    Abu Khalid | Saturday, November 18, 2000 - 03:44 am Shalay mar ay amxaaradu waydiisay wasiirka arimaha dibada ee Ina Salad Boy oo ay tiri waxaan aad uga walwalsanahay ururka AL-ITIXAAD oo weeraro nagaga soo qaada gudaha Somaliya waxa uu ku jawaabay "Anaga ayaaba idinka daran oo khatarta ay nagu hayaaan ayaa ka wayn tan ay idinku hayaan waana cadowgeena koowaad" Hadalkaas ayaa fajac wayn galiyay dad badan oo aan aniga ka mid ahay oo rajo ka qabay dowladaaan Ina Salad Boy oo is leheen wax yar oo diin ayaa qalbgiisa ku danbaysa laakiin hada ay no cadaatay in uusan ka sokeynin odogii soo carbiyey ee aabihiis ahaa ee Ina Siyad Bare |
    wadani | Saturday, November 18, 2000 - 07:24 am sorry bro, siyaasad waa siyaasad ha ilaawin ha fiirin waxa lagu hadlo ee fiiri waxa la sameeyo maskaxdana ka shaqaysii inaadan hadalka la soo boodin hadii kale sida hada ay wiligaaba kaaga hoos baxaysaa, |
    true-wadani | Saturday, November 18, 2000 - 10:00 am adaaba doqon ahayd haddii aad rajo ka lahayd ina salaad boy, ileen doofaar ma daahirmo, ma maantuu is bedelay. soo ma ahan kii ku dugrin jiray aabe siyaad. |
    salafi | Saturday, November 18, 2000 - 10:25 am itaxaad anagayba cadawgeena yihiin, walaalayaal waxaad u jeedaan wajiga rasmiga ee ay leedahay dawlad ku sheega, waxaa bah dilid ah in nin u tegay isagoo iska dhigaya madexweyne soomaaliyeed in la soo siiyay awaamiir lana soo canaantay iyadoo la tusay inuusan ka maarmi karin ethiopia oo ah cadawga soomaaliya. warkan uu ku hadlay doqonka buubaa waa wax meel uga dhac u ah islaamka waana mid ay tahay in laga qaado tilaabo, waxaan ku boorinayaa in itixaad meel kasta oo ay joogaan kula xisaabtamaan tuugadaas soomaali magacooda ku qaraabanaysa, iyo waliba inta ku harsan ee taageerada u haysa inay ka haraan xaaraan cunayaasha oo damiirkooda uu yahay kaliya sidee ku heshaa hanti iyo power. |
    U kuur gale | Saturday, November 18, 2000 - 11:23 am Anigu waxay ila tahay in aan la fiirinin hadalka afka ka soo baxay,illeen waxaani waa siyaasad siyaasadna waa la isku been guuraa. Mideeda kale dawladaan waa dawlad tabar yar intay ka xoogaysaneeyso waxaa wanaagsan basar in ay ku socoto si looga takhaluso taageerada milateri ee dawladda Ithiopia ay siiso ururada Somalia. sabtoo ah waxaa jira hogaamiye kooxeedyo Somali ah oo u baryo taga Ithiopia si ay u helaan taagero milateri iyo mid dhaqaale iyagoo wax walba diyaar u ah. |
    Gardheere Fooljigan | Saturday, November 18, 2000 - 07:11 pm "Caradu afkooday kamuuqataa waxa uurka ugajira ayaa ka daran". Hogaamiye kooxeedkasta ee Somaliyeed wuxuu ku sharaf iyo barya tagaa ladagaalanka diinta iyo ahalkeeda! Way ogyihiin in aysan cadawga ilaahay siri kararin laakin waa munaafiqiin oo markay mu'miniinta u imaadaan waxay leeyihiin "Inaa macakum" idinkaan idinlajirnaa markay cadawga Alle u tagaan waxay yiraahdaan:"inna maa kunnaa muztah zi'iin" war wadaada uqafiliinta ah ayaan ku cayaareyne. Please gardheere wake up don't support our enemy!! |
