Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: Xoog-haya Baarlamaanka KMG oo qaabilay , Wasiirka Arimaha Dibadda ee Kanada
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samatar

Thursday, November 09, 2000 - 01:12 am
Mahad Cabdalla Cawad,
Reer Agoon/ Surre/ Dir

Ottawa, Canada (Hiiraan Online) - Xildhibaan Mahad Cabdalle Cawad oo ka tirsan Golaha Shacbiga KMG ah oo maalmahan booqasho ku joogay dalka Kanada ayaa galabnimadi Axada wadahadal kula yeeshay magaalada Ottawa, Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Ganacsiga ee Kanada Mr. John Manley.

Wuxuu Xildhibaanku warbixin ka siiyey Mr. Manley guulihii iyo horumarki balaarnaa ay ummadda Soomaaliyeed ka soo gaartay shirweynihii nabadaynta Soomaaliyeed ee ka dhacay magaalada Carta laguna soo dhisay dowlad qaran oo loo dhan yahay.



Mudane Mahad wuxuu wasiirka u gudbiyey dareenka jaaliyada Soomaaliyeed ee reer Ottawa oo ku cabirnaa qoraalo boqolaal ah (petition) oo lagu taageeraayo Dawladda KMG ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Waxaa kulankaas wasiirka loogu bandhigay dadaalka dheeraadka ah ee looga fadhiyo dalka Kanada sidii dowladda KMG ah looga gacan qaban lahaa xaga dib-u-dhiska Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu soo dhaweeyey fikradaha Xildhibaanka iyo Jaaliyaddaba, wuxuuna u xilsaaray xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee u qaabilsan Afrikada Bari sidii hawlahaas loo sii gudo-gali lahaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

X

Thursday, November 09, 2000 - 03:18 am
Waaw waa talaabo horumar leh ha noolaato dowladda soomaaliya iyo baarlamaanteerka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, November 09, 2000 - 06:24 am
War mahad qaxooti ayuu Camnada ku ahaa xataa dacwada uu sharciga ku qaatay bug waaye. Ceebaa soo socota hadii media-hu arimo badan ogaado.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hanad

Thursday, November 09, 2000 - 07:04 am
Ninkaad aad sheegaysid soow ma ahaa ninkaan ku naqaanay Canada mise mid kalaa sheegee, see marka hore nin wali aan Cayrta Dowlada Canad iska gooyn uu Wasiirka u qaabilaa.

Mida kale haddii aad warka beenta ah joojin wayso runtaan soo bandhigaa meeshaan in uu markuu isdhiibaay isku in isaga la r**e gareey la f*** gareeyay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, November 13, 2000 - 03:24 pm
MAHAD CAWAD HA NOOLAADO
CADOWGIISA HA JABO
MAGACIISA KOR
SOOMALI HA IS RAACDO
XAASID NAARTA KU DHAMOOW
MAHAD ALTAVISTA IYO CEDERWOOD AA KULA JIRA
OTTAWA IYO CARLETON AA KU RAACSAN
HA CABSAN, HA BIQIN
GURIGAAGII WARTA KU YAAL AA TAGEE
DALKAAGII AAD SHARAFTIISA KOR U DHIGEE
DADKAAN WAA JAAHILLIN, WARKOODA HA U BIXIN
XABANA KAA QAADI MAAYAAN
NABADEEY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hanad

Monday, November 13, 2000 - 03:45 pm
somalia ha noolaato
thanks mahad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

M. Bosnia

Monday, November 13, 2000 - 05:52 pm
Mahad cawad waa geesi somaliyeed taariikhda CANADA baaldahab ah ayuu kaga qoranyahay ninkii og baa og kii aan ogeyna wuu ogaan doonaa, ee mahad dadaalkaga kasiiwad meeshiisa ilaahna hakula garabgalo anaguna waan kulajirnaa.
M.BOSNIA.