    Keyse | Monday, November 13, 2000 - 01:39 am Salaan kadib. Waxaa badan qod gobolo uu lid ku yahay inuu mawduuceeda bilaabo isaga oo dhinac qaloocan uwada arinkaasna wax wanaagsan maaha. Gobolada ladhihi jiray Kacaankii afweyne kahor majeerteeniya waxay ahayeen laga bilaabo mugug ilaa iyo bari. dawladii Aweyne waxay la kulmeen dib u dhac weyn cuna qabatayn dhac,waxaan xasuustaa iyada oo dekada boosaaso waxa kasoodega lagu soo canshuuro xamar markaasna ay ganacsatadu ku khasbanaayeen inay xamar ku iibshaan, kadibna dadka uu dhashay goboladaas inay xamar kasoo iibsadaan, taas oo ah cuno qabatayn tii u waynayd. Hadaba dawladu markay sii dhacaysay ayaa dadaal ay sameeyeen rag u dhashay waxay ku guulaysteen inay helaan 1-Dhismaha Dekada Boosaaso 2-dhismaha wadada iskuxirta Garoowe--boosaaso 3-laba magaalo oo helay korontada casriga ah. hadaba dawladu markay dhacday goboladu waxay lakulmeen dagaalo kaga yimi dibada iyo mid gudaha ah oo wiilashoodi iyo waxay daba ku wataan ay fooda sidareen inkastoo ay khaladkoodi qirteen hadana dhaawac ayuu ahaa. Maamulo daciif ayaa soomaray oo hormuud uu ka ahaa SSDF iyada oo kor ay kaxukumeen isimadu Hadaba maamuladaas wax horumar ah uma keenin gobolada dhaqaalahana waxay sheegi jireen in ay ku bixiyeen difaaca. Dadka goboladaas dega waxay rajadooda ku xireen waagii soomaali heshiiso shirkasta oo soomaaliteedna waxay samaynaayeen tanaasulaad fiirso joogidii C/rizaaq King-Kong Abshir ay xamar joogeen iyada oo Usc weerarayso gobolo ay ay isku dadyihiin waxay ahayd tanaasulaad. tegidii uu C/laahi tegay xamar iyo heshiiskii lagu degay gaalkacyo wuxuu ahaa tanaasulaad. Hadaba shirkii qaahira waxaa la isku dayay in si fiican looga sii takhaluso laakiin C/laahi wuu diiday halka Abshir uu siiwaday tanaasulaadkiisi Puntland fikradeedu iyada oo jirtay markaas ayay baarka lasoobaxday waxaana sifiican ugu dadaalay ColC/laahi Yuusuf waxaana lagu slaeeyay fikrada wada dhalasho iyo ood wadaag ah. Wixii garoowe ka dhacay ee gacanhoosaad ah markay ku dhanmaatay in la doorto C/laahi maxaa isbadalay. C/laahi waxaa la dhihi karaa waa ka fir-fircoonyahay Kin-king iyo abshir maamuladoodu wuxuuna dhisay cudud adag oo milatari iyo boolois leh waxa uu soo celiayay kala danbayn adayg ku jiro. Maxaanuu waxba ka qaban Maamulka C/laahi dhinacyada waxbarashada waxba kama qaban oo macalimiin lasiiyo mushahar majiro iyada oo maalin walba aan maqalno lacag badan ayaa usoodegatay Dhinaca caafimaadka waxba kama qaban majiro dhakhaatiir mushahar u xaadira Dhinaca adeega bulshadana sidoo kale.raga uu madaxda ka dhigto oo badanaa ah dad aan lajeclayn oo dawlado badan soomaray. Caburin dhinaca saxaafada ah. Waxaa soo dhoow waqtigii doorashada puntland hadaba aniga fikradayda C/laahi ahaan isagoo ah adeerkay oo anan necbayn hadana kuma waafaqsani siyaasadiisa waana maalitii isgana lagu maamuusi lahaa dhismihii Puntland loona dhiibi lahaa dhalinyaro wax baratay yaqaana habka nolosha furfuran iyo sida waxloo maamulo iyagoo leh shakhsiyad hufan. nabadeey |
    Anonymous | Monday, November 13, 2000 - 02:37 am beenlowyohow khaniiska ahi ka fariiso carrada. oo tag oo maqaaxidaad ka sheekayn jirtey ku noqo. netka ayaad sheekadaadii baararka lagaaga nacay la soo gashay. haddaba bax nacallaa ku dhalaye oo maqaaxidaadii ku noqo.. |
    Keyse | Monday, November 13, 2000 - 02:53 am War heedhe maaxaan kaa haleeyay??? |
