Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics: Cabdullahi Yusuf : Waxaad iga qortaan caawa in aysan marnaba meel marayn wixii kasoo baxay Carta
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MM

Saturday, November 25, 2000 - 04:53 am
SUAAL: Waxaa shir lagu qabtay dalka jabuuti magaaladiisa Carta, sida aad ka sheegtay idaacada Radio Sweden laanteeda af soomaaliga in aad ahayd hogaamiyayaashii kolkii hore taageeray shirka Carta hadana kala laabtay taageeradii, maxaa kalifay in aad taageerada kala laabato?

JAWAAB: Waxaa kalifay inaan taageerada kala laabto waad u jeedaan meesha waxa kasoo baxay . Shirkan oo ahaa mid ku dhisan khiyaano iyadoo ay hormuud ka ahaayeen wadamo ajnabi ah, qorshahaas khariban oo ah mid aan Soomaali marnaba isugu imaan kareyn oo aan xanbaarsaneyna danta Soomaali weyn taas ayaa keentay inaan kala laabano taageeradii shirka. Waxaad iga qortaan caawa in aysan marnaba meel marayn wixii kasoo baxay Carta iyo qorshihii madaxweynaha Jabuuti iyo intii ku lamaaneynd, taasi maaha waxaan iska dhahayo ee halayga qoro caawa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Maxamed

Saturday, November 25, 2000 - 07:05 am
MM: Maanta figradii aan ka heystey dowladda puntland way is bedeshay kadib markaan akhriyey wareysiga. Nimankan reer Puntland waxay intaasoo sano soo dhisayeen ayaa la dhahay ma aqoonsanin ee haday dan idiintahay Xamar imaada. Waa markii iigu horeysey oo aan fahmay point-ka dowladda Puntland.

Waligaa ma aragtay qof dugsi hoose dhexe ka booday oo Jaamacad bilaabay? Hadaan anahay reer koofur waxaan amr walba u orodnaa national politics anagoo aan haysan hal magaalo oo amaan ah. Koofurta labada magaalo ee ugu waaweyn waa Xamar iyoksimayo labaduba waa no man's land marka sidee baan arimaha waddankoo dhan ugu orodnaa anagoo aan Xamar nadiifin?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/Waaxid

Saturday, November 25, 2000 - 08:09 am
Asalaamu Calaykum

MM hadalkaad tiri waa kii Zenawi oo isagu u howlan in aan Soomaaliya heshiin marka haduu Kornaylku ku raacey adna aad xayeysiin u samaysay idin aragney.
Wabilaahi Towfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmed

Saturday, November 25, 2000 - 03:15 pm
ninkan waa ninwaalan waana adagtahay inlataageero. anigu waataageersanaa inlasiiyo wuxuu xaquleeyahay hase makaan akhriyey su aashii laga weydiiyey sool iyo sanaag siduu uga jawaabey, waxtaageero oo danbe igamahelayo, cadowgu hafeenfeento. ILAA IYO MAALINTII UU ITOOBIYA TEGEY ILAA MAANTA WAASIDIISII, QOFKII DAMCAA INUU UHIILIYO ISAGAA DAN UQUUSAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

puntlander

Sunday, November 26, 2000 - 03:19 am
brother Mohamed waan kuugu hanbalyaynayaa sidaad u fahan tahay in Puntland waxay intaa soo dhisaysay in aysan wacaladii Afweyne hooyo oronayn
marna, waxayna Puntland mar walba samaynaysay tanaasulaad fara badan sidii loo midayn lahaa ummadda Soomaaliyeed. annagoo ka dhul weyn kana dhaqaalle badan Soomaliland marna kuma aanaan dhawaaqin in aan diyaar u nahay kala goynta dhulka Soomalidda. waxaana la yaab leh in aan muddo 8 sano ah ka dhiganay Cali Mahdi in uu wakiil ka yahay ama hayeen ummadda puntland si xal loo helo. markaan aragnay wax dib u dhac mooyee in wax xal ah la gaarayn, khasab bay nagu noqotay in aan samayno dawlad Goboleedka Puntland. aad baana ugu faanaynaa Madaxweynahayaga
Cabdullahi Yusuf oo noo suuragaliyey in Puntland hesho xasilooni, nabadgalo iyo barwaaqo iyo baraare. long live our great leader. Ina Salad Booy wuxuu ku hayaa Cabdullahi yusuf ma dhintay, ma xanuunsan yahay, markii wacay England waxaa la ii sheegay he can lead puntland long long time, waxaana isku diyaarinaynaa in mar labaad aan doorano, waqtiga uu dhimanayaa ilaahay baa og, kuli nafsi daaiqatul mawt.

