    abdikarim | Sunday, November 19, 2000 - 07:58 am Haddii la doonayo in somalia la badbaadiyo waxaan oran lahaa ha heshiiyeen qabiilooyinkan hoos ku qoran. 1 isak dhexdiisa haka soo heshiiyo. 2 daarood sidoo kale 3 hawiye sidoo kale, Markii saddexdaas qabiil ee somalia lugta ku waalaqayaa mid kasta dhiniciisa ka soo heshiiyo, waxaa haboon in ummadda somaliyed isugu timaado shir guud oo dalka gudahiisa lagu qabto, ka dibna lagu doorto cidii hoggaamin leheyd dalkan baaba,a aha. hana lagu duceyso in ilaahey dawlad kheyr qabta ina siiyo, inta aynu qabiil qabiil u kala qeybsan- ahey qabiil walibana dooneyo inuu isagu xukunka qabsado haku riyoonina in aynu dawlad helo. xamar ay isku heystaan ina caydiid, caato, bood, ina salaad boy, cali mahdi qanyare afrah, suudi yalaxaw IWM ayaad leedihiin somaliya dawlad baa ka dhalatey fikir yaraa dadkani, waxaan idin leeyahay isak dhinac uun isugu bayr, hawiye dhinac uun isugu beyr,daarood dhinac uun isugu beyr ka dibna soomaaliyeey dhinac isugu beyr ama weligaa kala qeybsanaw inba meel ha lagu cunee .lol |