Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics: Hassan abshir farah oo xamar si sharaf daro ah ugu nool.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Adam

Saturday, November 18, 2000 - 07:57 am
kadib markii uu ahaa wasiirka arimaha gudaha Puntland ee uu jabuuti qabtay ee deedna waayaya wuxuu filanayay ee ahayd Prime minister, dabadeed dantu waxay ku kaliftay ina salaad boy inuu baryo waji aan abdulahi iyo puntland ula noqdo malihi ee macaa bi waaye wax iga dhig.

ina salaad boy waa kanaxy wuxuu ballan qaaday inuu xabsi xamar ku ilaasho ilaa iyo inteese ayuu hayn karaaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

REER GAROOWE

Saturday, November 18, 2000 - 02:34 pm
BEENTA WAA CEEB AADAM!!

XASAN ABSHIR FAARAX, wuxuu ahaa ninka
dhisay dowladda Muqdisho maanta ka
talisa, isaga ayaana sabab u ahaa,
runtii, waxaan taa gaarsiisay codkarnimadiisa
iyo khibradiisa siyaasadeed.

Haddaba, Xasan Abshir, uguma noola
Xamar si fool xun, waxaadan ogayna
ha faafin ninyahow.
Hadduu rabana Puntland wuu ku soo noqon
karaa, shalay isaga ayaa dhisay Puntland
oo nacaska Cabdulahi ah taageeray, maantana
wuu ka tagay.
Xasan Absir, wuxuu ka dhashay Ciise Maxamuud
iyagana halkaa ku soo dhawayn.

Ee fadlan jooji borobogaadada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DAAUUD CALI

Sunday, November 19, 2000 - 12:23 am
SHAQO LA'AAN AYAA IDIN HAYSA,ALA MAXAAD MAJEERTEENOW BEEN ISKU SHEEGTEEN,WAXAA OGAATAAN IN AWOOWAYAASHEEN AAN U AARNAY UNA AARI DOONO GOOR AY NOQOTO,SOOMAALIYANA MAAMULKEEDA HAWIYE AYAA LEH,MANA LAGA YAABO INAAD MAR DANBE NA SIRTAAN,TEEDA KALE HADII AAD ILOWDAY DANBIGII AAD HAWIYE KA GASHEEN OGOW DOQON YAHOW DAAROOD ANAGU MA ILAABIN. GABALKIINII WAA DHACAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KULUC

Sunday, November 19, 2000 - 06:12 am
Daauud intaa leedahay awoowaan u aarayaa amaa qabow kugu dilaa wadan gaalo ama cunug yaroo KKK ahi uu xabad kugu dhuftaa si uu u arko in dhiigaadu madowyahay iyo inuu gaduudanyahay.

Wake up bro, waxaa lagu jiraa 2000 waridka haday jaahiliin ahaayeen oo ay kugu barbaariyeen neceeb soomaliyeed isku day inaadan dariiqooda raacin ee aad ka leexato. Tan kale anigu hawiyaan kula ahay daarood intaan ka laynay waxaa 100% ka badan intaan dhexdeena iska laynay. Dhibka Soomaaliya ilaa iyo hada wuxuu kataaganyahay meelaha hoos imaada maamul hawiye dadka ku hoos noolna ay u badanyihiin hawiye.

Anigu siyaasada soomaaliya waxaan ka haray markii caydiid uu ka tegey hadafkii inuu soomaaliya hogaamiye oo uu isu bedelay kaaba qabiil.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hayaan-nabad

Sunday, November 19, 2000 - 09:33 am
kuluc,
illaa hadda adaa sidii insaan u hadlay,inta kale waa shaydaamiin,iyo wax maran oo aan wax nuxur leh maskaxdooda ka la`.
middeeda kale ninkaan u xuubka-siibtey (adam)oo aan magac muslin iyo mid soomaali toona ahayn,sida magacaaga aadan u hubin ayaadan warkaagana u hubin sida caamka ah.waayo Xasan Abshir wuxuu ku jiraa, ragga billerska u ah doowladdatan soomaliya u dhalatay maanta,haddii aad doonayso in aad quruxda uu ku noolyahay aragto,please come to (hotel lafweeyn) waxaadna ogaataa in uusan sida cabdullaahi yuusuf hal qabiil xukumin, ee soomaali-weeyn wax ka sugayso, uuna ku talo jiro wax qabad muuqda, oo xitaa adigan ku saameeyn doona,oo waxaan kuu rajeeynaynaa in barafka iyo dhaxanta ba`an lagaa celiyo. (wman sharafah nafsahu fahwa shariif)...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, November 19, 2000 - 12:56 pm
Kuluc & HAYAAN -NABAD are real-somalis the rest are warmongers and chauvinists, including the the guy who started this nonesence debate

