Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: XAMAR ayaan u socdaaye, yaa i raacaya?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GALHAREERI.

Tuesday, November 21, 2000 - 01:59 am
Oday aan tuulo wada dega nahay scandanivianka, ku taala oo soomaali ah ayaa maalin walba i dhihi jiray "WARYAA HAWIYE FUTO MADOOBE", Walaahaan xamar caasimad dib danbe u noqonayn. cidi idiinku imaan mayso,. anigu lama caaytami jirin waayoo waa oday soomaaliyeed, oo aabahay oo kale ah. tan kale mar hadii aan qurbo joogno ma jecli in shisheeyuhu naga faa,iidaysto.
ODAYGII ayaa shalay guriga iigu yimid oo leh xamar ayaan u socdaa oo dowlada ayaa ii yeertay ee ma i raacaysaa?. cajiib, cajiib, cajiib. waxaan ku iri adeer anigu waa futo madoobahaye, mid futo cad oo ku raaca raadso. intuu qoslay, ayuu yiri "adeer kuwa futada cadi waa fulayo oo waxa ay moodaaan inaysan waligood dhimanayn"
cajiib, cajiib, cajiib. waxaan iri ilaahay hakugu nabad yeelo xamar, lakiin ma dardaarantay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

deeq

Tuesday, November 21, 2000 - 02:47 am
galhareeri adiga horta fulaybaa tahay. odaga markuu kula kaftami jirayna waad iska celin wayday. hadaad futa madow dahayna rabaa asalkaaga dhigay ee ma ahan wax cidi gu saartay.
waxaa dhacday waagii kismaanyo aan u qaxnay yaa ciyaalka iyo dumarka oo magaalada banaan keeda soo aaday oo ciidankii magaalada kasoo baxay soo daba galay. yaa waxay imaadeen meel daanyeer badan joogto oo maree badan leh. qofkii kismaanyo arkay yaa yaqaane.
markaasey markay daanyeerkii arkeen waxay dheheen muuse daba madoobe muuse dabamadoobe.
meeshii daanyeerka ay la hadlayeen yaa nin saaka magaalada kasoo cararay oo meesha ku gabanayay yaaka booday oo mooday in asaga laga wado..

marka ilaa aaqiro saas baa qooraha la isugu dhaganaan oo la is caayi ha ubixin.
xamarna alaa biday soomaali oo baydhabo in laga dhigaa la rabay eelaydii amxaaray soo wateen.

marka odaga raac haduu iraac ku yiri saa adaa mooryaanta yaqaane hadaadan meesha wax ku hayn lol.
hadii kale waxba dar daaran ha dhihin haday dowlada u yeeratay ayadaa waardiyay nayso inta uu idin dhex joogo..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GALHAREERI

Tuesday, November 21, 2000 - 03:20 am
DEEQ
Saaxiib, horta soomaalidu waxay tiraahdaa "GAR AAD NAQAYSO,, OO KUGU NOQSAN AYAA JIRATA", gar aad qaadayso oo adiga kugu foorarta ayaa jirta, waxaa itiri waxaa tahay fulay, hadana isla adigi ayaa isi sheegaya inaad qax ku tagtay kismaanyo, . hotra taasi waa no comment, ka hadal malaha inaanan fulay ahayn oo adiga ayaa qiray.
tan dabada madowna, waxaan kaa iri dhaqan uma lihi inaan nin ragga ah dabadiis tilmaamo, waayoo waa cawro hadii uu sheegeeda iyo fiirinteedu ay inoo banaan tahayna lamaba dabooleen.
waan ka xishoonayaa taas. laakiin waxa aan ku waydiiyay dadka soomaaliyeed waa dad madow oo la yaqaano , oo su,aali kama taagna. su,ashaydu waxa ay tahay wax madoow oo daba cas waxaan ka aqaanaa daayeerka ee maxaa jira noole kale.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kulmiye

Wednesday, November 22, 2000 - 09:40 am
alleeylehe sheekadii qabiil waaka soo dhammaatay oo hadda waxay maraysaa daanyeer,illaahayow waa mahaddaa,waxaan rajeeynayaa in tobansano ka bacdi lagu qoslo ninkii qabiil sheega oo la yiraahdo war orod wax qabso qabiil haku meermeerine saaqid yohow.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Wednesday, November 22, 2000 - 02:17 pm
Deeq,

waxaan u arkaa sheekadaada, in ay tahay mid kaftan ku jiro, waana mid loo baahan yahay in la is xifaaladeeydo iyadoon wax la isu dhimin, waxaadse moodaa laba arimoodba oo uu carabka dul mariyay Galhareeri, in aadan u fiirsanin, oo ah
Wuxuu ahaa oday waayeel ah oo waalin iigu aadan,
iyo rag dabadii inaan wax ka sheego caado uma lihi,tan horaba aan ka soo qaadno, waayeel waalid ugu aadan miyuu iska celiyaa? waxay ila tahay qof iga wayn wuxuu igu yiraahdo qaladba ha ahaate in aanan u jawaabin.
haddii aan u soo noqdo yaa i raaci, isagaba daa ee adiga aan kuu jawaabo, oo aan ku iraahdo, waa lagaa horeeyaa, waana lagu raaci, waana lagu soo daba socdaa, oo waxaa inoo ballan ah caasimada,wayna inaga dhaxeeysaa ee yeeysan cabsi ku gelin adiga,daanyeer iyo adigana daris dambe noqon ma doontaan,daris waxaa kuu noqon Mooryaan.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

