aduunka horumaray ah.

Yaase macneeyey erayga Soomaalinimo?
- Qaamuus, asal-raac leh ee aan isku raacsanahayna ma jiro , taariikh fog oo arintaas na tusaaleen kartana ma ii muuqato oo leysku raacsanyahay.

Qof walboo fikradaada bal soo jeedi, hadaad noo heeysid sharaxaad eray-bixintaas ku lug leh, ee ku saleeysan mid aan isla fahmi karno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

warfaa

Wednesday, November 08, 2000 - 10:35 pm
soomaaliyeey xageed u socotaan , xageed ka habaarantihiin , cibrad maqaadataan , dhibaato iyo qaxar waad aragteenoo waad soo marteen walina kameydan qaadna cibrad , xooluhu wadaduu ka gubto uma noqdo taa miyaad garan weyden??

ileen caqligaa dabool laga galiyaa duul haduu lumi , war wali ma qurunkii baad wadaan , qabiil iyo aflagaado iyo dood sheydaan?? ilaahey ka cabsadoo wax isku fala, dal walba qoxootinimaad ku fadhidaanoo gaal baad tuugsataan , kiinii dhinta qurbahaa meel cidla sidii eygii lagu xabaali , kiina noolna fool xumaduu kunoolyahay waad aragtaan , walina waad daba socotaan
qabiil iyo qurun ,

kobtani markaan arkay waan qoslay , siiba eraygan (Fikradaada kadhiibo ) ( akhri dooda soomaalida ) :) :) war go'e war gablame war hooge maxaan dhiibanoon akhrin , horey baan u ogahayoo u hubaaye , soomaalida waligeed si sharaf leh
umeysan doodin , doodii ragii horena waad aragteenoo buwagaad ka akhrisateen ,tusaale ahaan gabaygii guba ahaa bal dib u fiiriya , ma wax
rag kudoodu buu ahaa , waa hada ragii hore kuwaan dhaqan iyo wax garad ku tilmaameyno , kuwa baa saa ah maxaad kuwani kafili ,? soomaaliyeey idinla yaabay ilaahey kama cabsataan , ma xishootaan , dhaqanna malihidiin dee dugaag uun xaalkiina ,

war hooy war hooy war hooy dadkeygii iyo dalkeygiiyow , duulkeyga iyo garabkeygiiyow idinla dardaarmay kajooga kajoooga
kajooga qabiil iyo qurunkiisa , 10sanaaad isgureyseen bal dib isugu noqdoo fikira maxaad ka dheefteen , kii ku dhintay foolxumuu
ku dhintoo naarna wuu sugayaa , kiina noolna dee noloshiisa waad aragtaan taakadii kii dhintayna wey u hartoo wuu sugayaa ,kajooga kajooga , soomaaliyoodhan baa duul wada dhashoo waxba udarsooneyn ah ee is xishmeeya

aduunkii wuu hormaray anguna waxey leenahay , cali dhuux baa yidhi iyo qamaam baa u jawaabay iyo yawle baa soo qeyliyay iyo salaan carabeey baa soo dhaxgalay , war kuwaa waa habeen tagay dambigooda iyagaa leh oo ilaahey hortii weeye , wanaagoodana dee soomaalidoodhan bey ka dhaxeysaa ileen suugaanta qabiil malaha ,

eegga anaaba isla yaabanoo leh warfaayow maxaad kuwani kala hadli koleeba dad wax garanaya maahee , ha isku daalin , markaasaan hadana odhan dee maxaan sameyn waa duulkeyga waa dadkeyga waa nolosheyda waa sharafteyda , qaabkan qalafsan ey kusocdaam kama aamusi kro laabtaa i huri , qiimo
beelnay sharaf beelney , ilaahey iyo sharcigiisiina katagnay kheyr walba seegnay walina waan daba soconaa qabiil, yaabay
yaabay yaabay xageynu usoconaa , car wakaa sheega maxaad ka dheefteen qabiil , dadkeygow dib isugu noqda oo si saacadda isuweydiiya qabiil waamaxay qiimaduu leeyahay sheega , waa uun magac lesku gartoo leysku qaraabsado ,

war walaahay waan qalbi xumaaday calooshii baa hurtay maba qori karee nabadeeey garabkiina markaan yara miirsadaan idinku soo laaban , waa
haduu eebahey idmo saa iyo nabad galyo qoraalkeyga salaan kumaan bilaabi, waayo ?, dee wax lasalaamo matihiin ,

salaamu calykum waa eray qiimo badan rag baa u qalma mana tihiin ragaa


No: adigan ka hadlay soomaalinimo , wadaadow dad nimadeenii baniyaadam nimadeenii baa shaki kujira bal taa kolhore hubeeyoo cadey, ma dad nool beynu nahay ?? mise dugaag?? ma wax caqli leh beynu nahay mise xoolo , intaadan soomaalinimo iy wadaninimo kahdalin,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samatar

Thursday, November 09, 2000 - 01:38 am
Warfaa,

qoraal dheerna waa qortey, haddana ma garanaayo meel aan kaala qabsado, ama aan kugu raaco ama aan kugu diido.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Once somali

Thursday, November 09, 2000 - 10:04 pm
Somalidu waa dadka dhulka laga soo bilaabo seylac ilaa Kismayo. Somalinimo waa magacwadaag.Dadku waa kala qabiil qabiil. weligood colaad dagaal bay ku jireen weligoodna waa ku jiri doonaan ilaa intaay ka dhiman doonaan. Nimankoo intooda badani waa tuug beenaalayaal ah naagaha intooda badani waa sharmuutooyin beenaalayaal ah. that is the meaning of somali and somalinimo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samatar

Friday, November 10, 2000 - 01:05 am
Qofka la baxay
Once Somali,

macnaha eray Soomaalinimo, ee qaamuuskaada kuugu qoran waa noo sheegtay waana kasnay.
Ogoose qof walba macne gooni u ah ayuu u haystaa, taadana adigeey ku anfaceeysaa iyo wixii kugu lug leh.