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

COOL-MAN

Sunday, November 19, 2000 - 01:33 pm
KULUC RUNTII WAXAAN RABAY INAAN CAAYO DAAUUD IYO HAWIYE WUXUU KU HADLAY DARTEED.KHAYR ALLAHA KU SIIYO WAXAAD IGA FURATAY DAMBI AAN KA GELI LAHAA UMAD MUSLIM AH OO WALAALAHAY AH.TAKE CARE BROTHER

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, November 19, 2000 - 03:15 pm
Arinta Hassan abshir waa arin cajaa'ib ah sida uu maalin qura uga xiriir furtay tolkiis isagoo awal lagu waday in uu badali doono abdullaahi, kana mid ahaa geesiyaashii xoreeyay Galkacyo, maxaa ku kalifay in uu kaba qaad u noqdo habar gidir, arintu si kastaba ha ahaatee waxaa ii muuqata in Hassan tolkii ka dhex baxay, siduu ku soo noqdaana waa adag tahay siyaasad ahaan, balse Puntland waa wadankiisii oo markasta waa uu ku noolaan karaa, cawska jiilaal waa lama huraan ayaa tolkay ku maahmaahaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil shidan

Sunday, November 19, 2000 - 11:48 pm
to wanaagdoon

waxaan ahay hawiye habargidir waxaan idin leeyahay hadaad tahay geesi uma baahnid group ama jufo ama qabiil waxa aad u baahan tahay waa soomaali iyagaana ku difaacaya marka kan xasan abshir ugu hanjabaya waa laf yar oo majerteen ah, laftaas uu ka tirsan yahay(Ciise maxamuud) waxaa ka badan somalidda kale ee daacadda u ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QARDHO

Monday, November 20, 2000 - 09:52 am
Qabiilada MAGAC yadooda udhaafa PLEASE raga halkaan ku caytamaya udaaya dadka MUSLIMKA ah magacyadooda.

NABADAY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hangool

Tuesday, November 21, 2000 - 05:55 am
War Xasan Abshir waa nin aqoon badan taana waxaa lagu ogaadey markii majeerteen u qaxey Itoobiya waa ninka qudha ee yidhi war ma anaa nin ila siman Soomaaliya uga carara shaqadiisiina halkaasu ka sii watey ilaa ay kasoo wada noqdeen.

Hadana shaqadan uu maanta qabtey Soomaali iyo duniduba way ogatahey Xamarna sharaf buu ku joogaa wakhtigan la joogo Soomaalidu waxay jeceshahay ninka dhiigooda caba sida ina Yuusuf yeey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sunajiif

Tuesday, November 21, 2000 - 11:23 am
Xasan barigii horena waxa uu ahaa Rufyaan afweyne, dabadeedna waxa uu noqday rufyaan afgaduud haddana waxa uu yahay rufyaan Ina Salaad boy walaw uu ka jeclaan lahaa inuu noqdo rufyaan CADOW nasiibdarona uma suurto-galin, barina kolayba nin kaluu rufyaan u noqon ee aynu sugno. Hotel lafaweyne bom ayaa lagu tuuray ma maqasheen. Xasan nolasha uu xamar ku haysto waa taas sharafna haba sheegin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bb

Wednesday, November 22, 2000 - 03:04 am
hayey C/hi yusuf waa soo baxay ayaantaana garoowe waxaa ku shiraayay guruub raba iney inqilaabaan. kuli waa la dilaa wixii ka danbeya xasan abshir iyo kingkion rufyaaniinta

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUUSE

Wednesday, November 22, 2000 - 03:19 pm
Soomaaliyeey sheekadiina waan la socday ilaa iyo intii waqti ah waxaana idinku jira rag runtii caqli badan oo maskax fiican iyo kuwo cadiifad qabiil kaliya u hadlaya.

hadaba si ay idiin ogaadaan dadka aan kamid ahay oo sheekada akhrisanaya ka jawaab qofkaad raacsanatahy iyo sababta, qifkaa diidantahay iyo sababta.

anigu aan iska bilaabo:
Qabiilkayga: Cali Saleebaan, Majeerteen.

