Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics: AKHBAAR
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdulahi

Thursday, November 09, 2000 - 07:26 am
Soomaliyeey waxaan dhowaan safar ku tegey puntland ama waqooyi bari hadba kaa u taqaano. Waxaan ka dhashay qabiilka shiikhaasha waxaana u aaday waa anoo la socday shirkad Canadian ah oo arimo business u aaday qaybtaas Soomaaliya.

Waxaan isku dayayaa inaan idiin sheego waxyaabaha aan lasoo kulmay:

1- Dowladda: Dowladdu haba yaraatee wax ay dadka u qabato maleh. eleboorka magaalada ugu weyn ee goboladani aad ayuu u liitaa waxaana ku filan lacag ka yar $100,000 laakiin dowladu haba yaraatee ma dayactirto. sidoo kale jidka eleboorka kasoo baxa oo magaalada imaada wuxuu u baahanyahay dayactir. Magaalada dhexdeeda wadooyinku way liitaan. Dad ayana weydiiyey waxyaabahay dowladu qabato waxayna ii sheegeen haba yaraatee inaanay wax qaban. Canshuur ayey dekeda ka qaadataa waxayna ku masruuftaa shaqaalo aanw ax qaban iyo kaaba qabiilo.

2- Amaanka:
Waxaan oran karaa waa meeshii ugu amaanka badnayd oo aan waligay arkay. Magaalooyinka waaweyn ee Maraykanka iyo Toronto waxaa 100% ka amaan badan goboladaas. Wiilal aan xamar Saaxiibo ku ahayn ayaan ku arkay oo waxaan socdaal aad u dheer ku aadnay gaalkacyo anagoo wadana laba landcruisero iyo hub la'aan. Socdaakla qaar ayaa habeen ahaa isla markaana cabsi marna lagama hadlin. Magaalada Boosaaso waxaan kua rkay baabuur u raran Burco oo aanay la socon baabuur waardiyeeneysa. Magaalada Boosaaso aad ayey amaan u tahay. Nabada waxaa ugu wacan waa ayadoo an dagaalkii sokeeye soo gaarin oo nin walba mininkiisii deganyahay.

3-Waxbarashada: Goboladani way ka reysteen dowladii Siaad Barre sababtoo ah waxaa jira iskuulo private ah iyo kuwo masaari dhigto oo tartan ka dhexeeyo. Waxaa qwaar macalimiin ka ah macalimiintii lafoole.

4-Diinta: Waxaan aad ugu farxay haba yaraatee ma arag naag madax qaawan ama nin iyo naag isla socda. Qof walba oo qaan gaar ah iyo caruurtuba way tukadaan. Waqtiga salaada dariiq walba dadbaa ku tukanaya masaajidaduna wabuuxaan.

5- Bulshada: Waxaan ka hadli karaa magaalada Boosaaso oo kaliya maadaama aan kaligeed waqti badan ku qaatay. Waxaa ka buuxa dadkii Xamar ka imaaday oo ka badan kuwa magaalada loogu imaaday. Waxaa maqlaysaa ciyaal waabari xagay ku sheekeystaan iyo ciyaal howlwadaag ayaa gaarigan leh. Waxaa kaloo ka buuxa dadyow aan markii hore gobolka u dhalan oo isugu jira reer Baydhabo iyo reer Afgooye. Waxaa kaloo aad magaalada u degan oromo iyo itoobiyaan kale. QWaxaan ku arkay Saleebaan (habar gedir) baayacmushtar ku leh waxaan kaloo arkay qabiilo kale sida nin abgaal ah oo UNta u shaqeeya iyo nin Murursade ah oo baayacmushtar ku imaada. Waxaa kaloo jira group wadaadoa h qabiil walba leh oo Xamar iyo Boosaaso ka dhexeeya.

Dhaqaalaha: Goboladani waxaa ka jira dad aad u badan oo self employed ah taasoo aad u horumarinaysa gobolada. Wax walbaa laga helaa xataa waxaan ku cabay cabitaanka Canada Dry oo Canada lagu sameeyey.