wa bilaahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, November 27, 2000 - 10:13 am
war yaaya aan run isku sheegno ninka layiraahdo korneel abdullahi waa naqaanaah waa ninkii 15000. oo wiil oo hubaysan barqo dab ka dhex ridey 1980. marka aan ka tashano oo maamul fiican aan u samaysano " Puntland " maamul horey umariya gobalkaas nin aan ahayin askeri ah mutacalin . waayo ninka aan hadalkiisa u jeedo nagaarsinmaayo meel. hada ilaa 2 sanadood buu hayey waxuuna ku meegaaray sanyaah nabad baan ka dheliyey gobalka . Adeer yaan been laysku sheegin meesha odayaal baa ka taliyee . wacde intaan leenahay korneelka ayaa nala dhaafidoonah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galkacyoos

Monday, November 27, 2000 - 12:06 pm
to A/waaxid
maanta soonqaad ayaa bilaamay, ma rabo in aan ku dambaabo in aan wax kaa sheego, fadlan noo dhaaf dawladeena Puntland iyo madxweynaha C/llaahi illaahay ha daayee, haddii aad daynweydid daandaansiga, waajibkaaga ayaan ku marinaynaa, haddii Hawiye nabad rabo hanoo ogolaaden xaqeena iyo xaqa qabiilada kaleba.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

R.MAHAD

Tuesday, November 28, 2000 - 05:43 am
WAR WAA MAXAY DACIIFKAN, WAA MAXAY XAQA UU HAWIYE KAA HAYSTO? ASAABA TIISA U YAABANE, MUXUU HAWIYE KUU DIIDI KARAA? MUXUUSE KUU OGOLAAN KARAA ADIGOO
ILLAAH MAJJERTEN KAA DHIGAY, HADDAA DAD KALE TAHAY
NA, NOO DAA MAGACA GALKACYO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MEHRI

Tuesday, November 28, 2000 - 03:20 pm
ALXAMDU LILAAH.ILAAH AYAA MAHAD MUDAN.MAANTA PUNTLAND WAA NABAD EE DADKIINAN REER PUNTLAND AH JOOJIYA C/LAHI AYAA NABAD KA DHIGEY DHULKA IYO HEBEL AYAA KA DHIGI KARA WAAYO WAXAA MEESHA KA BAXAYA RABI OO AH KII NA WAAFAJIYEY TALADAN SUUBAN.AAN NIRAAHNO ILAAH AYAA NABADAN NA SIIYEY.C/LAHI IYO DHAMAAN SHACABKA PUNTLAND AYAA KA WADA SHAQEEYEY NABADAN.FAR KALIYA FOOL MA DHAQDO.AMAANTA WAA LALA WADAAGAA INA YUSUF.S/CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galkacyoos

Wednesday, November 29, 2000 - 11:25 am
R.Mahad,
adigoo ah axmaq daciif ah oo aan ku nool qiyaali, Hawiye Xamar ayay kaa haystaan oo maalkeeni yaalay, kismaayo oo aan anagu leenahay ayay heystaan, sababtuna waxaa dhexdeena ku jira jiri adiga oo kale ah oo hadal ka adag, you make sick haddii aad tahay Majeerteen, dhoohane.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GARSOOR

Wednesday, November 29, 2000 - 04:56 pm
gAALKACYOOS WAAN KUGU RAACAY r.mahad IYO RAG LA MIDAA mAJEERTEEN LA HARAY, INTAY FAAN CIDLA AH MEEEL LA ISTAAGAAN, BAY WAXAY DHAHAAN MA HAWIYE WAX NAGA QAADI KARA, HAWIYE BANAANKAY IDIN MARIYEEN, MAJEERTEEN WAXAA KA DHASHAY DAD QAARKOOD LIITAAN, KUWA HAWIYAHA DABA CARARA IYO WAXAY NOQDEEN KUWO FAAN CIDLAA MEL LA TAAGAN.
HABARGIDIR AYAY ISKA CELIN WAAYEN INTAAN HAWIYEBA LA GAARIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAYIDCUMAR

Wednesday, November 29, 2000 - 09:03 pm
ALA MAXAA DOQAN HADASHAY BAL DIB ISUGU NOQDA OO AKHRIYA WAXAAD LASOO SHIRTAGTEEN [MAJEERTEEN BAAN AHAY MEELKU GAYN MAYSEE ADEER DANIHIINA RAACDA]