Waxaan raacsanahay dowladda KGM sababtoo ah C/Qaasim, Galeyr iyo deerow midna ma jirin markii Carta qabiilada Soomaaliyeed isugu tagtay kuna heshiiyeen inay wax walboo dhaca ay dowlad dhisanayaan. Waxaan teleefon u diray carta marka majeerteenku ka bexeen shirka waxaana la iisheegay inay uga bexeen hab gorgortan ee ay mar walba qaadan doonaan waxa Soomaalidu badankeeda isku raacaan. Kadib, si kstaba halagu sameeyee dadkii meesha isugu tagay waxay sameysteen Baarlamaan, waxaana madax ku meel gaar ah u noqday maxamed Abshir sababtoo ah wuu ugu weynaa dadka meesha isugu imaaday. Waa dhaqanka Soomaalida in la sharfo qofka kaa weyn. Baarlamaankii ayaa loo codeeyey waxaana soo baxay Deeroow. madaxweyne hala doorto aa la dhahay, C/Qaasim oo aanan waligi magiciisa maqlin ayaa kasoo baxay. C/Qaasin asoo ku taagan sharcigii la dejiyey asoo madaxweyne aheyn ayuu soo doortay Galayr. Dowladdanw waan raacsanahay sababta aan kor ku sheegay iyo ayagoo in sadex bilood ka yar sharaftii Soomaaliya soo celiyey oo meel walba laga aqoonsaday.

Waxaa kuu soo haray dowladda Puntland. Waxaan u arkaa C/laahi Yuusuf iyo dadkay mar walba isku dayi jireen inay dowlad wada dhistaan sida Caydiid iyo jees inay waddanka hostage u haysteen toban sano waxay ku guuleysan waayeen tobankaa sanana lagu guuleystey mudo sadex bilood ka yar.

Shakhsiyan waxaan raacsanahay dowladda Carta walaalkay iga weyna wuxuu raacsanyahay dowladda Puntland waana wax iska caadi ah in qof walba uu siyaasada meeshuu rabo raaco laakiin aflagaadadu waa ceeb. In kastoo aan raacsanahay reer KGM C/Laahi yuusuf waa adeerkay marna abtigay kursigana waa uga kacayaa hadaan nolol ku arko agtaydana laguma xamanayo. Marka yaan la isku khaldin siyaasad iyo wada dhalasho.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAYSAL

Thursday, November 23, 2000 - 01:43 am
TO: MUUSE

BOOWE AFKAADA CAANO LAGU QABAY, INTII MEESHA SOO GASHAY EE WAX QORTAY TAAD AYAAN AAD ULA DHACAY ADAAN U HADLAY SI NIN WAX GARAD AH.

DADKAAN MEESHA KUDAGAALA MAHAYA EE WALAALAHA AH WAXAAN USHEEGAYAA NIN WALBA IN UU XAQ ULEE YAHAY FIKRADIISA IN UU DHIIBTO LAAKIIN ODAYAASHA WAARID KEEN AH SIDA KING KONG, C/YUSUF, GALAYDH IYO XASSAN ABSHIR MAAHA MEESHA IN LAGU CAAYO, TAAS WAXAA UN KU FARXA CADOWGIINA EE ISKU XISHOODA.

ANIGA HADA MATAAGEERSANI DOWLADA LADHISAY MANA RAAC SANIY MAAMULKA HADA UTALIYA PUNTLAND LAAKIIN WALAALAHAY IYO WAARIDKAY BA WAXAY LAKA RAAC SAN YIHIIN LABDAA DHINACA TAASIN ISKUMA NACEENO EE WAA SIYAASAD EE BOOWIYEEL IYO BAAYOOYIN WAXAAN IDIN KACODSANYA ARINTAA SI DAD SHARAFLEH OO WELIGEEN NALA KU YIQIIN AAN UWADA HADALNO.

