    Hoghayaha Madaxtooyada | Friday, November 10, 2000 - 03:05 pm BARNAAMIJKA DAWLADDA OO KOOBAN November 5, 2000 HORDHAC Sida la ogsoon yahay dalka waxaa ka dhacay dagaal sokeeye oo socday muddo dheer; wuxuuna geystey burbur lixaad leh oo saameeyay dhinac kasta nolosha bulshada Soomaaliyeed. (Well Mr Galaydh, who was behind all of this? Ask your Boss Ina-Salad Boy as he was one of the back-seat drivers of the marauding Mooryaanis!) Dagaalkii sokeeye waxba looguma aabo yeelin. Waxaana meesha ka baxay habkii dawladnimo iyo kala danbeyntii. Waxaa kale oo dhashay qas, jahawareer iyo dagaal kooxeed oo kala qoqobay goboladda dalku ka kooban yahay. (Well, again that was the seeds sown by the regime you & your Boss had happily served for a long time!) Waxaa la burburiyey dhammaan warshadihii, adeegyadii bulshada iyo hay’adihii halbowlaha u ahaa adeegga dhaqaalaha, gaar ahaan kuwii dawladda. Waxaa kale oo burburay ama dhibaato weyn la gaarsiiyey kaabayaashii dhaqaalaha ummadda sida jidadka, garoommada diyaaradaha, dekedaha, buundooyinka, kanaalada, telefoonnada, korontada iyo biyaha. Waxaa iyana la burburiyey dhammaan dhismayaashii xafiisyada dawladda oo lagala baxay albaabadii, daaqadihii iyo gabi’ ahaan qalabkii hoos yaalley. Waxaa dhulka lala simay in badan oo ka mid ah dhismayaashii dawladda. Sidaas oo kale waxaa dhibaato aan la koobi karin la gaarsiiyey Dugisyadii, Cisbitaalladii, xarumihii caafimaadka daryeelka qoyska iyo caruurta, iyo xarumihii waaweynaa ee Jaamacadda Ummadda. (Mr Galydh, here you are diffinetly talking about Mogadishu area, aren’t you? If you are serious about this and are looking for the culprits of these crimes, you need not look far afield! We suggest you talk to your Boss, Mohamed Sheikh Osman and Osman Atto who will be obliged to show you the receipts of the scrap materials that they had exported to Dubai, Sudan & Egypt!! And they may share with you some of their ill-gotten proceeds!) Waxaa la baabi’iyay dhammaan waraaqihii qaranku lahaa, mid taariikheed, mid diiwaan iyo kuwo kaleba. Maantana waxaa adag sidii lagu heli lahaa wax raad raac ah oo lagu kala furdaamiyo dhibaatooyinka bulsho iyo dhaqaale ee ka dhashay dagaalkii sokeeye. (Mr Galydh are you deaf? You should be telling this to your Boss, Ina-Salad Boy, for if had stopped the Mooryanis of his clan destroying our national heritage in their search for Dollars & Golden, today you would have had all the governmental documentations at your disposal to use as references!!) Waxaa kale oo lama huraan ah in loo baahan doono dhaqaale badan oo lagu fuliyo howlahaas ballaaraan. (Sorry mate, we can’t trust you & Salad Boy with our national treasures, as we are all aware that the two of you alone had stolen over US$20 million while you were in charge of the Ministry of Industry, and in particular Mareerey project!) Waxaanna ku dadaali doonnaa in aan ummad ahaan, dowlad iyo shacbiba aynu isku tashanno, awoodi in kastaba ha noqotee, lana kaashanno dowladaha iyo umadaha walaaleheen iyo saaxiibadeen ah. (Sorry to disappoint you again but we, the Somali Civil Society, have already warned the international community that you are nothing but a bunch of crooks and therefore no financial aid should be given to you! Haven’t you already stolen enough from the poor Somali people?) Baahida Miisaaniyadeed ee Dawladda,Sa'dka2000/2001 (Boobka deeqaha Soomaaliya sida loo qorsheeyay Sanadka 2000/2001) Dib u Dhiska iyo Dayactirka Xarumaha Dawladda Dhexe (Contractska la siin doono taageerayaasha Carta) US$ 71, 550, 000 Gaadiid, Qalab Xafiiseed iyo Daabacaadda Lacagta (Dulaalka qaaqlayaasha iyo kuwa rara Baabuurta) US$ 32, 050, 000 Dib u Dejinta Dadka Bara Kacay (Shaxaadka indheer garatada iyo kharajka marti galintooda) US$ 60, 000, 000 Dib u Dhiska & Dayactirka Xarumaha Gobolada & Degmooyinka (Soo Celinta Dadkii Xamar ka baxay iyo kharajka guryahooda cusub) US$ 46, 700, 000 Mushaarka Shaqaalaha Dawladda Dhexe (Aamusiinta xubnaha Barlamaanka) US$ 14, 020,200 Mushaarka Shaqaalaha Gobolada & Degmooyinka (Aamusiinta iyo Raali galinta Isimada) US$ 34, 699,440 Dib u Furidda iyo Dayactirka Safaaradaha (Lacagta ku baxeysa caruurta iyo Haweenka Xubnaha Dawaladda ee Dibadda) US$ 48, 271, 600 ________________________________________________ Isugeyn = US$ 307, 291, 240 Walaalayaal waxan filayaa in raali laga wada ayahay inaynu sidaas wax u qaysano! Sidaa iyo wada shaqayn wacan. Wabillaahi Tawfiiq Dr. Cali Khaliif Galaydh |