    C/Waaxid | Saturday, November 18, 2000 - 06:53 am Asalaamu Calaykum. Dhibtu waxay ka joogtaa marka qofku uusan kala saari karin lafta iyo dahabka,sida eyga oo inlaf loo tuuro ka jecel inaad dahab u tuurto. Maxaa reer tolkey helay sow ma oga in diintu wax kasta ka horayso. Hadii aad akhrido Suuratul Axzaab waxaad arkaysaa aayada 36-aad oo micnaheedu yahay uma haboona Muslim iyo Muslimad hadii Allaah iyo Rasuulkiisu wax xukumaan in dadkaas ay khiyaar leeyihiin. Isla suuradan aayada 6-aad waxay leedahay Nabiga ayaa uga horeeya dadka muuminiinta ah naftooda. Marka waxaad arkeysaa mid dhago xiran oo leh maxay tahay diinta aad la ordayso, waxaan ka hadlaynaa, nabadgelyo, horumar iyo waxqabsi. Salafkii hore waxay oran jireen hadii diintaada la soo weero maalkaaga ku furo, hadii maalku ku filaan waayo nafta gee oo diinta gadaal ha joogto. Marka Gaalkacyo markii kitaabada laga aruursanayey xagee jireen dadka diinta u nisbo sheegta? Maxaad oranaysaan sidii sheeka xariirta lagu sheegi jirey C/laahi haduu faraatigayga la baxo markaas buu wax arki lahaa? Hadaba ha la ogaado inaad dadka Soomaaliyeed ayna jirin qolo diinta si fiican ugu damqata, haday jiri lahayd waan arki lahayn. Diita Islaamku nin walba meeshu hayo baratey, Reer Gaalkacyana la barey ma baarkey qabteen ma madaxey qabteen? Xataa mudaharaad waa gabeen."Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun" Waxaa la yiri markii " Lukac binu Lukac uu talada qabto Saacadii sugta" Waladii laa Ilaaha ilaa huwa Cabdullaahi Lukac wuu yahay,laakiin ma dhihi karo binu lukac oo aqoon uma lihi. Macno ma leh aduunyada ninkii bartaa malafsi ceebeede, odayaaloow adinkuna gacmaha hoorsada oo sandareerto qaata. Allaahna cid wax u dhimi karta ma jirto |
    jawaabe | Thursday, November 23, 2000 - 05:02 am war yaa hooooooooooooooooooooooy ar raaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaage hoooooooooooooooooooy ma igratey waxaan ku lee yahey ar raaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaage hoooooooooooy habar waalan baa tiri markaasaan wiilkii magaca iska lahaa ku iri sidatan markaasuu xanaaqey marka sheekadaadu waa sidaas |
    C/Waaxid | Thursday, November 23, 2000 - 05:54 am Asalaama calaykum Jawaabe waxaad sheegtey ma garan, waxaanu ka hadleynay arinta uga qiimaha badan oo ah diinta Islaamka marka saaxiib adiguna habar waalan iyo waxaan loo joogin baad ka hadlaysaa marka hadaad wax sheegayso wax la fahmi karo sheeg hadii kalana iska aamus. |
    garoowe | Friday, November 24, 2000 - 10:47 pm to-walaalkay c/waxiid asalaamu calaykum waraxma tulaahi wabarakaatu amaa bacda walaal xaqiiqdii dhibaatada aad sheegaysid waawax laga dhiidhiyo oo ninkasta oo islaanimo ku jirto uu ka danqado kutub layska ururiyana xataa tii siyaad kuma maqal alaaba waatan c/laahi yuusuf oo qabiilo kaliya u talisee. laakiin waxaa jirta inkastoo qisada aad soo sheegtay aysan ahayn wax difaac loo raadin karo sidaad ogtahayba 10kii sano ee lasoo dhaafay wadankeena waxaa ka dhafay kabaahir