Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: Macagyada Guddiyada cusub ee Golaha Baarlamaanka KMG ah
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samatar

Thursday, November 09, 2000 - 05:30 am
Wargeyska Ayaamaha , ayaa maanta 09 November qorey maqaalkaan


Magacyada Guddiyada cusub ee Golaha Baarlamaanka
Muqdisho, (Apress)-Kulankii shalay ay isugu yimaaddeen Golaha Baarlamaanka oo ay ka soo qayb galeen ilaa iyo 145 Xildhibaan ayaa looga hadlay magacaabidda iyo ansixinta Guddi hoosaadyada sagaalka ah ee uu yeelanayo Golaha Baarlamaanku.
Cod bixin loo qaaday Guddiyadaas ayaa waxaa oggolaatay oo sida loo soo gudbiyey isugu raacay 127 Xildhibaan, halka 15 ka mid ah Xildhibaannadaas ay diideen, 3-na ay ka aamustay.
Magacaabiddaas kaddib Guddoomiyaha Baarlamaanka oo halkaas ka hadlay wuxuu sheegay in Guddiyadani ay yihiin Guddiyo isku mid ah oo uusan jirin Guddi midka kale ka sarreeya, dhammaanna ay u wada shaqeynayaan Golaha Baarlamaanka.
"Nin dhaqaale doonaya Xildhibaan ma aha" ayuu yiri Cabdalla Deerow mar uu ka hadlayey mas'uuliyadda saaran Guddiyada la magacaabay.
Mar uu ka jawaabayey su'aal ahayd "mar haddii aad ansixiseen dowladdii Guddiyadan aad ku dhawaaqdeen maxaa howl ah oo kaddib aad ku dhaqaaqaysaan?", wuxuu ku jawaabay "howlo aad u fara badan ayaa noo yaalla, tallaabada ugu horreysa ee aan ku dhaqaaqaynana waxay tahay in Xildhibaannadu ay safarro iyo booqashooyin ku soo kala bixin doonaan gobollada dalka si ay kalsoonida shacabka u taabba geliyaan, dowladdana halkasa uga hirgeliyaan".

Guddiga Hubinta joogtada ee Golaha Baarlamaanka
1. Abshir Salaax Maxamed
2. Fahmo Axmed Nuur
3. Cabdiwaaxid Xaaji Xasan
4. Maxamed Faarax Xasharo
5. Shire Suudi Maxamuud
6. Maxamed Axmed Jeelle
7. Mustaf Mukhtaar Guudow
8. C/raxmaan Ducaale Cali
9. Maryan Cariif Qaasim

Guddiga Arrimaha dibadda ee jaaliyadaha Soomaaliyeed
1. C/raxmaan Aadan Ibraahin "Bi"
2. C/llaahi Bile Nuur
3. Cilmi Faarax Nuur
4. Faadumo Maxamed Nuur
5. Aamina Cali Muuse
6. Ibraahin Sh. Maxamed Dusuuqi
7. Maxamed Faarax Canshuur
8. C/fataax Ibraahim Rashiid
9. Maxamed C/qaadir Abuu Cumar

Guddiga siyaasadda maamulka iyo dib u heshiisiinta
1. Cabdi Cismaan Faarax
2. Daahir Xaaji Khaliif
3. Cismaan Libaax Ibraahin
4. Xuseen Geeddi Jimcaale
5. Maxamed Barow Xuseen
6. Maxamed Axmed Caalin
7. Aadan Maxamed Cali
8. Madoobe Nuunow Maxamed
9. Xasan Cumar Xasan

Guddiga difaaca iyo nabadgelyada
1. Cismaan Cilmi Boqorre
2. C/wahab Maxamed Xuseen
3. Maxamed Siid Axmed
4. Maxamed Cumar Maxamuud
5. Caydiid Xaaji Maxamed Cusmaan
6. Ibraahim Macallin Kutub
7. Faarax Axmed Cumar
8. Cabdi Maxamuud Axmed
9. Xasan Suudi Xersi