GREATING FROM BOSASO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mryuu

Thursday, November 23, 2000 - 09:53 am
to ;beenloowga boga furey
waxaan ku sheegayaa in hasan abshir usan la heyste aheyn u yahey nin karti leh awooda dowlada cusubna ,marka laheyste maxaa u taqaan
waxaan ka war hayaa saacad kasto waana la hadalnaa walaahi ee saaxiib beenta daa hadana sudan buu jogaa doraadna yemen marka wasiirka ha ugafin reer baadiye waaxid
ha dhaco cadowga nabada
afhayeenka dowlada kmg ah ee holand
mr yuu
hadii beenta la deyn waayo runtaan idin tuseynaa
ninkii doonaa ha hadlee hasan waa wasiir somaliyeed ,odey somaliyeed ,siyaasi daacad ah wadani ah
ma ogtahey in qabqablayasha warkoodii la nacey ee saaxiib rufiyaanimada qabqablayaasha jaajusiinta amxaarada kala tag meesha
somalia ha waarto ha dhaco qabilistaha foosha xun
bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gaalkayo

Friday, November 24, 2000 - 02:32 am
To.mr yuu,

saad uhadlaysid way kaa muuqataa mooryaan futamdoobe ah inaad tahay.
afhyeena matihid waxaad tahay mooryaantii, lacagta daka daaroodka kusoodhooftay kabax meeshaan mooryaan yahay
gaalakayo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdullahi

Sunday, November 26, 2000 - 05:28 am
Akhii Kuluc allah yacisak, anigu waxaan ahay nin majeerteen ah oo ku soo koray magaaladda Gaalkacyo. waxaana isku xaafad ahayn isku dugsi ahayn, isku iskuul ahayn dhalinyaro Sacad iyo Saleemaan ah oo aan waagaan yarayn banooniga wada cayaari jirnay weli waan xasuustaa sidaan isku jeclayn oo qalbigayaga iyo jirkayagu isugu danqan jiray, intii dagaaladdu dhaceen waxaan la yaabay sidee la isku layn karaa dadkii walaalaha ahaa Majeerteen iyo habargidr. waxaan xasuustaa intaan Xamar imid 1973 oo iskoolkii Xamar u soo badashay,
ayaan waxaan ku arkay dabka gabar sacad ah oo aan iskoolka Gaalkacyo ila dhigan jirtay oo marka ay i aragtay iska oyday. gabadhaasi walaashaydii aabahay dhalay igama duwanayn, xataa uma qureen aan ku guursado. anoo geyaan keed ah waan kala xishoon lahaa. Waxaa taas ka sii daran waxaan daris Gaallkacyo ku ahayn oday Saleebaan ah muddo afartan sano ah. anigoo Soomaaliya muddo dheer ka maqan ayaan ku soo noqday 1986dii oo aan tagay Galkacyo, waxaa aad iigu dhagtay hooyaday oo aad ii jeclayd, markaan koob shaah cabay, bay hooyo i tiri miyaadan soo salaamayn adeer farayaamo oo indhabeelay adeer farayaamo waa odaygii dariskayaga ahaa ee saleemaan. waa runtaa baan iri hooyo waan u tagay xaaskiisii Xaawo ayaa tiri farayaamo waa Ina Maxamed Aden. markaasuu gacanta igu dhagay yiri wiilkaygii, saaxiibkay wiilkiisii ina Maxamed Aden. waxaa kaloo la yaabay 1986dii markii Galkacyo aan tagay nin, nin baa la iska dilaayey oo dawladdii dhiig yacabka ahayd baa dadka isku dirtay sida hawiye - Daarood same like that. gabar Majeerteen ah baa waxay tiri war kaligaa ha socon waa lagu dilayaa, oo xafadda Sacadka ha tagin, in ay gabadhu ii digtay iyo in kale mabamoodid, meelihii aan ku soo koray baan iska dhexmaraa ileen ninaan dekeno qabin baan ahay oo dalkiisii iyo dhulkiisii xiisaynaya, marka cayda qabiilka ha la iska dhaafo wax kastaa la wada yahay, siyaasadda waa laga sheekaysan karaa. la iska diidi karaa.