    gurey | Monday, November 13, 2000 - 12:25 pm TO kayse waa warbixin ah very informative..intii aad meesha ka sheegtayna waa wax jira..aniga dhulkeena waxaa iigu damaysay 1997..xaga nababgeyad aad iyo aad ayaa loogu amaanay dawlada A/laahi..waana very safe everywhere laakin waxyaalaha A/llahi lagu dhaliilayo waxaa ka mid wax dad ka loo qabto ma jiraan,and most of the revenue goes to the army and.....? marka haddi dadku nabad helay way ka tanaasuleen their other demands..fair enough but now we need someone not an army man who can lead our people to prosperity. qofkan ku caayeyna waa intaa qacligiisu..just ignore the low life |
    Anonymous | Monday, November 13, 2000 - 04:31 pm meeshaan ninkii Puntland afaaraheeda ku falanqeeya waa ama mooryaan qiiq isku qarinaya ama waa tuug tolkiis raba in uu gato. xaqiiqdu waxay tahay Hawiye waxna ma xukumi karo waxna cid kale uma ogala, su'aashu waxay tahay haddii aysan Hawiye wax aan sadbursi ahayn rabin, haddii aysan qatarta wadanku ku socdo aysan u jeedin oo ama caqli xumo ama hunguri weyni dhaafisay maxaa Puntland ku qasbaya in aan hawiye xamar kaba qaad ugu noqono anagoo og waxii ay somali iyo Puntland dadkeedaba gaarsiiyeen, somalida indhaha ayay iska tiraan, Puntland maamul ayaa ka jira, ma ahan sidaan rabnay, laakiin waa la gaarin, markastana nooga fiican Hawiye maamul ay ka dambeeyaan xitaa haddii nin Daroodi ahi u muuqdo in uu hogaanka hayo. |
    Wiil-Qardhood | Tuesday, November 14, 2000 - 01:26 am to:Keyse Aad iyo aad ayaad u mahadsantahay,laakiin walaale waxaad ilawday in Cabdullaahi iyo saaxiibadii ay ka soo bilaabeen 0(ebar),oo aysan jirin lacag meel utaalay. markii shirkii Garawe dhamaaday lacagtii daynta ahayd oo reer Garawe bixiyeen waxay gaaraysay ilaa 250000$ oo kubaxday shirka oo kaliya, taasi waxay ku tusaysaa dhaqaale xumidii jirtay . Kulankii ugu horeeyay oo golaha dawladu yeeshayna waxaa looga hadlayay sidii wax looga qabanlahaa baahida aasaasiga ah sida Nabadgalyada mida gudaha(Poolis) iyo midda dibadda (Daraawiish ama milatariga ), caafimaadka iyo tacliinta.Dood dheer oo la isku hayay sida loo kala hormarin lahaa ayaa ugudamaystii layku waafaqay in nabadgalyadu tahay midda ugu muhiimsan, laàanteedna aan tacliin iyo caafimaad midna suuro gal ahayn.Marka maaddaama dawladu adkaysay amaanka waxay aniga ilatahay in la siiyo fursad ay wax uga qabato dhinacyada kale. Qorshaha (budgedka) dawladda ee 2000 ilaa 2001 ayaa ah in wax laga qabto Tacliinta iyo caafimaadka (sidaa waxaa qoray joornaalada ka soo baxa Puntland).Walaal Keyse 2sano wa muddo aad u yar haddi loo eego baahida jirtay. Aasaaskii nolosha oo dhan ayaa maqnaa. |
    keyse | Tuesday, November 14, 2000 - 05:40 am Salaan kadib: Walaal wiil qardhood weli ma habka qaloocan oo lacaga loogu tasarufo yaad garsiin no. Walaal shacabkeenu waa indha xiranyahay markii ay ku mudaaharaadaayeen maamulkooda oo ay carta kadaba digrinayeen waxaan aad u jeclaan lahaa inay ka mudaaharaadaan lacaga sida xaddhaafka ah loo baabi,inayo macno daro Waryaa dekada habeenkastaboqol milyan ayaa laga xereeyaa, garoonka diyaaradaha ee buska ahna waa loo dawarsi tagaa oo hay,ado bakhtiyay ayaa intaa loo baryaayaa waxlaga qabto maleh hadaad aragtid wad nixi Guryaha wax lagu barto waa kuwii laga dhaxlay afwayne oo aan ladayactirin hadii ladayactirona yaa hagaajiayay hay,ado