Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics: Maa sababay abuuritaanka Puntland
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LA#1

Friday, November 24, 2000 - 02:21 am
maxaa ugu wayn oo keenay Puntland...?
Ma dhibkii Hawiyuhu inoo gaystay.
ma dhibkii Isaaqu inoo gaystay.
ma dhibkii Ina Siyaad Bare inoo gaystay.
Masse waa Arin wanaagsan in aanu maamul gooni ah samaysano.
Waxaan rabi lahaa in aan ogaado waxa ay reer Puntland ka aaminsanyihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaxye

Friday, November 24, 2000 - 02:54 am
Waa fikrad fiican laakiin. adigu maxaad u shiigiweydey taada marka hore. maxaad se tahay adigu.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hantiwadaag

Friday, November 24, 2000 - 03:02 am
waxay aniga ilatahay in aan u samaysanay in aan ku gaarno dawlad soomaaliyeed. maadaama aan helay dawlad soomaaliyeedna aan ka kaftoonay oo Cabdullaahi iyo dad meel waayay ayaa isaga madax adaygaya ee Puntland shaqadeedii waa qabatay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHARMK

Friday, November 24, 2000 - 03:16 am
HANTIWADAAG

DAWLAD AYAA DHALATAYE BAX XAMAR AAD WALLEE GUUS
AYAA XABAD LAGAAGA DHIGAYAA.

DAWLADA KAMA SOO HORJEEDNO LAAKIN WAXAAN RAACAYNAA
MARKAY U HOGAANSAMAAN DADKA XAMAR DAGAN OO DHAN
LAAKIN INTA LA DILAYO DADKA BARLAMAANKA KA TIRSAN
WAAN KA SII FOGAAN.

JAAHIL AYAA TAHAY WAAYO WAXAAD AAMINSAN TAHAY
IN PUNTLAND C/LAHI LEEYAHAY, C/LAHI WAA NIN LA DOORTAY, WAKHTIGIISA MARKUU DHAMAADANA WAA LA BADALI DOONA, WAXAANA LOO DHIIBI HADBA NINKII
LA IS LEEYAHAY UMADDA AYUU WAX U QABAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Friday, November 24, 2000 - 04:45 am
Waxaa jirtay 1981 anigoo yar in habeenkasta Polic iyo NSS ay noo imaan jireen iyagoo raadinaya Aabahay taas oo keentay in aan marmarka qaarkood aanan habeenka oo dhan seexan inigoo isleh armaa aabe lala tagaa caawa. Habeenkii danbe ayaa waxaa noo yimid 10 Polis & NSS ah oo gurigii oo dhayay isku qaseen oo kala gadiyeen caruurtiina hurdadii ayay ka salaleen Aabana way latageen, anigu 9sano ayaan jiray, habeenkii oo dhan ma seexan oo ilmo ayaa iga quba naysay, ciil iyo calool xumo ayaana la ilmaynayay waayo cid loo dacwoonkaro majirin waxaanse kale oo aad uga xumaa hooyo oo umul ahayd oo dhashay 7 maalmood ka hor. Subixii ayaan hooyo waydiiyay "Aabe muxuu galabsaday", hooyo wax jawaab ah ima siin ee waxay isku dayday in ay i sasabto.

Waxaan u qaxny baadiyaha Gaalkacyo oo abtiyaashay ku lahaayeen baraago iyo xoolo.laakiin markii aan laba maalmood joognay ayaa waxaa yimid CIIDAMADII XOOGA DALKA "SOOMAALIYEED" oo wata beebayaal iyo taangiyaal kuwaas oo buburiyay wixii ay burburinkareen oo laayay wixii ay laynkareen oo xoolo ah isla markaana qafaashay wixii rag ahaa oo meesha joogay ( 2 Abtyaashay ah ayaa ku jiray).Waxaanse aad uga naxay markii aan arkay dumarkii tuulada iyo caruurtii oodhan oo wada ooyaya, Hooyo ( oo indheheeda ilmo kasocoto) ayaan waydiiyay waxa ay sameeyeen Abtiyaal oo sidaan loogu galay, wali hooyo jawaab ima siin.