fara badan dadkuna alla kacabsigii waa ka tageen hadaba hadaan kaaga waramo waxa igu kalifay inaan maqaalkaaga ka jawaabo waxay tahay 1991/92 anigoo jooga magaalada boosaaso ayaa waxa iska horyimi culimadii dakada haysay iyo maamulkii ssdf xiligaa kahor wadaadada shacabku 100/% shacabku wuu taageersanaa diintana waxa dadku u baranayay si xad dhaafa markii lays laayey kadib sidaad maqashay waxay gaartay heer xitaa masaajidkii waynaa ee garoowe shacabku xiraan iyagoo kuli aaminsan wadaadadu inay cadow yihiin aniga walaalkay ayay wadaadadu boosaso ku dileen saasoy tahayna wali diinta taageeraan u ahay hadaba waxa jirta xili culimadu eeda leedahay iyo wixii diinta dibidhigaya iyo xili bulshadu dahaaran tahay xiligan isaga ah waxan qabaa wixii dhiboo diinta soo gaaray waxaa qiyaame la waydiinayaa raga ay madaxda u yihiin c/qaadir gacamey cumar faaruuq maxamed shiikh cismaan iwm wabilaahi tawfiiq sayid cumar |
    C/Waaxid | Saturday, November 25, 2000 - 05:35 am Asalaamu calaykum Garoowe aad baan kuu salaamayaa, waxaan ku faraxsanahay in aad ogashahay ugu yaraan in la wada hadlo. Dad badan oo is naqaan baa ugala dagaalsan maxaad arimahan uga hadlaysaa, aniguna waxaan aaminsanahay in diintu Islaamku tahay tan kaliya ee ugu mudan in laga hadlo oo u baahan in la dhowro. Hadii aan diintaan Allaah nagu manaysan, waxaan la mid noqonlahayn dadkaa qaaqaawan ee madow ama ceeriinka cuna oo qaarna haylaha iyo furaha iska jeexjeexa. Garoowoow horta diinta Islaamka fiicnaanteeda qofka laguma xiro, waxaan ka wadaa inta aad hebel sheegtid oo ka faalootid markaa waxa diintu tahay ha go'aamin maxaa yeeley qofku wuu khaldami karaa diintuse waa sax, laakiin qofka waxaa lagu qiimeeyaa qadarka diintiisa ah. Marka waxaad xustey dad lagu tiiriyo aqoon diimeed.Marka anigu qofna Ilaahey uga tazkiyeyn maayo oo Allaah isagaa og waxa quluubta ku jira, laakiin waxaan kuu sheegayaa anigu kama hadlayo hebel ma khaldami karaa laakiin waxaan ka hadlayey niman qabqablayaala oo hadii layiraahdo dadku ha gaaloobeen idinkuna madaxweynayaal noqda raali ah hadii layiraahdo diinta caaya iyo dadkeeda diyaar u ah iyagoon qarsanayn. Marka Garoowoow adigu rag baad xustaye kuwaan ka waran: C/hi Yuusuf Xasan Abshir iyo kuwo badan C/hi shaley Caydiid buu lahaa ra'iisul wasaare iga dhig Xasan Abshirna wakaa C/Qaasim ka rabey jago. Marka anagu ma garan la'nahay cidaan aamino? Koley anigu dhulka dadkayagu degan yahay sida Gelaadi Dhudub iyo Bookh ma tagi karo marka raali kama ahi in xabashi Garoowe iyo Gaalkacyo igu xukunto. |
    Runlow | Saturday, November 25, 2000 - 08:42 am Asalaama Calaykum C/waaxid nin yahow nin caqli xun baan kuu malaynayey laakiin sida aad garawe ugu jawaabtay, caqli badan baa kugu jira, igana raali ahow meelo badan baan isku-jiirnay i mean netka. Cabdiwaaxidow Cabdullahi oo aad ugu caydid netka dad badan oo milyanisa oo reer puntland ah oo muslim sun!a sax ah ayaa taageersan, horay ugu doortay Garowe. dadkaasina Cabdullahi uma dooran in uu wax u geysto