khayri isku sheega Isbitaaladu dayactir ma helin kufilan qalab wanaagsan male,yaa u maqan w axaa lasheegaa soomaaliya dhakhaatiirta u badan waa reer Puntland meel ay kabexeen Úlama yaqaano qaarna waa qaxooti, Dekada sida wax loo canshuuro waa layaqaanaa laakiin weligeed hooslooma dhugan dayac ayaana ka muuqda, hal wiish oo ay ku xireen majirto waxaan arkay mid dadleeyahay oo laygu yiri waxaa laga keenay Sweden. Dhuxusha iyo ariga dhediga ah waxba kama qabtaan baa,bintooda qashinka iyo nadaafada warkeeda daa. Anigu hadaan u fiirsaday dawladu wixii lacag kasoogelayso aad ayay ugu dadaashaa markii wasaarada gaadiidku soorogtay in laysano lagoosto gawaaridana la diiwaangeliyo siyar ayay ku fulisay. laakiin aaway wixii shacabka loo qaban lahaa waa hal bacaad lagu lisay,dadkaan ilaahaybaa nabada siiyay puntlanda wayku amaanantahay habkay nabadgelyada u sugtay maanta looga baqimaayo puntland cadow shisheeye iyo mid sokeeye,maanta dadku waa inay baraarugaan dantooda ka fekaraan Boqolaalkaan malyuun waa in wax loogu qabto maaha inay laba qof jeebkood gasho,waa inaan ka dhiidhinaa waa in waxbarashada wax laga qabtaa ladayactiraa kaabayaasha dhaqaalaha sida dekada garoonka,jidadaka. Waa in bulshada caafimaadkeeda la hagaajiyaa tisaale ahaan isbitaalka ugu weyn boosaaso mataalo raajo qiimaheduna maaha wax dawladi weyday ee waa wax xitaa shacabku soogato takar aad bay ku leeyihiin. hadal iyo dantii maanta waa maalintii xisaabta koonfur waxba ka sugi mayno laakiin markaan teena wanaajino ayaan soomaali wax la qaybsankarnaa. Waagii hore waxaa doorashada lagu soogeli jiray waan idin difaacayaa kanaan idinka dhicin & Sulux baan ahay dadkoo dhan baa ijecel, boqor ayaan ahay weligey ayaan xaq u lahaa. maanta mawaxaa nala dheheyaa Ina salaad ayaan idinka difaacin no no no Shacaku kor ha u koco hana doortaan qofkii maanta caruurtooda gacan qaban lahaa nabadeey |
    Wiil-qardhood | Wednesday, November 15, 2000 - 01:08 am to:Keyse Walaal Keyse dadkeenu wacyi galin xoogle ayay u baahanyihiin. Musuqmaasuquna ma aha kuwa sare oo kaliya ee waa wax aad u baahsan taas oo laga dhaxlay Afweyne. Xilkuna waa uu ina wada saaranyahay waliba kuweena dibeda jooga oo laga yaabo in ay wax badan fahmayaan.Midda kale walaale waxa aad sheegtay dakhliga oo kaliya ee ma aadan sheegin kharajka, kaas oo lagayaabo in uu aad ubadanyahay.Laakiin walaale marna qiil uma hayo in isbitaaladenu ay raajo la`yihiin oo dakadu dayactir la`dahay, inkastoo aan maqlay in lagu jiro dayactirkeeda sidoo kalena lagu hawlanyahay isbitaalada magaalooyinka waaweyn sida Gaalkacyo, Garawe, Bosaso, Qardho iyo Laascaano. |
    Gaalkacyo | Thursday, November 16, 2000 - 10:55 am To: Keyse, Wiil qardhood & Dhamaan asxaabta kaleba Waan idin ku raacsanahay dhamaan arimaha aad ka hadlaysaan inkastoo aad moodid in ninba si u arko oo aad ku yara kala kadisan tihiin hadana waxaa cad in ujeedada guud aad isaga mid tihiin oo ah haddii aan nahay reer Puntland waan haysanaa nabad laakiin wax inoo dheer oo carabka lagu dhufto mahayno. Nabad waa aasaaska nolasha oo hadii ilaah ina siiyey waa Alxamdu-lilaahi laakiin baahidu waa balaaran tahay oo haddii aan la dhamaystirin qaybaha kale duwan ee baahida bulshada malaynmaayo in nabadu ay noqonayso mid waarta sidaa daraadeed in baahida kala duwan ee bulshadda la hagaajiyo ma ahan wax fiican oo kaliye ee waa lagama