10 sano kadib markii dadka xamar nawaaxigeeda dagaa ay bilaabeen sifaynta Daaroodka ayaa arintii oo kale soo noqotay marlabaad ama................?????


1991 ayaa waxaa dhacday in aniga iyo nin Adeer iigu aaddan aan dhufeys ku kulanay markaasaan waydiiyay sababta Hawiywe noola dagaalamayo hadii aan Xamar uga soo baxnay maxaase keenay in ay Gedo aadiwaayaan waayo Afweyne halkaas ayuu jiraa eh (Kismaanyona dad rayid Daarood ah ayaa joogey) Adeer wax jawaab ah ima siin.
Wuxuu yiri Wiil-Qardhoodow maxaa keenay in Sayid Maxamed Cabdille Hassan uu qaarkeen Buuraha Nugaal ka daadsho Qaarna uu xasuuqo isagoo Diin u daliishanaya. Waxa kale oo uu iisheegay in ay dadkii Wakhtigii Sayidka noolaaba ay sidaa u Qaxi jireen iyogoo aan waxba galabsan.

Marka si aan caruurtayda uga badbaadiyo in ay ku dhacdo wixii dhib ahaa oo aniga iyo Awooweyaashay nagu dhacay ayaan waaxaan aminsanahay in Puntland lagamamaarmaan tahay. Mardanbe in aan naloo adeegsan magac Diin(Sidii/da Sayidka iyuo Cumar Faaruuq) ama magac Somaaliyeed(sidii/da Afweyne iyo Ina Salaad BOY)) Ama magac Qabiil(Cayddiid iyo Siilaanyo/ Cigaal).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hantiwadaag

Saturday, November 25, 2000 - 12:43 am
Wiilqardho ha isku sifayn seefaha dadka walaalaha ah ee soomaaliyeed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LA#1

Saturday, November 25, 2000 - 12:56 am
TO: Wiilqardhood
walaal waa wax aad iyo aad u naxdin leh oo islamarkaana muujinaya waxyaabihii kalifay dadka majeerteenka ah in ay cararaan oo ay Itoobiya aadaan. waxaa fiicnan lahayd in aad buug ka qortid sheekooyinka aad ka xusuusanaysid wakhtigaas qaabka daran

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/Waaxid

Saturday, November 25, 2000 - 07:25 am
Asalaamu Calaykum

Waxaad sheegtey waa arimo qaab daran laakiin waligaa ma aragtey askar amxaaro ah oo Masaajidii iyo dugsiyadii burburinaysa Kitaabkii quraanka ahaana duleeyey!!!!!!!!!!

Wiil Qardhood dhib caadi ah baad sheegtey sida baraago lagu gubay dad la xirey iyo xataa dil.

Ka waran maamulka Puntland oo kitaabadii ka urursadey Gaalkacyo?!

Yacnii waa dad diintii gubey ama diley hadey awoodaan.

Marka magacyada magaalooyin ha ceebayn qofyahow.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Monday, November 27, 2000 - 12:21 am
TO: C/waaxid
Qofyohow been hasheegin horta oo Puntland wax kitaabo laga ururiyo majiraan masaajido lagubaana majiraan meelkasta ha ahaatee Gaalkacyo-Boosaaso waa wada masjid oo kitaabo ayaa lagu akhiyayaa

Dhibka iyo Qaxarka REER PUNTLAND soomaray waxa Ugaystay waa dawladdii soomaaliyeed oo iyaga masuulka ka ahayd oo la rabay in ay difaacdo. dhibkuna waa kala daranyahay marka uu cadaw ku gaarsiiyo iyo marka kale.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, November 27, 2000 - 02:13 am
aniga waxay ila tahay in aannaa kaa fakarin maxaa nala gaarsiiyay iyo aan ka fakarna maxaan hadda qaban karnaaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAXAMED

Monday, November 27, 2000 - 02:20 am
RAMADAN KARIIM

To: Wiil Qardhood
sxb aad bay ii taabatay waxii aad halkaan kusooqortay ileen intaa iyo in lamid ahbaa ana soo maree waxaa laga yaabaa in aan Kismaayo dhufays kuwada jirnay, waxaa la yaab ah su'aasha aadeerkaa aad weydiisay waa su'aal aan kuligeen isweydiinay markii lasoo qaxay, aniga aabahay wuxuu aaminsanaa in soomaalinimo lasii wado taasina waxay cadaatay markii adeerkay iyo intii lasoctayba lalaayay XAMAR dhexdeeda ayagoo soomaalinimo u ordaaya hadaad garanaysid ma aqaan sidii loo dilay adeer MUSSE BOQOR iyo adeer DHIIGSOKEEYE (C/allahi Yusuf Walaalkii oo 80 jir aha) iyo odayaashii XAMAR lagu laayay ayagoo markaa aanin sanaa in SIYAAD haduu tago soomaali isku imaanayso laakiin XABAD baa loogu soo jawaabay oo waxa amarka bixinaayay waxay ahaayeen dadkii HAWIYE ee aqoonta lahaa in ay farta kufiiqaan ragii saxiibadood ahaa si looga takhaluuso. Waa xasuusa taan SOON kaan kiisii kale ee 1991 waxii XAMAR kadhacaayay in dad muslim ah oo soomali ah oo sooman intee indhaha laga soo xiro jidadka xamar lagu wareejiyo kadibna lagu dilo meeeshii la oron jiray INDHA XIRANE DAAROOD.
Markaas baan anigu arkay is wax soomaalinimo iyo wax muslinimo ah in aan la isku ixtiraameen, taasna waa inaysan ku dhicin CIYAALKAYGA oo waa in aan katshadaa jeedkaasna waxaan umarayaa PUNTLAND.
Aniga KISMAAYO markii HAWIYE qabsaday waa joogay waana la iqabtay waxaana ku fakaday ilaahay baa iga sii jeedshay oo kusii jeedshay BILILIQADII daarood.
Kadibna anoo la iqarinaayo baa XAMAR la ikeenay dilkii markaa weli waaka socday XAMAR, RAG iyo DUMAR muslim ah oo daarood ah oo maalin walba loo siiwado TERIBUUNKA(indhexirene daarood) taasii markale marabo inay kudhacdo CIYAAKAYGA iyo kuwaydhaleenba. TAARIIKHDA WAA IN WAX LAGA BARTAA ANIGANA QAYBTEYDII WAAN KABARTAY OO KHIYAANO DANBE MAJIRTO WAA IN RUNTA LA ISKUGU YIMAADAA.
OGAADA DADKA BEENTA QURAAFAAYA IN AY RAMADAAN TAHAY EYNA RUNTA IYO WAXA AY INDHAHOODA KUSOO ARKEEN KU EKAADAAN EE ISKA DAAYAAN DACAAYADA, ANIGA WAXAAN KAHADLAY WAXA AAN ANIGA SHAQSIYAN AAN SOO MARAY SIDA WIIL-QARDHOOD.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mr:MJ

Monday, November 27, 2000 - 10:47 pm
Taariikhdu waa lama huraan in loo sheego dadka yaryar si ay u fahmaan sida ay wax ahaayeen, sidaas darteed wiilqardhood waad ku mahadsantahay sida aad u sheegtay arintii ku qabsatay ee kugu kaliftay in aad aamintid oo kaliya Puntland. aniga laftigaygu waxaan aaminsanahay Puntland

