    shandooli dile | Friday, November 10, 2000 - 02:03 pm Waxaa jirta in erayga goida soomaalland aan ka xanaaqno hadanu nahay reer koonfur, hadaba mayaynaan ogeen in shacabku wuxuu doonayo la siiyo? MAYAYSE inaga qarsoon tahahay in shacabka reer waqooyi ay doonayaan in ay gooni isu taagaan 70%? MARKA WAXAAN U ARKAA ANNIGA FIKRADAYAD IN SHACABKA WALAALAHEEN AH WAXA AY DOONAYAAN AAN U OGALAANO haddii kala waxay naqonaynaa dad aan waxba dhaamin dowladdii siyaad barre? MAXANU ULA HADLI WAYNAY WALAALAHEEN? maynuse arinka ku dhamayno wadahadal; haddii ay jiraan dadka diidan gooni isu taagidu oo ka tirsan reer waqooyi aniga oo aan jecleen in aan qabiil u kale qaado maynu ka qaadno afti. HADABA WAXAA ILA GUDBOON IN LAGA TASHADO QODOBADA SOO SOCDA 1 IN AFTI LAGA QAADO REER WAQOOYI OO DHAN HADAY GOID RABAAN IYO HADII KALE 2 IN LOO WADA HADLO REER W IYO REER K 3 IN AAN LAYS DUUDSIN EE WAX LAYSU WADA OGOLAADO 4 IN REER WAQOOYI AY KA QAYB QAATAAN DIB U HESHIISIINTA REER K 5 HADDII LAGA FURSAN WAAYO IN LA KALA NOQDO LABO FEDARAALOO KALIYA 6 IN REER WAQOOYI LA SIIYO MAGAALO MADAXDA AMA MADAXWAYNAHA Marka balaka falanqooda qadobada aan idiin soo sheegay, annigu waxaan ku dhashay marka caday mana ahi nin ku faana qabiil iyo wixii la mid ah,laakiin waxaa iga hadlisiiyay reer waqooyi oo had iyo jeer nooga caraysiiya waan goaynaa ; |
    Anonymous | Saturday, November 11, 2000 - 02:50 am NIN AN WAXBA OGAYN IYAAD U EGTAHAY. FIKRADDAADDU WAY FIICNAAN LAHAYD HADDAY REER WAQOOYI ISKU RAACSANYIHIIN GO´ITAANKA. NASIIB DARO TAASI MESHA MA TAALO. MALA SHEEKAYSATAY DADKA REER WAQOOYIGA AH AN ISAAQA AHAYN(GADABUURSI,CIISE,DHULMAHANTE,WARSANGALI....) . DHAMAANTOOD WAXAY DIIDANYIHIIN OO KASOO HORJEEDDAAN SOMALILAND.ISAAQ QAYBKA MIDDA IYAAN KU QANACSANAYN DOWLADDAAS. MARKAAS SIDEY KU DHACAYSAA IN KOONFUR IYO WAQOOYI LA ISKU HORFADHIISTO? |
    shan dooli dile | Saturday, November 11, 2000 - 12:56 pm haddii laga badan yahay dadka raba goida soomaaland waxaan kuu sheegi lahaa in arinta meesha ay marayso ayna tagteen; marka nin yohaw annigu ma kala qaadin dadka dega waqooyi mana jecli in aan qabiil soo hadal qaado adiga oo is ka dhowraya caadifadda qabiilkaaga ka hada talooyinka aan ku soo waydiiyay haddii se aad badi kufaanayso maxaa ku diidan tahay in afti laga qaado dadka reer waqooyiga ,arinta isa soo hor fariisadka k iyo w waa muhiim maxaa yeelay in la saxo khaladaadkii hore loo galey maxaa ku diidan tahay |
    Anonymous | Monday, November 13, 2000 - 05:52 am WAR HORTA MAXAA IDIN DABA DHIGAY REER WAQOOYI HORTA HADAY NA RABIN SOOMAALIWAYN MAQASABAA? HORTA TIISA DARYEELAA TU KALE KUDAREE HORTA DOOLAD KUSHEEGTII LAGU SOO WALAAQAY JABUUTI MEELDHIGA WAATA AY MUSQULIHIINA TAGI KARI LAYIHIIN EE. DADKA QABA WAA LADUUD SIINKARAA WAX SOCONAYA MAAHA DOOLADII AFWAYNE EE AHAYD DAWLADAHA GEESKA AFRICA UGU XOOGA WAAWEEN BA WAA TII WAXNAGA QAADIWAYDAY CAQLIGIINANA WAXAA KUJIRA WAA KABADANTIHIIN AM WAXKALEBA LAAKIIN RUNTA WAA OGTIHIIN IN AY IDINKA KARTI BADAN YIHIIN. TIISA DARYEELAA TUKALE KUDARA MAATIDIINA MEELDHIGA WAA KU WA ILAA YUHUUD GALAY. |