diinta islaamka. waxay u doorteen in uu ka difaaco mooryaanta xalaashatay dhiigga Islaamka, ilaahay danbi kasta wuu cafiyaa laakiin dhiig muslin nin galay ilaahay ma cafiyo. horayna waan kugu sheegay reer Galkacyo ahaan waxay noo geysteen nimankaasi, laakiin maamulka puntland uu Cabdullahi madaxda u yahay ilaahay xaqa ha ku hanuuniyee wuxuu suubiyey in iyagii weerarka ahaa magaaladdii uu soo dejiyey nabadgalyadda wanaageeda uu baray.dadka reer Gaalkacyo oo aad markasta ku eedaysid in aysan diinta u hilin, khalad baad ka fahantay, laakiin ma jecla in ay taageeraan dad ku qaraabanaya magaca diinta islaamka. marka Cabdiwaaxidow inta aadan eedayn dadka intaas tirada la!eg oo cilmiga diinta badankood ka badiyaan, badankood ka cibaado badan yihiin, ha iska eedayn wax maro diinta islaamka iyo midda aduunkaba ka bacdi daraasaad samee. ehelkaa ha iska eedayn. ilaahay wuxuu ayadiisi ku yiri waxaan idiin abuurnay qabaailo iyo shucuub aad isku garataan. marka walaale annagoo kitaabka kor u hayna diintana ehelkeeda ah baanu leenahay Cabdullahi war xadadka oo dhan noo adkee. ee qaybqaado difaaca dalkaaga Puntland. wa bilaahi tawfiiq |
    C/Waaxid | Saturday, November 25, 2000 - 09:51 am Asalaamu Calaykum Runloow aad baad ugu mahadsantahay wadahadalka. Horta aniga hadaad mowduucyadayda raacraacdid waxay ka hadlaan Qabqablayaasha iyagaana uga danleeyahay mowduucyada aan soo qaato, mana ahi nin ehelkii xumaan la raba bal waxaan rabaa iney noqdaan dad sharaf leh oo kala garta xumaanta iyo samaanta. Dadku waagii hore waxay ahaayeen dad xataa hadalka aan loo hoos gelin iskaba daa inay Gaalo ama Amxaaro degto. Runloow waxaad moodaa in aad been ugu tuhmayso laakiin anigu dhulka dadkeygii dego Amxaaro baan uga cararey maantana Gaalkacyo iyo Waqooyi Beri dad amxaaro u shaqeeya baa jooga oo iyagu dadka hortiisa ka cadaysta oo aan qarsanayn. Horayna waan kuugu sheegay aniga C/hi Yuusuf caydiisa (sifadiisa) nina uga haybaysan maayo waana wuxuu yahay inta uu diinta Islaamka iyo dadkeeda juqajuqaynaayo. Sidaan mar hore kuugu sheegay C/hi Yuusuf wuxuu ahaa ninkii kaliya ee damcay inuu Caydiid madaxweyne noqdo hadii isaga Ra'iisul Wasaare laga dhigo marka walaaloow maxaad dadkaaga u hodaysaa oo aad indhahooda u camaynaysaa? Dadka aa tiri waa malaayiin oo C/hi bay doorteen horta badni wax ma tarto oo tayo baa wax tarta,malaayiina ma dooran ee odayaal uu laaluushey baa doortey ee goormaa inta sanduuq la dhigay la yiri qof walba codkiisa hala doorto, miyaadan Ilaah ka baqayn ee xoogaa odayaal ah oo labo nin kala doortey doorasho ma aha. Ilaahna qof kii qof indho la'aan ku raaca ciqaabka waa la qayb sadaa. " Fastakhafa qoomahu fa adhaacuuhu". Horta anigu waxaan taageerayo waa diinta ee ashkhaas ma aha ee C/hi waa tegin ana waan tegin adna waa tegin diintuna ilaa aakhiru zamaanka waa joogaysaa. " Intaad diini magantiis ba tahay ama mareexaanba Daaroodka moolka intaad mid uun ku biirayso Nacasyahow maqiinani maxaa adiga kuu meela" Gabaygu waa qabyaalada laakiin