Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics: Somali land iyo Puntland ood moodo inay leeyihiin: Rabanaa baacid bayna asfaarinaa"
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/Waaxid

Saturday, November 18, 2000 - 07:12 am
Asalaamu Calaykum

Allaah haduu yiri ibarya waan idin ajiibayaaye, ka waran hadaad wax xun ka barido.

Dhulku muxuu galabsadey oo loo kala goynayaa?!
Waa taqaanaan cida ka shaqaysay burburka iyo dhibaatada Soomaaliya dhex taal oo ay ka shaqeeyeen Gaalo iyo Qabqablayaasha, marka haday runtiin tahay oo aad wax saxaysaan maad qabqablayaashiina wax ka qabataan.

Xataa wadanka hadii lakala gooyo sidaad rabtaan halaqyadii gudaha bay idiin ku jiraan oo waxaad dheefaysaan ma leh.

Boowayaal maad mar Kismaayo aadid mar Xamar mar Jowhar mar Hargeysa mar Ceerigaabo mar Gedo?!
Maxaad Ilaah uga beryeysaan inuu socodkiina xadido oo aad visa ku gashaan Gedo sida loogu galo Godey ama gaarissa iyo Gibiley.

Ducufnimadiina baad dareenteen oo waa horay loo oranjirey qofkii ka baqaya in dhaxalka laga qadiyo
wuxuu ku waashaa xoolaha ha laqaybiyo!
Marka hadii Gegigii laydin ka qaatey joojiya nacnacda.

Wabilaahi Towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cardoofe

Friday, November 24, 2000 - 05:22 pm
war walaalo waan ku gu raac sanahay taa hadii aad jeceshay somali samaanteed raac dowlada cusub
kana gayso gacan wixii aad kaqaban kartid in aad ka bedeshid wadan kii aad baan ugu qiirooday hadal kaada waxaa nu u baahanahay dad badan oo adiga camal ah warka walaal saan kor ku soo xusayba gacan ka gayso wadanka dib u dhiskiisa
mahad sanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

garoowe

Friday, November 24, 2000 - 11:06 pm
ninyahow c/waaxid in badan ayaan oraahdaada kasoo jawaabay walaahay waxaa tahay nin caloolsan oo ilaahay cudurkii soomaali helay ka badbaadiyey
sida cordoofe sheegayna dad adigoo kale ah ayaa dalkeenii maanta u baahan yahay ee aynu dadaalno ilaahna ka barino inuu inala garabgalo

ninkii cunug yaroo uu dhalay inta cadowgii qabto hortiisa lagu googooyo siduu dareemo ayuu maanta dareemayaa ninkasta oo soomaaaliya oo damiir iyo shakhsiyadleh

ragbaa naftoodii u huray inaan xoriyada maanta aanku jirno gaarno kuwa aan alif iyo ba aqoona midba intuu jeex ruqsaduu yiri anaa leh fiisa hala iisoo qaato

waxay aniga ilatahay warhooy makala maaranee aan dib isugu laabano hadii kale walee goorkalaad garan

wabilaahi tawfiiq

sayid cumar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/Waaxid

Friday, December 01, 2000 - 12:41 pm
Asalaamu Calaykum
Garoowe iyo Cardoofe
aad baad umahadsantihiin sida aad u garanaysaan waxa soo socda hadaan Allaah naga badbaadin.
Waa adoo Garoowe iyo Laas caano visa ukala qaatey ama Gaalkacyo iyo Burco ama Dhuusomareeb.

Marka adinku waad fahmaysaan oo faah-faahin iigama baahnidin marka kheyr baan idiin rajaynayaa
Wabillahi Towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Eyl

Tuesday, December 05, 2000 - 02:07 pm
Waryaaya seddexdiinaan garka dhaadheer oo meesha beenta ku haya runta ka hadla puntland ma oran somaaliya ha la kala gooyo haddalkana si run ah uma aydinaan qorin (wa bilaahi towfiiqna )waad qoraysaan ee beenta dhaafa .
1)Haddaad tihiin akhwaan , akhwaan loogama baahna puntland wuxuu yahayna waanu aragnay .
2)haddaad tihiin dad kale oo soomaalinimo isku qarinaayana runta sheega oo bareerihiina sheega oo ilaahey ka baqa waa bil ramaddaan ee puntland iyo somaliland danahooda waxba idinkagama jiraan haddeydaan u dhallan.
(wa bilaahi towfiiq).

eyl

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/Waaxid

Thursday, December 07, 2000 - 12:16 am
Asalaamu Calaykum

Allaahu Akbar fiicnaan lahaydaa in la iska daayo magacyada magaalooyinka.

Eyl hada adigu waxaad is tiri wax baad caydey laakiin goormaa in garku raga ka soo baxo ceeb ahayd.

Soo tii la isku caayi jirey Garmaleyte.

Mise diinta wax ka sheegta raga garka la baxa ileyn iyadaa qofkey caydana caayanyahay qofkey amaantana amaananyahay.

Qofku markuu hadlo baad ogaan wuxuu yahay marka nabadeey