    abdirashid | Wednesday, November 22, 2000 - 03:52 am Dawladda Soomaaliyeed ee lagusoo dhisay Carta waa dawladdii gurmadka qaranka somalida, insha allaahuna way ka guulaysan doontaa tuugta iyo cid kasta oo carqalad ku ah, waxaana rajaynaynaa in ay si dhakhso leh usoo laabato sharaftii iyo sumcaddii ay ummadda soomaliyeed lahayd ee lagu tixgelin jiray. Markaa ninkii ka naxayow ka nax, shacbiga soomaaliyeed maanta waa mid qudha waxaana u muuqda dawlad wayna hayaan dawladdii ay sugayeen. Waqtigii tuugtuna wuu dhammaaday, waxaan kusoo gebagebayn lahaa tareenku yuuna kaa tegin. |
    ll cool | Wednesday, November 22, 2000 - 04:10 am cabdirashiid adiga intee kasaaran tahay tareenka yurub mase america mise meelkale.. dowlada waala bur bursanooyaaye ha saldhigato horta tareenka dantaaba nasaarayso hadii dowlad dhalato.. |
    abdirashid | Thursday, November 23, 2000 - 06:44 am To: II cool, walaal anigu waxaan ka saarrahay Europe, qablayaasha iyo dadka la jira ayaan necbahaye af mooyee nin waddanka ka maqani wax uu tari karaaba iska yar, ee adiguna xaggeed joogtaa. Kollay saaxiib hadda arrintu isku fikrad baynu nahay ma taagna ee waxay taagan tahay calooshaad nadiif ka tahay oo wax soomaali ka yari kuuma muuqdaan, waad i fahamtay ayaan u malaynayaa. |
    Anonymous | Saturday, December 16, 2000 - 04:23 pm Dowladda Soomaaliyeed ee KMG waa in ay aad uga fiirsataa ciday ka dhigayso safiiro. Ninka ama naagta laga dhigayaa safiir waa in uu lahaado aqoon iyo asluub fican oo u qaran Somaaliyeed uu ugu noqon karo wakiil. Safiirada la soo magacaabayaa waa inayany noqon sidii habartii Faduma Isaaq Bixii ee kaga dhaqantay cariga swisska falal ku qaloocan dhaqanka soomaliyeed taasoo keentay in laga cayriyo Geneva. |
    Anonymous | Thursday, December 21, 2000 - 12:35 am Dadka itoobiya u shaqeeya waxay ku dambayn doonaan foolxumo ayna waligood kasoo waaqsan. |
    abdirashid | Thursday, December 21, 2000 - 12:39 am waa runtaa ilaahow naga qabo wixii jecel inuu kala dhantaalo midnimada soomaaliyeed oo aan wanaag u soo wadin somalia danihiisa mooyaane.sida suudi, caydiid, caato, c/llaahi yusuf, qanyare,cigaal iyo qaar kaloo badan. |
    dulli | Thursday, December 21, 2000 - 12:41 am ha laga hadho dadka tashaday, oo ha la tashado. |
    abdirashid | Thursday, December 21, 2000 - 12:45 am Magacaagu ima deeqin, waxaanse ku dhihi lahaa maydnaan tashanine waxaad loo tashaday shacabka, oo iyagu ah diinkii aan dubka lahayn, ee ay habar dugaag u tashatay laakiin ilaahaybaa jira. Nin alla leh looma dardaar wariyo. |
    deelqaaf | Thursday, December 21, 2000 - 12:56 am war dawladda aad leedahay taageera ma tii shalay dadka gowracaysay baa? waxaa la taageri karaa hadii ay noqoto mid dadka u adeegaysa oo agoonta maalgelinaysa, haddii kale yaynaan been isu sheegin. |
    hasan | Thursday, December 21, 2000 - 01:02 am Saaxiib deelqaafow, dawladdu iyada ayaa laga sugayaa waxaas oo dhan inay qabato, cid walbana shaqo way ka helaysaa, mana noqonayso dawladdii hore oo kale ee milliterigu wax walba ay gacanta haddii shaqaale la qorayo iyo hadii waxbarasho laga hadlayaba, waxay noqon doontaa sidaan ilaahay ka baryayno mid caadil ah oo ummaddeeda wax u qabata balse saaxiib waxaad isbarbardhigtaa nimanka maliishiyooyinka isku sheegaya iyo adigoo dawlad helay. |
    abdirashid | Thursday, December 21, 2000 - 03:59 am To, hassan, saaxiib si wanaagsan ayaad ugu jawaabtay, ilaahay caqliga kaama qaado. |
    halyay | Saturday, December 23, 2000 - 04:01 pm dawlada aad ku haysaan bal marka hore dhulka ay joogto ha ka hesho base nabadeed oo ha midayso hawiyo, ileen nin ay hawiyaba rabin sidee soomaalida kale uu ula imaan karaa waxaan ahay madexweyne. tuugo dhiil faaruq ah la ordaysaa ayaad noo sheegaysaan oo irdihii adduunka laga soo wada xirtay, halka mudane abdulaahi yusuf iyo mudane ibraahim egal ay iskala weyn yihiin inay u baryaan naagaha carbeed, oo waxay aaminsan yihiin in soomaalida(gobolka kastaa) kaligood ay tahay inay wax qabsadaan, sidaasna horumarka loo wajaho. danta guud la isla meel dhigo marka maamulo goboleed wadanka yeesho. |
    cadaalad | Saturday, December 23, 2000 - 06:12 pm abdirashiidoow yaa soomaali neceb, yaase jecel .Waxaad ogaataa in fikirkaagu adiga kuu gaar yahay ooaadan nagu biiri karin waxaad jeceshahay.rag ceebta waxay uyaqaanaan rag bay caadadooda tahay in ay ku faanaan.Abdiyoow dadkasoomaalida ah cuqdaa kale gashey eehasoo kala nastaan ee aynu ukaadino geedkii orad lagu koraa orodaa looga soo degtaa.ninka aad leedahay soommaalibey isku keenayaan.waa kuwii soomaali kala diray. |
    Anonymous | Monday, December 25, 2000 - 07:59 pm Cadaalad waan kugu raacay, hala kal nasto, gobol walba nabadiisa ha sugo, ganacsiga ha la furo, dadka deegaanka dhibaataynaya halayska qabto, markaas ka dibna dawlad loo dhan ayahay ha la samysto, waxii dhib gaystana sharciga ha la mariyo. |
    abdirashid | Tuesday, January 02, 2001 - 03:58 am To: Caddaalad, saaxiib aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay ra,yiguna waa qof walba sida ay la tahay wax ceebana maaha in lakala duwanaado, kuwa hadda ka buuxa dawldduna waa kuwaynu garanayno, oo kuma lihi ceeb saliim ka yihiin marka laga bilaabo madaxooda illaa minjahooda laakiin saaxiib caddaaladow intee bay qaadanaysaa kala nasashadu. Inta ay kala nasanayno saw laynaga tegi maayo, miyeyna ka wanaagsanayn in aynu dawladdan sallaan ka dhiganno aynu ku fuullo illaa aqalka xaggiisa sare, waxaan uga jeedaa booliiskii iyo sharcigii lagu dhiso ka dibna lagusoo taago maxkamad nin kasta oo la filayo inuu waxyeelay ummadda soomaaliyeed, haddii aynu is dhowranno saaxiib yaa inoo maqan. |