    Anonymous | Monday, November 13, 2000 - 09:41 pm hadaan ahay reer koonfureed saxiibayaal marka runta loo hadlo wax aan uga baahanahay waqooyi ma jiraan, bad, beero, macdan, intaba waan leeyahay maskax aan kaga shaqeytana waan leeyahay, waxsoosaarkeygana suuq aan u iibo geeyona waan leehay oo waxaa ku noo 5 milyan iyo wax ka badan oo dad ah marka ha iiga dhigina inaan u baahanahay waqooyi, amaba ay nolosheya ku xiran tahay, nin walbo naftaa saxiibayaal yaan lagaa badin aniga koleyba raigeyga waxaan qabaa kala go`a, si aan mardanbe geed laysugu soo ganbanin, oo lagu marmarsiyoon koonfuraa saas na yeeshay iyo koonfuraa saan sameysay, waxaadna ogaataan hadii ay run ahaantii ay koonfur idinla dagaali lahayd iyadoo is wadata, miyaad saacadaaan hadal yaali lahaa meeshaan? |
    Anonymous | Wednesday, November 15, 2000 - 02:55 am MA GU,ID BAY RABAAN? YAY KA GO,AYAAN OO KU DHEGGAN? waxaan qaba inayna gu,id rabin ee ay madaxtinimo uun rabaan taasna xaq bay u leeyihiin(waa siyaasiyiinta Isaq) laakiin "baqbaqaaga" kuwa dhawaaq gabiga ahee beri ka maqlay SNM waa la go,ayaa looma sheegin in arintaasi baalxoofto(Goolaaftan) ahayd iyo gorgortan,hadaad Somali Naruuro ka waydey ma Itobiya aad Naxariis ka heli? wax midoobay iyo wax kala go,aya ma jiraan waayo qabaa,il Soomaali ah oo qabiil guud ku aroora(Somalida G/Afrika cilmi ahaan waa hal qabiil) ayaanahay isticmaar baana na qaybiyey ee taariikh iyo siyaasad iyo dhaqan toona nama qaybinin,sidaas dateteed ma jirto cid cid u timid, iyo cid cid ka tageysa toona,hadaad ka waddaan intii Ingiriisku gumeystay dee eegga ingiriis ma joogo,hadaad ka wadaan qabiil reer sh.Isxaaq ah ayaan isku raacaynaa dee DHulbahante iyo Warsangaliba anaa kaa xigga oo Ogaden(Darod iyo Harti intaan la gaadhin) ah kalana hadhi mayno taniyo aakhiro,anaa raba inaan iyaga ku darsado haddayna iyagu rabin xataa,bal tanba fadh ma istidhi kobtaasay ka mudh odhan.kula dhib yaraa Somalibaan kala goyn "Aaba weynaa libaaxa dacaro qaaday" baa nin laga sheegey.waxaa kale oo aanaan kala hadhayn reer hawd iyo Garxajis fiisana inaan u qaato ha filin haddaad Xabnashi sidaas ku heshiiseen!!,Ciise iyo Samaroon Somalinimo ayay rabaane ma ku sanduleyn Dawlad qoobad ah oo ku wa bariisata Hanjabaada Xabashida subax walba. "ama buur ahaw ama buur ku tiirsanow" ayay Somalidu tidhaa walaalayaalow dawlad miskiin ahi kuma noolaan karto G/Afrika ee ha is kharibinna,Isaaqow annagaana aragnay waxay Xabashi tahaye haddaad ladantihiine xamdiya,Hargeysaa ka nolol fiican Ardisababa haatan waxayna sheegtaan inay 4000sano xor ahayeen, wargeys xor