Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: Wasiiru Dawlaha Maxamed D Afrax oo is casiley
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Weheliye

Thursday, November 09, 2000 - 06:59 am
Wararka ka imanay Nairobi ayaa sheegaya in Maxamed D Afrax ay fajiciso ku noqotay in loo magacaabo Wasiiru Dawle isaga oo aan lala tashan, uuna ka maqlay warka isaga oo Magaalada Nairobi wadooyinkeeda maraya. Wuxuu intaas ku daray in uusan diyaar u ahayn in uu dowladaas la shaqeeyo waxna ka qabto maadaama ay tahay dowlad dan gaar ahaaneed wadata oo aan Soomaali oo dhan u dhamayn.

Arintaan waxa ay ka dhigaysaa Mr Afrax wasiirkii sadexaad ee dawladaan iska casila.

Su'aasha aan idin waydiinayaa waxa ay tahay maxaa dowlada ina Salad Boy ka qaldan. Mise dadku waxa ay dhaliilsan yihiin gacanyaranimada uu ahaa ina Siyaad Barre iyo iyaga oo waliba wadaaga Ina SB (Salad Boy & Siyad Barre = Ina SB

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jaciire

Thursday, November 09, 2000 - 08:00 am
Barina ma laga yaabaa in aan maqalno Ina Salaad-Booy ayaa is casilay lol

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, November 11, 2000 - 06:06 am
Asalaama Calaykum-

Anigu Mohamed Dahir Afrax, aqoonta aan u leeyahay
waa nin waa nin ku dhinta Soomaalinimada, jecelna in ummadda Soomaaliyeed ay is garabsato oo ay joojiyaan dagaaladda iyo khaladaadka ay is galayaan, qof saas u fakarayaa ma wuxuu la shaqayn
karaa kooxda ina Salad boy oo isku bahaystay in qabiilo kale oo Soomaaliya in ay waxyeelaan. jawaabtu waa maya.