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Caaliya

Tuesday, November 28, 2000 - 11:49 pm
to:Maxamed iyo wiilqardhood
wiilqardhood walaal sheekadaadan markii aan akhristay indhahayga ilmo ayaan katirtiray.waxaana aanka naxay hooyadaa oo haysata ilmo todobo-maalmood jir ah oo lagu kalifay in ay ilmaheeda hadba meel ula cararto iyadoo aan looga dabaharayn. weli wax saas iitaabta kama aanan akhriyin internedka.
walaalayaal waxaan aaminsanahay in Taariikhdu daaweynayso dhibka iyo khilaafka yaryar ee dhexdeena yaal sidaas darteed ay muhiim tahay in la is xasuusiyo wixii kalifay reer Puntland
mahadsanidiin Wiilqadhood & Maxmed

Caaliya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LA#1

Thursday, November 30, 2000 - 01:31 am
Waxaad mooddaa in lagu mashquulay sheekadii wiilqardhood ee waxaan anigu rabay in aan ogaado dadka kale fikradohooda ay ka qabaan in ay sabab u yihiin aasaaska Puntland

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abaas

Thursday, November 30, 2000 - 02:50 am
MA HADAAD BILOWDEEN SIDII YUHUUDII IN AAD BEEN ABUURTAAN SHEEKOOYIN AAN JIRIN.WAR BEENTA DHAAFA CIDNA IDIN KAMA NAXAYSEE.MAJEERTEEN WAA JUHUUD BAAN MAQLIJIRAY HADAAN RUMAYSTAY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Puntlander

Friday, December 01, 2000 - 03:28 am
Wiil qardhood iyo wiilka magacaabay dhiigsokeeye iyo musse boqor. waxaa ka daran odayaashii lagu laayey Gaalkacyo Maxamuud Xaji Xasan age of 85, xuudi age of 75, maxamuud cali nuur age of 70. raggaas qaar waxaa lala laayey caruurtoodii dad ay danbi ka galeena ma aysan jirin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Puntlander

Friday, December 01, 2000 - 03:28 am
Wiil qardhood iyo wiilka magacaabay dhiigsokeeye iyo musse boqor. waxaa ka daran odayaashii lagu laayey Gaalkacyo Maxamuud Xaji Xasan age of 85, xuudi age of 75, maxamuud cali nuur age of 70. raggaas qaar waxaa lala laayey caruurtoodii dad ay danbi ka galeena ma aysan jirin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galdogoboos

Friday, December 01, 2000 - 03:32 am
wax kasta oo laydin soo gaarsiiyay koley soomaali kama maarantaan, idinkoo gurguuranaya ayaad imaanaysaane XAMAR iska ilaawa Garawe.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Friday, December 08, 2000 - 10:19 am
S/C

Puntland looma abuurin nacyb loo qabo soomali inteeda kale ee waxaa loo aasaasay in looga nabadgalo dhibka iyo rafaadkii ay soomaali ugaysatay dadka daga Puntland, isla markaana marlabaad laga wada tashado soomalinimada iyadoo qolo walba ay leedahay maamulkeeda garka ah, si aysan marlabaad u dhicin in naloo adeegsado awooda ciidan ee soomaaliya.
waxaadna ogaataan in soomaalinimada juhdiga iyo awoodda aan kubixinay in aysan jirin qabiil soomaaliyeed oo kubixiyay.

waxaan isa saarnay xil aad u wayn laakiin abaalkii wuxuunoqday in nala yiraaahdo waad amaan jeceshihiin oo "waa beentiin" ,"amaan jecelaan majeerteen" "faan jecelaamajeereetn". iyadoo sababta Aabayaal isugu hawleen soomalinimo aan aabaal loogahayn ay ahayd waanaagjacal iyo soomaalinimo jacayl

S/C
Wiil-qardhood

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hargaysaawi

Monday, December 11, 2000 - 07:42 am
Waar miyaydaan xishoonayn dhabayaco waa idinkan leh waxbaanagaarsiiyaye, Qaylo darteed baa naftu inidkaga dhicilahayd haddii naydin gaadhsiiyo inyii lagaarsiiyay reer somaliland. WAAR XISHOODA OO QAYLADA DHAAFA