WAR QARNIGEE LAGU JIRAA BADOW YAHAY WAXAA DALKA U TALIN DOONA NINKII WAX U BARTAY KII SIDIINOO KALE DADKA KALA DILANA WUXUU NOQON DOONAA CODOWGA DALKA IYO DADKA

RAG IYO RABI BAA NABADA DALKEENA TAALA KEENAY C/LAAHI YUUSUF MA KEENIN INAAN KALIGII MUDANANA ILAAH NAGUMA KEENO TEEDA KALE DADKU WAA ISLAAYAA DABADEED HESHIIYAA HAWIYA QARNIYAAN ISLAYNAYNAY HADANA WALI WALAALAAN NAHAY DHALASHO IYO DHAQAN
WADAAGA ILAAHNA WAA ISKEEN BADAY HADABA IDINKOON SIDII MUNAAFAQIINTII DADKALE GUUBAABIN ORAAHDIINA SI SHARAFLEH USOO BANDHIGA

WAXAAN NIRAAH NAA HAWIYE DALKA WAA BAABI,YEY LAAKIIN WALI LAYSMA WAYDIIN WAXA KALIFAY INAY FALALKA FOOSHAXUN INA KULA KACAAN ANAA KUU SHEEGAYA WAXA KALIFAY WAA DAD IDINKOO KALE AH EDED DARADA AYKU MAAWEELOONAYAAN

HADABA HADAAN ISKU DAYEYNAY SIDII LOOGA DOOGAN LAHAA COLAADII SOKEEYEE ADEEROW CAGAHA DHULKA DHIGA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galkacyoos

Thursday, November 30, 2000 - 01:11 pm
Sayidcumar mawjada aad ka hadlaysid ma garan, maxaa adiga ku daba dhigay nabada aan Habar gidir rabin oo dhibka bilaabay, hadalkaaga waxaan ka gartay cidii reer abtiga ii ahaa in aad tahay adoo is leh majeerteen ha ogolaadeen c/qasim ee kooxda carta, iska ilow taas,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAWIYE

Friday, December 01, 2000 - 01:01 am
Gaalkacyoos:
Walaal waxaan kuu sheegayaa inaad iska iloowdo cuqdada aad hawiye u qabto, qofkastaahi waxbuu tabanayaa. hadii aan iska soo qaado aniga maaalmihii uu dagaalku xamar ka bilowday waxaa la dilay 5 nin oo adeeryaasheey ah oo magac ku lahaa soomaaliya waxaa dilay, reerka aad ka dhalatay. hadana maaanta cuqdad ma qabo, oo taas waxaan ku iloobay wixii ay reer tolkeey soomaali iyo dhexdoodaba ay isku sameeyeen. wixi dhacay iska iloow.
Tan kale dowlada dhalatay ee uu madaxwaynaha ka yahay cabdiqaasim, waxaa primeminister ka ah nin walaalkaa ah , qaybtaaada ayaad dowlada ku leedahay. bal dib u xasuiuso taariikhda 1991, waxaa lalahaa daaaroood danbe biyotooni xitaa noqon maayo, maantana waad nooshahay ee xubintaadii(xaqaadii) waad haysataa, lagana yaabee inaad berito madaxwayne aad adiguba noqoto.
MUQDISHO iyo KISMAANYONA xaq ayaad u leedahay inaad ugu noolaato, iyadoo aan qofi kaa xigin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

R.MAHAD

Friday, December 01, 2000 - 05:14 am
galkacyos


WARYAA MISKIIN, SOMALIDU WAXAY KU MAAHMAHDAA HADDAAD DHIMANAYSID DHAREERKA WAA LA ISKA DUWAA,
HADDII AY HAWIYE KAA ADKAADEEN MA AHA INAAD SIDDII
MISKIINTA U OOYSID.

XAMAR HADDII AY HAWIYE HAYSTAAN WAA MAGAALO HAWIYE, HADDII AAD DOONAYSID INAA KU LAABATIDNA WAXAA LAMID TAHAY NAAG UMUL AH, HADDA KADIBNA NINKII MAJEERTEEN AH OO XAMAR LAGU DILO WAA KU FARXAYAA, WAAYO NINKII KU LAABTA WAA DAMEER, DAMEERNA FICIL LA-ÁAN AYAA LOO CADAABA.

WAXAANSE GARAN LA AHAY BAAHIDA XAMA LOOGU
LAABANAYO, SOO TAAN WAAHORE KA MAARANAY.

