Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : Midow Somalia Ma danbaa noogu jirta
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, November 10, 2000 - 04:01 am
Mar hadii aan so marnay kaligii taliyenimo is xasuuq qabiil wax ku qaybsi iyo cadaalad darro maxay tahy faa´iidada noogu jirta midowga somalia.Miyaysan habooneyn in gobal walba gooni ubaxo goonina isu xukumo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

runsheeg

Monday, January 15, 2001 - 07:57 am
waaruntaa anigu kuguraacsani

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, January 15, 2001 - 09:22 am
Waxaa nasiib daro ah in maskaxda dadka soomaliyeed ay dagaal oogayaashu heystaan. tan dagaal oogayaashana itoobiyaanku heysto. bal fiiriya dad badan waxa ay ku hadlayaan , war xaq raadintu ma aha in waxloogu dhimo midnimada umada.
haddii dagaal ooge wax u dhimay arintaas ma aha in aan anaguna kasii darno ee waa inaan usu tagno oo iskaashanaa . sabaabtuna ilaah baa yiri isutaga oo xariga ilaah qabsada hana kala tegina......., marka waxaan qabaa inaan ku daciifeyno kala taga ee ragow joojiya arinkaas.
wasalaama caleykum waraxmatulaahi.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali

Monday, January 15, 2001 - 09:56 am
Asalaamu calaykum dhamaantiin, waxaan aniga qabaa in aan lakala go'inkarin sababtu waxa ay tahay in haddii la kala go'o waxaa dhacaysa in ay amxaarada inka faa'iidaysato waa sida hada jirtee,waxaan kale oo idinku daryaa in maantey soomali israacdo waxaan raali ka ahayn America {USA}iyo ingriiska itopinka kenyan iyo uganda sababta ay raali uga hayn mar haddii ay somali aya ka dhacdo dowlada is wada raacsan waxaa loo baqayaa masiixiga ku nool itoopiya iyo kirishtaanka kenya ayda ay kabaqayaan sida sudan ay u kashay {joon karaan }waa kan ka dagaalamaya sudan. marka waxa ay kabaqayaan hadii somali maantey ay suubiso sida sudan laba mid cunaqabateen wax uga matareeso sababta ay tahay waa mida waxa ay qodanayaan beeraha uu ilaah siiyay iyo dadka soomaliya oo maantey ubadan aduunka oo mudahaaraad istabajooka ah ka suubin kara marka sidaa iyo siyaabo badan ayaa kalifaysa in maantey somali la jah wareeriyo hana isku qaldin siyaasada iyo waxayaalaha ee jira waxan idin layahay soomaaliyaay ka faa iidaysata joornaalada ee aduunka..........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SIIRAAN

Monday, January 15, 2001 - 10:11 am
aan kala go'no wali hoos haloo sii kala go'o saan ayaa dan noogu jirtaa.
midnimo seey u taal?.
qudbadihii kacaamka ayaad nasoo xusuusin maguul wade ayaad ahaan jirteen?
nin walboow gurigaa u tasho midnimo waa leysku qaldaa ogow..
dhalinyaro iyo guulwade weli waa jiraa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kacandid

Monday, January 15, 2001 - 12:39 pm
Salaaam
waxaan la yaabaa dadka yiraahda lama kala go karo ama soomalinamada iyo wax ka hadala .
soomalidu maaha dad meel ka soo wada jeeda waxaa isu keenaay oo qora afsoomaliga markaa waxan oran lahaa afsoomaaligaasna nin waliba gurigiisa hakaga hadalo
hadaad midnimo maqasho waa sheeko dad gaari ayku qaraabtaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, January 15, 2001 - 04:33 pm
waan idin salaamay kuligiin, midniomo waa tan xamaaradu iyo gaaladu idinkaga cabsan jirtay waxaa jirtey in mudo ah in ay gaaladu layaabanayd dad isku diin ah isku Af ah isku eg. marka gaaladu waxay dhihijireen dadkan haddii aan laga hortagin waxa ay noqon doontaa arin.......... in taa kadib ayaa nin igariis ah baa waxa uu yiri soomaali haddii aad rabtaan in aad burburisaa waxa oo kaliya oo aad ku burburinkartaaan waxaa waaye in qabiil qabiil layskugu diro marka waxaan idin lee yahay soomaliyay midnimada way ay fiican tahay maantey in laka lago'o mahan ee waan in sidi iyo sidka fiican loo wada dhaqamaa oo lays cafiyaa .........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, January 16, 2001 - 12:45 am
War nimanyahow waxaa soo noqday haddaladii kacaanka,bal fiiriya:midnimo,cadowga amxaarada,iyo phrase-yo very superficial ah oo dadka sanka laga gelinaayo.........yaab!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JILIB IYO LAF

