    S/Glabeed Boy | Wednesday, November 15, 2000 - 11:49 pm Muddadii somaliya burbursanayd waxaa dhibaato aan ka yarayn tan gaadhay shacabiga somalyeed ee ku dhaqnaa Jmahuuriyadii somaliya ku habsatay umada somaliyeed ee xabashidu gumaysato warakii ugu danbeeyey waxay sheegayaan dgalaalo ba'an dhexmarayaan ciidmada Tigreega iyo Mujaahidiinta ONLF waxay arrintaan sababtay inay isdilaan dhow sarkaal oo sare oo ciidamada xabashida iyagoo lasheegay inay qaarkale oo sarakiishooda ka tirsan isku qilaafeen sababta ay ciimadamadoodu igu dhimanayaan dhulka somaliyeed waxaana kamida raga is dilay nin General ah ii qabiilada tigreega ah iyo 2 kornayl iyo midkaloo 2xidigle ah una shaqaynanyey sirdoonka Ethiopia |
    hurre | Thursday, November 16, 2000 - 09:03 pm halkaa dagaalka kasiiwada waan idin taageersanahaye markaad wadanka horaysaane waan idi laleenahay |
    Anonymous | Thursday, November 16, 2000 - 11:54 pm xABASHO WAA CADAWGA SOMALI KU LEEDAHAY GEESKA AFRIKA WALIGIIN HA ISKU AAMININA HANA KA DAYNINA DAGAAL ILAA AAD KA XOROWDAAN |
    Qarri-jiqod | Friday, November 17, 2000 - 04:07 am Somaligalbed boy Sida aad sheegataan haddii aad maalin walba dishaan intaa in le'eg xabashi way dhammaan lahayd. Sidaa darteed, been naftaada ha ku maaweelin ee wax qabso. Maxaa yeelay, waan hayaa xogta dhabta ee degaankaas mana ahaa sida aad mar walba noogu warbixisaan. |
    KOSHIN | Friday, November 17, 2000 - 04:21 pm WAA SIDEE OGTA DHABTA AH QARRI-JIQOD? |
    MAHIIGAAN | Sunday, November 19, 2000 - 06:31 pm GOOD QUESTIOM Br KOOSHIN bal qarijuqood hanooshoogo xogta dhabta ah aan isaga warka ka dhagaysanee |
    qarri-jiqood | Sunday, November 19, 2000 - 10:11 pm Haddii aad rabtaan xogta dhabta ee degaankaas, dhibaatooyin badani way ka jiraan. Waxaa jira abaaro, sababay oon iyo gaajo badan. Adduunweynuhu wuxuu u sameeyey gurmad. Haseyeeshee ma noqon mid wax weyn ka tari kartey. Haddii aad marka xiisaynaysaan dhinaca siyaasadda, dadka ku nool degaankaas waxay dhibaato badan ka soo gaadhey kilaafka caadhifiga ah ee u dhexeeya xukuumadda Ethiopia ee xilligan iyo ururada ONLF iyo Al-Itixaad oo sheegta inay u halgamaan xuquuqda shacabkaas. Aniga oo ah muwaadin ku nool degaankaas waxaan aad u xaqiijin karaa in aanay ururadaas iyo Ethiopia toona xilligan ka talin wanaagga buldhadaas. Marka haddii aad xiise badan u qabtaan dood noocan ah waynu iska sii wadan karnaa. Horaase loo yiri Waagii guduutaba ninyahaw guraya mayd beena Ninyahaw galabta ila jooga ee Godey ka sheekeyni Wallee laba gacmoodshow anigu kaama guro sheeko |
    hawd | Tuesday, November 21, 2000 - 04:16 am qarri-jiqood. horta in qofku is hafro waa shay aad u xun. dadka magacaas qurbaha ku maqlay baad tahay somali galbeed ama ogadenia waxay tahayna kama war haysid. haddaan u soo laabto arrinta cinwaankan waxaan makhraati ka ahay oon cidina iiga sheekaynin in dagaal aad u ba'ani ka socdo somali galbed. dhexmarayaana ciidamada wayaanada iyo mujaahidiinta onlf. ciidamada tigrayguna aad ayay ugu go'een dagaaladaas. sida xaqiiqda ahna waxay kaliya oo axmaaradu joogtaa magaalooyinka hawdkii oo dhanna waa laga soo shabiyay. bishiii ogosto meel la yidhaahdo dhita oo haro ah waxaa ku naf waayay in ka badan 15 sarkaal o ah ragga u taliya ciidamada tigrayga ah ee ogadenia jooga. kuwaasoo convey ay la socdeen onlf-tu ku weerartay halkaas oo ay in ka badan 77 askari ku dhinteen. idaacadaha adduunka oo dhanna laga sheegay sida bbc-da voa iyo kuwo badan oo carab ah.saddexdii bilood ee tagtay in kabadan 550 askari ayaa laga dilay wayaanada. maanta oo la joogana xiilli ay xornimada ogadenia amaba somali galbeed ka dhawdahay ma jirto xataa 77-78kii. guul baanuna ilaahay uga baryaynaa walaalaha reer somali galbeed. ciidamada tigrayguna markay gobolada somaliya imanayaan dhinacaas iyo xuduuda kenya. labadan week ee ugu dambaysayna waxaa la sheegayaa in dhawr gaas oo tighray ah kana dagaalamayay eretrea la keenay gobolka ogadenia kuwaas oo dhan over 50000 kun. sababta loo keenayna waxaa weeye iyagoo baryahaan dambe onlf-tu aad uga gacan sarraysay hoog iyo halaagna badday. marka ka isku hafray qarri jiqoodow xaasidnimadu way xun tahay siduu gabaygii S alaad Carrabay ahaa. "XASHEE NIN LIBIN KAA XISTIYAY XUMIHII WAA YAAB". SAAS IYO NABAADIIN. |
    Qarri-jiqood | Tuesday, November 21, 2000 - 09:07 pm Hawd waad mahadsantahay. Kaba soo qaad inaad maalin walba kun wayaanaha layso. Waxaad xustey inaan dalka qurbaha uun ku maqlay ogowse hadda waxaan kaaga soo qorayo ereyadan waa magaalada Godey. Marka walaal in dhib jiro ma aha wax la qarinayo. Waxaa hubaal ah inaad warar aan jirin oo shilimo qaaraan ah lagu doonayo aad haysato. Marka intaadan ruuxna aflagaadeynin horta hubso xaaladda dalka aad u hadlayso.Haddaad lib keento ma kaligaa baa isu keeni maxaan kaaga xasdiyi. Waxxanse leeyahay daris xaaladda markaa ka dib ka hadal |
    S/Galbed Boy | Tuesday, November 21, 2000 - 11:59 pm akhyaarta kulligiin mahadsanidiin aad ayaana ugu faraxsanahay sida wanaagsan e doodiina idiinku socoto wixii aflagaada ah waa meesheedee af caytama ninkiisuu ku yaalaaye waana wax wnaagsan in fikradaha la is dhaafsado iyadoo lakala aragti duwan yahay marka yaan la isku xanaaqin ee xal halla raadiyo xaqiiqadana yaan qabiil iyo nacasnimo naga indha tirin Somaliya hawada xorowdo hana israacdo kii diidana waa yeelkiis. Ilaahoow jidka wanaagsan nagu toosi |
    abdirashid | Wednesday, November 22, 2000 - 01:45 am Waxaynu la wada soconaa sida waxshinimada ah ee ay yuhuuddu ula dhaqmayso daka reer falastiin, waxaana laga yaabaa in qaar badan oo idinka idinka mid ahi ay ka danqanayaan xasuuqaas, oo aad u aragtaan in dagaalkaasi yahay mid jahaad ah haddaba dagaalkaa falastiin mid la mid ah waxaa kula jira tigreega ciidamada ONLF waana jihaad ninkii damiir lihina wuu ogyahay ee walaalayaal ninkii walaalkii taageerayowna taageer kii kalowna waxaan ku dhihi lahaa iskadaa jeejeeska lakiin ogow xaqiiqada meesha taalla. |
    AKRAM | Thursday, November 23, 2000 - 10:30 pm ONLF waa urr xoogleh una dhaqdhaqaaqa xorriyada umada ogadenia, S/Galbeeed cidii taageertaa wanaagsan cidii aan taagerin ma xuma laakiin waxa layaableh nin aan goboliiina u dhalan ama aan waxba u qabanynin ama lajira xabashida oo hadana meelaha fagaaraha ah lasoo imaanaya hadalda xataa caruurtu aysn ku hadaaqin waxaan naftayda iyo tiinaba u ku waaninayaa inaan laga tagin Islaanimada iyo somalinimada Waad mahadsantihiin |
    HAWD | Saturday, November 25, 2000 - 03:42 am qarri jiqood HADDA WAABAD KA SII DARTAY OO SIDII NIRIG YAR OO DAABATAY AYAAD MAL SII DAYSAY. GODAY BAAN KA SOO QORAYAA FARRIINTAN!! HORAAN KUUGU SHEEGAY INAADAN NIN SOMALI GALBEED KU SHUQULLE AHAYN. WAAR HEEDHE RAGGA LIBIN LAGAMA XASDEE ISU DHAAN SIDAN. OGADENIA AMABA SO ALI GALBEED HALGAN BALLAADHAN AYAA MAANTA KA SOCDA ILAAHAYNA WAXAAN UGA BARYAYNAA MUJAAHIDIINTA ISXILQAANTAY EE DALKOODA IYO DADKOODA U DAGAALAMAYSA GUUL IYO XORRIYAD. HADDANA MAALINKIIBA DHAWR DAGAAL AYAA DHACA HUBAALNA WAXAA AH IN WAYAANDA AAD LOOGA GACANSAREEYO. OO MAANTA UMMADDA REER OGAADENIA BOQLKIIBA 90% HALGANKA AYAY KU JIRAAN CIRROOLE IYO CIYAALBA. UMMADDA MUSLIMKA AH EE SOOMAALINA WAXAAN KA CODSANAYNAA INAY WALAALAHOODA TAAGEERAAN. HADDII AADAN TEGIN OODAN TOW ODHAN TIGRAYOW MAQAL JAWXO (ONLF) WAA TANI WAYNA KUGU TUMAN HIDDI HOOBEY. |
    Qarri-jiqood | Saturday, November 25, 2000 - 05:35 am Hawd waad ku mahadsantahat halganka aad waddo. Ogowse sidaas xorriyad laguma gaadho, geelna laguma dhiciyo. Waa hubaal inaan farriintii kaaga soo qorey Godey. Tanna waxaan kaaga soo qorayaa A.A. Marka haddii halgan lagu jiro qaxooti lagunma ahaado dalal shisheeye kaalay inmow oo waxaad qaban karrto qabo. Haddii kale, meelaha ka soo catyan. horaa loo yidhI ???????????. Hubaal haddii aan garan lahaa e.mailkaaga waxyaabo badan oo aanan jeclayn in aan halkan ku qoro ayaan dhihi lahaa. ANY WAY TRY YOUR BEST. AND DON'T FORGET YOUR COUNTRY. AT THE SAME TIME DON'T LOSS IN ILLUTIONS |