Guddiga caddaaladda iyo dastuurka
1. Sheekh Cali Maxamed Ibraahim
2. Sheekh Axmed Koosaar Cilmi
3. Cali Xaaji Yuusuf
4. Maxamed Cali Xaashi
5. C/raxmaan Maxamed Cumar
6. Ibraahim Maxamed Diiriye
7. Sheekh Xasan Ismaaciil Bile
8. C/qaadir Xaaji Maxamed
9. Hilowle Aadan Maxamed

Guddiga Arrimaha bulshada iyo dib u dejinta ummadda Soomaaliyeed
1. Maxamed Cali Cabdi
2. Ibraahim Isaaq Maxamed Yarow
3. C/raxmaan Muuse Abshir
4. Ismaaciil Macallin Muuse
5. Xasan Daahir Cabdi Axmed
6. Wali Maxamed Daa'uud
7. Xaawo Maxamed Ibraahim
8. Eng. C/llaahi Jaamac Cali
9. C/llaahi Macallin Maxamed "Faax"

Guddiga ganacsiga iyo kaabaha dhaqaalaha
1. Shariif Xasan Sheekh Aadan
2. Jamaal Xasan Ismaaciil
3. Maxamed Cumar Maxamuud (Dheere)
4. Maxamed Jaamac Yacquub
5. Yaasiin Daahir Muuse
6. Saalax Sheekh Cusmaan
7. Cabdi Ismaaciil Kaahin
8. Xasan Cilmi Diini
9. Muuse Xaaji Maxamuud Cumar
10. Sheekh Xuseen Sheekh Maxamed
11. Zakariye Maxamed Aare
12. Bashiir Macallin Aadan
13. Caasho Xaaji Khaliif
14. Mowliid Xuseen Cumar
15. Sh. Ibraahin Maxamed Cabdi

Guddiga Lacagta iyo miisaaniyadda
1. Jacfar Muuse Iidle
2. C/llaahi Gaafow Maxamuud
3. Tahliil Xuseen Warsame
4. Aadan Buule Maxamuud
5. C/qaadir Qaasim Mursal
6. Xasan Sh. Axmed Garweyne
7. Cabdulle Faarax Xersi
8. Khaliif C/llaahi Maxamed
9. Bile Rafle Guuleed
10. Amiin Axmed Sheekh
11. Maxamed Cusmaan Bubul
12. Cabbaas Ibraahim Maxamed
13. Xersi Ismaaciil Maxamed
14. Isaaq Maxamed Maxamuud
15. Axmed Ducaale Geelle "Xaaf"

Guddiga Warfaafinta iyo dhaqanka
1. Xasan Yuusuf Xasan
2. Caadil Sheegow Sagaar
3. C/qaadir Xuseen Nuur
4. Yuusuf Suldaan Sh. Xasan
5. Khadar Biixi Caalin
6. Xuseen Cabdi Maxamed
7. Nadiifa Sh. Axmed Warsame
8. Jawaahir Sheekh Bare
9. Ismaaciil Aadan Samaale


--------------------------------------------------------------------------------

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samatar

Thursday, November 09, 2000 - 06:06 am
Xeer-hoosaadka dowlada KMG ah, ayaa qoraayo in la yeesho Guddiyadaa maantay la magacaabey.

Xeer-hoosaadka , oo ah xeer lagu saleeyey Axdiga Qaranka ee KMG ah.


QODOBKA 11aad

Guddiyada Golaha Shacbiga

1. Si uu ula socdo, una kormeero hawlaha qaybaha kale ee dawladda, Goluhu wuxuu yeelanayaa guddiyada hoos ku qoran iyo kuwii kale ee loo baahdo.

1. Guddiga Arrimaha Dibedda iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed
2. Guddiga siyaasadda, Maamullada iyo Dib-u-Heshiisiinta
3. Guddiga Difaaca iyo Nabadgalyada
4. Guddiga Cadaaladda iyo Dustuurka
5. Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dib-u-Dejinta
6. Guddiga Ganacsiga, Ilaha iyo kaabayaasha Dhaqaalaha
7. Guddiga Lacagta iyo Miisaaniyadda
8. Guddiga War-faafinta iyo Toosinta Dhaqanka