waxaan uga danleeyahay anigu qabqablayaashan dayn mahayo intey gaaladan dabo ordayaan oo diinta la dagaalamayaan ee marka adigu wakhtigaaga ma waxaad ku lumi difaaca qab-qable. Laakiin hadaad C/hi ka sugto inuu barwaaqo kugu furo waa habaynkii xalay ahaa oo tegay bal waxaan booc-booc ama qaro dameeraad ama dacar ahayn ha ka filan hadaad rabto akhri Qowlkii Ilaahey: " Waladii khabuta laa yakhruju ilaa nakidaa" Mana dhacayso " xataa yalijal jamalu fii samil khiyaadh" Wabilaahi Towfiiq |
    Runlow | Sunday, November 26, 2000 - 04:40 am Brother Cabdiwaaxid- Waa sax anigu waa tagin, adigu waa tagin, C/llahina waa tagin. xayi baaqi allaah. qof walbana wuxuu geystay ilaahay buu la hortagi. waxaad tiri in aad qabqablayaasha kaliya la dagaalamaysid, weli kaama arag adoo wax ka sheegaya Cabdiqaasim oo aan ognahay in uu yahay qabqablaha ugu xun, wuxuu wax ka saxiixay laysmadii 17kii wadaad ee lagu dilay Xamar 1974tii markii ay diideen in la masaxo aayaddii ku jirtay anisa oo diidaysay inaan ragga iyo dumarka ilaahay simin, sow ma ogid kac doonkii unc aasayaashii ugu waaweynaa in uu ah C/qaasim. hadda shirkii carta uu ugu talagalay iririisim ee waxaa ku diiday Cigaal, markii ay booskii ka buuxsheen Galayr, king kong. oo in soomaaliya loo kala qaybiyo Irir iyo Daarood ka dibna dagaal madaxa isgaliyaan uu fiirsho jawaabta soo baxda, laakiin waa laga siyaasad badan yahay waana laga shisheeyaa gabadha yarta ah oo ariga raacaysa oo reer Puntland ah waa ogtahay C/qaasim iyo wuxuu wato waxay rabaan. marka waxaa iga kaa muuqatay in aad ninkaas taageersan tahay. Anigu kuma lihi C/llahi waa ma khaldame, kuli iinsaan khada, laakiin tawbadu waa furan tahay. waana ku khaldan tahay in aad tiraahdid C/llahi lama dooran ergadii ka socotay Mudug, ergadii Nugaal iyo ergadii Bari waxaa la isku afgartay in C/llahi loo dhiibo jagada ugu saraysaa ee maamulka dawladda. C/llahina waa iinsaan khaladaad wuu leeyahay, laakiin marka la fiirsho horumarka iyo nabadda Puntland ma hayno qof kale oo aan u dhiibno. bal Cabdiwaaxidow doorashada soo socota waxaa ka harsan hal sano, waxaan fiirinaynaa dad aqoon iyo karti leh oo Cabdullahi badali kara, haddii la waayo marna Puntland dhurwaayadda ku sii daynmayno. Wixii intaas aan soo dhisaynayna dhulka ku qubi mayno. anigu Cabdullahi canaan baan u soo jeedin karaa, waa diidi karaa xukunkiisa, adigu canaan ma u soo jeedin karta C/qaasim iyo wuxuu wato, mase ka hor imaan kartaa. sow ma ogid in wasiirkii arrimaha dibadda ee C/qaasim, buubaay in mela zanaawi ku yiri waxaan khaati ka taaganahay Alitixaad oo intaas dagaallo nagu haya, wuxuu yiri waxaaba ka taas ka daran dhibaatada ay annaga naku hayaan, waxaa soo qoray Abu-khalid sidee arrintaas ku dhacday wax uga jawaaba lama hayo, ma ka jawaabi kartaa arrintaas anoo kugu tuhunsan in aad tahay bro C/qaasim. iga raali ahow wixii aflagaado ah, ku dheh igama aha. wa bilaahi tawfiiq. |