    Talobixiye | Tuesday, November 28, 2000 - 10:22 pm Xaqiiqdii waxay noqotay inuusan Jirin wax layidha ONLF rajo lagaqabo inay waxsoo hoysona iskabadhaaf. Lagasoo billaabo 1986dii ayaan maqlayey jabhadda ONLF illaa iyo haddana waayey meelaan ugusoo hagaago. Xaqiiqdii waxay noqotay in ururkaas yahay urur ay sammeeyeen dad u dhashay qabiilkaas hadafkoodana ahaa inay xoreeyaan dhulka xabashidu haysato waxbase ugama hirgalin illaah iyo hadda iskadhaaf waxkalee xitaa qabiilkaas magaca wadaago way midayn wayday oo qalalaase ayey kadhax abuurtay. Dhib aad u ballaaran ayey sababtay kadib markii ajendaheedii iyo aragtideediiba fashilantay. Waxaan jeclaystay inaan waydiiyo taageeroyaasha jabhaddaas bal waxa ay soo hoyiyeen oon dhib ka'ahayn illaa iyo 1986dii???. Waxaa jirey jabhado ku abtirsaday qabiil oo hore looga aasaasay dhulalka soomaalidu dagto sida SNM iyo USC, waxaa jirto inay jabhadaas kuguulaysteen waxyaabaha ay rabeen wakhti kayar dhowr sano inkastoo akhiiran ay fashilmeen labadaba oo uun ay xero qabiil soo istaageen. ONLF waxay uga duwantahay oo kaliya Jabhadahaas fashil iyo hadal bilaash ah oon soconayn waxay awoodi wayday inay iskuduubto dadka ay magacooda sidato ama dagaal ama nabad ay lawadaagaan Tigreega. Waxayse arrintu kudanbaysay silica iyo saxariir soo fodsaartay dadka ay matasho ama magacooda sidato jabhaddaas manasoo muuqato iftiin ay uga baxaan dhibkaas. Xagguu kayimid fashilkaas: Wuxuu kayimid madaxdooda oo waagii horena dawladdii siyaad barre wax laqaybsaday haddana ukala jabay saddex qayb dibadaha iskadagay oo hadal bilaash ah lasootaagan sida qaar qaxkuqoray meeshan qaar rajo kaleh inay soomaaliya jaanis kahelaan iyo kuwa dabadhilif u noqday gumaystaha itoobiya. Yaan loo qaadan inaan durayo qabiilka ogaadeenka oo qudha ee arrintu waxay kusaabsantahay qabiilada soomaaliyeed ee daga dhulka inkastoo uu farqi u dhaxeeyo ogaadeen iyo qabiiladaas oo ah dadka kale waxay ogyihiin waxay yihiin oo ah inay yihiin soomaali bilaasha oo laaluush iyo qabiil iyo qaad noloshiisu tahay dadkana maluggooyaan ee meelaha ayey iskaqaraabtaan ogaadeense maba oga wuxuu yahay oo waxaan jirin buu dariiqyada lataaganyahay waligiina xaqiiq taaban maayo. War labo mid sameeya. Ama dadka dagaal galiya ama isdhiiba oo nabad dadka u keena hanasteene, haddii kale wiil geel jira oo Tigree isxabadeeyeen hanoogu sheekayn dagaal waynbaa dhacay. Hadal badani haan mabuuxsho, siyaasaddiina cadawga ayey xoogaysay ee wiiqa cadowga ama iskagaabsada sida soomaalida kale. Talobixiye |
    Anonymous | Wednesday, November 29, 2000 - 12:43 am Talobixiye Ama Ogaadeen ahaw ama ha ahaane waxaan xaqiijin karaa in aad taabatay runtii ka jirtey Degaanka. Anigu waxaan ku moolaa degaankaas muddadii ay Jabtey Dawladdii Soomaaliyeed. Qabiil ahaana waxaaban ahay reerka dadka qaarkiis magacooda sida xun ugu adeegtaan. Iska dhaaf guul laga soo hoyee, wallaahay dhibaatada ay abuuraan xalkeedu i uusan dhaweyn. Sida aad sheegtay badi kuwa gudaha ku dhaqanina dhibaato la'eg ta ay abuureen ONLF ayey ka wadaan. Haddaba, maadaama aad la baxdey magaca ah talo bixiye, maxaad talo qumman u bixin weydey. |
    Talobixiye | Wednesday, November 29, 2000 - 03:29 am Anonn: Waan kusalaamay waanan akhriyey qoraalkaada arrinta jirta waxay tahay lagasoo billaabo 1983 dii waxaan ahaa taageero wayn oo taageero hadba ciddii u dooda xuquuqda dadka dhibban ee kunool dhulkaa waagii hore waxaan katirsanaa WSLF qaybteedii dhallinyarada kadibna waan kabaxay kadib markay caddaatay inay dawladdii soomaaliya faraha kaqaadday qadiyadda dhulkaa oo ay jabhaddii u baddashay iyada maleeshiyo u adeegto raggii madaxda u ahaana lakala siiyey jagooyin kala duwan qarankii soomaaliya. kadib waxaa soo baxday ONLF aniga xubin kama noqon ururkaas inkastoonan Ogaadeen ahayn kana tirsanayn dadyowga ay isqaraabsadaan Ogaadenka oo aan wadaagno oo qudha jinsiga soomaaliga ah iyo diinta islaamka, qabiiladdii soomaaliyedee kalena ay u arkeen jabhadda jabhad qabiil leeyahay ayaan goostay inaan kamid noqon, saasay tahay kama soo horjeedin mucaaradna kuma ahayn jabhadda ee waliba si xoog leh baan u taageeray anigoo sawirtay inay soo dhicini wixii ay dayacday WSLF oo xammar iyo magaalooyinka waawayn ee jamahuuriyadii soomaliya qayilaad lafadhiisatay.Sidoo kale waxaan iska ilaaliyey inaan kukicin wax alla wixii kahorimanaya hadafka aan lahaa ama kuriyoon jirey oo ahaa xoraynta dhulkii aan u dhashay, iyadoo dad badanoon saaxiibbo ahayn kahoryimaadeen ururka ONLFta ayaan anigu diiday inaan kahorimaado waayo: qofku magacuu rabo hawatee haddaan mar iskuhadaf nahay iskumeelna ujeedno aannan kala maarmin waxaan u arkay inaan kukhasbannahay inaan isu dulqaadanno waxaan saa usii waynayna aanan kukala tagin. gabogabadii aan usoo noqdo jawaabtaadee ONLF way kadartay WSLF sababtoo ah WSLF markay kacdayna waxbay muujisay inkastooy dawladdii soomaliya dabada kawadday markay fashilantayna aayar bay iscasishay oo qaylo iyo dhib danbe lagama maqal nin walba inta xaqiiqsaday wuxuu yahay ayuu salka dhulka lahelay. ONLF iyadu i kici wayday waligeedba siyaasad fashilan ayey dabada haysaa lalama talin karo lamana toosin karo si layeelona malaha nasiib darro tallaabo kasta oy qaadaanba waa mid cadowga u adeegayso, midba midda kale kadaran. Saasooy tahay ayaga ma'ha ee cid dhulkaa u qaylisoba malaha waxaad moodda inay inta kale kabaxday waxyaabahaan waayo waayo kuriyoon jirrey. Talo aan bixin karo majirto sababtoo ah 20 sano kahor ayaa iigu danbaysay dhulkaa waxaan wargaysyada iyo idaacadaha kamaqlo mooyee war gaara kama hayo arrinta ururka iyada sigaara ayaan u yaro dabogalay si'aan u ogaado bal meesha ay xaaladdu marayso. Marka Annon waxaa talo waxtar leh bixin karo dad shuruudo gaara buuxiyey ee qof walba haddii iskahdal layidhaa meesha hadda lafadhiyo unbaa lafadhin meeshan oo kalena talo laguma bixin karo ee waa in horta inta ay arrintu khusayso iska aragto dhibaatada taagan dad markaa loo arko inay buuxiyaan shuruudahanna loo xilsaaro inay baadhis cilmiyeysan kasammeeyaan arrintan wakhtina lasiiyo lana helo dad diyaar u ah inay kudhaqaaqaan taladaa intay rabaanba ha ahaadeenee. Waa mawduuc aan sahlanayn saaxiibkii igana wayn aniga, haddallaadaa igasoo yeedhayana murugo unbaa iga keenayso ee haddaan awoodo juuqba madhaheen. Intaasaan ugabaxay. Talobixiye |
    xornimo | Wednesday, November 29, 2000 - 07:14 pm ku:dhamaan waxaan idiin sheegayaa in waligeed la arki jirey dad soomaaliyeed oo daba dhilif unoqda gumesiga ama dadka neceb ama ka soo horjeeda jiritaanka dadka soomaaliyeed,guwaas oo ama jahli ugeeyo ama ama naceyb ay dad walaalhooda u qabaan u sameeyaan Talobixioow:waxaad halkan ka sheegtey inaad tahay dadka kadida o-da marka waxaan ku dhihi lahaa waxba hadidinee intaad magaca aad dooneysid soo qaadato dhulkaaga u dagaalan. ooyan ahyn waxba borobagaando aan soconayn hala sootaagnaanin, waana dhici kartaa inaad tahay kuwa wayaanaha ushaqeeya tahay? hadaadan ahayna balwaxa aad ku naceyso dadka walaalahaa ah ee dalkooda u halgamaya noosheeg? Talo:hadaad dadkaa la dagaalamaaya cadowga koowaad ee soomaaliya ineyjirto kasoo horjeeda garabsiineyn waxaan ku dhihilahaa meelaha looga hadlaayo xornimodoonka soomaaliyeed isaga aamus hadii ay jirto in onlf aad waxkatirsaneyso soobandhig?ama ceebtooda noosheeg? waxaan u rajeeynayaa dadka reer ogaadeenya oo dhan nabad iyo xornim. ramadaan kariim: |
    Talobixiye | Wednesday, November 29, 2000 - 08:33 pm Waxaan kahadlay iyo meeshaan usocday midna maadan fahmin walina waxaad kudhaggantahay urur fashilmay toban sano kahor. Sidaan qoraalkayga hore ugu sheegay anigu mucaarad kuma ihi ONLF iyo ururada kale ee sheegta inay u halgamaan qadiyada aan kawada hadlayno, sidoo kale magaca uu urur labaxo micno saa usiiwayn malaha ee waxaa muhiim ah inuu ururku yahay urur jiro lehna ahdaaf uu tiigsado iyo hawlgal dhab ah ma'aha inta lariyoodo in uun magac kaliya lalabaxo kadibna maqaaxiyaha laga sheekeeyo. Iskana ilaali cudurka soomaalidu qabto oo ah qofkii i dhaleeceeyo waa cadowga qabiilkayga ama cadowgayga, dadkaa aad xustay ama jabahadda waxaan wanaag iyo horumar ahayn waligay uma rajayn dibudhacoodana waan kanaxaa khayrkoodana waan kafarxaa. Waxa keenay inaan dhaleecooyo waa waxay kusugan yihiin urur ahaan iyo sida ayna natiijo ugusoo wadin dadka dhulkaa dago. Kuna xisaabtan waxa laga hadlayo ma'aha aniga dhib la'iigaystay iwm ee waa mustaqbalka dad rafaadsan oon cid umqani jirin. Riyada halaga tago runtaa halaraadsho. ONLF iskadhaaf waxkalee xitaa waxay midayn wayday qabiilkay kadhalatay ooy magaciisa wadato, illeen wax walba waxbaa kahorreeye!!!! Talobixiye |
