Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: Saxarlaay Ha Fuddudaan(1972) Hadraawi
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wadani

Monday, November 27, 2000 - 08:53 am
SAXARLAAY HA FUDUDAAN
Ku sinnaan dharaartii la sargooyey dunidee
Rabbigay sameeyee Cirka sare u taagee
Xiddigahan siraatiyo Lagu sudhay cadceeddee
Sagalkiyo daruurtiyo Lagu xidhay sitaacee
Dhulka gogol la seexdiyo Sabo lagu nagaadiyo
Laga dhigay sin-dadabkii Buuraha la saaree
Dhirta samayda ciiddiyo Salka loogu joojee
Saddex laab bad iyo webi lagu yidhi sabbeeyee
Dabadeed la sahanshay Qofba meel la siiyee
Saldhigeedu qaybaha Cidi uma sinnaynoodadku ruux sabooloo saranseer ku raagiyo
guryo samu nin yaalloo sidka dhalay ku haystoo
helay seer-ma-weydiyo laba kala sad roon baasubax noolba joogee
Waan soo socdaa kowdhe Waxna waan sidaa labadhe
Samir yeelo weligaa Saxarlaay ha fududaan
Sal-fudaydku Xaawuu janadii ka saaree
ruux aad sugaysoo maqan waa la sahadshaa
sahan waa la dhowraa ha sahwiyin ha selelin
salka dhaban ha noqonin ha saluugin qaybaha
qalinbaa saxeexee. waxan Saatir kuu qorinha u suul dhabaalayn
Kala saar run iyo been kala garo sir iyo caad
in salaaddu weligeed kala tahay Sunniyo Faral
u ogow sax iyo maan Inaad saamo jiiddiyo
sanqadh tirasho kala daa naf jacayl sawaabayoo
sanka kuu dalooshoo kuu sudhay hoggaan baad
u siddaa maqaarkee ha ku daba saqlaysee
haw gaabin seetada sogsogtiyo cadaaddiyo ha ku saydhin laamaha
Waan soo socdaa kowdhe Waxna waan sidaa labadhe
Samir yeelo weligaa Saxarlaay ha fududaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dalmar

Wednesday, November 29, 2000 - 04:36 am
inta suugaan badatay waxaad macfal walba la timaaddaan saxarlaay ha fududaan. Iiddoor ha fududaan, awalba naagaad ahaydeene, naagaha ku hal qabsada.