Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: hawiye muxuu u tashan la'yahay?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

samatar

Thursday, November 16, 2000 - 08:42 am
sidaad la socotaan soomaaliya maanta way kala hormartay xag dhaqaale iyo xag bulshaba, meelaha qaarkood waxaad ku arkaysaa nabadgelyada ka jirta iyo hormarka, sida magaalooyinka hargaysa, boosaaso, galkacyo, berbera, laascaanood, boorame,
halka meelaha qaarkood ay wali ku jiraan burburkii dagaalkii sokeeye, waxaan la yaabay maxaa shacabka hawiye ay kaligood u tashan la'yihiin oo intaas dad kale oo aan rabin ugu hanqal taagayaan, ogaadaa maalintii idinku dhaafto fawdo waa maalin ay somaliland iyo puntland ay ka faa'iidaysteen, waxaan u sheegi lahaa wax garadka hawiye inay ku dhaqaaqaan sidii ay ugu hawl gali lahaayeen dawlad goboleed ay ku gaari karaan horumar, maxaa yeelay maanta soomaaliya waa ay bislaatay oo nin walba wuxuu qabaa inuu tuuladiisa/degmadiisa/gobolkiisa/state-kiisa ku helo horumar dhaqaale iyo mid bulshaba.
mar kale hawiye waa inaad is canaanataan meel kasta oo aad joogtaan,yaysan ficiin idinka hor marin, digil iyo mirifle waa ay ku dhaqaaqeen inay samaystaan dawlad goboleed.