    Talo-qqate | Wednesday, November 29, 2000 - 09:41 pm Talo-bixiye Mawqifka dhabta ah ee ONLF waa ka uu soo qorey ninka isku magcaabey Xornimo. Xornimo sida aad xustey laguma gaadho ka sheekaynta maqaaxiyaha. Waxaad mooddaa in ay aamineen inaan iyaga mooyee cid kale dalkan u hadli karin kana hadli karin. Ciddii dhalliishooda sheegta waxay yaqaanaan inay terror ku sameeyaan dhahaanna gumaysiga ayuu u adeegayaa. Xaqiiqo waxaa u adeegaya waa ONLF. Maxaa yeelay, marka koowaad waxay kala faquuqeen Soomaaliii. Marka kale, iyaga oo aan soo halgamin ayaa la yiri bal dalkan maamula. Waa la ogaa meeshii ay ka tuureen. Markii xukunka laga qaadey ayey yiraahdeen waa gumeyste aan lala shaqayn karin. Maxay markii hire u aqbalyeen. Waxaan tirin karaa kun arimood oo ay iyagu ugu adeegaan gunmeyste iyo cid walba oo dalkan iyo dadkanba u cadaw ah. Marka waxaan dhihi lahaa inta kale ee qaddiyaddan danaynaysaayi yeynan uga aamusinee iyaga iyo cadwga kaleba isku si ha loola diriro. Mana aha ruuxii ONLF dhalliilo inuu neceb yahay Ogaadeen. Taas ayey isku dayaan inay ku meel maraan dadkana ku beer laxawsadaan. Ma kuwaas ayaa lagu tilmaami karaa xornimo doon. Waxaan iyagana kula talin dadkaas wax uma haysaane ha lug goynina cadaawadna ha abuurina. Talo-bixiye, dad badan oo meeshan wax ku qora ma fahmi karaan meesha aad ka hadlayso. Sidaa darteed ha ku niyad jabin. Xornimo la baxaw, sidaa xornimo laguma gaadho. Nabadeey. |
    soobooqde | Wednesday, November 29, 2000 - 10:34 pm Waaryaadhe hee dhaha Sheeko kulul oo xiiso leh ayaa meeshan kasocoto bal anna aan inyar kudarsado " fadlan yaan la'igu eedayn inaan cadowga u adeego haddaan dad dhaliilo waayo ilaahbaa igu ogoo cid iga neceb cadowga majirto oo waxaa wali dhagahayga kadagi la' sida uu xusay Taloqaate in nimankii lahaa dhulkaan matallaa una diriri ay awoodi waayeen inay hantaan dhulkooda uu dago qabiilka ayaga taageero, sidaad lasocotaan markii Mingistu dhacay wakhti laga faa'iidaysan karay ayuu dhulku maamul la'aan ahaa lanasoco ONLF way jirtay inkastooy qayil ufadhiday hal tuulana way maamuli wayday markay TPLFtu timid iyadoon hub quman iyo ciidan quman midna sidan ooy dhulkii qabsatay ayey muran iyo hadal bilaasha lasoo istaageen TPLFtu way daristay aragtayna inayna nimnka meesha waxkuhayn saa shaxbay udagtay ah inay sifiican uga takhalusto wayna kuguulaysatay 100% waanan sharxi sida loo khayaanay waa haday ONLFta taageerayaasheedu iga codsadaan oo kaliya. Kadib markii laga takhalusay 50% cadowgay raaceen illa iyo maantana lashaqaystaan intii kalena qorshe xumo ayey laburbureen illaa iyo haddana meelaha lajoogaan shakina iigama jiro inuu cadowga hadana siri.Arrinta ay kaga dhawaajiyeen Taloqaate iyo Talobixiye ee ah inay siyaasadaha ONLF u adeegaan Gumaysiga ayaan wax yaroo miithaal ah kabixini. Magaca OGAADEENIYA yaa isticmaalo hal jabhad iyo qabiilka soomaaliyeed ee magacaa ku'abtirsada oo qudha aaway qabiiladii kale illeen waxaa loo baahanayahay magac dadkoo dhan matalo raallina ay kuyihiin OGAADEENIYA waa magac aan ceeb lahayn laakiin qabiilada kale ee soomaaliyeed ee dhulka daga way ku'adagtahay inay qaataan magac qabiil kale. Sidaad lasocotaan jabhaddii WSLF waxaa kamida ahaa in kudhow 60 qabiil haddaan yaro taabto waxyar: Jidwaaq, Sheekhaal, Gadhxajis, Gari, Akiishe,Jaarso, Reer Shabeelle, Wayteen, Gaadsan, Dagoodiye, Garre, Karanle, Majeerteen,Dhulbahante, Ciise, Gurgure, Jidle, Reer aw xasan iyo kuwo kale oonan soo koobi karin. Ilaahbaan idinku dhaarshaye dadkaa makujiraan ONLF jawaabtu waa maya waa lagayaaba in hal qof laga helo oo qabiil kale katirsan laakiin qabiil xubin ka'ah majiro oon ka'ahayn Ogaadeen sidaa lasocotaanna qulquladaha dhaca waxay kadhacaan dhulka uu Ogaadeen dago oo qabiiladaa kale wax dagaal ah kuma jiraan waayo way jaho wareereen. Ma'umalayn inay ogaadeen kaligood dalkaas lalo dago xorayn jawaabtu waa maya qabiil waa awoodaa inuu ladagaalamo cadowga laakiin dhul maxorayn karo sababtoo ah mabatagi kartid dhulkaa qabiiladaa kale kamana diriri kartidee seed u xorayn. Magac qabiil qaran ma'aha Hal qabiil qaran manoqdo Jabhad qabiil qaran maxorayn karto Eeg jabhadihii magaca qabiil loo aasaasay ee soomaaliya xagay kudanbeeyeen? ONLF ama u horseeda dadka wax lugu midoobi karo ama dhibka dadka kalafadhiisto waxa sidhaba idiinka sheekeeyey Talobixiye iyo Taloqaate. Alloow ha'idin dilin |
    Jijiga | Wednesday, November 29, 2000 - 10:48 pm Dood kulu oo xiiso leh ayaa meesha ka socota. Hadaba anna aan ku darsado. ONLF lama oran karo ummad ayey matashaa. Waxaa la xusey in ay ogaadeen oo kaliya ka kooban tahay. Anna waxaa leeyahay ogaadeenna uma wada dhanna. Haddaba, waa yaabe sidee ayeynan gumeystaha ugu adeegaynin. Awaye asaasayaashoodii. Xaggee ayey ku dambeeyeen. Aduunkuse maanta xaggee ayuu marayaa. Lagaba tag qori iyo xabbad ee maa xal kale la raadiyo. Tusaale, anigu waxaan ka mid ahay dadka gobolkaas daga Ogaadeense ma ahi. Haddba, hadaan dhaho xilligan dagaal ma aha micnaheedu ma aha in aan gumeyste jeclahay ama aan ogaadeen necbahay. Waxaase weeye waxaan ka soo horjeedaa qaabka aad adigu wadato. Waxaan u arkaa bur-burin iyo inaad taageerayso nacabkeeyga. Haddaba hadana yaan si kale loo fasirine waxaan ka soo horjeedaa dagaalka hubaysan waxaanan ayidsanay in dagaal siyaasadeed iyo mid diplomatic ahba la qaado lana xoojiyo. Magaca anigu kii la qaadanba muhiim iima aha waxaanse eegi mabda'a ka dambeeya. Waa inoo sidaas |
    Talobixiye | Thursday, November 30, 2000 - 12:56 am KU: Dhamaan: Waxaa muhiim ah inlafahmo arrin yar oo aad muhiim u ah taasoo ah: Ninkaan wax maamuli karin xilliga ay nabadu jirto waxba mamaamuli karo xilli colaad oo rafaadka unbuu ziyaadin. Si'aad dagaal ugu diyaargaroowdo waa inaad isasoo tijaabiso xilliga ay nabadda jirto ood is'ogaato waxaad tahay ceebahaada iyo wanaagaada sidoo kale aad ogaato cadowgaada iyo walaalkaa mucaaradka iyo saaxiibkaa, dadka aad maamulayso laftooda, markaad eegto ururrada gobonimo u dirirka maanta jiro waxaad arkaysaa inay leeyihiin labo maamul oo iskuxidhan laakiin sikala duwan ushaqeeyo oo ah "Maamul ciidan iyo mid Rayid" waxaana labadooda lagamamaarmaan ah midka rayidka ah oo la'aantiis ayan bulshadiiba noqonayn wax jirta waana ta maanta nahaysata reer soomaali galbeed. labadooda waxaa wax xukuma kan rayidka waayo wuxuu matalayaa kuna dhaxjiraa bulshadii hadday bulshada aragto inaysan siyaasad nabadeed waxkuheleynin waxaa loo jeedsan dhinaca militariga oo dagaalbay noqoni. Arrinta uu kaga dhawaajiyey Jigjiga waa arrin muhiim ah sababtoo ah yaa dagaalami? shacab ayaa dagaalami oo ciidan dhisan oo cadow ladiriri ee 400 boqol oon nin oo hubaysan waxba soo hoyin maayaan. Waana waxa haysto maanta ONLF oo xamaasad iyo hadal bilaasha mooday waxtar. Si'aad udagaalanto waa inaad shacab haysato iyo dad matalo shacabka oo oo ay arrinta daacad katahay waa in markaa inyar inyar loo dhiso haykalkii lugu gaari lahaa natiijada larabo oo ah siyaasad ama dagaal. Labadooda waa in lakala hormariyo ooy siyaasaddu horreyso illeen iyadaa sahalanee, haddii waxlugu waayo markaas ayaa lafiiriyaa wixii kale oo habboon oo lasamayn karo. Waa in sidoo kale cadowga labarto lana ogaado wuxuu rabo iyo inta uu diyaar u yahay inuu kubixiyo gumaysigaada. ONLF mawaxay garanwayday waxay SNM, SSDF, USC, SPM iyo jabhadaha lamidka garteen ee ah inay ayagoo magac qabiil iyo dan qabiil usocda hadana isticmaalaan magac guud si'ayna isu muujin. Hadday maanta TPLF go'aan kugaadho inay xoriyad siiso Dalka layidhaa OGADENIYA dhul intee dhanbuu saamayn go'aankaa??? Waa su'aal aan waydiiyey oo qudha ONLF iyo inta taagersan sababatoo ah waan ogahay dadka kale waxay kujawaabi. Talobixiye |
    Cobolle | Thursday, November 30, 2000 - 01:51 am Dhammaan dadka boggab wax ku qorey way salaamanyihiin. Salaan ka dib, maadaama aan xiisaynayo in aan talo ka gaysto arrintan ahayna shakhsi u dhashay degaankaas waxaan waxaan sii hor marsan in aan loo arkin in cid dhalleecaynayo loose arko fikir shakhsi haddii uu saxanyahay iyo haddii uu kula khaldanyahayba. Reer ahaan waxaan ahay Ogaadeen. Muddo ka badan labaatan sano waxaan ku noolaa qurbo.Muddadii ay bur-burtey Soomaaliya waxaan aad maqli jirey ONLF. Taageero weyna waan u hayey. Waxaan warar ku heli jirey in Soomaalida kale ay dhammaan ka soo horjeedaan Ogaadeenka sababtase uma heli jirin jawaab i qancisa. Nasiib wanaag waxaan booqdey degaankaas muddo hadda laga joogo sannad iyo badh. Waxaan ku soo arkey xaalad ka duwan taan ka haystey gobolkaas. Dhibaato way jirtaa mase ahayn taan filayey iyo qaabkii aan u filayey toona. Marka koowaad bulshada deggan gobolkaasi waa dad aan farqi weyni u dhexeynin. Ma arkin ruux taageersan in Itoobiya uu gobolkani ka sii mid ahaado. Waxaa si weyn loogu kala duwanaa xilliga iyo habka loo marayo. Waxaan soo arkay dad ku jaawareerey hoggaamin la'aan. ONLF iyo AL-Itixaad waxaan oran karaa waa dad ka mid ah dhibaatooyinka in la xalliyo u baahan. Ummadani uma baahna laab-la kac ee waxay u baahantahay degganaansho iyo ka fiirsi. Waa in wax laga barto khaladaadkii soo jirey. Xal laguma gaadhi karo in ruuxii ONLF dhalliila loo bixiyo Ogaadeen diid ama Jaajuus. Anigu waxaan hadlkayga ku soo aniga oo si buuxda ula dhacsan Talo bixiye iyo Jijiga in dadka degaankaas u dhashay iyo guud ahaan Soomaali ay ka danqato dhibaatooyinka haysta. Waxaan akhriyey warbixin ay qoreen World bank. Itoobiya waxaa lagu sheegay dalka adduunka ugu fakhrisan. Gobolkeenuna Itoobiya ayuu ugu fakhrisan yahay. Markaa xaggee ayeynu adduun ka joognaa. Mase ku sii jiri karnaa xaalad noocaas. Anigu waxaan qabaa dadka wax garadka ah ee Soomaaliyeed ayey dhibaatadu u taallaa uma taallo ONLF ama AL-Itixaad. |