wa bilaahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil.qardhood

Monday, November 27, 2000 - 02:10 am
To:Abdullahi
Walaal waxaad ogaataa in dhibka aad sheegaysid dadkii abuuray uu kamid ahaa C/Qaasim Salaad BOY isagoo Wax ka huriyay dagaaladii Hawiye Iyo Daarood ee Mudug kadhacay sababtoo ah(waydii odayaasha Habargidir) isaga ayaa Ina Siyaad Bare lacagta ka sooqaadi jiray si uu dhinaca Habagidirta ugu gudbiyo oo odayaasha Habargidir ayuu guubaabinjiray. Halka Xassan Abshir iyo Nin aanan magiciisa sheegayn oo majeerteen ah iyo dhawr nin oo waaweyn oo Leelkase ahna ay Daaroodka dhinaciisa dabka ka hurinjireen inkasta kuwa majeerteenku aysan dadkooda waxba tarijirin waayo dad dagaal ku soodaalay bay ahaayeen isla markaasna Fahmayay khiyaanada Afweyne sidaas darteed markasta odayaasha majeerteen waxay kula talinjireen (kuwa Hawiye) waryaan laìdin adeegsanin laakiin waxba kama fahmin hawiye
Ilaahay intii muslim ah oo dhan ha cafiyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Village man

Tuesday, November 28, 2000 - 05:01 am
Waxaan filayey toban sannadood oo rafaad ah ka bacdi in Soomaali qabyaalad ka gudbi doonto. Hase yeeshee, sida ragga qaar ee halkan dooda wax ka dhiibtay ,waxaad moodaa in dadka qaar ay hadda alif ka soo bilaabayaan.

Waan ka xumahay in weli aan qofka aynaan gaadhin in ku qiimeyney wuxuu galo iyo wuxuu guto. Waxaan weli qofka ku ixtiraamnaa wuxuusan isuguba shaqo ku lahayn oo uusan dooran.

Waayo, qofku qabiilkiisa iyo magiiciisaba ma doorto ee waa lagu dhalaa { birth accident }.

Rag wax garad isku sheegaya oo qabill ku andacoonaya waa waxa nala hadhay !
Waan ka xumahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mryuu

Thursday, November 30, 2000 - 03:25 am
to; wax magarka boga furay
waryaa hasan ha u gafin nacboow ama jecloow waa hogaamiye waa wasiir waa oday soomaliyeed
marka ka hadalnooh raga dhiig yacabyada ah .
waxaan filayaa in hasan adiga iyoaabahaa iyo kii aad daba dhilifka u tahey wuu ka sareeyaa ,ogoow in hasan u yahay wasiir soomaliyeed adna ay ay dhaley oo dhiigyacab ah aad dabadhilif u tahey
ma ogid miyaa in uu ku fariistey kursigii umada somaliyeed shirkii carabta ama kii muslimiinta ama kii yemen ama liibiya ama igad
marka la heyste adigaa ah iyo kuwa kaa sii liita
bye
mryuu from holand

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhibane

Friday, December 01, 2000 - 02:17 am
Ku dhammaan dadka boggan wax ku qorey

Walaalayaal waxaan ognahay in dadkeennu dhibaato badan soo maray.

Waxaan la soconnaa in Soomaalinimadu noqotay arrin laga xishoodo.

Waxaan garan karnaa inteenna soo gaadhay haybaddii aynnu waayo lahayn.

Anigu waxaan ahay nin reer bakool ah. ku dhashay kuna bar-baarey degmada Yeed.

Xaqiiqo ahaan Xasan Abshir horey uma aqoon. Xilliyadan dambe goobo dhawr ah iyo xaalado kala duwanba waannu ku kulannay. Garoowe, Addis-Ababa, Jabuuti iyo America. Kama aannaan sheekaysannin arrimo la xiriira siyaasad saa siyaasi ma aan ahiye. Markaanse eegay hadalladiisa iyo fikraddiisa ilama ahayn nin liita.