    abdikarim hassan | Sunday, November 19, 2000 - 08:10 am TO U KUUR GALE Ma waxaad leedahay ninkan waa ina salad boy ee iibinaya diinteenii, siyaasad ayuu ka wataa sxb waad lunsan tahay ee isdabo qabo, hore ayaan u iri hala kala daayo diinta, qabiilka iyo siyaasaddan madaxa leysugu gelinayo. ilaahey xaqa hayna garansiiyo. daalimiinta iyo waxa la jirana haynaga qabto. |
    koofi-dhuub | Sunday, November 19, 2000 - 09:17 am dear belo sheegayaal, waxaad ka hadasheen waa arrin aad isku dayeysaan in aad doowladda iyo wadaadada qoorta isugu gelisaan sida,sida kuwa muslim diidka ah,oo uu u horreeyo,ina caydiid,cabdullaahi yuusuf,mille zennawi iyo cigaal.oo diiddan in xattaa la`tukado,iyaga oo ka cabsi qaba in la`yiraahdo waa islaam.kuwaas aya ceeb mudan iyo in farta lagu fiiqo.u soo noqo gunta hadalka. walaalahayga soomaaliyeey ,laba shey yaan laysku qaldin:-in aad tiraahdaan al-itixaad baan ahay oo aniga ayaa ka mas`uul ah diinta islaamka qalad ma`ahan,laakiin hadalkas yaad ku oranaysaa? ma kuwii awalba kuugu yeertey in ay kaa xanaajiyaan oo aad u carrootid si ay jid ugu hellaan taageerana loogu siiyo in ay shaqo culus oo gaaladda ku soo fool leh ay Ethi0pia haysato,si galleey loo siiyo.taasi aqli ma han hadalkaas uu yiri (buubaa) waxay xabbad sun ah ku tahay dowladda al-amxaar oo yuhuudda lacag iyo galleey shamuurey uga qaadata "waxaan la`dagaalannaa al-itixaad"haddaba la`soco ciyaartan waa ciyaar la`ga soo fikireywaana lagu soo tashaday in dhesha si wacan loola dheelo ninkan soomali nacaybku dishey (zanawi)hana ka dhoowrin in amxaaro daacad ula heshiiso qof soomaali ah wuxuu doono ha noqdee.,markaa ma habboona in loo fahmo in al-itixaad wax la yeelay,ragga hadda miisku ku gaddoomey, caalamkuna ogaadey in waxa ay sheegayaan ay tahay hunguri-raadis ee al-islkaax iyo al-itixaad meeshan ka jirin oo goonida loo eegayo waa "cadawga al-amxaar" ee la`socda.caalamku waa ogyahay in soomaaliya muslim tahay 100% oo aan al-itixaad la`oran. ee arrinkaa guul halloo arko. |
    abdikarim hassan | Sunday, November 19, 2000 - 11:37 am TO KOOFI DHUUB Sxb ilaa hadda ma fahmin waxa aad ka hadleyso. diintu waa cadahey wayna kala caddeysay xaqa iyo baadilka, diintuna ciyaar ma gasho sida ka muuqata hadalkaaga ee ah ciyaar ayaa la dheelayaa. sxb diinteenu iib ma ah mana joogno wakhtigii ashuunka lagu adimi jirey, sidaas darteed waxa fiican in aad dib isugu noqoto, somaliduna waxay ku maah-maahdaa intaadan falin ka fiirso. nimanka aad sheegayso sida cigal, caato iyo midka aad u sacabo tumeysaana waa dameer iyo dhegtiis, waana munaafaqiin diina wax kamey oga adiguna haku dabalumin ee isaga har ayaan ku oran lahaa. |