ah kama soo baxo Ardisababa. "sidaan kuugu lisay iigu hambee" bay tidhaa Somali waxaan idin weydiiyey soo PM,kuxigeenka PM,FMiyo 44 xildhibaan ma laha reer woqooyi markaan laga waddin Isaq,wardee Somali ka xishooda ayey hadda ila tahay,mise dadka meeeja isugu yimaadaa ama ku doodaa waa in aan xilba saarayn oo iskaa u dhereg ah oo waxay doonta ku hadasha ,hadday sidaas tahay Xaal qaata,raalina iga ahaada una noqon maayo |
    NURA | Friday, November 17, 2000 - 08:22 am ALAYLEHE WAA IS KA HADA SHEEN KU WA IS KU SHEE GAYA HARTI AMA SOOMALI KOONFUREED? |
    Anonymous | Monday, December 04, 2000 - 04:02 pm Dhamaantiin waad salaamantihiin, Aduunyadan hore u martay ayaan sanado ku noolayn oo durba waanakaas oo hadalada waan iska dhagaysanaynaa. Waa Ilaahay mahadii! * Anigu waxaan ahay reer Somaliland, runtii ninkii furay qodobkan, wax aqli kal ay ayuu ku hadlay. Mahadsanid. * Marka labaad Reer koonfur ma yaqaanan in laysla adlo, oo lagu xaliyo dhibaatoda( ilaa uu ajahanabe dhex jooga mooyee) ninkan aad ku sheegtaan in uu niiyahay madaxwayne, wakaas oo mar walba dal qalaad ayuu u duulaa si uu u raadiyo nabad, dadkii u nabada u raadinayayna uu ka see socdaa. _ Hadii aan nahay reer waqooyina waxaan niraahnaa hadii ciibtaadu dad qalaad maqlaan ma wanaagsana, markaa waxaan jecelahay in aan anagu xalino dhibaatadayada.( inkastoo aan dhibaato badan leenahayba) Mar sadexaad, Itoobiya iyo Reer koonfur marka runta ladoonayo, bili'aadinimona laga hadlaayo, aad ayay niiga wanaagsayihiin itoobiya. waayo sidaad Hargeysa iyo Burco u gasheen waad garanaysaan, markaad dadkii layseen, guryihiina burburiseen, then saqafkii iyo dharkiina waad kuratii. Bal waxaa eega, itoobiya ma samayseen. 1977, itoobiya in aad ka gar daryaydeena ogaada, markii dagaaladu nagu dhacay kuligeen, itoobiya iyo Kenya. marka labada lasla barbardhigo itoobiya ayaa noo roonayd.( itoobiya waxaad ku samayseena waad og tihiin) # finaly, hadii aan nahay Somaliland waligiin waxba isku darsan bayno, guryaha ha lakala ilaaliyo, lakiin wixii busness ah waan isla wadaynaa, oo afsoomaali ayaan ku wada hadalaa oo waan iska xigsanaynaa itoobiya iyo Kenyaba. nabaday |
    kaniin | Monday, December 04, 2000 - 04:51 pm waxaan fahmiwaayey mawaxaad moodoon in daaroodkaliya itoobiya kunoolyahay. maxaadse ugabaqdaan shisheehaya, soomaalidana geesiyaal iska dhigtaan. at least halv of isaaq live so called reserv area which was part of somaliland. 1954 and 1948 british gave to itoobiya. gues what? the isaaq were fighting the british side. Now the british siad, whole somalia must to vote if somaliland willbe grant indepedent!!!. do not invest that much for the ethiopian, even if you hate other somalis |