    Runlow | Sunday, November 26, 2000 - 04:51 am Brother Cabdiwaaxid- Waa sax anigu waa tagin, adigu waa tagin, C/llahina waa tagin. xayi baaqi allaah. qof walbana wuxuu geystay ilaahay buu la hortagi. waxaad tiri in aad qabqablayaasha kaliya la dagaalamaysid, weli kaama arag adoo wax ka sheegaya Cabdiqaasim oo aan ognahay in uu yahay qabqablaha ugu xun, wuxuu wax ka saxiixay laysmadii 17kii wadaad ee lagu dilay Xamar 1974tii markii ay diideen in la masaxo aayaddii ku jirtay anisa oo diidaysay inaan ragga iyo dumarka ilaahay simin, sow ma ogid kac doonkii unc aasayaashii ugu waaweynaa in uu ah C/qaasim. hadda shirkii carta uu ugu talagalay iririisim ee waxaa ku diiday Cigaal, markii ay booskii ka buuxsheen Galayr, king kong. oo in soomaaliya loo kala qaybiyo Irir iyo Daarood ka dibna dagaal madaxa isgaliyaan uu fiirsho jawaabta soo baxda, laakiin waa laga siyaasad badan yahay waana laga shisheeyaa gabadha yarta ah oo ariga raacaysa oo reer Puntland ah waa ogtahay C/qaasim iyo wuxuu wato waxay rabaan. marka waxaa iga kaa muuqatay in aad ninkaas taageersan tahay. Anigu kuma lihi C/llahi waa ma khaldame, kuli iinsaan khada, laakiin tawbadu waa furan tahay. waana ku khaldan tahay in aad tiraahdid C/llahi lama dooran ergadii ka socotay Mudug, ergadii Nugaal iyo ergadii Bari waxaa la isku afgartay in C/llahi loo dhiibo jagada ugu saraysaa ee maamulka dawladda. C/llahina waa iinsaan khaladaad wuu leeyahay, laakiin marka la fiirsho horumarka iyo nabadda Puntland ma hayno qof kale oo aan u dhiibno. bal Cabdiwaaxidow doorashada soo socota waxaa ka harsan hal sano, waxaan fiirinaynaa dad aqoon iyo karti leh oo Cabdullahi badali kara, haddii la waayo marna Puntland dhurwaayadda ku sii daynmayno. Wixii intaas aan soo dhisaynayna dhulka ku qubi mayno. anigu Cabdullahi canaan baan u soo jeedin karaa, waa diidi karaa xukunkiisa, adigu canaan ma u soo jeedin karta C/qaasim iyo wuxuu wato, mase ka hor imaan kartaa. sow ma ogid in wasiirkii arrimaha dibadda ee C/qaasim, buubaay in mela zanaawi ku yiri waxaan khaati ka taaganahay Alitixaad oo intaas dagaallo nagu haya, wuxuu yiri waxaaba ka taas ka daran dhibaatada ay annaga naku hayaan, waxaa soo qoray Abu-khalid sidee arrintaas ku dhacday wax uga jawaaba lama hayo, ma ka jawaabi kartaa arrintaas anoo kugu tuhunsan in aad tahay bro C/qaasim. iga raali ahow wixii aflagaado ah, ku dheh igama aha. wa bilaahi tawfiiq. |
    C/Waaxid | Sunday, November 26, 2000 - 09:13 am Asalaamu Calaykum. Runloow mahadsanid. Mowduuca hadii la isku soo duubo waxaad leedahay maxaad C/Qaasim u cambaarayn la'dahay. Waxaad soo qaadatey waxyaalihii Maxamed Siyaad Barre sameeyey, ood leedahay C/Qaasim wuu la sameeyey. Horta sida aad sheegtey nimanka maamul la shaqeeya xumaanta hogaamiyahooda wax bey ku leeyihiin, xataa qofii taageera dambiga wax buu ku leeyahay. Waadna ogtahay oo hadii taasi run kaa tahay Ragii Gobalada Waqooyi bari USC la dagaalamayey oo ciidamada Waqooyi Bari horboodey kuli haraadi bay ahaayeen bal Xasan Abshir oo Wasiirka Arimaha Gudaha ah iyo Maamulka Puntland wuxuu u badan yahay Haraadi oo