    waddaad kale | Sunday, November 19, 2000 - 11:10 pm To Bro wadaad Dhiiga dajiya wax ma ogidiine tikniko waaye meeshaan, dowladda intey heesataa xamar qaar maxey ka qaadi karaan Shaati-gaduud,caato,baby ceydiid,muse suudi,boot,qanyare,cigaal,c/hi yusuf ooba dhahay wadaad maxoo sheegaa iyo kuwo baddan oo maalinkasto Itopia u cararayo, marka hore kuwasaa albaabka laga xiraa, suga dhiiga dajiya,anagaaba istaagi karin oon shaqo isku laheen BOMB aa la ordeysaan, BOMBKA waa qarxineenaa suga aan istaagno dowlad aan noqono,Itopia waligeen ma cafineyno laakiin awood majirto. |
    fariid | Monday, November 20, 2000 - 12:05 am to. koofi gaduud saxiib qofka kaliya ee ayka muuqato wadani nimo ee mowduuca ka qaybqaatay adiga ayaan muu arkaa si indheer garadnimo ah ayaadna u taabatay siyaasada. hadaan waxyar ka taabto dhibaatadii ka gaartay walaalaha muslimiinta ah ee ku dhaqnaa gobolka gado diintana gobolka ugu daqay si faafsan waa tii inta looga beensheegay amxaarada ay diyaara daha ku rusheysay saa waa dowlad ka awood badane. wixii markaas ka danbeeyayna tuug walba inta tago dhahayay bumbay soo wataan gardheerihii een la dagaalamee hub hala i siiyo. kadibna qabiil iyo bur bur u adeegsanayay. shacabka dagan gobolka xuduuda la ah ethiopia way arkeen been abuurka iyo burcada say ku bur buriso dhulka iyo diinta islaamka ah. cid walba oo soo ataagta diinta islaamka waala iska caabin karaa lakiin dowlad qalabaysan way adag tahay in ay dhalin yarada rabi u hogaansan ay aake kula dagaalamaan diyaarado si xaqdara ah na ay dowladu u cirib tirto horumarkii ka jiray gobolka. diintii ka jirtay gobolka iyo dhaqaalihiiba. waxaa cad in c/qaasin uu kula soo galay ithiopia in aysan ciidan danbe oo ay leedahay aysan soo talaabin xuduudkeena kuwa ugu jirana ay kala baxdo. waxaan awood danbe u halay in burcada ay ethiopia ay soo hubayso aysan gacan ku yeelan guul danbana ka qaadin nabada gobolada xuduuda koonfureed. sida aad uga warqabtaan shaati guduud iyo qolooyinka ku xulufada ah ayaa waxaa loosoo hubaynayay in ay ka tirtiraan argagixiso waxay ku tilmaameen oo ethiopia qalqal galinayo ee kasoo galo gobolada koonfureed. hubkaas iyo ciidanka lasoo raaciyo oy rabeen inay u adeegsadaan dagaal qabiil iyo inay gacanta u galiyaan dhamaan gobolada koonfureed ilaa kismanyo dowlada ethiopia. taasoo maanta ku fashilmatay in aysan gacan buuxda dowlada ethiopia ka gaysan karin dagaala cusub ooka dhoco gobolada koonfureed. waxa kale oo ay beeniyeen waftiga dowlada in aysan jirin xisbiyo islaami ah oo utaagan inay arga gixiso ku furaan ethiopia. marka ama cidii si qabiili ah u xiisaynayso xasi looni darada ay ethiopia ku hayso gobolada koonfureed ama cidii u xiisaynayso inay dagaalo cusub ka dhashaan gobolada koon fureed. ilaahaygii idin abuurtay u laanta oo danbi dhaaf waydiista. hashiiska ethiopiana wuxuu danwayn u yahay shacadka ku nool xuduudka dheer ee koonfureed iyo wadaadada ayaga oon wax gaysan lagu qaraabto magacooda. wabilaahi towfiiq |