    Anonymous | Tuesday, December 05, 2000 - 03:41 am Dadkan aad leedahay isaq ayaa u badan, wax kastaba ha ahaadiine, maanta iyaga ayaa kaa nolol fiican, hadii aad ku soo dari lahayd Somali dhibaatadaa faraha badan ayay ka soo darsami lahaayeen, so please leave those peacfull people along. |
    Mohamed | Tuesday, December 19, 2000 - 08:57 am To:Shandoole dile Horta waxaan jecelahay inaan ku salaamo, ka dib anigoo jeclaystay su aashaada jecela inaan kaaga jawaabo baan haddana arkay magca sare eed la baxaday, maana aan jeclaysan run ahaanttii, nin daacad oo suaal dood u baahan baad keenay baad tahay laakiin iska jir waxa haddana dib laguugu soo eegaayo, intaasi tiiyoo ay iga tahay kaftan saaxiib. Anigu waxaan ahay nin reer waqooyi u dhashay dhulkana ka soo guuray anigoo nin yar ah, laakiin haddana waxaan isku tiriyaa inaan ahay nin muwaadin ah oo jecel horumarka waddankiisa iyo dadkiisa. Saaxiib Soomaalibaynu wadanahay dhammideen, intaas waxaa inoo sii dheer dadyaw muslin ah baynu nahay, qabaailkan aynu lasoo boodayno markiiba way tirsanyihiin qof Somaaliyeed oon meel uun ka soo gelin qabaailada kale ee Soomaaliyeed, bal adigu yar fakar oo faamligaaga dib ugu noqo, kuwaad wax isu tihiin idinku kuway iyaguna wuxu isu yihiin eeg waxaad ku soo noqon in Somalidu ay yihiin One Family. Dhinac kae haddii aan wax ka eego waa maxay Soomalinimadu goor mayse bilaabantay, Saaxiib waxa la yiraa nation State wuxuu bilaabmay 200 -300 sanno horteed, dawlado may jiri jirin addunyadan, baasabooro muu jiri jirin waxaa jiri jaray qabaailo iyo boqortooyo, ka dib makay kala adkaadeen qabaailadii yio boqortooyadii ayaa waxa bilaabmay waxa aynu imika u noqaan dawlado kaaso iyaguna kala qaybiyay dadyaw isku qabaail ahaa amba isku boqortooyo ahaa, isku diin ahaa si ay u sameeyan dawlado kala jaad jaad ah, tusaale u soo qaado Somaliya oo uu gumaysigii kala qaybiyey haddan is waydii oo intii ka horaysay ma dawlad baynu ahayn maxaynu ahayn maxaase inaga dhexeeyey. Waxaan jecelahay inaan caddeeyo in falsafada loo yaqaan dawladnimo ay tahay wax binuaadam sameeyey oo qaladaad badani ay ku jiraan marka horeba. Waxaan taa kuu bardhigayaa in iminka laga guuraayo wixii aynu lo oran jiray nation State oo loo guuraayo Internationlism(dawlado badan oo isu tega) imikana aybilaabantahay think about waxan ay u bixiyeen Globalisation, capitalisation tusaale u qaado Yurub oo bilawday 1962 markii ugu horaysay ee la soo qaado United of Yurub waa lagu kala tegay oo waxaa loo arkaayey waxaan dhici karin, maanta eeg halka ay marayso, Africa already waa la hadalhayaa 29 Dawladood baa saxeexay, saaxiib addunyadu waa taas sidaa isu bedelaysa. Xagga diinteena Miyaad diinteena ku aragtay haddaynu Soomali Nahay, ama ugaandha England amba United Nation iwm. Diinta islaamku waxay ku tire dhulak meeshay doontoba ha ahaatee ilaah baa leh, cidina kaama xigat, haddii ay meel kugu adkaatona ka haajir oo meel kale ayaa laga yaabi doonaa in aad ku