    Anonymous | Thursday, November 30, 2000 - 04:53 am ogaadeenya ogaadeeniya Ogadenia ONLF JXWO sifiican malooga faallooday. |
    Talobixiye | Thursday, November 30, 2000 - 05:10 am Talobixiye Waxaan jeclaystay inaan hadal kale kukordhiyo doodii socotay oo ah, waxaan arkaa dad leh dhulka dhibaa kajiro laakiin sida lamoodayana ma'aha. Waxaan jeclaystay inaan xusuusiyo dadka marka cuqaashaada waxna laxidho waxna lagummaado waxna dalka laga caydhsado oo isusoo hadho inaan waxba isdhaamin ooy noqoto inla'isgummaado la'iskuna xadgudbo cadaab adduunyo oo kawayn majiro. Taa aan xusay iyo tobannaan kale oonan xusin karinbaa jiro dhulka kummaan kum oo qofbaa raq iyo ruux aan lahaynin inkabadan 13 urur oo gaaleeyo dadka yaa dhulka lugusoo daayey waxaad moodaa inay dadka qaar afminshaarnimada TPLFta ladhceen oyna xagga iyo xaggaba eegin, xaqiiqdii maanta maalin ay xuntahay xaaladda dadkaa majirto inta maamul itoobiya soo martay maamul kaxun kan masoomarin waayo waxay 100% kuguulaysteen hadafkii maamul kasta oo itoobiya soomaro jeclaa inuu gaadho, iskadhaaf waxkalee mustaqbalka xitaa way adagatahay in lasaadaaliyo xaaladda. Waxay abuureen waxay ugu yeedhee ismaamul markaasay tuugo gacanta u galiyeen maamulkaa markasa xitaa kaalmada ummadaha midoobay soo dirto ee cuntada ah iyadoo caydhiin ah laqaybsadaa. Waxaa dhimatay soomaalinimadii kajirtay dhulkaa oo dadka qaar kamida gaadheen inay sheegtaan Itoobiyaan, foolxumadaasoo kale kama dhicin hadda kahor. Marka yaan cadaabkaa la'ii amaanin. Talobixiye |
    Cobolle | Thursday, November 30, 2000 - 08:50 pm Talo bixiye Waxaan xusay in aanay dhibtu sidii la ii sheegi jirey u jirin. Taas ma aha micnaheedu in aannu dhib jirin. Tusaale haddii aan ku siiyo haddii lagu yiraahdo mallaariya ayaa ku haysa, haseyeeshee aad qabto cagaarshaw dhibku ma aha kii laguu sheegay macnaheeduna ma aha ma buktid. Waan aaminsanahay in maamulka goboleedka ka jira degaankaasi uusan xilligan ahayn mid dan ummadeed wada. Waxaan kale oon aaminsanahay in ay cidlo ka heleen. Halgan waa loo dhintaa waana la isu xir-xiri. Ruuxii raba in aan la xirin ha sugo inta dhibka laga xallinayo wakhtiga ay doontaba ha qaadatee. Waxaadse ogaataa in horumar badani jiro. Aan tusaale ku siiyo Waa maxay magaca gobolku? Waxaa loo bixiye gobolka Soomaalida. Waa arrin si habboon loogu doodi karo oo loo aqoonsadey in gobolkani yahay gobol Soomaaliyeed. Ta kale waxaa dastuuri ah in qawmiyaddii rabta ay ka go'i karto Itoobiya. Ha ka argagaxin hana oran lama dhaqan galinayo. Maxaa yeelay mar haddii la qorteyadiga ayey kuu taallaa in aad dhaqan gashato. Macnaheeduna ma aha in si dhib loo dhaqan galin karo. Waxay u baahantahay dulqaad iyo dhiraan-dhirin badan. Tuugo badan way isugu ururtey maamulka hadda ka jira degaanka. Sidaan horey kuugu sheegayse waa mid ay cidlo ka heleen dad badanna uu u banneeyey. Talo-bixiye waxaad kale ood ogaataa Itoobiya waxay maamnta maamushaa Soomaali oo dhan. Haddaba, dhibaatan waxaa lagu xallin karaa oo kaliya qaab diblomaasiyadeed oo doodo marna ha filin in qori lagu xallin qarniyadan. Mahadsanidin |
    Talobixiye | Friday, December 01, 2000 - 12:00 am Waan fahmay mawqifkaaga iyo aragtidaada waxaan aaminsanahay inaad meel dheer waxka'aragto runtii hadalkaygana toos adiga kuuguma socon ee waxaan islahaa qodobkaa isaga ah caddee. Arrinta ah in dhibka ay dadka dhulka u dhashay qaybwayn kuleeyihiin waa arrin jirto oo haddaysan ayaga garaadkooda yar ahayn arrini meeshay marayso mamarteen. Waxaan filayaa inaad ii fahamtay nin garnayl la'ordaya oo rabo uun inuu qarxiyo mana ihi nin saasa waxaad ka'arki kartaa qoraalkayga hore inaan soo bandhigay in ay marna munaasab tahay siyaasad marna dagaal labadabase ay kuxidhantahay inaad jirto oon ulajeedo inaad taageero ballaadhan u haysato tallaabada aad qaadayso, sidase hadda ii muuqato aanan filayo inaad ila aaminsanatahay tallaabo siyaasadeed iyo mid dagaalba masoo farocaddo waayo intaan laguba riyoon arrimahaa waa in horta saldhigii lasoo hirgaliyo oon ulajeedo dad guud ahaan israacsan magac leh dal umagcaaban yahay xuduudna leeyahay layaqaanno. Waxaad mooddaa inayan arrintu farikaqodnayn ooy u baahanathay dadaal dheer, markii lasoo hirgaliyo waxayaabaha aasaasiga u ah hawlagal miduu noqdaba ayaa niqaash lasamayn karaa wixii lugu kici,haddase asaaskii hore yaaba adag sidii lugu hirgalin. Arrinta ah inay Itoobiya gacanta kuhayso ama kula jirto Jamahuuriyaddii soomaliya waa xaqiiq 100% waxaa uun inkiri karo shakhsi aan calqligiisa isticmaalin oo kushaqeeyo caqli qof kale. "It has been great debating with you man" Intaasaan ugabaxay Talobixiye |
    Wiil dagoodiye | Friday, December 01, 2000 - 01:35 am Dhammaan dadka boggan wax ku qorey waad mahadsantihiin. Runtii waxaad mooddaa in badan loogu kala qaybsanyahay xalka gobolkaas. Bal aan su'aalee anigu waxaan u dhashay gobolkaas. Waxaan ku dhashay magaalada Fiiltu. Fiiltu waligeed kama mid noqon Ogaden goobahii la oran jirey. Haddaba, sidee ayeynu isugu iman karnaa adiga oo aan igu khasbin magac iyo mabda'a toona. Adiga oo wax walba ka madax bannaan ma ogoshahay in la doodo. Waa su'aal toos ugu socota ONLF ama cidda taageersan. Maxaa yeelay gobolladanada kama jiraan, waana nabadgalyo. Haddaba, intee ayaad rabtaan inaad xoreysaan, maxaadse illaa hadda ka qabateen. |
    Wadani5. | Saturday, December 02, 2000 - 09:13 pm Dood aad u fiican ayaan halkan kusoo akhriyay. Waxaa hubaal ah inONLF ay maanta ka mid tahay dhibaatooyinka deegaankaas.Xalka ma aha.Micnaha ka danbeeyana waa laablakac iyo islaweyni qabiil oo magac jabhad xornimodoon lagu qarinayo. Dadka dhulkaas dhib inku filan ayaa haysta.Ninkii in yar dadkaas ka naxayoow dagaal maanta ha laga daayo.Sida maanta lagu hayo waa dabar goyn abaar dabiici aan ahayn iyo cuna qabatayn sabab looga dhigayo waxaan la dagaalaynaa ONLF iyo Itixaad.Labadaasi hadaynaan jirin maanta sabab dadkaas lagu laayo way yaraanaysaa. Jabhad salkeedu qabiil yahay waligeed guulaysan mayso.Somalia arag ninkii taas aaminsanoow. |
    xornimo | Monday, December 04, 2000 - 02:13 am s/c waan idin salaamay marka hore?takale waxaan idin dhihi lahaa dhaleeceyn mooyaane waxkale mahaysaan? onlf ama al-itixaad waa kuwa kaliya ee u halgamaya dadka reer ogaadeenya iney xornimadooda gaaraan,hadii aan khaldanahay walaalayaalow ii sheega kooxaha kale ee halgamaya,miyaysan khaldaneyn inaan iska dhaleeceeyno kuwii xilka iska saarey iney dadkooda soomaaliyeed ee reer ogaadeenya gumeeysiga ka saaraan? tankale kuwa magaca o-da isku mashquulinay war aniga oo magacaa dadka ka soo jeeda ah ayaa aaminsan,in laga fiican yahay,laakiin goorma ayaan badali karaa markaan ka xorowno gumeysiga, takale hada xaqbaaba u leenahay inaan waxaan rabno wadano,waayo maba aragno wax gobolka u dhashay oon anaka ahayn oo isku taxalujinaya sidaan gumeysigan dadkeenii duleystey uga hoos bixi laheeyn,hadey jiraan waa kuwee?waxaan filayaa inaad iisoo jawaabtaan. halgan midnimo isku tashi, allaahu akbar allahu akbar |
    hawd | Monday, December 04, 2000 - 02:51 am dhammaan Ilaa hadda wax onlf eedaynaya mooyee nin ma arag sheegaya waxa uu ku eedaynaya. ta kale waxaad moodaa inaad kulligiin munaafiqiin tihiin mid ka war haya xaaladda dhabta ah ee ogadeniana uusan idinku jirin. sidaas darteed waxaan idin qiyaasayaa inaad tihiin dad onlf ku nacaya magaca ogaden ha yeeshee wax mabda' ah aan ku diidanayn, taas waxaa sii dheer in dadkaasi aysan marnaba soo bandhigaynin waxa uu yahay mawqifkooda ku wajahan gobolkaas. ta kale waxaan hubaa in midkiina uusan waddanka u dhalan hadal uu qurbo ku maqlay mooyaane uusan wax dhaba hayn. xaqiiqadan in indhaha laga daboolo way xun tahay. marka bal intaydaan iska qarda jeexin uusan qabiil nacayb qaw idinka ridin xaqiiqda soo ogaada. 1- gobolka xaaladdiisa siyaasadeed maxay tahay? 2- ta dhaqaale iyo bulsho iyagu waa sidee? 3-xidhiidhka ka dhexeeya dadka gobolka iyo dawladda ethiopia caynkee weeye?. 4-xidhiidhka shacabka somaliyeed ee gobolka dhexdooda siduu yahay? 5-ururro siyaasadeed gobolka ma ka jiraan, xaalkoodu se waa sidee?. shantaa suaalood soo falanqeeya si loo kala ogaado xaabada qurbaha hadalada ku maqlay een gobolka u dhalan, munaafiqiinta is hafraya iyo kuwa shaati rag kale soo xidhanaya. suaal suaal ayaan idinkala doodi, xaqiiqdana ku saleeya hadalkiina.marka waxaad haysiin soo daaya dhuumasho la'aan qof walbana mabd'iisa ha caddeeyo. doodi furan. allow xaabada cadawga dab ku huri. |