Bari waa buuraley aad u qurxan. Eleboorka Boosaaso waxaa ku dhegan buur aad u dheer oo daruuraha ka koreysa. Boosaaso way kulushahay laakiin dhinaca koofur waxaa ka xiga magaalo qardho lagu magacaabo oo laba buur oo dhaadheer u dhexeysa aadna u qabow. Biyaha subaxdii weesada aad ayey kuu dhibeysaa qabow magaaladani intay ka qabto. Hadii wadanku fiicnaado oo nabad la helana waxay noqon kartaa meel loo dalxiis tago sababtoo ah labada buur oo ku dhegan ka sokoow waxaa ku dhegan valley asna qurxan. Marka dhinacaas laga soo tago waxaa bilowmaya dhul siman oo geedo yar leh. Magaalada Gaalkacyo waxay noiqon rabtaa bsuiness power house oo waxay u dhexeysaa koofurta Soomaaliya, Puntland, Somaliland iyo itoobiya. Laakiin magaaldaan guryaha hub culus ayaa yaal waxaana isla degan laba qabiil oo colaadi ka dhexeyn jirtey inkastoo malintii ay wax walba caadi yihiin.

Siyaasada: Waxaan aad ula yaabay waxaa arkaysaa madaxda gobolka oo meel walba lagu caynayo iyo ayadoo aan dadku isdagaaleyn. Waxaa u malaysaa in dadku ay xcor u yihiin inayw axay rabaan oran karaan. Haba yaraatee ma maqlaysid dad is dilay ama wax isku yeelay arin siyaasadeed. Dadku wax walbay leeyihiin. Dad badan oo raacsan dowlada Xamar iyo kuwo badan oo ku leh waa ognahay inayan dowladda Puntland noo qaban waxaan ka filayney laakiin Xamar wajiga ma siin karno sababtoo caruurteena caruurtooda ayaa wixii nalaku sameeyey lagu sameyn karaa. Oday ayaa igu dhahay maandhow hadaan hada xamar ku laabto oo gabartaan awoowga u ahay anoo dhintay la fara xumeeyo wiilahsana nalaka laayo soo anigu khaladkaa ma lihi? Dadku waxay rabi lahaayeen inay ka marrmaan koofurta Soomaaliya laakin ma diidana in hal waddan la ahaado. Gabar dukaan gadaysey ayaa igu dhahday sida maraykanka waa inay Soomaliya noqoto oo gobol walba kaligi is dabaro laakiin korka hal waddan laga ahaado.

Qabiilka: Hal mar xataa qabiilkayga wax i weydiya ma arag. Waxaa ogaa qabiilkayga intaan la sheekeysey oo ana u sheegay kaliya.

Tuugada: Magaalada Boosaaso qofkii wax xada isteeshinka waxaa la geeyaa asoo sifiicn loo qaraacay oo isbitaal u baahan. Dadka jidka maraya ayaa isugu taga. Maalin nin tuug ah ayaa dariishad cid leedahay kala abxay dhar, dadkii lahaa ayaa ku dhawaaqay magaca tuuga tuuga. Ninkii inta la qabtay aya alaamiga lagu jiiday, waxaa iigu danbeysey asoo isteeshinka loo wado oo caruur rabta inay sii qaraacaan laga celcelinayo.

maxaa kale? waxaan soo arkay dhalinyaro ka tegey Sweden, Australia, USA iyo Canada oo baayacmushtar ka bilaabay. Magaalada Boosaaso waxay leedahay xeeb aad u fiican oo la isku arko. Waxaan arkay Soomali badan oo ka kala imaaday dhamaan dhinacyada Soomaaliya sida dad reer Hargeysa ah oo meesha baayacmushtar u imaaday. Waxaan kaloo soo ogaaday business people soomalida inayan lahayn xuduud.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Puntlander

Thursday, November 09, 2000 - 07:58 am
Thanks

I am very happy for your feasibility study in Puntland State. I am from Puntland in particular Gardo/Bossaso. I was there in 1995, I know security of those state is always been maintained by their people and their leaders together. I hope, many puntland expetriate will go back and rebuild their homeland. I also hope those in southern people would understand the meaning of security and governence in their area.Thanks for the accurate information that brought us from puntland.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, November 09, 2000 - 11:35 pm
Aad baad u mahadsantahay kama iman goboladaas, laakiin waa dalkaygii iyo dadkeygii oo xaalad fiican ku nool,waxaa kale oo aan ku farxay in qofka soomaaliga run sheego taasoo inaga dhamaatay waayadan ama arimaha si dhexdhexaad ah u sharxo ee uu san buunbuunin lid ah iyo ku dardarid been(ammaan) ah uu san samayn sida dhaqankeena waayadan ka buuxda, horumar baan u rajayn Dhulkaas iyo dadkiisaba Soomaalina midnimaan u rajayn.waxaa se adigoo raali ah kuu sixi in aysan Gaalkacyo xuduud la lahayn Itoobiya ee ay la leedahay dal Soomaaliyeed ee Ogadenia ama (S/Galbeed) kol ood dhahdo ha dhihin Itobiya ayaa Gaalgacyo xuduud leh. Inta kale oo dhan waan
kugu ammaanayaa.!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

