Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Siyaasdada Guud - General Politics: Ururka Ilaalinta Xuquuqda Macaamiisha
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DAN-JIR

Wednesday, November 22, 2000 - 09:40 am
waad salaaman tahay akhriste, waxaanu halkan ku soo gudbineynaa sida aanu uga xunahay jidka qaloocan ee ay ku socdaan in badan oo ka mid ah adeegsayaasha Internet-ka, kuwaas oo caadeystey in ay soo ban-dhigaan waxyaabo meel-ka dhac ku ah sharafta iyo karaamada Ummadda, horene arintaa waanu uga digney haddii aanu nahay ururka ka shaqeeya ilaalkinta xuquuqda Macaamiisha Soomaaliyeed, waaxaxnu mar kale ka codsaneynaa dadka sida qaladka u adeegsada boggaga kala duwan ee Inernet-ka in ay isku xishiidaan oo ay waantoobaan xumaan ay la wareegayaan, ugu dambeyntana waxaanu markale ka dalbeynaa dadka masuulka ah bogagaas la isticmaalayo marka loo badheedho lagu tunto xuquuqda guud ahaan macaamiisha arintaa waxa ka qabtaan haddii aanay kari karina waa in ay gabi ahaanba xidhaan bogagooda.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daljir

Wednesday, November 29, 2000 - 07:59 pm
You have my support fellas.
Also could you warn/advice the Daallo Airline customer services? They are very poor indeed.
They were horrible last time I flew with them. lol

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DANJIR

Saturday, December 16, 2000 - 10:20 am
salaan ka dib wuu mahadsan yahay saaxiibkeena nala soo xidhiidhay ee ka cawday adeega shariikada daalo, hase ahaatee sida uu sharciga ururku dhigayo cabasho kasta oo na soo gaadha waxaanu uga baahanaa cadeymo arinta la xidhiidha sida awgeed walal haddii ay arintu dhab kaa tahay noo soo gudbi waxkasta oo aad doodaa ku xoojin karto, talaabada xigtaana waa mid aynu ka wada tashan doono, mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DANJIR

Monday, December 25, 2000 - 09:04 am
Ururka macaamiisha Somaaliyeed, waxa uu ka codsanayaa dhammaan ummadda Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed inay caawimo u geystaa walaashooda yar ee Faiza CabdiXakiim oo ku dhalatey magaalada Bosaaso iyada oo qabta dhibaato caafimaad oo aad u daran oo aan gudaha dalka wax lagaga qaban karin.
intaa ka dib waxa uu ururku muujinayaa in uu si aad ah u dhaliilsan yahay habka loo maamulay baahinta dhibaatada caafimaad ee gadhan yari qabto, sababta oo ah waxay nala tahay in aan marnaba la tix-gelin xuquuqda ay yartaasu u leedahay in cawradeeda la asturo waxkasta oo ay qabtaba, sidaa daraadeed waxaanu ka codsanayanaa maamulayaasha bogga SOAMLINET in ay qariyaan sawirada aan habooneyn ee yartaas.