    Somali5 | Monday, December 04, 2000 - 06:53 am Dadka difaaca ONLF markaad jabhadaas magaca uun ah ee aan wax ficila qaban ,wax ay burburiso mooyee,waxay kuleeyihiin ONLF kali ah ayuunba dagaalama. Dagaal nin kastaa waa gali karaa.Marka hore beenta ONLF way dagalanta sida ay sheegayaan ma aha.Dhulkaas dhawaan ayaan ka imid.Way jiraan dad dawladda kasoo horjeeda.way jiraan dad bada oo Tigreegu kol kasto xidhaan.Laakiin dadkaasi dad jabhad ah ma aha.Haddaad leedahay nin kasta oo Ogaadeen ah waa ONLF waa arrin kale. Xageed ku aragtay Jabhad 20 sano dabada wareegaysa oo xataa aan lahayn Program iyo Ujreedo ku dhisan mabda'?? Dhulka ay shaagayaan xataa mapkiisa kuu sheegi kari maayaan.Waxaa kali ah ay ku odhaanayaan waa dhammaan OGADENIA. Nin kasta oo Dawladda Ethiopia maamulkeeda maanta ku jra marka jagada laga casilo ee uu soo cararo ayuu ku dhahaayaa ONLF ayaa ka mid ahaa. Haddii kuwaasi ay ONLF ahaayeen ,dee ONLF ayaa dhulkii Tigreega la maamusha. Inan gurigiisa gubaya haddii aad tidhaa war dabka naga daa ma aha maxaad adigu wax u gubi wayday in uu ku jawaabo. Dagaal aan loo dhammayn dhulkaasi kuma xoroobayo. ONLF ma aha jabhad ee wax kale ku sheega. Dhawaanahan waxaa bilaabmay in Oromada (OLF) si ay u wiiqaan Tigreega(Olf nafteedu waxba ma dhaamaan ONLF) ayay waxay rabaan in dabku sii holco deegaanka Soomaalida. Radiha cusub ee ONLF ka dhawaaqdo waxaa u dabaray jabhadda Oromada.Ayagana (OLF)waxaa caawiya kaniisadaha Protastaanka ee Germany. Waxaad moodaa in Oromadu xataa dagaalka ay kari waayeen anaga oo maanta sidaas u liidana in ay na isticmaalayaan.Qoraalada Oromada iyo Eritiya ayaa aad loo buunbuuniyaa ONLF. Waad garan kartaan labadaasiba waxay rabaan in ay awrka nagu kacsadan.Oramadu maxay ayadu dhulkooda uga dagaalami waayeen????Wax aad u yar ayaa dagaal ka jira. |
    xornimo | Monday, December 04, 2000 - 09:17 am waan idin salaamy dhamaantiin? waxaan jeclaan lahaa inaan mawduuca meeshaan onlf ku sii mashquuli laheyn aan isweydaarsano fikradaha,sidee dadkeena soomaaliyeed ee reer ogaadeenya ama s/galbeed aan masiibada heysata uga bixi karnaa?. Talobixiyoow:saaxiib waad kumahadsantahay sida aad u dareemeysid in dadkeenu dhibaatadii ugu weyneyd ay maanta ku jiraan,cadowga tigreeguna uu yahay gumeysigii ugu xumaa ee umadeenu soo martey Takale nimanyahow yeynaan isku khaldin onlf shaley&tan maanta farqi weynbaa u dhaxeeya waxaan aaminsanahay in mowqifkeedu cadyahay,halganka ay kula jirta cadowgan uusan ahayn mid aad iiga baahan tihiin inaan halkan idiinka sheego. onlf-ta maanta waxy diyaar u tahay in ay wadahadal layeelato dhamaan dadka degaanka u dhashay wadahadalkaas oo saameyn ku yeelan kara magaca&wax kasta oo kale,waxeyse shuruudu tahay waa in qofka ka doodaya magaca qof la halgemaya oo dagaalka lasoo garab sitaagaya,mid:onlf marna aqbali meyso qof fara maran ama tigree u adeegaya ama qurba iska fadhiya inuu iska yiraa magaca bedela. qof walba oo aaminsan in onlf halgankeedu jirinow iska sug adaa arki doonee? wiil/dagoodiya:walaal waxaan isugu imaneynaa halganka dhinacaaga ka bilow kuna halgan magaca aad doonto markaad ismuujiso ayaynu ka wada hadleynaa waxii namideeyn lahaa! itaas&simaqal dambe!! |
    warfaa | Monday, December 04, 2000 - 05:29 pm the name is not problem. halgan maaha dagaalan. halgan macneheedu waa udirid ujeedo dheero oo aad rabtid inaad kasalgaadho. anigu waxaan xuduuda kudhashay qaybta reserv area. xabishada ciidankooda mooyaana, meelaydeganyihiin ma arag hase ahaatee waalasocdaa dhibaatada xabishada kuhayso dadka. dhibaatada soomaalida haysata waxaweeye ujeedo dheer malaha. imisajeer ayay soomaali dibuqabsatey dalkeeda oo hadana lagasaarey. chechnya has only 100,000 men in fighting age and they are going to win against the big russia. 1 dadka gobolka kunool waaineyfahmaan macnaha halgan sitaa lagugaadhana waa in waxlabaraa 2 ladereensiiyaa dadka dhibaatada gumeysigu kuhayo 3 lahelaa dad dowlada itoobiya ushaqeeya oo taageersan xornimada shacabka olf waxay metelaysaa dadka degaankaa ugubadan ug, hadaad bilaawdaan dagaal cilmiyaysan oo ujeedo dheerleh daraawiishtu waaidintaageeraysaa iyo soomaalida kaleba, hase ahaatee inta badhna xabishida lashaqeynayaan, qaarna maalinba siyaasad cusub laimanayaan hasugun halgan xoogleh oo kadhaca wadanka. kaasoo kamadac banaan cidkasta, xitaa dowlada soomaaliya. |
    Godey | Monday, December 04, 2000 - 08:56 pm DHammaan waad salaamantihiin. Anigu waxaan ahay nin u dhashay gobolka laga hadlayo illaa haddana ku nool. Haddaba, marka laga hadlayo dhibaatada gobolka in ONLF iyo Al-Itixaadba la soo qaado waxaa keenaya dhibaatada ayey ka mid yihiin. Waxaa iyana dhibaatada ka mid ah in marka la dhalliilo loo leexiyo dhalliisha waan idin karan karnaa oo waxaad nacaysaan magaca. Haddaba, anigu waxaan ahay Ogaadeen. Waxaan hubaa inuusan dalkii ka jirin wax lagu magacaabo halgan. Haseyeeshee waxaa ka jira kooxo sida sare lagu xuseyba markii xilalkii ay hayeen ay waayeen caadhifoodey caroodeyna. M ajecli inaan ku sii dheeraado dhibaatada ka jirta degaankaas mana xiiseynayo inaan ku qoro meelahan oo kale. Maxaa yeelay waa meelo inta badan lagu caytamo ee ma aha meelo la isku aqoon weydaarsado. Sidaa darteed, ruuxii xiiseynaya aniga ayaa soo siin xaaladda siyaasadeed, nabadgalyo iyo dhaqaale ee degaankaas diyaarna u ah inaan kala doodo si aan waxba la kala qarsanaynin. Marka iyada oo aan la is aflagaadeynin ha la soo qoro e-mailka aadn kuugu soo hagaajiyo. SIdaa iyo nbagalyo. |
    WADANI5 | Monday, December 04, 2000 - 11:51 pm WAAD SALAAMANTIHIIN DHAMAANTIIN Brs And Siss To:Ninka labaxay magaca uusan lahayn sxb waxaan kuu sheegi lahaa inay arrintaas daciifnimo kuu tahay magaca WADANI5 anaa isticmaala marka garan mahayo sababta kugu kaliftay arrintaan kolay waa uun daciifnimo kugu jirta Waxaan fifli waxaad rabtay inaad dadka fikrad xun iga siiso maadaama aan magacaan kaga qayb qaato doodaha. Laakin waxaan ku leeyahay Bayuuuuuuuuuuuuuuuuur ayaa kaa raacday. Inaan bilaash lama afursanid ku mooday dhiil sixun loo qoaraye lol!!! To: Dhamaan akhyaarta kale lasocda in magacaas wadani5 ninka wataa uusan ahayn kii asalkaa haa ee uu been abuur iyo raad-gadasho u qaatay Sidaa darteed haka raali ahaadaan walaaha ONLF iyo cidii taageersanba aflagaadadiisa iyo qoriga dabka ah ee uu lawareegayo ONLF-na waa jabhad xaq u didir ah, haday jirto cid haysa xal kale oo dhaanma hakeento waana lala doodi si qaboow oo walaaltinimo kujirto Aniga naf ahaantay kamid ma ahi ONLF xaqiiqadii magacana way ilatahay in labadalo hadii ay jiraan sabab kalifaysa iyo cidkale oo fikrad saliima haysa, laakiin wax dhaama iima muuqdo haday jiraan waa la arki lahaa dadka diidan magaca xaq bay u leeyihiin inay diidaan hadaysan rabin, marka aan diiddnee ma jiraa ururkale oo u dagaalama gobanimadii wadanka oo dhisan ama abaabulan? waa su'aal aan weydiinayo kuwa ka soo horjeeda ONLF iyo hadafkeeda. WABILLAAHI TOWFIIQ |
    Bir-qod | Tuesday, December 05, 2000 - 01:48 am Ku Wadani5 Waad mahadsanatahay. Aan tusaale ku siiyo. Haddii ad ka lunto waddadii aad rabtey, haseyeeshee aad aragto ruux ku leh waatan waddadii saxda ahayd, waxaa suro gal ah inaad marar badan hubto in waddada uu ruuxaasi kuu sheegayo khaldan tahay. Islamarkaana ogow wali ma haysid tii saxda ahayd. Waxaadse hubtaa inaynan dhinacaas kaa jirin. Waan hubaa in waddada ay ku socdaan ay khaldan tahay. Lagana. Maxaa yeelay 1- Uma dhamma Soomaali ee waa hal qabiil 2- Xilligan xilli dagaalba ma aha 3- Dadka ku jira ma aha dad u bisil hoggaamin. Maxaa yeelay haddii aad la doodo jawaabta u horreysa waa waxaad tahay ogaadeen naceyb ama haddii aad ogaadeen tahay waa Jaajuus weeye. 4- Gobolkan muddo badan ayuu dagaal ka socdey xalna uma noqon. Sidaa darteed, haddii aniga ra'yigeyga la i weydiiyo aniga oo ka qanacsan in xal badan soo dhawyahay ( maxaa yeelay tayada Soomaalida waxaa kuu caddeyn kara habka marka aynu marka aynu xorta nahay u fikiro. Haddaba, waxaan ku soo gabagabayn waa in wax garadka gobolkaas iyo guud ahaan Soomaalida kaleba ay si qoto dheer uga baaraan degto. Xal hadda halkan lagu qorey guul badan ma soo hoyinayo. Laakiin baraaburujin wuu abuuri karaa. |