Haddana markii uu ku biirey abaabulka shirka niyadda waan ka taageeray saa wax kale ma qaban karin meesha aan joogay iyo xaaladda aan ku sugnaa awgeed.

Haddaba aniga oo u mahad celinaya xubnaha sida wanaagsan u hadlay waxaan mar kale idinku boorin inaydaan u riyaaqin nin qabiil Soomaaliyeed cay u qoraya.

Ninka yiri kaalkacyo ayaa la xoreeyey, Kaalkacyo waxaa la xoreeyey 1960. Hadda yaa guumayshayey oo aad ka xoreysey. Waxay ahayd in aad ka qoomameyso walaalada aan kala maarmin ee isku le'dey.

Soomaali ha kobocdo hana israacdo.
Nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

2dhagax

Friday, December 01, 2000 - 10:21 am
where r the Mj's i knew back in xamar, they were cool and civilised all i see know r punch of sunday mj's ( sunday= when the civil war started)
that's why i call sunday ppl, they came in the city that day.

besides stop the hatered and come up with a good idea to make our land n country civilized n developed,,i'm hawiyye nothin' whatsoever a gainst daarrod or anybody else,,u have to know it's civil war b/ween the somalis.

I think mareexaan r good when it comes to forget n to forgive coz tha's what we all have to do, just everybody has to forget what happen to him/her or happen to hi s family n to forgive.
Peace.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

M.M.K

Saturday, December 02, 2000 - 09:27 am
to: 2 dhagax

on sunday 31 december 1990 maaheen MJ wixii XAMAR
soo galay wax ahaayeen Hawiye.
Teeda labaad angau cid aan wax uheesano ayaa yar wax kaliya aanu leenahay waa wixii umada MJ lagu dhigay in sicad oo aan leex leexasho kujirin ay cafis uga waydiistaan (Hawiye) hadii anan taas lasameen oo wixii xoola aad hdacdeen soo celin cid dib isugu imaanayso majirto hadaa waxaa lala soo baxay SOMAALI SOMAALI CARTA CARTA soomaalinimada aad shegay saan maxay ugu fakan waa yeen MAATADII SOOMILYEED oo sida fooshaxun loogalay oo laga kacshay Guryahoodii ayada oo hada weli ladagan yahay aanan Hawiye ogoleen inuu kabaxo. Intaa aan runta la iskusheegeen wax lagaaraayo majirto WAXAA LAYIRI GAAL DIL GARTIISANA SII anaga hadii ay HAWIYE uun weli aamin saneen waxuu kukacy in ay aheed wax dhanka ah SOOMAALINIMAD, MUSLIN NIMADA iyo BINI AADANIMAD

Mareexaan haduu ku cafiyay waa asaga laakiin anugu wax walba maniraahno XALA DHALAY oo hadaan khaladii horay loogalay aan la saxin anagu kuma jirno sheekada.

waxaan se la yaabanahy dadka hada QABIILKA wax kudhisaaya!!!!!!!!
anagoo QARAN aheen oo dadjira aheen baa burburnay maxaa keenay? > taasi QAABIIL buu ahaa kii dudumiyay QARANIMADEENII markaas baa hada waxaa isku wada raac deeb kii Qarannimadii dudumiya in QARAN LAGU DHISO.

ogoo aniga adiga shaqsiyan in aan ku heesan laakiin waxaan heestaa dadkii magaca HAWIYE ku adeeg sanaayay in ay dadka ku GUMAADAAN.

WE WILL RECONCILE WHEN YOU RECOGNIZE WHAT YOU HAVE DONE TO US AND TO THE COUNTRY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mareexaan

Monday, December 04, 2000 - 01:26 am
to M.M.K

mar waxaad u hadashay si nin wanaag wadda oo waxaad tiri:

WE WILL RECONCILE WHEN YOU RECOGNIZE WHAT YOU HAVE DONE TO US AND TO THE COUNTRY.

anagoo QARAN ah ayaad QABIIL keentay 1989 (QURMIS)
malaga yaabaa anaad adiga marka hore recognize-gareyso and then we will, and we will have salution.Or shal we forget what happen the past and we wil be a unite.


tan kaloo tiri waan saan u baxay soomana noqonayo waa walaahi oo bilaahi oo talaahi waan somanahey waan ku farxay ILAAHNA kuma soo celiyo,bal maxaad la maqantahay,abaar,gaajo,jaqjaq,rufyannimo,xatooyo,jaahilnimo.............