HAWIYENA SI TOOS AH WALIGIIS IIGAMA ADKAAN INUU
WALAALAHAY II ISTICMAALO MA AHANE, MAR OGAADEEN
MARNA MAREEXAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

R.MAHAD

Friday, December 01, 2000 - 05:26 am
GARSOORE

MAANDHOOW MISKIINTA GEDO KU NOOL IYO TIKREE DA
KU TUMANAYSA OROD U KALA GARNOQ, YOU ARE IN WRONG
DISCUSION PAGE IN WRONG TIME SUCKER.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gaalkacyoos

Friday, December 01, 2000 - 05:00 pm
R.MAHAD nin jiran ayaad tahay, runtiina adigoo kale walow aad qabiilkayga sheeganaysid inaadan Habar gidir iiga sokayn, iyagaaba qaraabo nahay dad wax fahmana ku jiraan, adigu waa layska hadlaa baad maqashay, anoo gaalkacyo jooga haddaad hantaacadaas igula hadli lahayd afkaan ku jabin lahaa oo edeb kuu yeeli lahaa, iska aamus haddii aadan wax xikmad leh sheegayn.

ninka Hawiye waan ku fahmay, waadna ku mahadsan tahay sida degan ee aad iila hadashay, Majeerteen Hawiye halala heshiiyo ma diidana, xitaa adeerkay Caqiidka C/llaahi Yusuf har iyo habeen nabad ayuu ka shaqeeyaa, arag Gaalkacyo siduu nabada uga dhigay, markuu heshiisiinayay qabiilada wada dega gaalkacyo rag badan ayaa ka xanaaqsanaa oo aan anigu ku jiro, laakiin maanta nabada wanaageeda qofna ma xaqiri karo, Galkacyo waa magaalooyinka Somaliaya maanta safka hore uga jira, hanaqoto dhaqale iyo nabadba, waxaa ay Majeeteen Hawiye isku maagan yihiin waxaa weeye dhawrkii sannoba nin Hawiye ah ayaa madaxweyne sheegta, waxaa uu soo urursadaa kuwo Majeerteen sheeganaya balse calooshood u shaqaystayaal ah, sidaas nabad laguma gaarayo, anagu dawlad Goboleed ayaan leenahay, madax na matasha ayaan leenahay, maxaa Hawiye uga daba wareegayaa dad aan karaamo ku lahayn meeshii ay ku dhasheen, xitaa ma tagikaraan ayagoo dawlada carta matalaya, waan ku dheeraaday, balse waa sidaas xaqiiqdu.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abshir

Friday, December 01, 2000 - 08:59 pm
Walaalayaal,Anigu Xamar waa meeshaan ku dhashay
ku koray,Baabkeedana waa laalaabay.Niyad iyo jaca-
ylna waxaan u hayaa Puntland,Waayo waa Dalka keli-
ya aan hubo inaan leeyahay.Marka qofka reer Puntl-
and ah ee isku mashquulinaya Xamar iyo arimaheeda
waxa uga wanaagsan asoo ku bedesha niyad ku haynta
magaalooyinkeena Eebbe nasiiyey sida:Garoowe,Qard-
ho,Gaalkacyo,Badhan,Boosaaso iyo Laascaano.
HAAAANOOOOLAAAATOOOO PUUUUNTLAAAAND.
RAMADAN WANAAGSAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yonis

Sunday, December 03, 2000 - 03:36 am
to abshir

warkaaga ha kugu jiro walaal aniga waxaan ku dhashay xamar(madiino) qabiilkeygana waa majeerteen- ciise maxamud.puntland ma imaanaayi waayo jalaato iyo baraf ma lahan biyo kulul oon nadiif aheena ma cabi karo xaanshi ma lahan, waxaan maqlay dhagax ey xaarka isaga tiraan reer puntland

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, December 03, 2000 - 04:26 pm
oo yes Yonis waa Majerten, kuligeen waa rumaysanay, noo daa magaceena yaa Mooryaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BADHAN

Monday, December 04, 2000 - 07:50 am
Mooryaanka xun ee Majeerteen sheeganaya;

Qarmuun yahaw xaadhku ka buuxo ma waxaad ku faani baraako cabdow, waabardii dhiiqada bulaacadaha ka soobaxda ay dadka sumayn jirtay. Ma waxaad ku faani madiinadii Xasan abshir idiin qafaalay kadib markii qarmuunkiinii Iskuraran cudaradu ay dilaaceen.

Waa tii yoo iminka ay lafo dad dhintay ka buuxaan oo isu wada badashay if iyo aakhri.