maarmaan. Xasuusnaadana erayadii ahaa AFWEYNE WAXA UU NABADAY WAXA UU NA BARAY AYAA KA SII DARAN. Abdullahi waxa uu mar walba ku fikirayaa oo qura inuu jagadiisa xagsado sidaa darteed shillinka soo gala gacantiisa waxa uu faraha ka saaraa kaaba qabiil aan iiman iyo aqoon toona lahayn iyo afmiishaariin xilligii afweyne soo shaac baxay oo musuqmaasuq iyo dad isku dir, qabiil abaabul iyo wax la mid ah irsaaqadoodu ku xiran tahay. Hogaamiyeyaasha kale ee ku magacaaban xilaalka kale duwana waxay Excatly shaqadoodu tahay sidaas oo kale. Tusaale haddii aan idin siiyo kii loo dhiibo maamulka dikadda ama il dhaqaale oo kale waxa uu isu qaadanayaa in reer qansax oo uu ka dhashay la yiri ka masruuf dikadda ama isha dhaqaale oo kale oo uu faraha ku hayo ee u arki maayo in uu xilkaan bulshadda oo dhan u hayo oo wixii dhaqaale ee soo baxa ay bulshadda oo dhan u dhaxayso oo bulshada wax loogu qabto. Siyaasiyiinteena kale sida Xasan Abshir, mohamed abshir, king kong, abdi hashi, casharo iyo xasharo dhamaantood wax ay fikrad ka toosan tan abdullahi oo ay la yimaadeen ma jirto inay isaga xukunka kula loolamaan ma ahana ama ay dawladdo isku sheeg sida midda carta ay ku biiraan oo danta kaliya ay leeyihiin ay tahay TOODA KHAAS AHAANEED IYO XUMEE NINKAAS UUN. Waxaan anigu ku talin lahaa in dhamaan dadka aan magacyadooda kor ku xusnay xilligooda aan ka gudubno oo aan ku uruurino guryaha loogu talagay dadka hawl gabka ah oo gaboobay waayo maskaxiyan iyo jismiyanba waa gaboobeen. Waxaana muuqata in aysan waligood dhargayn oo aysan is oranayn xilligii waxaa la gaaray aad jiilalka idinka dambeeya jaaniska siin lahaydeene isaga taga shaqadda oo u daaya dadka yar-yar oo xoog iyo aqoonba idinku dhaama. Dhinaca anshax xumadda laga bartay maamulkii afweynena wax wayn laga qabto oo laga takhaluso wax allaale wixii dhaqanka noocaas ah oo kale leh. waxaan u baahan nahay dad tan guud ka fikira oo tan gaar ahaaneed iyo jifi ama beel ka fikirka ka koray wa bilaahi tawfiiq |
    Keyse | Friday, November 17, 2000 - 01:14 am Salaan kadib: Gaalkacyo aad ayaad umahadsantahay waana wax wada xaqiiqa waxaaad kahadashay. Waxaa lasoo gaaray waqtigii iyaga la baanan lahaa, waxaa lasoo gaaray waqtigii shacabku baraarugi lahaa, laakiin maxay kunuugtaa ama kanuugtaa, waxaan kaloo maqli jiray, xagee dhaanka loorari ragbaa dhababy ceelkiiye. Waxaa dhihi karaa maanta fursda dhalinyarada waxbaraty oo hufan ugama furna laakiin waxaa u furan halgan iyo dadaal. Viva Puntland. nabadeey |
    Wiil-Qardhood | Friday, November 17, 2000 - 02:01 am Waxaa aniga walwal igu haya iydoo Puntland aan wali qaan Gaarin(10sano) in ay dadkale oo madaxa ka jirani oo qaba cudurka Carta iyo soomaalinimo aan dan noogu jirin, waxayse kale oo ila tahay in inta aannaa ka hadlin "halgan" aan ka hadalno oo aan isku raacno waxa ay Puntland inoo tahay iyo waxa ay soomaaliya noo tahay hadiise aanaa isku waafaqin Soomaalinimada iyo Puntlandnimada waligeen gaarimano meel ee waxaan noqonaynaa dad waligood halgamaya oo waxay u halgamayaan aan aqoon oo aan meel loo soo raaco lahayn. waxaad se kale oo ogaataan in markasta loo baahanyahay odayaal waayo arag ah oo soo arkay dhibkii ay soo mareen dadka Puntland taasoo keenaysa in tanaazulaadkoodu uu yaraanayo oo lagu khiyaani karin soomaalinimo. Anigu waan rabi lahaa in dad dhalinyaro ah oo fikradda Puntlandimada aad u aaminsan in ay xukunka qabtaan, laakiin aan soomaalinomo laga wada hadlin illaa ninkasta ama qabiilkasta uu gobolkiisa soo dhisto. |