khayrto. Saaxiib waa ugu horayn eh, wax aynu unaaqano muwaadinimo ayaa marka horeb aan calaamo suaal saarayaa, taasi se maaha doodayda maanta, Haddiise aan u soo noqdo su'aashada, Soomaalidu 1960 bay baadi doonayeen waxa ay maanta Addunyadu doonayso oo ah inay is doontaan oo ay cudu xoog leh noqdaan. Daka waqooyi ma necba walaalahood koonfureed ila taariikhda haddii aan dib ugu noqdayna waxaan helay inay ahaayeen kuwii bilaabay inay midoobaan koonfur, oo ay xamar ka soo degeen, koonfurna ay ku raacday inay walaalahooda kale doontaan waxaan kale oo aan ku xusuusinyaa walaal lagama qaadin waqooyi aftin raacitaanla koonfur ee waqtigaa, waxaa iyana mudan in ay jireen waqtigaa dad reer waqooyi ahaa oo diidan inay raacaan koonfur, laakiin daka reer waqooyi iyagaa uun is ogaa in ay badan yihiin kuwa Somaali wayn Doonayaa. Haddaba haddii ay taariikhdu sidaaas tahay wax baa dhacay anigoo kuu soo gaabinaaya, kuna dhacay gidigeenba, dad iyo dalba, Qorshaheenii siyaasiga ahaana wuu baaba'ay, kasoo ahaa inanu isu keeno Somali wayn taasoon ahayn wax aynu isku canaan karno innagu ee ah wax suurtageliwaayey(think about how many somaliya baa inagag dhintay dagaalkii Ethopia in order to get Ogadeiya) what about Jabuuti, miyaanay kaga bixin Somaliya Somali Wayntii(Somali waxay ahayd Dawlada keliya ee u hadasha amab ha noqota UN amaba dawladaha kale Jabhadihii markaa jiray ee reer jabuuti, hiil iyoo hooba waynu lagarab taagnayn) taasi waxay keentay inay aakhir ku doodaan Jabuuti Somalida ku nool waxaa ka badan Canfarta kuwaas oon ahayn Somali therfore Dawlad gooniya baanu noqonaynaa. Saaxiib waxyaalaasi waxay keeneen fashilan aynu ku fashilay Somlio Wayn, hadaan waxaa taas soo raacay Dawladii Siyaad Barre ooo qayb qaybisay, kala fadhfadhisisay isuna dhexdhigtay colaado iyo Dhiigyo faro badan dakii Soomaliyeed ee is Jeclaa doonayeyna inay soo helaan kuwa ka maqan. Dabadeed waa waajib ina saaran inaynu dib u habayn ku samayno siyaasaddeena, waa inayni dib u dhisnaa kalsoonidii ummadda Somaaliyeed, si aan waqti uga lumin dibu habayn iyo wax wada qabsi aynu bilaabnaa, Therefore Waxa kuu soo baxday Reer waqooyi oo isku duuban oo yire dawlad baanu noqonaynaa, waddnakyaga baanu dhisaynaa, waani isa soo habaynayanaa, idinkuna sidoo kale soo sameeya, Dawlada Waqooyi waxaa markaa dhisaayey ka mid ahaa Tuur, Ali Galyd. Maxaa kuu diiday inaad tiraahdo waan idinku raacay, ta kale xusuunaw in aan amrna laga tegin in Somali Wayn dib la isu keeno I think SomaliLand oo dawlada, Jabuuti oo Dawlada iyo Somaliya oo dawlada oo dhamidood kuu fadhiya UN, ISLA goorahaantaana aad dhisayso walaalnimada ummada Somaliyeed meel ay joogaanba inay ka Jaanis fiicantahay siyaasaddii hore ee jujuubka iyo xooga ahayd, maxaa wacay waxaynu dhisaynaa generation cusub oo aqoontteeda leh, is wata, isla goorahaantaana waxaynu