adan yare

Friday, November 10, 2000 - 07:59 am
Marka hore aad baad u mahadsanatahey, sida dacaada ah ee aad ugu war bixisay Puntland ama W/B
hadaba waxaa muhiin Nabada aad ku amaantey gobaldaas iyadana ugu horeysa hor u marinta

Marka xiga xukuumada way dadaashey hadayba mamul abuurtey wali waxaa ka dhiman nadaam iyo hab dhaqaleed hufan (econimic Format) ay ku hor marasa adeegyada bulshada, Sida
1) Airport
2) Dekada
3) jidadka
4) Hor u marinta deegaanka ITC
5) Wax barashada
6) Caafimaadka
7) Ganacsiga/suuq geynt/maamulka
8) kaluumasiga
Marka waxey u baahan tahey maamul dacaad ka ah

waayo waxaa ognahey iney dawalada is ticmaasho kaluumasiaga bada iayadaa ka qaadato xoogaa lacaga

ayana qaybsadaan inta yar ee mamuulka ku jira

waayo ma soo saarto warbixin ku saabsan inta soo gashey iyo inta ku baxdey iyo meelaha laga kala heley.

Waxaan u rajanayaa sii daadaal dadka reer Puntaland/ iyo somaliya inta kale oo ay ka dhalato nabadgelyao iyo is raac dhamaan somaliya waaayo sidaas bay dani ku jirtaa kuna gaari karnaa hor u mar.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Runlow

Saturday, November 11, 2000 - 10:31 am
Asalaama Calaykum-
Nabadgalyadda iyo Xasiloonida Goboladda Puntland waxaa ugu wacan difaaca adag ee Galkacyo, wiilasha yar yar oo har iyo habayn aan seexan ee godka ku dhex jira, oo waqti u helin in ay waxbartaan, in ay guursadaan, sababtoo ah waxaa markasta ku soo duulaan ah mooryaanta xalaalaystay dhiigga dadka baniaadamka oo uusan ilaahay cafinayn aakhiro. wiilashaasi waxay ogolaadeen in dadkoodu ku raaxaystaan dhammaan magaalooyinka waaweyn ee goboladaas iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed ee kakala yimid goboladda kale.
waxay isku dhaarsadeen in aysan tuutaha dhigin oo aysan kala jeclayn injirta ku kor soconaysa.
Dawlad goboleedka Puntland uu hormoodka u yahay madaxweyne Cabdullahi yusuf waxaa loogu doortay in uu yahay ninka kaliya today dhidibada u aasikara nabadgalyada iyo talawadaaga goboladaas,
wiilasha aan soo tilmaamayna ninka ay amarka ka qaataan waa isaga oo ay isugu xiran yihiin teleefoonka hotlineka. marna mahaweysan karaan wixii abaabulay carta in ay baabiiyaan wixii aan intaas ku soo dhimanayn.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdirisaaq

Saturday, November 11, 2000 - 01:44 pm
To abullahi,

Thank you very much.You really deserve my respect.You have a keen observation.And a honest reporter too.

This is the first time i read anything in full detail about Puntland.You gave me a broad picture of how life is in Puntland.

My mind is polluted by the awfull pictures of starving somali kids in Western media.Iam glad that is not the case.

And iam glad Puntland has a cosmopolitan lifesyle where every one is welcome from the four corners of the world.

I will be very happy if you come back again and give us a picture of how the enviroment is.Though you mentioned a little bit of it.Thank you again.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, November 13, 2000 - 04:42 pm
ninkaan waa shiikhaashii Xalaasha ahayd ee maahan kuwa xamar ee mooryaanta noqday.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Burtinle

Monday, November 13, 2000 - 11:44 pm
aNON HAHAHAHAHA yea bro... u rite..
Alxamdulilaah for what puntland have achieved.
Viva Puntland

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Keyse

Tuesday, November 14, 2000 - 03:28 am
Salaan kadib
A/laahi aad ayaad u mahadsantahay warbixintaadad qaaliga ah

To:Runloow ok haday jiraan!
waxaan sidaas kuuleeyehey meesha jabahad ma haysato ee wa dawlad.


Nbadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/Waaxid

Tuesday, November 14, 2000 - 10:25 am
Asalaamu calaykum

Wixii kheyr ah oo Soomaaliya laga sheego waa arin fiican laakiin waxaad arkeysaa dadka wax qora qaarkood caqligooda, khaasan qofka la baxay Runlow oo aan moowduuc aan qoray wax ka yiri, Wuxuu halkaan ku leeyahay horumarka Waqooyi Bari waxaa ugu wacan Gaalkacyo, meesha la rabey inuu ka yiraahdo Allaah.

Marka Walaalayaaloow Qofkaas oo kale ma haboontahay inaan la kaftamo?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HARGEISA

Tuesday, November 14, 2000 - 09:36 pm
DHAMAAN,


dee waan ku faraxsanahay hadii ay abtiyaashay horumar gaadheen ilaahna ha usiyaadiyo iyaga iyo soomaaloo idil.

salaam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KEYSE

Wednesday, November 15, 2000 - 02:13 pm
MAHADSANID SAAXIIBKEEN KA SOO WARAMAY GOBALADA WAQOOYI BARRI EE SOOMAALIYA.WAA ILAAH MAHADII WIXII SAN EE AY GAAREEN,ALLAHA U SIYAADIYO,DALKA INTIISA KALANA INTAA IYO INKA SII FIICAN ALLAHA WADA SIIYO.OGAADA RABI CIDNA MA DULMIYO EE DADKU IYAGAA NAFTOODA DULMIYA.WAXAAN ORAN LAHAA GOBALADA KALE.DADAALA WAAD GAARI DOONTAANEE.INSHA ALLAHU.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, November 16, 2000 - 08:46 am
:):(:O
: :">:p

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GAALAKAYO

Friday, November 17, 2000 - 02:39 am
asalamu alaykum, br

aad baad ugu mahadsantahay warbinya accurate ka ah ee aad nagasssisay dhulkeena Puntland ilaahay ha xifdiyee, aad baan ugu khushuucay akhbaartaada iyo horumarka aanu gaarnay, inkastoo aan kafilanayay dadkayaga intaas in le eg,

caqliga dood sidhaafsiga wada hadalka waxaa dhaqan uleh umad ilbaxa garnaya qiimha qofka walaalkaaga ah.

hadba waad ku mahasan tahay reportkaaga.

thaNK YOU BR.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KhadarYare

Saturday, December 09, 2000 - 08:08 pm
Waa beej cusub oo aad ka helikartaan waxwaliba oo ku saabsan Somalia waxa uu laayahay xataa arag iyo maqalba..


http://Come.To/PUNTLAND

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhabayaco

Sunday, December 10, 2000 - 03:36 am
Khadaryare,


Booooowe Bari laga reeysay, ari Booowe aa sarahaaa qurxoon ma xaafada Majiirtiinya ku yaaliin ,OOOOOPs Puntland State , what a joke.


Duuliso: Asli Hassan Cabaade maxaa ka Puntland or Majiirtiinya soo naag OGAADEEN ma ah.

Midda kale waxaad halmaantay quruxdda Hoteladda Xamar ee ka dhisan maanta sida :
1- Hotel Ramadaan
2 -Hotel Laf- Weyn;
3- Hotel Suxufi
4- Xarunta Tv- HornAfrica;
iyo intaas oo badan oo bilicdooda la yaabay,

Boosaasoo, xaar-ka meelkasta dhooban yahay baad xayeeysiin nuugu sameeyneeysaaaaaaaaaaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

taageer

Monday, December 18, 2000 - 09:37 am
war waxas iska daaye odey cabdulaahi xilka inuu tiriyo diyaar ma u ahaa mise wuxuu jecel yahey inta uu ka dhimayo inuu meesha soo kaduudo..
taas kasoo jawaab .
mideeda kaleeto yaa kuu faraxey in tuugada la layo ma sharciga humanitiga ayaa ogol in waxla dilo yaa taas kuu aqriyey mise mareykanka texas baad kaga noo shahey oo dilkaad ka danbeysa
mideeda kale maxaad qardho uyaseysa oo u dhaheysaa magaalo qardho lagu sheegaayey
ma fiicnid adiga walaahi
cabdulaahi oo kale baad tahey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

teneg

Monday, December 18, 2000 - 09:39 am
abdulaahi yuusuf goortuu dhimanayo masoo ogaatey