Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : MAXAA INAGU KALIFAY INEYNU KIBIRO?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SOOYAAL

Saturday, November 11, 2000 - 11:29 pm
Marka noloshaadu noqoto mid dhex dabaalaneysa hawo aduun,oo aad ku mashquulsan tahay waxa walba oo ka soo horjeeda jiritaankaaga iyo sharafta qof ahaan aad leedahay.shaki kuma jiro in cirib danbeedkaagu uu noqonayo faqri,cudur,iyo gaajo,iyadoo weliba ay inoo cadahay diiniyan iyo caqliyan in aan loo abuurin aadanaha dhibaato,balse wax walba oo ka soo hor jeeda sharaftooda iyo badbaadadooda,waxay kaga go'aan gaaraan caqligooda,waayo xaqa iyo wanaaga waa mid qeexan oo aynu arki karno,dareemi karno,balse awoodeena caqliyeed waxay dhaafsiisan tahay ama ka balaaran tahay garashada wanaaga oo qura,waayo garashada iyo aqoonta qofka waxay gaarsiisan tahay inuu beeniyo xikmada ka danbeysa jiritaankiisa.hadii aynu istusno muuqaalka dhabta ah ee qofka aadanaha ah waa marka uu caafimaadka qabo,waa mid aad u xoog badan ayna ku dheehan tahay firfircooni,kibir ,islaweyni iyo hawo aduun,taasi waxay ina tuseysaa in awooda qofka aadanaha ah ay ku xiran tahay caafimaadkiisa,waxaynu kaloo ognahay in awoodiisu ay tahay mid yar,waxaynu kaloo ognahay iney noloshiisuna tahay mid kooban,hadaba walaalayaal maxaa inagu kalifay inaynu kibiro?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Sunday, November 12, 2000 - 12:08 am
TO SOOYAAL

waxaa innagu kalfilay in aynu kibiro arrimo badan
waxaana ka mid aqoonta oo inagu yar, beri baad
toobad keeni doontaa, inagoo si fudud u ilowna
wixii dhib aynu soo marey, waxaa kaloo marmar
maskaxdeyda ku soo dhacda malaha diinta afka ayey
inaga tahay ee inagama ah niyad, waxaa taas u
daliil dad badan oo markey somalia joogeen aad
ka arkeysay wanaag fara badan, allaha ka cabsi
markey yimaadeen wadamada gaaladana isu ekaysiiyey
gaaladii isla markiibana ka dhaqaaqay dhaqankodi
iyo diintoodii, mideeda kale soomaali ahaan diinta
iyo qabiilka waxaa aad iyo aad u horumarsan qabil-
ka waayo markasta waxaynu fulinaa amarada qabilka
ee ma fulino wixii diinteenu ina fartay, diintana
sida aan u melaynaayo waynu aamisanahay ee aqoon
uma lihin wayna inagu yar yihiin dadka diinta wax
ka yaqaan,kuwa wax ka yaqaanaana waxay madaxa isu
geliyeen diintii, qabiil iyo siyaasad.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saalax

Wednesday, January 24, 2001 - 05:51 pm
Waa su'aal da'a weyn oo madaxa daalineysa aniga af soomaaligaan ma kasaayi jilci

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GEEDI

Tuesday, February 06, 2001 - 10:01 pm
Aqoon darada ayaa ah waxa inoogu wacan inaan kibiro,waana aragnaa nolosheena maanta halka
ay ku danbeysay gaajada,cudurka,iyo faqriga-
waxaa inoo keenay waa kibir iyo jaahilnimo.
mana muuqato in laga waantoobay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHAALID

Wednesday, March 28, 2001 - 10:12 pm
ILAAHOW SOO HADEE SOOMAALI,ILAAHOW DHIBKA AYKU JIRAAN KA SAAR ILAAHOW HOGAAN XUN BAY GACANTA U GALEEN MARKEY KUGU CAASIYEEN ILAAHOW KA QABO KUWA XAQDARADA KU HAYA UMADDA SOOMAALIYEED ILAAHOW QALUUBTOODA ISKU SOO JEEDI AAMIIN.

SOOYAAL QORAALO BADAN OO AAD QORTAY BAAN ARKAY WALAAL WAXA AAD KA HADLEYSO MA GARAN KARAAN DADKA HALKAN WAX KU QORA WAAYO WAXAY WELI KU MASHQUULSAN YIHIIN DHIBAATADII KEENTAY BURBURKA HAKA DAALIN WALAAL XITAA HADII AYSAN KA JAWAABIN WAXAA LAGA YAABAA INEY AKHRIYAAN HADII AY TAASI DHACDANA WAXBAA KU HARAYA MASKAXDOODA.
WABILAAHI TOWFIIQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sagal

Thursday, March 29, 2001 - 03:59 pm
to.khaalid
aamiin baynu leenahay waayo waynu aragnay dhibaato ha ay jidho,arinta kale ee ah maxaynu u kibidhnaa dee waa aqoon daro iyo jahli waxaase haboon inteena wanaaga og in aynu baraarujino kuweena moogayaasha ah.mahadsanidiin.