    burtinle | Friday, November 17, 2000 - 09:38 am walaalayaal,waxaa meeshatan iigaga muuqda dad doonaya in ay askarigas jaahilka ah u ceeb qariyaan una cimri-dheereeyaan.illaa hadda wax muuqda oo uu qabtay ma jirto,nabadda ka jirta puntland waa mid ma hurto ah waayo innaga oo qur ah ayaa deggan dhulka intiisa badan oo cadaw dhexda ugama jirro.waxaanse idiin sheegayaa in haddii nabad iyo horumar lagu gaarayo waa in aynu wax la qabsannaa walaalaheenna kale ee koonfureed waayo waqooyi isaga ayaa baahidiisa asturi la`.cidna kuma qasbayo in xamar uu aado laakin waxaan idinla socodsiinayaa in mudo dhow dhaqaale aad u baaxad weeyn oo loogu talo galay soomaaliya oo idil uu soo gelayo gacanta doowladda soomaaliya.waa in aynu wax la qaybsannaa cabdullaahina pesionkiisa waa loo qori doonaa sida cigaal, waana qorshe guud ee mid gaar ah ma noqonaso arrintu. |
    ABSHIR | Friday, November 17, 2000 - 03:59 pm Waxaan si gaara hadal u leeyahay kuwa raba in ay reer PUNLAND jahwareeriyaan,Kuna beerlaxawsadaan in kuwa Xamar jooga ay wanaag soo wadaan.Laakiin xaqiiqadu sidaa maaha,Sida aad ula socotiinba wax- a ay isu soo aruurinayaan:NSS,Guulwadayaashii iyo kuwii la midka ahaa.Kuwaasoo ah aydii shalay mark- aan danta Somaliyeed u dhiidhinay,ayagana baabi,i- naayey jiritaankeena.Walaalayaal inta Cadawgeena isku dayayo habkasta uu ku baabi,inayo jiritaanka Puntland aynu iska ilaalino wax kasta oo midnimad- eena wax yeelaya.Marnaba ha hilmaamina in lagu ji- ro marxalad uu Ilaaheena gacanteena geliyey go,aa- minta ugu danbeesa ee ah in aynu ismaamulno ama lana maamulo,Runtuna taas weeye. Ogaada qofku noloshiisa waxa ugu horeeya ee ubaa- han yahay waa nabad iyo xaquuqdiisa Aadanimo oo la sugo labadaa haddii ay dawladeena sugtay inta kal- ena Eebbe idnki waynu ee aynu u sabirno wax kasta- na ogaada in aan hal habeen lagu dhammeen karin. Hadaba ama Cabdulahi marlabaad ha la doorto ama Madaxweyne kale aan doorane,Waa inaynu markasta u fududeena hawshooda inagoo isla markaa u sheegayna khaladkooda si ay isu saxaan,Taasna Dimuqradiyada ayey ka mid tahay adoon Dalkaaga wax yeelin ayaad Dawladda waxaad ka saluugsan tahay u sheegi karta. Midna waxaan leeyahay kayse,Nin yahow arintaada ima cajabin waayo dheg wax ugu sheegaada ayaa bat- ay,Waxaan kala saari la,ahay in aad NSS tii ka mi- d ahayd iyo inaadan PUNTLAND u dhalan iyo in hadd- a lagu soo hawlgaliyey?.Saddexdaa midkaad tahay k- ala cadee.Mahadsanidin. |
    Badhan | Friday, November 17, 2000 - 07:18 pm Puntland ha noolaato faqashna ha dhacdo. Xaasidka iyo dabadhilifyadii afweyne ha dheceen. Nimanka koofurta daga ee xaarka gacmaha ku cunaa ha dhaceen. Reer waqooyiga inta xaasidka ah ee ka xun horumakayaga ha dheceen. |
    WIIL-DHULBAHANTE | Friday, November 17, 2000 - 07:18 pm PUNTLAND LAMA NOQDEE WAA LOO DHASHAA. DADKA IN LA AFLAGAADEEYAA MAFIICNA. NIN WALIBA RA'YI AYUU LEEYAHAY EE HALA TIXGELIYO. INAGOO WADNA PUNTLAND AYAAN TA SOMALI WAYNA KA QAYB QAADAN KARAA. WAANA INAYNU TAAGEERAA DAWLADDA CUSUB EE CARTA LAGU SOO DHISAY ULANA TAGNAA ARAGTIDEENA IYO WAXA AYNU DAMACSANAHAY. UNA SHEEGNAA SOMALI WAYN IN PUNTLAND LAGA BILAABO 1998 AY TAHAY HAL GOBOL OO KA TIRSAN SOMALIA. TAA WAXAAN UGA JEEDAA IN AAN LAHAANO XUKUN HOOSAAD BUUXA. WAXAAN KALOO QABAA INAAN KULA GORGORTANO IN AAN U MADAX BANAANAHAY SOO SAARIDA SALIIDA EE HOL-HOL IYO SINUJIIF KU JIRTA SI AAN SI BUUXDA UGA FAA'IIDAYSANO DHAQAALE AHAAN. NABAD GELYO |