    DABADHILIF AMXAARO | Monday, November 20, 2000 - 01:05 am Amxaro, anaga ma ahane ma ogolin in qof kale la heshiiso,. CABDIQAAASIM HANA DHAAFO aan adisababa ka luflufanee. |
    SHAAFICI | Monday, November 20, 2000 - 01:37 am AL ITIXAAD sidoodu maxay yihiin? haddii AL ITIXAAD wax laga sheego ma diinta Islaamka ayaa wax laga sheegay? xageeyse naga soo galeen? soo maha kuwa yiraahda Ilaahay carshiga ayuu fadhiyaa kursi weeyn oo dheerna wuu ku fadhiyaa? wax ay wadaan ma diin sax ah baa? dib ha loogu noqdo nimankaan. Wa bilaahi tawfiiq |
    Anonymous | Tuesday, November 21, 2000 - 02:32 am Waxaan la yaabanahay Al-Itixaad ma diinteenniibaa? Haddii uu yiri waa cadawgeenna, saw xaqiiq ma aha? Al-Itixaad ma diin bay ku socdaan? Iyagu horta ha isi sexeen ka dib dadka ha wacdiyeen. Waxaan ogahay dad badan oo ay laayeen, jidh dileen ama silciyeen. Goorma ayuu ilaahay yiri ruuxii ururkan wax ka sheega waa gaaloobayaa. Waxaa idinkula talin ilaahay diintiisa u noqda dadkana ha u arkina wada gaalo |
    Dhere Haji | Tuesday, November 21, 2000 - 08:51 pm Waa dadkii haddii diin iyo qabiil isqabtaan lasafan jire qabiil!! Hala yaabin waa reer koonfureed ilayn diin iyo mabda' kale oon qabiil ahayn male!!! |
    BOMB | Wednesday, November 22, 2000 - 03:00 am Su`aal Nabiga Al itxaad mow ahay mase Al Iqlaas ma muslim |
    fariid | Wednesday, November 22, 2000 - 03:48 am salaamu calaykum dhamaantiin. walaalayaal diinta ilaahay inaad wax u dhintaan waa arin aad u xun ciqaab adagna aad kala kulmaysaan dhinaca rabi.. waxaa maanta dad badan ku wayn qabiilka wax walba marka laga hadlayo waxaad moodaa inuu qabiilka abuurtay. hadii rabigii abuurtay iyo diintiisa la taabtana kama danqanayo. dadka aqwaanka iyo al-itaxaad af lagaadeeyay. aniga wax yar yaan idinka lee yahay. aqwaan muslimiin waa walaalihii muslimiinta waana waxa aan nahay kuligeen inta muslimka ah.. al-itaxaad waa xisbi islaami ah oo marwalba u guntan horumarinta diinta islaamka iyo dacwad fidinteeda. ma ahan diin kale inay wataan ama wax cusub wataan, ee xaqii unbaay inay faa fiyaan rabaan.. marka inta ilaahaygii idin abuurtay u laabataan dambi dhaaf waydiista asaga. mardan bana iska ilaa liya inaad xad gudubkaas oo kale aad u gaysataan dad aan wax idinka halayn iyo rabi diin tiisa inaad ku ciyaartaan. waxaad halis u tihiin inay cara rabi idinku dacdo. wabilaahi towfiiq. |
    Shaafici | Wednesday, November 22, 2000 - 06:40 am Saaxiib Fariid waxaan ku iri kala saar diinta islaamka iyo Al itixaad. Al itixaad waan garanayaa si fiican,waxay aaminsan yihiin iyagu in ay diin sax ah haystaan dadka kalena caqiidadooda in ay khaldan tahay iyagoo yiraahda sida Ilaahay gacmo ayuu leeyahay,yaa na amray in aan Illahay daatadiisa fara gelino.Mida kale IKHWAANU muslimiin waxba kama sheegin, dadkaas mabda'oodu waa mid aad u toosan, aad bay uga fiicantahay mida Al itixaadku ay haystaand,sababtoo ah Al itixaad waxay aaminsanyihiin cidii iyaga aan ahayn in islaamnimadoodu ay shaki ku jirto ama ay gaalo yihiin. WA BILAAHI TAWFIIQ. |