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAJEERTEEN

Monday, December 04, 2000 - 11:23 am
TO: MAREEXAAN

QABIILKEE IIMALAYSAY HORTA?????????????????????
maqantahay,abaar,gaajo,jaqjaq,rufyannimo,xatooyo,jaahilnimo aad sheegay soo waaxay??????

aniga dhulkayga waa dhistay waana ku farax sanahay isku filnaashona waa gaareen anaana ku sheegaaya waxa aan kaala maqanahay waa

1- DOWLADNIMADII angaa awalba idin baranya hadana idinkala noqonay sidaas baad ku jiray saa ilaan aan kasoo laabto.
2- MASKAXDII
3- DHAQAALIHII
4- WAX BARSHADII
5- KALA DANBAYN
6- HORUMARKII

intaa iyo inkale aan halkaan kusoo koobi karin baa kaala maqanahay, waa ogtay cida maanta JAJAB ka aad sheegayso kujira oo kuusheegi maayo oo adaaba run ahaantii lasocada calool xanuuna kugu riday. Tan kale Cida qabiilka keentay waala yaqaan ayadoo soomaali isku duubantay ragii qabiilka layimid waxay ahyeen intee soomaaliya xoolaheeda diiratay, dadkii midba midka kale madax isku galiyay oo dadka xasuuqay, kuwaasna waa intii KACAANKA katirsaneed oo uu adeerkaa ugu horeeyay. Qabiil kana mabilaabal 1989 ee kahore baa soo bilowdeen. 1989 waa markii ay bilaaban tay in Xamar XABAD dabada lagaa soo gashay oo aad indhaha sifiican ufuratay oo xataa SULDAAN kiinii SIYAAD oo SALDANADII MAREEXAAN 21 sano soo hayay aad har cad ugu soo cararteen VILLA SOMALIA.
WAXAANA LAYABANAHAY RAGA AAD HADA DIFAACAYSID OO MAHAA RAGII SALDANADAA DII TUUGO EE KACAANKA BURBURIYAY HADAN CAGAHA ULEEF LEEF WAXA KALIYA AAD JICESHIHIIN QOFKII XABAD DABADA KASOO GASHA.

HADII AAD MAJEERTEEN UCIILQABTID KASOO BAX HABAR GIDIR DABADEEDA OO SI RAGANI MO KUJIRTO IILAHADAN INTA AY HABAR GIDIR 3 IDINKU QABTO HADAL IDIINMA BANAANA EE MARKA HORE ISA SOO XOREEYA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mareexaan

Monday, December 04, 2000 - 10:08 pm
To majeerteen

naa horta ma dumarbaa tahay sida dumarkaad u hadashee.

hadaad rag tahay raganimo idinkuma ogeene qabiil adinka bilaabay taariiqda anaa qaldee raali ahow waxaan ula jeeday 1979 (qurmis) markaad bilaawdeen ka hor somali hal bey aheyd umadda wey is jeclayd shaqsiyad iyo wadaninimo ayaa jirtay kacaanka 21 oktoobarna wuxuu ahaa kacaan shacab ee maaheen kacaan qabiil (kacaanka qurmis).

