Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics: Tigree jacayl, Taariku-Salaat, Qabri tuugid, Timo weyn, Timir, Toogasho la'aan iyo Tuna iyo Tebedin
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/Waaxid

Saturday, November 25, 2000 - 08:04 am
Asalaamu Calaykum

Waxaa igu adkaatey saan dadkii wax u fahansiiyo.
Dad iyagu dhibta waa ogyihiin laakiin maslaxad baa meesha la gashay oo waxay leeyihiin dulqaad iyo adkaysi hadii wax kasta nala ku sameeyo.
Qaarna waa tanuug oo cidii rabta baa biyo ku dhaansata.

Hadaad damacdid inaad cilmi baaris ka samaysid "Puntland" oo tiraahdid ka wara Puntland waxaad arkeysaa inay bixinayaan tusaalihii la oranjirey sida lafta feeraha oo qofna dhinaca wanaagsan oo hilibka leh buu ku tusin qaarna dhinaca aan hilibka lahayn dadkii goboladaa waqooyi bari oo aan ka imid saas bay ugu noqdeen oo xataa anigii bay rabaan inay arinta ii gedgediyaan:
Markaan weydiiyo ka warama Waqooyi Bari waxay leeyihiin Nabad iyo kaluun, Xamar daawo, marka anigu Waxaan rabaa inaan fiirsho dhinac kasta khaasatan dhinaca diinta.
Gobalkii Soomaaliya ugu diin fiican baa Soomaaliya ugu fiican.

Tusaale Yurub qofku meeshuu rabuu ku tukan karaa waxaad rabtaa sheegi kartaa, Sacuudigana waxaad rabtid ma sheegi kartid xataa hadey xaq yihiin marka yaa orankara Yurub baa Sacuudiga ka diin fiican?!

Reer Waqooyi bariyoow hadaad faan rabtaan dhaha intaas oo masaajid intaas oo dugsi intaas xarumo sadaqo bixin ah IWM maaha inaad tiraahdaan Deked, kaluun IWM.
Mar Ansaartii isu faantey qabiil baa sheegtey waxay dhaheen:
Waxaa naga mid ahaa ninkii Carshiga Raxmaanku u gilgishey, Qasiilul Malaa'ika (ninkii maykiisa Malaa'iktu dhaqdey)iyo Wixii la mid ah.

Marka hadaad la soo istaagtaan adinku:
Waxaa naga mid ah C/hi Yuusuf Waxaa naga mid ah Xasan Abshir ana waxaan idin ku daray Zenaawi.

Yaa Qoomi anigu Caydiina wax ku fali mahayo ee waa guubaabo iyo inaad noqotaan dad sharaf leh, Maxamed Siyaad Barre iyo Caydiidna ma foga.
Libaax san ka taabte noqdey Zenaawi gomod ka taabte, nin geel dhici jirey oo qori qaadan jirey oo hada qubuuraha habraha sumalada uga qaata!!

Waxaan idiin ka digayaa inaad waxaydaan wax udhimi karin aad waqtiga iskaga dhumisaan (waxaan la hadlayaa dadka qabqablayaasha taageera) waana diinta Islaamka ee adinku aakhiradiina ha is dhaafinina.
Dadka ducaada ah waxaan ka codsanayaa hadii la gabo xataa si farsamaysan wax haloo sheego.Sida ninkii inta dawaco qaniintey u tagey nin wax ku tufa isagoo ka faanaya inuu yiraahdo dawacaa iqaniintey markaasuu ku yiri qaniinyo eey igaga tuf markii ninkii tufta bilaabey buu yiri xoogaa mida dawacadana ku dhex dar"

Waxaan uga danleeyahay in qofku siduu dacwada qiimaha leh u gudbinkaro u gudbiyo.

Waxaan leeyahay Tunada iyo Tebinka Tasbiix iyo Talo Ilaah saarasho ha lagu daro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hagar

Saturday, November 25, 2000 - 12:22 pm
MR Abdiwaxid
Ma fahmin ujeedadaada it is not crystal clear, but as far as i know diinta islaamu is more implemented today than before, there are well educated clargy men from Maka, Madina, Al-ashar itc, these young men convey the message to the grass roots and people have all aspects of Islamic awareness.
the other point Tuna and the ports are the are the economical resources of Puntland Alxamdu Lilaah. dhaqaalaha iyo diintu waa wada socdaan mana aha in midna la dayaco, yurubna meelwalba laguma tukado it depends where you live.Adigase yaa kuu diiday in aad dhulkaaga soo aragtid intaadan cidna eedayn