Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: Ila qosol
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yaabane

Sunday, November 19, 2000 - 12:47 pm
wararkii somalinet iyo wariyaheeda abdulwaahid ahmed saciid, wuxuu soo weriyay shan ido oo ku dhintay as bystander ka dib markii bomb la waayay halkii loogu talagay.

SomaliNet) Xalay bumbo lagu tuuray hoteel Lafweyn oo ku yaala waqooyiga Muqdishu oo ay ku jiraan xildhibaanada baarlamanka KGM ee Soomaliyeed ayaa lala waayey meeshii lala rabay.
Bumbadan oo ahayd mid lala rabay horteelka balse ay ka khaldantay qaabka ay usoo tuureen argagixisadaasi ayaa u gudubtay guri ku dhow hoteelka oo ay hortiis ku xiranyihiin ido. Halkaas oo ay ku dhinteen shan kamida idihii cidda deriska la ah hoteelka.

Argagixisadan oo baryahan weeraro kala gedisan ku haysa xildhibaanada iyo wasiirada dowlada ku meel gaarka ah ayaa iyadoo horay ugu dilay gudoomiyihii hub ka dhigista iyo xildhibaan kamida baarlamaanka. Sidoo kale todobaadkii hore bartihihiisiina waxaa lagu weeraray shirqool luugu talo galay in lagu dilo xildhibaan katirsan dowlada haseyeeshee way ku guul dareysteen dableydii aad u hubaysnaa inay xildhibaanka dilaan halkaas oo ay ku geeriyoodeen dad kale.

Qoreyaasha:
Saciid Axmed Cabdulwaxid - London

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, November 19, 2000 - 08:41 pm
waxaan u maleenayay inaan anigu kaligay ahaa yaabka laakiin waxaan ogaaday inay somalinet wariye ka dhigteen ninkii ugu doqonsanaa soomaalida oo dadkii oo dhan ka yaabiyay.

allow sahal

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, November 21, 2000 - 01:30 am
yaabane ma waxaad la yaaban tahay idaha dhintay mase wax kale.
aniga waxaan qabaa warku sida loosoo tabiyay ma xumo waayo wariyayaasha dunida oo dhan saas bay warka usoo tabiyaan.

axmed maxamed nayroobi miyaadan dhagaysan adiga.
geel nin ah iyo geelkii naagta ahaa uu dhahay aala dhahay markuu afsomaliga baranaayay.

marka ninkaan asaga siqaldan wax uma dhihin.
hadaadan adiga afsoomaaliga aqoon..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FUAD

Tuesday, November 21, 2000 - 05:48 pm
Yaabane haduu siciid baac yahay adaa ka baacsaan sababtoo ah waxaa akhrisataa wararka uu soo tabiyo. Siciid iyo dadka kale oo Somalinet wararka kusoo qora waxay so free ah nagu siiyaan wararka ay gadaan qaran iyo AFP marka they deserve our thanks.

Anigu runtii waa ku qoslay siciidna lama yaabine waxaan la yaabay ninka dadka soo dil lacagta lagu siiyey oo idaha soo laayey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, January 19, 2001 - 09:29 am
i don,t sea any thing funy about this story.