    xornimo | Tuesday, December 05, 2000 - 12:25 pm To:mr GOdey saaxiib adiga waad cadeysatey inaad jaajuustii tigreega tahay hadaabad noola timid emailkiina i soo siiya maxaad noosheegi oo laqarin anaku wax laqariyo meesha kuma heyno,waxaan fikradeena isku dhaafsaneynaa walaalaheena lagumeysanayo sidii ay gumeysiga uga hoos bixi lahaayeen,tankale onlf&al-itixaadba waxbaad ka sheegtaye maxaad dawlada tigreega ee dadku ineey illahii abuurtey caabudaan u diidey aad wax uga sheegi weydey? takale:dadkii damiirka lahaa ee ogaadeenya ama s/galbeed dagaanaa waa la xirxirayee adi maxaa ku dhigay? midna waxaan usheegayaa kuwa leh qabiilka o-da baan ka soo jeedaa wax micno ah anaga nooma sameyneyso cidkasta ahow laba dadbaa meesha looga hadlayaa ama lakala yahay dad qoriga uqaatey si dadkooda la adoonayo looga saaro dadna waxey isu dhiibeen tigreega waxeyna aamineen in dadkeenu dagaal isku xoreyn karin!aduunkana waxaa ugu liita qof isagoon is tijaabin is dhiiba kaas oo la dhaho isagaa is jabiyay iyadoon cidna jabin! dhamaan dhalin yarada meesha fikradooda ka dhiibtey waxaan ka rajeey nayaa in ay suaalaheyga ka soo jawaabaan,gaar ahaan godeeyoow adaa wadankii joogee balnooga soo waran?hadii sidaad sheegtey runtahay. somali5:saaxiib nin gurigiisa dab la soo aadi majiro ee maxaa keenay?tigreegu waxey dadka reer ogaadeeya ka mamnuucdey iney dalkooda si xor ah ugu noolaadaan,wax kale iska daayoo illaahii na abuurtey&diinteena nac ay u qabaan intey gobalkey gumeysanaayeen bey diinteenii soomaalidii xorta ahayd uga daba tagtey,whyyy??????????? waxaan jeclaan lahaa inaad fahantaan in meesha wax yaala yahay wax nagu qasbaya inaan hilmaano wax walba oo dhexdeena ah aan aragnaa cadowga!!! illaahey hanaga dhigo kuwii dantooda garta. AAMIIN AAMIIN AAMIIN |
    WADANI5 | Tuesday, December 05, 2000 - 09:51 pm waad salaamantihiin To: Bir-Qod sxb waad ku mahadsanahay kalimaadkaaga meehsa aad ku soo qortay, laakiin aan mid yar kuu raaciyee amaad adiga tahay kan jidka ka lunsan diidana in loo tilmaamo (ogawna kaliya fikrad ayaan is dhaafsanaynaa ramadaana waa la joogaa xumaan ha iiga qaadan fikradayda) bal aan isku dayo inaan qodabadaadi wax kaa idhaahdo 1 mida aad tiri looma dhana xornimo doonka, horta ogoow waligeed umadi meel iskuma wada raacdo xumaan iyo samaantoona xataa xorayntii somalida maanta xorta ah hadaad eegto dad badan oo maanta somalinimada ka xigsada somalida qaarkeed gumaysiga ayey la safnaayeen xiligii loo dagaalamayey xoriyada, waxaana la dhihi karaa markii la eego tirada somalida ah ee xoraynta somalida ka soo qayb qaadatay iyo tan gumaysiga la safnayd waxaa aad u yaraa kuwa xornimda u dhaqdhaqaaqayey marka laga reebo shacab waynaha oo hadba meeshii hormuudkoodu u hogaamiyo iska raaca, ee xaqiiqadaa waxay tahay in hadba meesha loo badanyahay ama wanaagu jiro ayaa mar walba guushu ku danbaysaa. In Xabashi lala dagaalamo dhulkana laga eryo wanaaga ayaa kujira dadka reer somali galbeed intiisa badana waa isku waa faqsanyahay 99.9% boqolkiiba, qaabka looga xoraynayo haba la isku khilaafsanaadee. 2- waxaad tiri xiligan xili dagaal ma aha!!! waxaan ku leeyahay xiligan xili nabad lala yeesho xabashi ma aha waayo maalin ay ka tabar darantahay lama soo marin marka laga reebo maalmuhuu dhacay Mingiste, intaa waxaa dheer dowlad ama maamul uga xun shacabka somaliyeed iyo diintoodana masoo marin marka ciil xabashi iyo cadaab aakhiro waxaa ka fiican ciilbax aduun iyo jano aakhiro 3- waan aaminsanahay waana kugu raacsanahay in dadka maamulka haya badankood aysan ahayn dad u bisil siyaasad hufanna aan lahayn islamarkaana aan xataa kuwo mudadan dhow u bislaanaya toona, in wax badala lahelo iyo da'yarta soo socota war uma hayee waa dad ay aqoontoodu intooda badan yartahay walina taagan galgalin cidla oo boodh badan waa ragtidayda 4 waa runtaa mudo badan ayuu dagaal ka socdaay laakiin ogow kaliya gobolkan ma aha meelaha dagaalku mudada dheer ka socdee aduunka meelo badan ayaa intaa iyo in ka badan ka socdaa dagaal kaana rajo xun, aan kuugu siidaree wixii dowladan EPRDF ka horeeyey "kalama adkaan ayey ahaayen shacabka reer Ogadenia iyo xabashidu" oo qoryaha xataa magaalooyinkaa lagu dhex haysan jiray markii nin somali ah ama gabadh somaliyad ah xabad lagu dhufto igana inta badan kuma aysan nabad gali jirin gaar ahaan gobolada qaarkood WABILLAAHI TOWFIIQ |
    Godey | Tuesday, December 05, 2000 - 11:00 pm Ku:- xornimo Inaan kula caytamo diyaar uma ihi. Bal isfiiri hadda waad caytantay. Wanaag baan rabaana waad leedahay. Ta kale, waxaad sheegtay inaanan ka sheekaynin dhibaatada ay dawladda Itoobiya ku hayso dadka deggan degaankaas. Waxaan ka wada hadlayno waa sidii dhibkaas loo xallin lahaa ma aha in laga wada doodayo dhib ma jiraa mise ma jiro. Sababta aan e-mail soo dir u iri waa ruuxii raba inuu si xalaal ah u doodo ee ma aha ruux doonaya cid la caytanta. Waan ka xumahay in garaadkaagu ku siiyo in wanaagayga iyo xumaantayduba ku xiranyihiin in aan dalkii joogo iyo in kale. Ma waxaad aaminsantahay in dadka dibadda jooga oo kaliya ay damiir iyo garasho leeyihiin. Mise waxaad wax ku cabirtaa xabsiga. Bal fiiri waxaa horey loo sheegasy in dul qaadkiinu gaadhsiisanyahay in ruuxii kaa fikrad duwan aad tiraahdo waa Jaajuus tigree ama waa ogaadeen diid. Siyaasad sidee ah ayaad hoggaamin kartaa marka aad sidaas u dhaqanto? Maxaadse kula yaabi tigree iyaguba ka ka siyaasad duwan ayey dilaan. Adiguna sow haddaad awooddo ma'aadan disheen ka kaa fikrad duwan. Haddaad awooddo maxaad maanta igu samayn lahayd. Sidaa darteed, waxaan kuugu soo koobi diyaar uma ihi ruux sidaa u hadlaya in aan wada doodno waadna ku mahadsantahay kalmadaha aflagaadada ah eed soo dirtey. Mahadsanid |
    Bir-qod | Tuesday, December 05, 2000 - 11:05 pm Wadani5 Salaan kadib. Dib u akhri areyadaydii. Kuma aanan sheegin yaan la halgamin. Laakiin ogow halganku ma aha oo kaliya xabbad aan wax badan soo kordhinaynin oo la rido. Waxaynu ka hadlaynaa dhibaatadan ina haysata sidee ugu habboon oo aynu uga baxnaa. Waxaan wax badan ku raacsanahay ruuxa la baxay Godey. Goobtan ma aha in lagu caytamo. Kama wado inaad adigu xadgudubtay. Waxaanse ka wadaa si kasta oo loo kala aragti duwanyahay ha loo diyaar garoobo in lawada hadlo. Waad salaamantahay. |
    xornimo | Wednesday, December 06, 2000 - 07:42 am to:godey saaxiib horta hadalkeygii hadaad cay uqaadatey ka raali noqo,caytana meesha kuma jiro,waxaanse ka xumaadey inaad onlf&al-itixaadna wax ka sheegto kuwa dadkeena gumaadayana aadan waxba ka sheegin, tan iimeylkana saaxiib labadii isku fikrad ah baa isa siisa,laakiin meesha waxaan ku heyno waa sidaan fikradaheena isku dhaafsan laheyn. wax sir ahna labadii isla garata ayaa isu sheegta ee ma wax sir ah ayaad noo haysaa?waxii laakiin aan sir aheyn doodaada ka qeyb-qaado waxaan aaminsanahay in qof walba xaq u leeyahay in ciduu doono taageero. suaashii aad i waydiisay hadii aan awood ulahaan lahaa sidaan yeeli lahaa:hadaad fikrad ahaan iiga soo horjeedo oo aadan cadow aan ishayno aadan ii soo raacin(laba walaalo ah oo kala fikrad duwan) ujeedadeyduna waxkale ma aha ee waa inakoo walaalo ah sideen cadowgan dadkeenii duleeystey aan uga hoos bixi laheyn. wasaalu-caleykum |
    Godey | Wednesday, December 06, 2000 - 09:39 pm Xornimo. Xaqiiqo guud ahaan wax sir ah ma jiraan, marka laga eego dhinacyo badanse, waxaa la yirahdaa don't know what you don't need to know. Sidaa darteed, waxuusan ruuxu u baahnaynba ogaanshahiisa sabab aan anigu ugu soo qoro muhiimad iima laha. Waxa aan ruuxa u soo qorayo waa inay saamayn nooc uun ugu yeelato. Waa inuu yahay ruux xiisaynaya diyyarna u ah inuu wax ka ogaado ama ka dhaho arrintaan. Ma aha inuu ku madadaasho. Marka waxaan ka wada hadli karnaa arrimo dhab ah oo bulshada taabanaya ee ma aha sida hadda loo soo qoro. Ta kale, ee aan kaa waanin waa dhaleeceynta bulshada. Maxaa yeelay haddii aad dib u akhrido qoraalkaakii waxaad soo qortey ruux damiir leh inuusan dalkaas ku dambeynin. Ma aha arrin aad aniga igu aflagaadaynayso waase qadaf weyn oo aad ka gashay malaayiinta ku nool dalka gudihiisa. Haddaba, arrintaas mid fudud. Waa midda ay dad aad u muuqato inaad ka mid tahay ay qabaan. Dadka yar ee dibadda ku nool inay yihiin kuwa kaliya ee wanaagsan. Ruuxii shalay ka tagey dalka ayaa maanta iska dhiga halyey halgan adag ku jira. Waa hubaal inaad halgan ku jirtaan. Waxaadse la halgantaan nolosha adag ee idin soo food-saartey. Ta kale, waxaad ogaataa inta aadan u gudbin nooca halgan ee aad galayso waxaa lagama maarmaan ah inaad barato hababka loo xalliyo dhibaatooyinka. Waxaana ka mid ah uguna muhiimsan inaad horta ogtahay dhibka aad xallinayso waxa uu yahay. Waxaa marar badan dadka iskaga khaldama dhibka iyo calaamadahiisa. Barana inaad isku daydo inaad qanciso ruuxa. Waxaad tiri ruuxu haddii uusan ii soo raacin cadw waan doodi karnaa. Haddaba, su'aal kale ayaan ku weydiine sideed ka yeeli haddii uusan walaalka u arag cadawba ka dhabna ay tahay. Miyaad la doodi mise waad dili. Haddiiba ay garashadiisu siisey ma dambiile ayuu u noqon. Haddiiba uu adiga kuu arko inaad tahay ka cadwga taageeraya maxaad ka yeeli? Waxaan ku xusuusin markii uu ilaah direy Nabi Muuse iyo Haaruun una direy fircoon wuxuu faray inay si qabaw ula hadlaaan, lagaba yaabo inay soo hanuunaane. Ilaahay wuu ogaa inuusan Fircoon soo hanuunaynin ee wuxuu ina barayaa qaabka aynu wada hadalka u galayno. Haddaba waxaan ku soo koobi daris horta dhibka aad xallinayso oo ha ku mashquulin calaamadihiisa. Ramadaan kariim |