hada hadaan tiriyo aad dad badan ka garanaysid. Maxaad isku miisaan u isticmaali la'dahay oo kuwa Puntland aadan ula lahayn Maxamed Siyaad bay la soo shaqeeyeen, C/Qaasim iyo kooxdiisana aad u leedahay waa haraadi. Marka C/hi Caqli xumada iyo diin darada baan ku nacay. C/Qaasimna haduu diinta la dagaalamo meesha C/hi buu marin ka hadalkiisna nina uga haybaysan mahayo. Marka ninku waa Hawiye oo Maxamed Siyaad buu la shaqeeyey miyaan dhahaa, wax aan hada wax uga sheego oo diin nacayb ah ama gaalo jacayl ah ma hayo. Marka anigu khalad kasta kama hadlo maxaa yeelay keyga tiradii ka batey.Marka dambigii qof kaliya uu Allahiis ka galo ama labo Qof ay Allahood ka galaan waa sahal oo dad kale ma saamaynayo ee nin ilmahayagii Alifka loo dhigayey leh Afcarabi buu ku qoran yahay seen yeelnaa. Ma wuxuu nala rabaa sidii Turkey in aan diinta iyo Carabiga kala dheerayno. Marka Runloow arinta ka fiirso. |
    Galkacyoos | Sunday, November 26, 2000 - 03:07 pm arintaan oo kale waa in ay ka hadlaan raga wax laga sheegay waa reer Galkacyo, marka anigoo reer Glakacyood ah ayaa isku dayaya in aan u jawaabo ninikaan, qof ahaan waxaa uu ii la eg yahay qof caro badan ka muuqato, wadaad ayuu isku sheegayaa waxaana uu cambaaraynayaa umad dhan oo wax walba leh, xaqiiqdu waxay tahay ma rabo in uu ka hadlo, Puntland wadaadadu sharaf ayay ku lahaan jireen, intii aysan bilaabin in ay ka hdlaan qabill iyo wax aan loo baahnayn, dadka reer Puntland in ay diinta jecel yihiin qofkii ay is yiraahdaan diin buu wataana soo dhaweeyaan waxaa idin kaga filan in markii wadaadadu dekada Bossaaso hayeen uu madax u ahaa nin Habar gidir ah oo waliba Cayr ah, ayagoon fiirin waxii habar gidir iyo Qaasatan Cayr ku sameeyeen dadka Puntland ku abtirsada ee koonfurta iyo Gaalkacyaba ayaa waxaa loo dhiibay masuuliyad, ilaa uu isku dayay in uu gobolkiiba cinqilaabo, oo mooryaan gacanta u galiyo, haatan xagee ku dambeeyay ninkaas aan ka hadlay? Xamar ayuu waxaa uu madax ka yahay maxkamadaha midkood, isagoo huwan magac diin, haddii qabiilkiisa iyo mid kale dagaaalaana waa u soo ciidmayaa, sidii ka dhacday qoryoolay, oo ciidankii maxkamadaha Islamigi ay la soo safteen kuwii Mooryaanta. xaqiiqdu waxay tahay waligaa caytan in aadan Diinta islamka adiga iyi Hawiye toona naga xigin, iska daaya diinta aad ku qaraabanaysaan. |
    Badhan | Sunday, November 26, 2000 - 06:04 pm Diimaha wareerkooda baa batay kolka bal kawarama hadaan diinta gabigeedaba isaga baxno?????????? |
    C/Waaxid | Friday, December 01, 2000 - 12:36 pm Asalaamu calaykum. Sida Cali dhuux yiri baan ku leeyahay Gaalkacyo iyo Badhan. " Cad haduu carada kaaga dhaco amase ciidoobo caqli nimuu ku weyn yahay ma cuno calafka qaarkiise anigana caruuraha yaryari(# iyo ciroolaha aan wax garan waa iga cayn kaase maxaan Aadan carab ka la hadlaa caaqil baan ahaye)" # ciroolaha aan wax garan anaa iskaga daray maxaa yeelay maanta dhalaanka waxaa ka qaab daran dad badan oo waaweyn sida Kornaylka. Marka anigu qof kasta uma jawaabayo. |