Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Somaliland Politics: Somaliland Politics: Aakhirooy Xaggee baad naga Xigtaa??
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AAKHIRO

Monday, November 27, 2000 - 08:03 am
Aakhiroooy Xaggee baad naga Xigtaa
Maalinta xisaabtiyo Xaqa mowdku soo galo
Xabaasha iyo iilkaan Kugu soo xusuustaa
Xiddigaha cirkee sare Inaad xubin ka mid ah tahay
Inaad hoos u xulan tahay Dhulka xero ku leedahayMaannu helin xogtaadee
Aakhirooy Xageebaad Naga xigtaa Aakhirooy Xageebaad Naga xigtaa
In La xaabinaayoo Adduunyadu xayiran tahay
oon xawd la reebayn Waa xarafka Eebbee
Inaad xuural-cayn iyo Janno iyo xareed tahay
Dhanna xoladdo naariyo Dhamac iyo Xanuun uun tahayXejiyaay ku maqalnee
Aakhirooy Xageebaad Naga xigtaa Aakhirooy Xageebaad Naga xigtaa
Inta Gabadh xishood liyo nin xariif ah kugu maqan
Ama geesi kugu xidhan Xaaddi way ka badatee
Inaad xaajo adag iyo Xisaab leeday maqalnee
Xumo iyo samaataba Xaalad ay ku noolyiin
Maannu helin xogtoodiye Xejiyaay ku maqalnee Aakhirooy Xageebaad Naga xigtaa
Aakhirooy Xageebaad Naga xigtaa