    xornimo | Thursday, December 07, 2000 - 11:02 am to:godey saaxiib adoo iga raali ah waxaad ku moodaa inaad ilaa&hada carabkaaga laga la,yahay inaad cadowga itoobiya wax kasheegto sababtana adiga umbaa noosheegi? aniga kuma dhihin waan halgamayaa waayo wadankiiba ma joogo qofku meelkasta uu joogana wax ay u siyaadineyso majirto,laakiin maanta meesha aad joogto hadaan jooga 2midbey noqon laheyd inaan kuwa dagaalamaya ahay,ama xirahay. qofwalba oo damiir lehna in jooys intaas kaduwan ka helayo tigree ma aaminsani,haduu jiro waa kee?ta kale saaxiib hadalkaan ku iri ilaa&hada waa adiga ka gilgilanayee ogow horaa loo yiri far&meel bugtaa is oge ma waxbaad isku ogtahey?dhibaatada naheysata ayaa ka weyn inaan aniga iyo adigu wax aan waxnagelineeyn maantoo dhan ka hadalo! taa waa dhamaatey baan filayaa? mahadsanid |
    Godey | Thursday, December 07, 2000 - 08:49 pm Xornimo Waan akhriyey maqaalkaagii. Horey waxaan kuugu sheegay inaynan muhiim ahayn in laga had-hadlo dhibaatada ay Ethiopia ku hayso dadka Soomaalida ah ee deggan meeshaas. Maxaa yeelay ma aha wax la isku khilaafsanyahay. Mar haddii aan la isku khilaafsanayn dhibka dadka lagu hayo, waxaa muhiim ah in laga xaajoodo sidii dhibkaas loo xallin lahaa. Haddii ay muhiim kuula muuqato waxaan kuu soo qori bogag aad u badan ii soo sheeg. Anigase waxaa igala muhiimsan calaacal wax ma taro. Haddii aan dhaho hebel la dil, hebella la xir, hebella waa la la'yahay xal ma keenayso. Waxaa ii muhiim aha inaan ka hadlo maxay tahay sababta illaa hadda dhibka noocaan ihi ii haysto. Muddo ayaan ku soo jirey halgan, maxaa iga khaldanaa haddase sideen u sixi karaa haddii ay jireen wax iga khaldan. Sidaa darteed, ilama aha inaad u diyaar tahay doodaha noocaas ah. Iga raalli noqo marka haddii aadan xambaari karin. Nabadeey. |
    Cagdheer-rarte | Thursday, December 07, 2000 - 09:18 pm Waaw Ogaadeen wada hadlaya. War ha is lug gooynina talo keeni maysaane. Guud iyo Cagdheeraw Hunguri Gabiyo kaa tuurye Horta yaa na gaday waa intay garasho siisaaye. Waa nala laayey waa nala laayey. Ha la idin laayo. Anna waan kuu soo socdaaye ogow" |
    hawd | Tuesday, December 12, 2000 - 03:05 am TO CIYAALKA AF-BARADKA AH Wxaaa la yidhi "warankaagu ruuxaanu mudin weedh la marin waaye" adduunka waxaa ugu xun qof waxaan jirin intuu ku hadlo hadana iskula sii quman. 1- dhulka somali galbeed ama OGADEN sida adduunka looga yaqaano waxaa deggen somali waxaana gumaysta ethiopia. siyaasiyan waddanku wuxuu waligii ku jiray "martial law" ama xukun militeri, dastuurka u qurana waligii sidaas ayuu ahaanayaa xukuumad kasta oo timaadda oo waxaanu marnaba ka boodaynin " KOLBA KII AXMAARA EE KURSIGA FUULA WUXUU KABADHKII KALA SOO BAXAA BUUG LA KAYDSADAYE" mid walibana waxay adduunka ka dhaadhicin inay meesha democracy ka jirto. shacabka somaliyeed ee gobolka deggan iyo axmaaradana xidhiidhka ka dhexeeya waa mid ku salaysan gumaysi kaasoo ah in dadka la gumaysto noloshoodu qiimo lahayn in horumar bulsho dhinac kastaba ha ahaado e loo diido. dadka soomaaliyeed iyagoo ah dad xornimada jecel ogna inay dulmi iyo silic ku jiraan ayay haddana iska indhasaabayaan dhibaatada haysata naftoodana been ku maaweelinayaan sababo qabiil awgood iyo xurguf iyaga dhextaal taasoo ay ku luntay himaladay lahaayeen iyo dantoodii guud. cadawguna isagoo taas ka faaiidaysanaya ayuu wuxuu ku dabakhay siyaasaddiisii qaybi oo xukun. Wadanka ururro siyaasadeed waxaa ka jira labo itixaad iyo onlf. itixaad sannadihii hore 92-95 way fiicnaayeen si xunna way u galeen nimanka tigreyga ah ha yeeshee operationadoodu sidii hore uma xoog badna. onlf si aada ayay dadku u taageeraan awood military oo aad u fiicanna way leeyihiin dhawrkii sano ee ugu dambeeyayna si lixaadleh aayay u jabiyeen axmaarada maalinba maalinka ka dambeeya way ka sii xoogaysanaysaa international stagekana axamaarada naftooda ayaa ka qiray waan sii wadi. |
    hawd | Tuesday, December 12, 2000 - 03:56 am aan sii wado ururada wadanka ka jira... ururka ONLF dadka gobolka deggen 80% way taageeraan waxaana hadda si cad u soo baxday in ay gorrila war hawdka ka socday ay kaga gacan sareeyaan maxaysatada tigrayga oo magaalooyinka waawayn mooyee aysan hadda ciidamada axmaaradu joogan intiisa kale waddanka. xoogga iyo taageeradda ay dadka ka helayaanna hadday sii socotto waxaa la rumaysanyahay in arrinta gobolku wax wayn iska bedeli. dagaalka dhexmaraya onlf iyo tigreyna waa maalinle, intaas ka sakow waxay onlf maanta gaadhay heer ay iyadu ugaadhsato axmaarada oo magaalooyinka waawayn dagaalku si joogta ah uga dhacaa. maalin walbana saxaafadda caalamka ayay ku qorantahay. taas waxaa sii dheer shacabkii oo dhibaatada axmaarada xamili waayay oo maalinkasta faras maagalaha magaalooyinka wadanka sida falstiin dhagaxtuur iyo toogasho tigrayga la ugaadhsanayo ka socoto, imikana wadanka waa ka xaaraan in baabuur axmaaro leedahay uu labo magaalo isaga goosho say doonaan ha u xoog badnaadaane. waxayna adeegsadaan baabuurta shacabka oo ay xoog ku soo kaxaystaan waxaana xaggaas looga yaqaan "GIDHAASH". KU isku tilmaamay somali 5 oon xaqiiqdii garanaynin waxa somalinimadu u taaganttahay iyo ku talobixiye isku magacaabay oo ilaah talada dhinicii marroorayd uga dhiibay iyo kuwo kale ayaa waxay doonayaan inay internetka ku af-dillacsadaan waxaysan ogayn inuusan gobolka nin aan u dhalan ka hadli karin. haddii aabayaashiin stooges u yihiin tigreyga dee idinkuna dhabahooda raaca. onlf uma baahna inay dabo dhilifyada taageero ka helaan qof kale oo wadankaas u dagaalina uma baahna taageeradiina. ninka ku qanci waayay ee u malaynaya axmaarada iskaba dhaaf ogadenia waxaan ognahay ee dhac,kufsi dil ah ka wadda jamhuurayadii somaliya inay dan u wadow adaa cirka roob ku og. bal adduunkii kale ayaa maalin walba dulmiga reer ogadenia lagu hayo ka qaylinaya markaasay iyagoo somali isku sheegaya waxaas ku hadlayaan iyagoo xaqiiqda u kas isaga indha tiraya arrimo qabiil awgood. ninka onlf qabiil ku diidanaw waligaa ha soo raacin , kii mabda' iyo wax u qabadka umadda reer ogaadeenia ku raaciyow welcome. maxaan wacdaraha adduunka usoo jiray waayaheeda warkeeda la ii dhameeyay maxaa waran layla doonay. habeenimo layla waayay nasiib kaga waabariistay maxaa dabin lay wareejay wadkayga la ii shirqoolay maxaa dacar ;lay walaaqay wabeeya ku caafimaaday maxaan wabiyaal isjiidhay dhexdooda ka waab samaystay qofaan wehelkayga mooday ka qaybgalay weerarkayga ruuxaan la wadaagay oontu ku wiirsaday dhiiladayda. HADRAAWI TUUGADII SHALAY TUBTA QAADEE WAYAANA U TEGAY MAXAY NAGA TARI WAANU TOOGANE. Ama dood fiican meesha la imaadda ama nacnacda nala dhaafa. waxaan uga digayaa dadka quman inaysan doodan ciyaalku isugu yimaadeen ka qayb qaadanin. |
