Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: Mr- John Manley - W . Arimaha Dibadda ee Canada iyo Xooghayaha Baarlamanka KMG
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aliyoow

Wednesday, November 22, 2000 - 06:22 am
Xoghayaha Baarlamaanka,D- KMG Mahad Cabdalle Cawad ,oo raba in uu dowladda Canad ka dhameeyo in ey aqbasho, si toos ah dowladda KMG ee Soomaaliyeed

(Hiiraan Online)

Nov 19 (HOL) - Waxaa magaalada Ottawa ee dalka Kanada lagu qabtay galabnimadi Axada shir balaaran oo ay soo qabanqaabiyeen 'Somalia Peace Promotion Action-Group', oo ah guddi ku howlan abaabulka jaaliyadda Soomaaliyeed iyo dowladda Kanada sidii ay u taageeri lahayd Dowladda KMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Shirkaas waxaa ka soo qayb galay wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga ee Kanada Mr. John Manley iyo Xoghayaha Golaha Shacbiga KMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed Mudane Mahad Cabdalle Cawad.

Wasiirka oo ah xildhibaan laga soo doorto koonfur-bari Ottawa oo ay tiro lixaad leh oo Soomaali ahi ka codayso ayuu haatan ku gudo jiraa tartanka doorashada dowladda dhexe ee Kanada halkaas oo ay xisbigiisa 'Liberal Party' loolan kula jiro saddex xisbi oo kale. Waxay jaaliyadu goobtaas ka cadeeyeen sida codbixintoodu ugu xiran tahay hadba dowrka uu wasiirku ka ciyaaro taageerada iyo dib-u-dhiska dalka Soomaaliyeed.


Waxa uu Mr. Manley halkaas ugu hambalyeeyey firfircoonida Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo dadaalka ay ugu jiraan halganka nabadeynta Soomaaliya, wuxuuna cadeeyey in uu xildhibaanka iyo Guddiga shirkan soo qabanqaabiyeyba wasaaradiisu kala shaqayn doonto arrintan.

Waxaa shirkaas warbixin ka soo jeediyey Xoghayaha Golaha Shacbiga KMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo dareensiiyey wasiirka iyo jaaliyadaba dowrkii firfircoonaa ee ay reer Kanada ka qaateen shirweynihii nabadeynta iyo sida haatan looga sugayo dadka iyo dowladda Kanada in ay sii xoojiyaan ka qaybqaadashada iyo taageerada dib-u-dhiska Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo uu xildhibaanku kalkaas ka akhriyey dhambaal qoraal ah oo isugu jira hambalyo iyo guubaabo oo uu Guddoomiyaha Golaha Shacbiga KMG ah, mudane Dr. Cabdalla Deerow Isaaq u soo diray jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kanada. Sidoo kale waxaa halkaas hadalo taageero ah ka soo jeediyey safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey Kanada Dr. Cabdinur Yuusuf iyo Dr. Xirsi Cabdi Ciyow.