Kac oo soo eeg Puntiland dugaagyahaw. Jalaatada iyo waxan aad sheegaysana waxay ku tusin han xumidaada. Dadka reer puntiland warshado gawaariada sameeya iyo dhuumo patroolka qaada bay ku hawlanyihiin halkaad adigu xaadhkaagii fandhaalda uga qoratay.

ANAA KUU DHISAY ANA KAA GUURAY. HA IGA FILIN IN MARLAAD KUU DHISO BISAD YAHAY WARAABUHU DHALAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abshir

Wednesday, December 06, 2000 - 08:13 am
Badhan walaal mooryaankaas hadduu caqli leeyahay,
Intaan oran lahaa iyo ka badanba adaa runta u sh-
eegay.Haddaan u soo noqdo dalkeena Puntland waa
aynu tashanay,Mira gunti ku jirana kuwa Geed saar-
an looma daadsho.Dhicina mayso anagoo awood u leh
ka talinta mustaqbalka dalkeena PUNTLAND iyo da,a-
ha nagu xiga in aysan la kulmin dhibaatada na soo
gaartay oo kale, isuna dhiibno kuwo ku qaraaban-
aya Somaliweyn oon jiritaankeena aan rabin.Yaan la
iloobin in Jabooti oo aad uga yar PUNTLAND ayna ku
nool yihiin afar qof iyo afar Ari oo Geeda korkoo-
d saaran,ay iskeed u taagan tahay!!!.
RAMADAN WANAAGSAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DARWIISH

Wednesday, December 06, 2000 - 01:21 pm
C/Laahi yusuf hadii sidan uu wax ku wado uu ku adkaysto wuxuu iska hor keenayaa shacabka reer puntland, wuxuu bilaabay inuu xidhxidho dadkii ka qayb galay shirkii carta kuwaas o ay ka mid yihiin culimo,aqoon yhaymiin, iyo wax garad kale oo fara badan oo isaga laga jecel yahay.
odey dude wuxuu maalin walba u soo diraa waraac suxufiyiinta sida bbcda , isagoo ku hanjabaya inuu talaaabo ka qaadi doono dadka ka qayb qaatay dawlada cusub ee soomaaliyeed.
Ma idinla tahay akhyaareyy in hadii dhulka punland ay yimaadaan xasan abshir,maxamed abshir, king kong, cali khaliif iyo halyayada u hdhashay puntland in uu c/laahi is hor taagi karo ama xidh xidhi karo , su,aashu waa maya.
Hada waxaan leenahay oday dude, hadii aanu ka waantaoobin falalka foosha xun ee ku kacayo inuu wado xun u horseedi doona shacabka walaalaha ah ee reer puntland, siganu uu aakhirkii (sidii caydiid) meel xun ku danbayn doono.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

garoowe

Wednesday, December 06, 2000 - 09:17 pm
darwiish magaca micna daro laguuguma bixin suaashaad nawaydiisayna jawaabteedu waa maya c/laahi cidna maxiri karo cidna ma xirayo

haduu isku dayona waa u tala xumo oo waa hubaal inuu dadka iska horkeenayo ceebina salkiis tahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Garsoor

Thursday, December 07, 2000 - 07:03 pm
C/llaahi yusuf waxaa doortay dadka reer Puntland, waxayna u doorteen in uu Somalia sharaftii ay caalamka ku lahayd u soo celiyo, qofkii dhaqan Mooryaan lagu arkana sharciga la mariyo, haddaba ninkii Xamar oo aan ognahay tagey oo mooryaan in uu daba galo door biday oo raba in uu baabi'iyo sharafta, kaladambaynta, iyo nabada Puntland kaas waxaaleenahay hala xiro maahee halawaayo meel uu maray, Puntland umma baahna daba dhilif Mooryaaneed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Puntlander

Friday, December 08, 2000 - 09:49 am
Darwiish- ragga aad magacowday waa rag Puntland ah laakiin waxay jabiyeen qodob aad u khatarsan oo ay ayagu wax ka saxiixeen oo ah khaainul wadan oo sharciga u yaal Puntland u yahay xabsi daa!im, marka haddii ay yimaadaan, maxkamad baa la soo taagayaa oo waajibkooda la marsiinayaa. Cabdullahi yusufna haddii uu ku tilaabsado falalkaas oo kale, waxaa qabanaya qodobka khaainul wadan isna maxkamad baa la soo taagin ka dibna xabsiga ayaa loo taxaabin. maxaad Puntland u malaysay meel qof walba sidoo raba yeelo sida mooryaanta Xamar, meesha kala danbayn iyo sharci baa jira. We are state.