    wiilwaal | Tuesday, December 12, 2000 - 05:11 am Saaxiib Hawd waxaa iigakaa muuqato jilayc aadan aqbali karin in lagu dhaleeceeyo ama ladhaleeceeyo ururka aad taageerto, waana laga fiicanyahay arrintaa nin wayni waa kii gaamura, qofka caqliga leh waa inuu kudiirsado dadka dhaleeceeyo labo sababood awgood 1- inuu ceebihiisa halkaa ka'akhristo oo dibisugu noqdo iyo inuu fahmo haddayna jirin ceebahaa lagasheegayo sababta kukalliftay qofkaa waxbadanna kafahmo. Gabogabodii waxyaabaha aan uga danqado waxaa kakow ah rafaadka dadka dhulkaa daggan haysto iyo sidayna rajo ugusoo muuqan, dad aan badanaynbaa jira oo kahadhadla dhulkaas balse waxaan micno lahayn bay sooqoraan, iskadhaaf waxwaynee xitaa waxay awoodi waayeen inay dhibaatada dadkaa haysataa soo gudbiyaan oy caalamka ogaysiyaan balse ay ugu yaraan u helaan ictiraaf qadiyadooda. Nin raga ah waa kii dadkii ama dagaal galiyo ama nabad kunooleeyo waa lagafiicanyahay in hadal aan raad lahayn lasoo qoro oo layidhaa cadowgii baan baabi'inay ama nag kadhignay. Muddaan hadllaadaa maqlaynay waxse jira ma'aha hana uqaadan inayna dadku warkahaynin carrigaa kagees iyo kagees waalala socdaa waxay ONLF hayso oon hadal bilaash ah ka'ahyn majiro sida iimuuqatan mustaqbal masoo wadaan aan ka'ahayn rafaad. Aniga shakhsiyan waxaan ahayn muslim soomaali ah aad ayaan ujeclahay dhammaan dadka dhulkaa dago qoloda ay rabaan hanoqdeene, waxaase jira hadduusan qofku waxiskacelin karin inuu mudiic noqdo dadka dhulkaa dago intooda badan mudiicna diide waxna iska celin waaye. Haddaad waxgarad tahay akhri labada qoraal ee lugusoo daabacay WWW.OGADEn.COM Dad waxay cunaan aan haysan oo lugu gumaysto kiilo shammureey ah oo diintoodii iyo dhaqankoodiiba looga gatay Hadhuudh oo waligood kuhaya waxbaan xoraynaynaa illaa iyo haddana aan tuulo qabsan micno malaha. Sida iigakaa muuqato waxaad tahay nin adag oon isdhiibayn marka aan kulataliyo bal talo iga hoo islawynan khayaali ah waxba tari maayo e: Intaad iska illowdo ONLF bal dib ufeker fiirina taariikhda iyo waxyaabuhuu dhulkaa soomaray wadomar oo soo indho indhee lasheekayso dadka dhulka dago qabiil walba sidaan yeelay aniga kulahadlayo waxaad ogaan xaqiiqda jirta iyo baahida dadkaa ay qabaan islamarkaa waxaa kuucaddaan sida uu xalku iman waxaa kuhudhan markaa inaad qaaddo tallaabo istaraatiiji ah oo qotodheer oo ugu gurmani dadkaa ood uga xraynayso gummaysiga ay kujiraan. Maanta maalin kaliitaan masoomarin haddayna kaalmada ay ubaahanyihiin. Iska'illow muqayiliinta ONLF ee wax alla wixii ay kuhelaan magaca dadkaa raafadsan qaad ulafariisto. Saasaan yeelay aniga. waad mahadsantahay |
    Anonymous | Wednesday, December 13, 2000 - 03:56 am To:- Hawd Ugu horreyn dhamaan xubnaha dhiibtey fikirkoodu waa mahadsanyihiin. Waxaan u arkaa inaad tihiin ugu yaraan dad dareensan xaaladda degaankaas. Ta kale, ma xiisaynaynin inaan fikir dhiibto. Waxaan arkay xaalad aanan sii aamusnaan karin. Anigu waxaan ahay xubin u dhashay degaankaas. Waxaan soo moogaa muddo badan. Haseyeeshee badhtamihii sannadkan ayaan dib ugu noqdey. Waxaan soo maray meelo badan oo degaankaas ah loona filayo inay ONLF ka dhaq-dhaqaaqaan. Waxaan tagay Gunagado, Farmadaw, Gabagabo, Nusdariiqa, Laandheer, Dig, Marsin, Caado, Dannood, Wardheer, Qabridaharre, Shaygoosh, Dhagaxbuur iyo meelo kaleba. Xaqiiqadu aad bay uga duwantahay ta HAwd iyo inta la halmaasha ay noogu warrami jireen. Ugu horreyn dhibaato aad u ballaadhan way ka jirtaa degaankaas. Dadka waayo aragga ahi waxay ii sheegeen inaynan dhibkan oo kale horey u arag. Waxaan leeyahay inta ay noo sheegi jireen aad bay ugaba wayntahay. Waxaa meesha ka jira laba jabhadood. Waxaana la raadsadaa ONLF. Ciidamadu waxay u socdaan 7-7 una wareegaan duurka. Meelaha aan tagay dhammaan waxaa jooga ciidamada. Haddaba waxaa hubaal ah in ruuxa warbixin beena ah ku siiya kaaga daran yahay cadawga. Anigu qabiil ahaan waxaan ahay Ogaadeen. Taageero ayaan u ahayn jirey ONLF maxaa yeelay warbixinta iyaga ayuunbaan ka heli jirey. Haddase waxaan soo xaqiiqsadey inay yihiin laba cadaw oo dadka ugaadhsanhaya. Dhinaca kale, sida Hawd ka muuqata ma dal baa lagu xoreyn karaa. Ama tayda ama waxaad tahay cadaw. Tigreeguna sidaas ayuunbuu qabaa? Ta kale, waxaa dhibaatada oo dhan keeni waa marka ruux sidaas oo kale u fikiriya talada gacanta loo galiyo. Haddaba, walaalayaal waxaan leeyahay kaas oo kale ma matali karo ummad mana aha ruux loo aaneeyo Ogaadeen. Maxaa yeelay uma danaynhayo Ogaadeen ee walaaladood ayuu cadaw uga dhigi. Marka waxaan idin leeyahay raalli ka ahaada af-xumadiisa. Danaheennana aynu ka wada hadallo. Dalkeennu wuu inoo baahanyahay inana waan u baahanahayee. Dadku khasab ma aha in ay isku mawqif wada ahaadaan. Waa lagu kala duwanaan karaa dood iyo niyad samaan baana lagaga bixi karaa. Af-xumo meella inama gaadhsiinayso. Sidaa iyo dood wacan. |
    Walaalkaa | Thursday, December 14, 2000 - 02:30 am Waa guul in dadku xilligan sida ay rabaan wax u qoraan. Ruuxa la baxay Xornimo wuxuu sheegay in dadka ku nool gudaha intooda damiirka leh aynan u bannaanayn wax u dhexeeya raacida ONLF ama AL-itixaad iyo xarig. Haddaba aan su'aalee dadkii ma la wada laayey, ma wada xiranyihiin mise dhammaan waxay raaceen ururada dagaalamaya? |
    hawd | Thursday, December 14, 2000 - 09:38 am mahad qolooyinka soo dhiibtay fikaraddooda . wiilwaal iyo anonymous bilowga doodihiina ayaan u maleeyay inaad wax quman soo waddaan ha yeeshee disappiontment umbaad soo waddeen. wiilwaal : wax aan ka ahayn onlf dhaleecayn oo quman ood ka hadashay lama arko. waxana hadalkaaga gabagbadiisa ka dhadhamiyay inaad tahay dadka ka dida "O" da. bal ogaden. com mar kale ku noqo. Anonymous: sharaftii waxaad iskaga qaaday markaad tidhi laguuma aanayn karo inaad ogaadeen tahay. oo aan ku waydiiyee dhulka ma ogaadeen kaligii baa leh?. ta kale dadkaas aad magacawday ma somali galbeed bay wada degaan?. haddaan daacad noqdo ilaa hadda qof aan la doodo ma arag wax qabiil caynaya mooyee. saaxiibayaal yaynaan isdaalinine ninkii dood haya ha soo qoro qodobkuu doonayo inuu ka doodo. hadal badan haan ma buuxsho. |
    Anonymous | Thursday, December 14, 2000 - 09:31 pm Hawd Waan ka xumahay degaan aadan aqoon haddii aad tiri waan u halgami. Ka billow halganka barashada dalka aad sheeganayso. Shakhsi Soomaali ah qabana qaabka aad u fikirayso, qoraalkiisa ugu horreeya ayaa xilligan laga gartaa qabiilkiisa. Sidaa darteed, wax skaki ah igama jiro inaad tahay Ogaadeen. Waana adiga iyo kuwa kula fikirka ah kuwa ku dooda waa gobol Ogaadeen. Anna waxaa ku leeyahay dad badan oo Soomaaliyeed ayaa deggan. Illaa ay hawsha ka wada qayb qaataana nooc kasta oo halgan ahi ma guulaysanayo. Marka haddiiba aad hadda yara dareentay in gobolka dad kale kula deggan yahay waxoogaa waad roontahay. Ugu dambayn ku wad riyada aad iskaga nooshahay. Dagaallo adag ayaa dhex maray Mujaahidiinta ONLF iyo Malleeshiyada Xabishada. Waliba aan ku siiyo warar badan oo kale oo aadan adigu hayn. Waxaa xalay gacanta lagu dhigay 10,000 oo ciidammada xabashida ah. Waxaa la qabtey degmooyinka Godey, Qallaafo, Dhanaan iyo waliba Qabridahar. Waxaa in yar loo jiraa Dhagaxbuur. Waxaa la hareereeyey Fiiq oo ciidamadii gumaysigu meel ay ka baxaan ayey la'yihiin. Jijiga dhinaca Kaaramara ayaa laga soo galay. Sidaa darteed, waxaa la xoreeyey Baabili. Dabaal-dag. |
    cheaphater | Friday, December 15, 2000 - 12:15 pm Waxaa wax lala yaaba ah kuwan onlf&al-itaxaad iney wax kasheegaan ma ahaanee aan camakale waayey maxaad gumeysiga dadka soomaaliyeed wax uga sheegi waydeen?waxii jiraa wax laga sheegaa waxaan jirin maba jiro. takale waxbaa lamucaaradaa baad maqasheenee maxaad idinku (alternative)u keeni weydeen?waxaan idin dhihi lahaa aduunka aad ku nooshihiin dib u fiiriya?waxaad u baahantihiin takhtar waxaadna tihiin bukaan aan garaneyn cudurka haya. ama talo keen noqda ama talo raac? wa bilaahi towfiiq |
    MUDHUU_MADHAA | Sunday, January 14, 2001 - 08:18 pm WAA SIDAAS MAGACAYGU UU YAHAY OO AKLE HADLKIINUYE AMA MIDOOBA OO WAX U QABTA SHACABKIINA DHIBAN AMA NAC NACDA SHACABKA DHIBAN KA DAAYA OO CULAYSKA HAYSTA MIDKALE HA UGU SIIDARINA |
    sacdiya | Saturday, January 20, 2001 - 08:39 am meeshaan ragbaa isku helee waa loo baahanyahay in sidaas loo doodo laakiin afxumadu mafiicna |
    Kayd Ismacil | Saturday, January 20, 2001 - 09:59 am O=Organized N=Non L=Liberating F=Faqash ONLf used to WSLF and they are both ex Afweyne tools . They are an terrorist organisation that needs to be removed from Somali galbeed. There are some reasonable Ogadeni leaders but this onlf organisation needs to be eradicated they are a disease. Ethiopia can wipe you out in one day if they want to don't lie to yourselves, you are an gaalo organisation fighting for a faqash cause that is dead like AFWEYNE your father! I am going to lobby the Somaliland government to send two divisions of the army to finish the terrorists off! i will be back in a years time, then we will see if I succeded or not!!! Faqash ha dhacdo, Faqash iyo wixii tageera ha dhacdo, Somaliland guul iyo Gobanimo!!!!!!!!!!!!!! |
    WIIL ABSAME | Tuesday, January 23, 2001 - 08:53 pm waligiinbaa gaalo la idinku ag arki jiray idinkoo daba nah-nahleeya sidii (...) Isaaq haduu wax tari isagaa naftiisa waxtari lahaa dadkiisa kala qaybsana heshiisiin lahaa tii Afweyne eed sheegaysana Isaaqbaa madax ka ahaa tan hadana madaxka ah xataa markii aad Siyaad Barre ladagaalameyseen Isaaq ayaa dhinaca Siyaadna ka soo safnaa shame on you my bad br Ogaadeen inaad necebtihiin unbaad sheegaysaan taasna waa iska cadaan, laakiin waxaan idinleeyahay anoo ku hadlaya magaca aad wax ka sheegayso "Ilaahayoow hana nagu kiin qabanin hana nagakiin qaadin" sababtoo ah xataa kuwa xun xun ee sidiinoo akle ah waxbaa lagu yeeshaa |