    Keyse | Saturday, November 18, 2000 - 12:48 am Salaan kadib: Wiil Qardhood Walaal hadaan kaaga jawaabo aragtidaada adiga oo ku mahadasan. Puntland waan aamin sanahay waana jeclahay soomaaliya inteeda kale iyadaan ka jeclahay waxaana ugu sii jeclahay Qardho oo xuduntayi taalo. Laakiin iguma filnapuntland, Soomaaliyana dhiig badan ayaa iiga qubtay halyeeyo badan ayaan darteed kuwaayay Soomaalina waan ahay. Intaa kadib waxaan maanta doonayaa in marka kowaad aan xalka Puntland meel saarno wax bedala raga maanta haystana waa in la helo. Walaal markaad leedahay ma aanay qaangaarin korwaayeel waa wada indho waxa soosocdana waan qiyaasi karna miyaad igu diidantahay in Puntland ay gorgortan ku jirto Oo C/laahi sida uu doonaayo haduu helo inuu maalin ka takhalusayo raga is oryoonaya waa Lix nin C/laahi M/Abshir The King Galayr Xassan. Hadaba walaal hadaad ogaan lahayd ama aad wadankii tagtay xaqiiqda ayaad heli lahayd boobka kasocda waa wax laga noxo Waxaa jira kuwo aan dekada ka shaqayn dameerana ka xoogwayn, maalinta mushaharka in lamida shaqaalaha ayay qaataan! Why? waa musuqmaasuq. Mida kale dawladu shaqo aan carta ahayn maleh xoogeeda oo dhana waxay saartay siday ula dagaalami lahayd. Maanta dhibta taala waxba lagama qabankaro laakiin beri xumaanteeda cidloo saaro lawaayi maayop??? Nabadeey |
    ABSHIR | Saturday, November 18, 2000 - 10:31 pm OGEYSIIS: Dhammaan reer PUNTLANDka boggan kaga xaajoonaya danaha dalkooda Puntland,Waxaan uga digayaa in ay iska ilaaliyaan.Kuwa iyagoo isaga keen dhigaya in ay naga mid yihiin,Hadana baabi,inta iyo mijaxaab- iska nala doonaya. Ninka kayse la baxayna waxaan si gooniya kuu lee- yahay,Haddii aadan kuwaa ka mid ahayn,Maxaad iiga soo jawaabi wayday suaalihii aan ku soo waydiiyey. Waryaa iscadee,Kolay lulumaa tahee meesha aadnaga soo gashay. Walaalayaal aynu feejignaano,Ogaadana in sida lanoola dagaalamayo wajiya badan leedahay.Tan ugu xunna aytahay mida maskaxda lagaala dagaalamo,ama loo yaqaan:Dacaayadxun ka faafinta,kadibna shaki kala gelinta ummadda isku qadiyada ah,Taas oo ku danbayn karta Burbur. Walaalayaal waxwaliba aan ugu horeysiino wanaagga iyo jacaylka dhulkeena PUNTLAND. HA NOOOOOOOOLAAAAAAAAATO PUUUUUUNTLAAAAAAAND. |
    Real Puntlander | Sunday, November 19, 2000 - 03:28 pm For one last time, the name is Buttland not Puntland. Puntland (bilaadal Bunt) is present day somaliland. It covers from Zeila in the west to Ceelaayo in the east. I didn't come here to insult but why call yourself for something that you are not. Puntland is Zeila,Bulahar,berbera, siyaara,Las muse, conqor, karin, Xiis, Maydh, Xarshow, las qoray and ceelaayo. None of those ports fall within the boundaries of Buttland. |
    Badhan | Sunday, November 19, 2000 - 06:37 pm And where is Saqraanland???.If Puntiland is your present day Saqraanland, than why did'nt you take the name in the first place???????. |