Waa la ogyahay wuxuu qabtay kacaanka 21 oktoobar ka hor iyo ka bacdina wax daacad ah ma jirin waxaa dalka ka jiray musuqmaasuq iyo xatooyo aad ugu horeysay. wanaagiisina waa taa maanta ardaydiisii dalka hogaamineyso aanan lagana maarmin.

adiguna jaqjaqda dumarnimo inta dhaafto inta xamar joogta u yeer haddaad wax u heyso nana dhaaf duqsiyahow.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Tuesday, December 05, 2000 - 05:54 am
Waa yaab...???!
MAREEXAAN oo Majeerteen JAAHILNOMO ku caayaya.....
Mindhaa jaahilnimadaanaa iskusi u aqoon...
Mareexaanow maxaad kawaddaa, bal ii soo qeex

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

YuusufMaxamuud

Tuesday, December 05, 2000 - 05:18 pm
Asalaamu Calaykum W W & Ramadaan Kariim

I just want to say something to my fellow Majerteen peoples: hatred doesn't really get you anywhere. The elements that destroy a people is to create conflict among themselves. The Majerteen people today are divided into two groups: Col. C/Llahi Yuusuf Axmad supporters, and Xasan Abshir supporters. Personally, I support Gen. Maxamad Abshir because he is proud of what he believes in and is a true Somali Nationalist. But he won't run for the presidency or anything like that.

Anyways, I just wanted to say that we need to be proud of who we are, keep Majerteen unity, keep greater Somali unity, and most of all, keep being a Muslim, not a Munaafaq. That's all.

Wabillahi Towfiq

Yuusuf

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MR ALULA

Wednesday, December 06, 2000 - 07:24 am
To: Mareexaan

saad rabtid u caytan, oo waxaan waa computer oo qofwalaba intuu soo fadhiisto ayuu wuxuu rabo quraafikaraa adigu hada halkaan waxaad kucaysay Majeerteen laakiinse maadan sheegin sababta aad ku caysay, wax dadku wax kasheegi karaan ama laga wada hadli karo meesha maadan keenin ee nin yahow hadaadan wax xigmad ah aadan meeshaku heen naac naacda kala bax iskuna xishood ilaahana kabaq oo Bil barakaysan baa lagu jiraayee. WAXAAD CEEB IYO MAJIXUMO USOO JIIDAYSAA DADKA KU AFTIRSADA MAGAC AAD MEESHA KUSOO GASHAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeq

Wednesday, December 06, 2000 - 01:56 pm
Barashadda af soomaaliga,dhigisitiisa iyo ku baraarujinta soomaaliddu in ay afkeedda qorto waxey aheyaad arrin aad u ficaan. Nasiib xumo waxaa noqotay in qorista afka la gaarsiyay dadka oo dhan gaar ahaan dad badan oo aan iskool dhigan ama dhex kaga tagay,dadna kuwaas yaa ugu liita madaama ay wax qabyo ka yihiin. Waxey ku fiican yihiin oo kaliya in ay hadlaan madama hadalku wax raad ah usan reebin, waxaa xitaa la oran karaa hadalka ayaa buro ku ah. Waa xalaadda ay ku sugan yihiin qolooyinka ku xirrira guud somali net,gaar ahaan bogan. Fadlan waxaan idinka codsanayaa in aad maqayadihini kuwadda hadashaan ama aad xogaa hadaad ka garis ledihiin aad afaf qalaad wax ku aqrisataan baraatana usluubta iyo karamadda lagu yaqaan qofka wax dhigtay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

garoowe

Wednesday, December 06, 2000 - 09:00 pm
bilaahi caleek Deeq waxgaradbaad tahay dad badan oo olalihii afka reer miyiga wax loogu soo qoray ayaa halakan soogala

waxaa lagu jiraa qarnigii 21 aduunka wax-yaaba badanbaa kusoo kordhaya laakiin maskaxda qofka soomaaliga ahi waxay taagan tahay meeshii ayku istaagtay 20sano kahor

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

YAABANE

Thursday, December 07, 2000 - 01:00 am
WAXAAN LA YAABANAHAY DADKA LA DOODAYA
NINKAN MARIIXAAN ISKU SHEEGAY, WAR NIMANYOHOW
KA FIIRSADA WAXAAD LA DOODAYSAAN, MABA HABOONA INAAD LA DOODAAN. WAAYO PAGE KAN MA LOO FURIN IN
ARIMO QABIIL LOOGA DOODO,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mareexaan

Thursday, December 07, 2000 - 10:27 pm
war nac-nac adinkaa wadee anigu waxaan idin weydiiyay waa adinka markasta wax tabanayee ka soo jawaaba waxa aad sameyseen 1979. suaasheydu waa taa ee haka weecweecanina.