Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: Amiirka dalka Qadar Hamad Khaliifa Al- Thaani oo Qaabilay Dawladda Soomaliya
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samatar

Sunday, November 12, 2000 - 12:32 pm
Jariiradda " Ayaamaha" ayaa qortey maqaalkaan:


Wararka Maanta | Axad 12-ka Nofembar 2000



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo si diirran loogu soo dhoweeyey Qadar

Muqdisho, (Apress)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhoweeyey magaalada Dooxa ee dalka Qadar.

Diyaaradda Madaxweynaha oo sidday oo ahayd mid laga leeyahay dalka Qadar ayaa markii ay ku soo dhowaatay hawada dalkaasi Qadar ayaa waxaa si aad ah looga sheekeeyey dalka Soomaaliya, iyadoo la xusay inay tahay markii ugu horreysay ee Soomaaliya muddo tobon sano ah ay ka soo qayb gasho shirka ururka Islaamka, waxaana kaloo la xusay in Soomaaliya ay tahay dal Muslim ah 100%.
Diyaaradda markii albaabka laga furay waxaa ka soo degay Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan, waxaana ka hor tagay Amiirka dalka Qadar Amiir Hamad Khaliifa Al-Thaani, iyagoo si aad ah isku gacan qaaday, waxaana halkaasi lagu garaacay astaanta labada dal. Telefishinka Cummaan oo si toos ah u soo gudbinayey ayaa waxaa la arkayey Madaxweynaha oo mid mid u gacan qaadaya mas'uuliyiin ka tirsan dalka Qadar iyo wafdigii Soomaaliyeed ee kaga horreeyey halkaas oo uu ku jiro Wasiirka Arrimaha Dibadda Ismaaciil Buubaa