Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: ARÝNKU MA AHA WADANKEENU MUXUU NOO QABAN KARAA EE WAA MAXAAN WADANKEENÝÝ U QABAN KARNAA?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hassan aflow

Saturday, November 18, 2000 - 11:39 am
S/C
waxaan filayaa dhibaatadda na haysata in ay tahay mid aad u weeyn oo aan lagu dayn karin dowlad oo keliya.
waxaana muuqata waqtigaan wadankeenu wuxuu noo awoodo in aysan jirin.
waxaana cad in haddii aan si wadajir ah isu fahano in aan wadankeena wax u qaban karno.
waxaan idinka codsanayaa in bal aan isla fiirino sidda ugu haboon oo aan wadankeena wax ugu qaban karno iyo sidda aan fikradaha isugu darsan karno.
marka horena aan ka baaraan degno anagoo xiriirkeenu noqdo mid joogta ah la tashigeenuna bato gunaanadkana aan somalinet ka codsano ama hayadaha kale in ay gunaanadkaa naga gaarsiiyaan dowladda ama cidii ku haboon.
dhibaatooyinkana wey badan yihiine aan midba mar qaadaa dhigno ileen majo dhooqo midba marbaa la qaadaaye.
midda aan jeclahay waxay tahay in aan ku bilowno waa:
qabqablayaasha maxaan ka yeelnaa?
sababtoo ah haddii dagaal lagu bilaabo waa sideey rabeen .
balanqaad ma leh oo balan walba waa jebiyaan.
haddii laga aamusana arinku waa sidiisii.
lagamana aamusi karoo nabad iyo dowlad baan u baahanahay.
wa bilaahi towfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Sunday, November 19, 2000 - 12:55 pm
TO HASSAN AFLOW

Qabqablaha aad shegayso waa kuwa dawladda sheega-
naya waa kuwii shaley burburiyey somaliya cabeyna
dhiiggii shacabka soomaaliyeed.
maxay kuugu kala duwan yihiin ina salad boy iyo
caato ama ina caydiid shaley isku dhinac ayey ka
soo jeediin waxayna u heshiiyeen dhiiga shacabka
soomaaliyeed maantana waxay isku heystaan aniga
somalia xukumaya ee adigu xukumi meysid, maantana
waad arkeysaa inuu dooneyo ina salaad boy inuu
iibiyo diintii islaamka isagoo ka baqaya zenawi,
sxb wake up, mana joogno wakhtigii ashunka lagu
adimi jirey diinta islaamkuna waa cadahey waxayna
leedahay ciidamo badan oo u heelan difaaca kitabka
ilaahey, yaan maskaxda lagaa xadin sxb maalinbana
kii shaley ina curyaamiyey shaati kale yuu kuusoo
gashan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

j.f.k

Sunday, November 19, 2000 - 01:03 pm
yeah jhon.f.kennedy

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hassan aflow

Monday, November 20, 2000 - 12:03 pm
to.jfk
saaxiib waad mahadsan tahay
anigoo ula jeeda in aad fahantay macnaha meesha aan ugu soo qoray maadaama aad xasuusatay in hadalkaan uu jfk yiri .
laakiin adigoo mahadsan waxaan kaa codsanayaa in aad fikrad nagu darsatid sidda aan wax u qaban karno
mahadsanid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hassan aflow

Monday, November 20, 2000 - 12:09 pm
to:abdikariim
saaxiib waan ka xumahay
ma aadan fahmin maqaalka macnahiisa
kuma oran sidee dowlad iyo c/qaasim wax loogu qabtaa ee hadalku waa wadankeenii.
marar badana waan aqriyay qoraaladaada saaxiib xaalkaagu ma fiicna .
ee hubso marka hore dabadeedna uga hadal sidda ugu haboon.
hadalkaaga markaan fiiriyey waa ha la baaba,o.
misse waxaad jeceshahay meel walbaa in aad lug gelisid sidda soomaali badan oo jiran lagu yaqaanay.