    fariid | Wednesday, November 22, 2000 - 10:00 pm shaafici mid maku waydiin karaa.. aniga horta al itaxaad ma ihi lakiin maadaama ay yihiin dad muslin ah waan u istaagi karaa hadii loo baahdo... 1.adiga yaadka aragtay al itaxaad inteyna joogeen?? 2. figrada aadka haysato waxcilmiyan ah miyaa mise waala yiri iyo cilmi dhagood yaad wadataa??? 3. diinteenu mid qaybsanto matahay??? adaan jawaad kaa sugayaa shaafici. waxaana kuu rajaynayaa inaadan dambi ka galin rabigii ku abuurtay intaad is difaac leedahay. |
    Wiil shidan | Wednesday, November 22, 2000 - 11:15 pm to fariid Fariid DIINTA Islaamka waan jeclahay waana arkey dad badan oo dhaleeceynayo kooxaan cusub ama xisbiyadda marka wixii saxa ILAAH baa og. Ani ahaan dhalinyaradaan cusub waxaad u maleysaa sax kasta oy wadaan inaynan diinta meeshey rabaan gaarsiin karin waayo waxaa ka soo horeeya XANAAQ sida hadda shiiqa arintaan bilaabay, iyo sheeq kaloo beyj kale furay oo ku saabsan heshiiska somaliya iyo itopia. isma eysan weydiin heshiiskan yey dan oogu jirtaa ee mar ala markey maqleen waxay la soo boodeen caro iyo dhaleeceen. Sidaa daraadeed itopia qof soomaali ah oo jecel ma jiro heshiis itopiyana ma yeeleeyno waligeena waa noo colaad qof walboo somaliyana wuu og yahay ,marka walaalaheen waxaan oran lahaa ha is weydiiyaan su`aalahan 1-somaliya ma dowlad wax iska celin kartaa? 2-ma qaran isheystaa? 3-ciidamada itopiyaanka waxey xadka somaliya ku jireen ilaa lix sano maxaad uga saari weysay? 4-maxaad ku diide hadaadan awoodin inaad tiraa walaalow i daa? 5-diidtu waxay na faree marka hore gurigaaga wax bar ka bacdi umadda kale, marka maad saxdid kuwa nabaday inaan itopiya hoos tagno? 6-iyo su`aalo badan oo haboon sidaa daraadeed waxaa loo baahan yahay degenaan iyo iyadoo laga fiirsado falkasta oo dhacaya aduunka muslim iyo gaalo wuu wada nool yahay weyna isku daneystaan. hadii aan qaldanahay walaalaayaal i saxa |
    Anonymous | Friday, November 24, 2000 - 08:14 pm Sxba yaal waxaan rabaa in aan sheego dad badan oo soomaali isku sheegaya ayaa islaamna sheegta ayaa codawga amxaarada u baray tag markaa dadkaasi waxay fuliyaan danta itoobiya ama cadawga islaamka markaa sida looga bixi karaana waa iyadoo dawlada soomaliyeed la. buuba hadalkiisa yaan laga faaidaysan cigaal oo isku sheega madaxwayne somaliland wuxuu caayey islaamka oo dhan si uu u raali geliyo amxaar Al-itaxaad waxaa loo abuuray ma ah daaquud ee waa in la soo cesho dawlad islaam ah oo soomaaliya ka dhalta markaa waa dhalatay waana taageersanyahay dawlada u dhalatay ummada soomaaliyeed ninka magaca wadaada isticmaalayoow ma tihid nin wadaad dhaba sheego dantaada iskuna dirkarimaysid dawlada iyo wadaada |