la dagaalamaynaa Povertiga oo dhulkeenii baynu dhisanayna. Waxaan jeclaa inay Dadka Soomaliyeed ee reer Koonfureede soo dhaweeyaan dawlada Somaliland, inama anfacayso inaad tiraahdo maya ee ma go'aysaan, xornimada ay doonayaan kama hor istaagi karno Sida uu iminka Abdi Salaan doonayana aniga ra'iyagayga waxay ila tahay inuu xawilaayo in uu isku diro, qabaailka Somaaliyeed ee waqooyi degan, maxaa yeelay markaad laba nin oo iska soo horjeeda aad midan tiraahdo adaa dawlad ah kakalena Jabhad buu noqon aakhirna mid uun baa dhiman abdi Salaana kama dambaynayo waad ogaydeen dawladii Siyaad siday ku dambaysay. Saaxiib adigooo iga raaliya, waxaan jeclaan lahaa in daka soomaliyeed ee reer koonfur Ictiraafaan dawlada Somaliland, waxa kasoo horjeedana aynu erino madaama ay majority yihiin, tusaale Osma Kalluun muxuu ka soo kordhinkaraa degaankiisa anoo weliba la dhashay oo xogogaal ah markaa sidee buu u meteli karaa ummad aan waxba ka aanu waxba kasoo goyn karin, danse ma u tahay Somalida Koonfur inay sidaataan nin aan usoo celin karin amaba waxba ka bedeli karin mawqifka ay Somali Land goosteen. Waxaan leeyahay waxaa timid waqtigii dadka shgicibka ay goyn lahaayeen talda Somaliyeed not Tuug dhoof dhoofa oon waddankaba ay tirsan tahay cida famligooda ah ee ka joogta. Ugu dambayn waxaan ku soo gunaanadayaa si aynu isugu soo dhawaano ummada Somaliyeed, una dhisno generatioin caafimaad qaba waxay aniga ila tahay in Somaliland dawladeeda aynu suura gelino sida ugu dhaksoha badan ee ae ay innogu soo fadhiisan lahayd golayaasha addunka si aynu ugu gudubno Stage 2. Reer Somaliland Waxaan kula talin lahaa inay horfariistaan Somalida Koonfur oo ay ka doonaan ictiraaf from them isuna caqli celiyaan, and I am sure that is easiest way you can get recognition, you will never get from Ethopia, Kenya, America or UK .Brother and sisters believe me they are you enemies Thanks Finally i will remind you this for only intellectuls |
    Somali | Tuesday, December 19, 2000 - 10:58 am WAAR NINKU HALKUU WAX KU SOO BARTAY, WAAR DEE OROD OO INCIGAAL MEESH KA QAAD, NIN SIDAA UMMADDA WAX UGAGA DHAADHICIYA BAA LOO BAAHANYAHAY, KUWIINAN MAKIINADA WAX KAA CAAYAYANA WAAR HALAKALA FAAIDYSTO. WAAN KUGU RAACAY RAYIGAAGA ODAY. |
    Yalaxaw | Friday, December 22, 2000 - 01:14 am To Mohamed Saaxiib aad baan u jeclaystay doodaada cilmiyaysan, iyo daacadnimadaada waxaan i tusaysa xataa magaca aad isticmaalyaso, saaxiibayaalka kalena waxaaan jeclaanlahaa inay siiyaan jawaab cilmiyaysan oo aynu kala faaidaysano, anigoo ah nin reer xamar ah kan soo hor jeeday run ahaantii go' Somali land haadana waxaan fahamay oo aan qaatay rayigaaga ah in aynu siyaalo badan isugu soo dhawaan karno oo aynu wax u wada qabsan karno, waxaanan taageerayaa iminka laga bilaabo in Somaliland aan ixtiraamo go'aankooda. Thank you brother |