    Samatar | Sunday, November 19, 2000 - 03:30 am Jariiradda "Ayaamaha" oo maanta qortey maqaalkaan,,, Wararka Maanta | Axad 19-ka Nofembar 2000 Warqad uu Ra'iisal Wasaaraha u kala diray… Muqdisho, (Apress)- Warqad uu Ra'iisal Wasaaraha Cali Khaliif Galayr soo saaray oo ku saabsanayd howlaha barnaamijka 100-ka maalmood, kuna socotay Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo loo doortay Guddoomiye, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Wasiiru-Dowlaha Xafiiska Ra'iisul WAsaaraha ayaa u qornayd sidan: Ujeeddo: Guddiga Xiriirinta barnaamij-dejinta Wasaaradaha ee 100-ka maalmood Wasiirada ay sida tooska ah ugu socoto warqaddani, waxaa loo magacaabay inay xiriiriyaan qorshayaasha wasaaradaha iyaga oo mid kasta goonideeda shir ugu yeeraya lana dejinaya qorshe miisaaman waafaqsanna guud ahaan barnaamijkii dowladda ee Golaha Shacabku ansixiyey, gaar ahaanna midkii 100-ka cisho. Wasiirka wasaaradda Qosheynta oo ah Guddoomiyaha Guddiga xiririnta iyo Wasiirka Wasaaradda Shaqada waxay wadajir u dhisayaan Gole Aqoonyahanno (Think Thank) oo takhasusyo kala duwan leh wadajirna ula shaqeeya Guddiga xiriirinta Howlaha Qoshe-dejinta 100-ka maalmood. Aqoonyahannada Guddiga waa inay ka mid yihiin qaar u leh waayo aragnimo iyo khibrad howlaha kala duwaan, sida dhaqaalaha, caafimaadka dadka, caafimaadka xoolaha, cilmiga bulshada, Injineeriyadda (dhismaha, korontada, waraabka (irrigation-ka), computers-ka, beeraha, kalluumeysiga, ganacsiga, sharciga, bii'adda iwm. Tirada Golaha aqoonyahannadu waa in ayan ka yaraan 20 si howlaha kala duwan loogu xil saaro. Muddaduna u dhaafin labadii toddobaad |
    Samatar | Monday, November 20, 2000 - 06:08 am Alipapa iyo Deeq, waa ku mahadsantihiin ka qey-galka maqaalkaan. Alipapa, anigaba sidaas ayaan qabaa, Somali Think tank- group oo tiro labaatan(20) dhaafeeysa, oo maanta dowladda KMG ah ey haysato ilama aha, laakiin waa xil qofkasta looga baahanyahay , mar haduu is-ogyahay in uu ka soo bixi karo hawshiisa, raacsan-yahayna D-KMG ah. |