Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Arimaha Qabiilada - Clan Politics: Arimaha Qabiilada - Clan Politics: Gabay xayir oo lagu samayeey CabdiGahayr gabaygiisii
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gabay xayir

Sunday, November 26, 2000 - 02:38 am
Walaalayaal waxa qosol firixda iga dhameeyey markaan arkay sida loo gabay xayiray abwaankii CabdiGahayr gabaygiisii ahaa "maanigaa ciidan uga baahan".
Gabaygaas sababtiisu waxay ahayd: CabdiGahayr ayaa lagu yidhi waar cabdiyaw maxaa adiga iyo reerkiiba (reer Buraale)mucaaradnimada reer Suldaan idiinku wacan. Markaa wuxu Cabdi ugu jawaabay:

Haduu boqorku calankaan dul sudhay igu cisayn waayey
Ma cadaawuhuu iga xigaa caadil nimadiisu
?
Abidkay Ba Cawlo uma hoyan ciirna ima siine
Maxa cidaha Guuleed suldaan iiga cararaaya?
Cag fudaydka jaanbiir maxaa culuse ii saaran?

Cawadhaladadii Yoonis iyo cuurka reer Mamxamed
Cabdalle iyo Loogay fadhiya cidhifkii tuureede
Hadaan Ceel dhaf tago maanigaa ciidan uga baahan?

Hadaba beri dhaweyd ayaa la waydiiyey niman Ciidagale ah sababta ay xukunka Ina Cigaal u mucaaradaan had iyo jeer illeen arintaasi cadawga ayey dhiirinaysaa cududda reer sheekhna way dhaawacaysaaye. markaa mid ka mida ayaa gabay xayirkan ugu jawaabay. wuxu yidhi:

Hadduu Maxamed calankaan dulsudhay igu cisayn waayey
Ma cadaawuhuu iga xigaa caadil nimadiisu

Ciise-muuse abid uuma hoyan ciirna ima siine
Maxa cidaha reer Baalleyaal iiga cararaaya?
Cag fudaydka Xoorxoor maxaa culuse ii saaran?

Cawa dhaladkii ba Xawaadle iyo cuurka Habaryoonis
Caydh iyo dhulbahantay fadhiya ceelashii Xamare
Haddaan Cadale tago maanigaa ciidan uuga baahan?

Ah AH AHAHAAHAHAH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hawiye

Tuesday, December 26, 2000 - 10:36 pm
shaqaysaan ku iri iidoor