Wednesday, January 17, 2001 - 06:01 am
HABA LAKALA GO'EE LAFTEE AMA JILIBKEE BAA U TALIN GOBALKAAGA?
XIQDIGU IYO NACAYBKA QABIIL MA KAAHARI?
JAWAABTU WAAMAYA
MEESHU HADDA MA TAAGANA DAAROOD IYO HAWIYE
MAJEERTEEN IYO MAREEXAAN
EE WAXAY TAAGANTAHAY
LAFIHII UGU YARAA) SIDDAA AWGEED WAXAA NABAD LAGU HELI KARAA SOOMAALOO MIDOWDA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Issa

Tuesday, January 23, 2001 - 03:09 pm
aan kala go'anee wax kala go'a bal na tusiya. Wadanku waa mid mana kal go - goi karo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

feker

Thursday, January 25, 2001 - 12:39 am
To somaliya:
Dadka ku doodaya in la kala go,
waxaad ii sheegtaa maxaa faaiido ah oolaga helikaraa kadii lakala go oo aan lagaarikarin iyada oolasku duubanyaha.
yaa qaadanaya ama yaa iska leh "public goods" sida Dekada boosaaso, laamiga isku xira xamar iyo waqooyi, Dekada Barbera, Warshadaha soomaaliyeed,
Maxaa yeelay lacagta lugu dhisay mashruucyadaas waxeey kayimaadeen canshuurihii laga qaaday dadweena soomaaliyeed,
Meyeey jitrtaa gobal soomaaliyeed oo gaarikara isku filnaan? sidee baad ufahantay iskufilnaan?
Maxaad ubaryeeysaa Itoobiya aadna ugacareeysaa Jabuuti? maxaad isaga dhigeeysaa nin kunool meel hormartay
waxaa laga yaabaa inaad kulatay Poosaaso ama hargeeso aadna diidaysid inaad wax kudarsato koonfur. Markaa waxaa su aal ah maxaad qeerad ah oo aad leedahay aad doonaysaa inaan lugula qeeybsan.
mise waxaad sugeeysaa in ninkii ku shubay qalbigaada figrada gobaliyse inuu yimaado oo uubedelo programming oo uu yiraah do sorry I have made mistake, this is not viabable decision let us go back to somalise


feker

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wanaajiye

Tuesday, January 30, 2001 - 05:51 am
HALKAAN WAXAA KACADAATAY IN SOOMAALIDU AY SI'AAD AH UGU RIYAAQSAANTAHAY QORSHIHII ITOOBIYA EE AY MUDADA DHEER KUTAAMAYEEN OO AHAA IN SOOMAALIYA QABIILQABIIL LOO KALAJARO KADIBNA MIDBA MAALIN AY MADAXA KAGARAACDO SOOMAALIDU WAA WADAN YAR OO AAN GOBOLGOBOL UKALA QAYBSAMI KARIN WAXAA KALIYA OO AY U QAYBSAMIKARAAN WAA QABIILQABIIL QABIILADA QAAR WAXAY KU HOOS NOOLYIHIIN KUWAKALE DADKAAS YAA UMUSLIN AH SAW GUMEYSI KALE IYO CAR HADLA MASII HOOS GALAYAAN SIDA WIXII KUDHACAY DADKII BOORAME BANAANBAXA KUSAMEEYAY SOOMALILAND'SE GURANTEE MAKA HAYSTAAN HDII AY SOOMAALIYA KAGO'AAN INAY AS A ISAAQ UHESHIINAYAAN I DONT THINK SO WAX YAR KADIB WAXAA BILAABANAYSA IN QABIILKA DHAXDIISII ISKU QABSADO XUKUNKA KADIBNA LAFBALAF LA'ISUSII XIMIYO SIDAAN INAY JIRTANA QOFWALBA OO SOOMAALI AH WUU OGYAHAY LAKIIN WAXAAN UMALAAYNAYAA WAXA ILAA HADA SOOMAALIDU XUMAANTANA UGU FIKIRAYSO SAMAANTANA INDHAHA UGA DADANAYSO AY TAHAY DAD ILAAHAY ROGAYO OO GABIGOODABA JIRITAANKOODII BAABA'AYO .BAL WALAALAYAAL AMA AAN KAWARSUGNO INTA AAN KABAABA'AYNO AMASE AAN SIDA ISU DHAANO .....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amakaag

Wednesday, January 31, 2001 - 05:00 am
Labada qorshe oo is barbar yaalla maanta waa inaan guulaysanno as a nation,iyo inaan baaba,no as a nation.
Maxaa soo haraya markaan as a nation u baaba,no?
Waxaa soo haraya waa qabiilooyin aan kutiirsanayn dawlad!
Fikirka noocaas ah cidaan soomaali ahayn oo uu kasoo fuli karo kollay anigu aqoontayda maggaranayo!
Dadka dawladda Jabuuti lagu soo dhisay diiddan ra,yigoodoo kooban waa midka ku qoran toobbiggaan!
Waxay rabaan haku andacoodeene waa cudur qabiil oo ka indha tiray wax kastoo caqli gal ah!
Dib waxay ka noqotiyo duugga balaan dhawrro!