    JANTALA AAMIIN | Monday, November 20, 2000 - 02:41 am WAR KEYSE MARKA HORE WAN KU SALAAMEY MARKA XIGA KAN KU CAAYEYNA HADAAN HADALKIISA WAX KA IRAHDO WAA DAMEER SAKH DHEXE CIYEY . MARKA WALAALE RAALI KA NOQO TAAS AF CEYTAMEY NINKIISUU KUYAALA. OK TAN KALE WALAALE WAXAAD SHEEGTEY OO DHAN WA SAX WAANA KUGU RAACEY FIKRADA AD SOO GUDBISEYNA WA FIKRAD WANAAGSAN MARKA WALALE KEYSE P LAND WAA HORMARI LAHEYD HADEY RAGEEDI HELI LAHEYD . MARKA KEYSE HADII COD LEYGA QAADAYO ANIGU ADAANBA KUU DOORAN LAHAA SABABTOO AH WAXAAD TAHEY NIN JECEL DALKIISA IYO DALKIISA WAXANA LEE YAHEY P LAND HA IS RAACDO DANEHEEDANA HAGARATO . OGOWNA UMADA AQOONTAA KALA SAARTEY HADAAN AQOONI JIRINA WAX WALBA WAXAY NOQONAYAAN SIDAAD SHEEGTEY OO AH HAL BACAAD LAGU LISEY. SIDAAS IYO NABAD GALYO GOOD LUCK P LAND AQYARTA HALA DADALO HORU MARKUNA ANAGUU GACANTA NOOGU JIRAA . QORE . JANTAL AMIN |
    Keyse | Monday, November 20, 2000 - 06:12 am OGEYSIIS: Dhammaan reer PUNTLANDka boggan kaga xaajoonaya danaha dalkooda Puntland,Waxaan uga digayaa in ay iska ilaaliyaan.Kuwa iyagoo isaga keen dhigaya in ay naga mid yihiin,Hadana baabi,inta iyo mijaxaab- iska nala doonaya. Ninka kayse la baxayna waxaan si gooniya kuu lee- yahay,Haddii aadan kuwaa ka mid ahayn,Maxaad iiga soo jawaabi wayday suaalihii aan ku soo waydiiyey. Waryaa iscadee,Kolay lulumaa tahee meesha aadnaga soo gashay. Salaan kadib: Abshiroow horta kula caytami maayo,dhalshada Puntland adiga kaagama fadhiyo, muhiim iima aha inaadku faraxdid ama ka xumaatid maqaaladayda. Xamar baan waxaan ku arki jiray nin la dhoho C/lle gab-gable oo makaroofanqaata kuna heesa Ogaysiis Ogaysiis (Guulwadoow siyaad.....ilaa dhamaad) Marka waa adigaan makaroofanka qaataye mawaxaad rabtaa inaan niraahno(Caynaanka haay c/laahiyoow haay haay weligaa haaay) may walaal fikradayda xor ayaan la hay wadankayga waan jeclahay dadkayga waan jeclahay musuqmaasuqa waa necbahay iyo wixii dabada ku wata. Hadaan kajawaabo Inaad tahay Nss....??? horta nss shaqaysa anigu ma ogi afweyne ayayna la bur-burtay laakiin mid iga hoo Jibriil oo asalkiisu Puntland kasoojeedo ayaa aabe u ahaa nimankaas waxaana oganahay inuu ahaa ragii waxka dhisay maamul goboleedka Puntland! taa maxaad katiri mise wuu toobad keenay yaase cafiayay ma C/laahi! walaal kor ha utuurin falaar kugu soo noqonaysa. Amaa aniga waxaan ahay Puntland dhalad ah ku dhashay ku bar-baaray wax barashada dugsiga sare ku dhamaystay hadana qurbaha kunool waxana ku bartay sanad walbana waan booqdaa waxaana rajaynayaa inta wanaagsan in halgankoodu hir geli. fikradaha aan si hufan isu dhaafsano. nabadeey |
    Wiil-Qardhood | Tuesday, November 21, 2000 - 03:37 am To:Keyse Horta walaal waxaad ila moodaa in dadkii aad labo ka dhigtay in C/lahhi raacsan oo u ayidsan sidii Cabdalle Gabgable uu ku ahaa Afweyne iyo in kasoo hojeeda. Laakiin waxaad ilawday in ay jiraan dad kale oo iyagu badan. Kuwaas oo aan anigu kamid ahay waxaanna aamin sanahay in xaaladda hadba lagu jiro ay nin ku haboontahay( marba nin) , hadda midda aan ku jirno ay tahay mid ku haboon nin la xisabtami kara dadka kale ee soomaliyeed.Muhiimada ugu weyn waxay tahay Jiritaanka Puntlaand Ogowna siyaasadu mabda´ ayay leedahay ee malaha cadow iyo saaxiib gaar ah. Marka walaal haddii MAANTA doorasho laqabto oo ay ii suuro galilahayd in aan codeeyo waxaan u dooran lahaa C/laahi ama Ina Islaan Maxamed . Laakiin 4sano kadib waxaan dooran lahaa ninkii aan u arko in uu ku haboonyahay markaas, ama ha noqodo nin reer Galdogob ah ama reer Qardho, BahDir ama reer Fiqi Ismaaciil. Musuqmaasuqu waa wax laxalinkaro barri laakiin waxaa muhiim bari sidii loo gaari lahaa in laga fakaro. Sida la og