deeq

Wednesday, November 22, 2000 - 09:53 pm
to. xamardaya duqa waa iga qoslisay horta lol.
aniga iyo daanyeer aa daris ah aniga ma dhihin.
lakiin hadalka hadba sidii loo qaloociyo yuu u qaloocdaa..

galhareeri saxiib marka hore adaa meesha la yimid dabada iyo waxaa la i dhahaa daba madoobe waxaan isku dayay in aan siyar oo reer magaal nimo ah aan kuu fahan siiyo oo cuqdad ay tahay ee kaftanka marka laga tago cidu dabadaada kula arkin, lakiin ereyga adiga wax kugu soo laalaa banaayo oo wax wayn kuula muuqdo yuu iila ekaaday..

markaan isoo laabto geesi nimadaada dhinac qaldan yaadla aaday,
waxaan islahaa marada ha guntado oo diyaarada hasoo buukin garayso lakiin meesha inay xabad ka dhacaysay yaa wali dagtaada ka yeeraysay oo odaygii dariskaaga ahaa hadaad kahartay u malaymaayo inaad cidkale raacayso..

dowlada aad u wada duubateen aniga horta shaqsi ahaan maanta waan taageer sanahay lakiin bari waxay noqon rabaa og..
hadaad meesha xabadaan uga soo tagnay la taagnaataan xamar umalaymaayo in wax badan la isla sii joogaayo kuwa naftooda u huray oo meesha tagayna laba labay uga soo wada tagayaan..

hadaad xal abuurtaana dadbadan yaa caasimada caano uga daadsan yihiin oo inay yimaadaan macquul tahay...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Thursday, November 23, 2000 - 02:19 pm
Deeq,
odaynimada way jirtaa,rag neh sidiisada wuxuu ku wanaagsan yahay in uu kaftami karo,is xifaaladeen karo,doodi karo,wax isu sheegi karo, wixii wanaaga ka soo hara cidii ku kaceeysaneh waa uun u maangaab nimo, odaynimadaada way muuqataa, ee suaal aan ku weeydiiyo, dabamadoownimada,waxaan maleeynayay in somali oo dhan lagu magacaabo, haddase in sacabka dhan uun loo tumay baan u arkaa ee yaa lagu magacaabay dabamadoobe?maxaase loo yiri oo uu magaca ugu baxay?
ileen marada go' ha ahaato ama macaawiis ha ahaatee waynu wada xiranaaye.
nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JJ boy

Saturday, December 02, 2000 - 11:03 am
i'm glad to see that u can get along eachother,i mean haw& dar. lol ,,,,,,,,

I think galhareeri is gentleman lol,,,,,,, he ain't hate anybody just like me ,,,
peace &ramadan kariim

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, December 03, 2000 - 05:12 pm
WAAN IDIN SALAAMAY.HORTA SOMALI WAA DAD WAX WALBA ISAGA MIDA SIDA,DIINTA,AFKA,DHAQANKA MUUQAALKA.WAXAANSE JECLAAN LAHAA INAAN HALAKAN KU CADEEYO IN QOFKII DAAROODA EE KU NOQDA XAMAR UU AKTAYADA KA YAHAY SIDII RUUX AAN WAX ISKU FALEYN OO AAN QIIMO LAHEYN.WELI MA KU ARAGTEEN HAWIYE KU LEH WAXAAN RABAA INAAN BOOSAASO,BELED-XAAWO,LASCAANOOD,GOLDOGOB KU NOOLAADAAN RABAA.SUAASHAA JAWAAB TEEDU WAA MAYA.MARKA KAN DAAROOD EE XAMAR U SOCDOOW RABI KUMA NABAD YEELO.HALNIN AYAAN UGU GARAABAY INUU TAGO OO SAAXIIBKEY AH ISNA HOOYADII OO H/GIDIR AHEYD CARUUR ABGAALANA DHASHAY AYAA JOOGTA KUNA XANUUNSAN XAMAR KAAS KEYSKIISU WAA GOONI ISAGA IYO INTII DHIB NOOCAASA QABA.AMA NAAG LAGU QABO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, December 06, 2000 - 05:16 pm
WARYAA ANIGOO GALHAREERI KA IMAADAY IYO KII XAMAR DAYE KU DHASHAY MIDKOODNA XAMAR KAAMA XIGAAN DONYAHAW AND IDIGAA CARARAY OO TAGAY EE ILA CARARO MA AANAY AHAYN. DAAROODNA DALKA LGAMA XIGO BERGAAN