Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: Balaayo madax la qabtay leedahaye minjo la qabto ma laha:
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nuuriye

Wednesday, November 22, 2000 - 02:20 pm
soomaalida nabada jecel:ninkii aan garan waxa taagan wax soo socdana ma garto..waxa muqdisho ka dhacaya waan u wada jeednaa iyada oo ay maanta ku sugan yihiin dadkii soomaaliya ugu caansanaa dhinackasta...markaa maxaad xal u aragtaan soomaaliyeed ma waxa ay reer carta sugayaan tii 10sano ka hor dhacday mise xal degdeg ah ayay gaadhi doonaan ilaa hada dhowr nin oon laga maarmi karin ayaa si jaban lagu khatalay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yasin

Wednesday, November 22, 2000 - 04:04 pm
Aniga waxay ila tahay xaalada Somalia waa mid aad u qasan oo dhib badan xaliskeeda,waxaan ka war qabnaa in hubkii ciidankii xooga dalka soomaliyeed uu faraha u galay dad burcad ah oo markii qabiilka ay ka dhasheen uu meel xun aadiyo ka qeyb qaadanaaya markii qabiilkoodu meel fiican oo nabad ku saabsan uu aadiyana ka hor imaanaaya iyagoo ka amar qaadanaaya shikhsiyaad aan damiir lahayn,run ahaantii xaalada Somaliya ma sahlana xaliskeeda inta hub gacanta lagu haysto.

Dawlada cusub ee maanta dalka u dhalatay waxay ku soo aaday xili jah wareer ah,xili wax miisaniyad la yiraahdo ay jirin,xili xafiisyo ay haysanin,xili ay ciidan dhisan haysanin, xili tuugo iyo burcad ay meel kasta fadhiyaan marka nimakaas doonaaya in ay maamul soo celiyaan waxaa mudan in dadka Somaliyeed ee wax garadka ah ay garab istagaan maxaa yeelay waxay hureen naftooda si sharaftii Somaliya ay u soo noqon lahayd. Marka dadka wax eedeeya markasta waxaan leeyahay xiligaan maha xiligii ninkii wax toosin lahaa la eedeeyo ee waa xiligii gacmaha la is qabsan lahaa si dawladnimaddii Somaliya iyo nabadii ay u soo noqon lahayd mar kale.