soon yahayna xaaladda Soomaaliya wali madagin oo way kacsantahay, maalinkastana waxaan maqallaa hub kasoo dagay Berbera, Merka Iyo Muqdisho (Caasimadii hore ee Soomaaliya) Kuwaas oo ay la soo dagayaan hogaamiye kooxeedyada Ina Salaad BOY, Ina Caydiid, Caato iyo Ina Cigaal hubkaas oo laga yaabo in barri Gaalkacyo iyo Laascaano lala soo aado marka maalitaas Qiil manoqonayso "musuqmaasuq ayaan la dagalamaynay". Waxyaabo badan ayaa hagaagaya haddii dadka wacyigoodu siyaado waana xil saaran qofkasta in uu isku dayo in uu arintaas wax ka qabto. |
    taager | Wednesday, November 22, 2000 - 02:27 am war waa maxay abdulaahi iyo ina islaanka aad ku heyso meesha mareer mudug ayaa nolosheedaba u talinaya |
    sayid garoowe | Wednesday, November 22, 2000 - 09:55 pm ku taageer ina islaan reer mudug maahee waa reer nugaaleed ina islaana waxay u taagan tahay ina islaan maxamed yey kaa hoosdusin islaamadu waa labee intaa kadib ninka halakan raga ku doodaya iigula rayi rooni waa nin dhul-bahante maxaa yeelay waxay aniga ila tahay maadaama aan nahay dad soomaaliya waligoodna danaha soomaaliyeed waxlaga waydiin jiray inaanan hada ka roorin xilka ina saaran waayo hadaan isku raacno inaan sadexda gobal goosana waxa jirta waxyaala badan oo khilaafka imaanayo ugu horayn mudug waa meel lawada dago tan labaadna waxay tahay dadka harti ee kismaayo daga oo galaya go,doon oo aan helayn awoodii ayku tiirsanayeen ee gobalada puntland hadaan ka hadlo tan c/laahi iyo isbadal la,aanta xaga dhaqaale ee gobalada bari awalba sidaan ognahay kamaynan sugayn horumar uu maamulka c/laahi nagaarsiiyo ee mabda,eenu wuxuu ahaa inaan ka faa,iidaysano khibradiisa uu uleeyahay xaga dagaalka taasna waa gaarnay heerkii aanu ka filaynay hadana waxay aniga ila tahay in nin yar cilmi uleh sidii dhaqaalaha loo hormarin lahaa inloo dhiibo talada dalka anagoo aanka abaalka dhacayn intii c/laahi ka gaystay xasiloonida puntland waxaan jeclaan lahayn inaan aragno dhalinyarada firfircoon oo aqoonta leh in hogaanka loo dhiibo lagana gudbo siyaasiyiintan ilaa iyo lixdankii soo taagan oo aan garanayn wakhtigaagi waa tagaye wareeji talada |
    bareeda | Thursday, November 23, 2000 - 04:45 am meesha maxamud saleebanku isku heysto waa maxay mawaan reer bari xaq ey gobolka taladiisa wax ku yeeshaan laheyn mise taasi xataa hadii lawaayey reer adeer talada goboladada isku heysto maxaa fikrad macquul ah oo dadka goboladu isku raacsan yihiin loo la, yahey. adeer odey abdulaahi inuu na horboodo ilaa maalinta yoomulqiyaame miyaad talo ku gaarteen hawiye ayaa awal talo ku goostey iney moxoga diirtaan wali ilaa hada isku heysta moxogii marka tana masaanaa .......... ok .meesha haloo wada taliyo fikradana haleysla meel dhigo saasey ku qurxoon tahey . hal qofna meesha yuu hor fadhiyin waligeed ee waa in wajiyo cusub lahelaa qof walba oo siyaasada gobolada hor marin karana waa in markiisa loo dhiibaa hadii kale dadka gobolka hayeeeeeeeeeeeeeeeeeeeey u.s.c. camal waa leys cunaa walaahi in dhibaato ama qibrada kugu filan waad aragtaa geesahaaga fiiri th------------- is u mamen u undestand what i mean ........ take care and ather isma dhaafno byeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee |
    Jalam | Saturday, November 25, 2000 - 09:39 pm wiil-qardhood intaa ku darsan lahaa adaa iiga hormaray, waad ku mahadsan tahay, fikradahaada saafiga ah. |