Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Somaliland Politics: Somaliland Politics: Anuunbaa Hooyadaa ah(1998)Hadraawi..
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wadani

Monday, November 27, 2000 - 09:08 am
Maxamed Ibraahim Warsame "Hadraawi"
(by M I Hadraawi, april 1998)
Maansdan waxa uu Hadraawi ka jeediyey shir Ururka Qorayaasha
iyo Hal-abuurku ay dhawaan ku yeesheen magaalada london,
waxanu sheegay in curinta maansadani ay ku dhalatay ka dib
markii uu arkay dhalinyardii loo hanweynaa oo kaalintoodii gabay
xilkoodiina gudan la', hooyose - waa maanso Hadraawi iyo
caadkeede - weli la daba taagan tahay duco iyo denbi-dhaaf,
beer-nugel awgii. Hunguri calafbaa xukuma Hantina dhaqanbaa shushuba
Dadkana hiddihiisa guud Wixii la hayaa dhexyaal
Xaq iyo u-hal-buuxintiisa Habboonkiyo waalid tiisa
Hilbiyo ku-arooridooda Siduu uga hawl yaraysto
Halmaan laga yeeli maayo Hawiyo tumashoy dhashayda
Ka daa gacan-haadiskaaga
Barbaar hanaqaad ku leexday Duciyo habaar qaadan waayey
Cir iyo heeguu noqdaa Hadhaysa dhul aan aqoone
Hoygii madhan wiilashiisa Haween dumar baa ka sheegta
Hablaha kacaybaa u yeedha Haldhaa jecel baa u qaybsan
Inaan hadlo maan sugaynin Baxnaanana maan horjoogsan
Hubsiinana maan illaawin Hoggeediyo xaajadayda
Dareenka haloosigiisa Hugiisa inaan ka qaado
Hayaanka fogaaday baa leh Markaan cidla hiil ka waayey
Naftayda halaanhalkeeda Waxaan huri waayey sheego
Haantii lulatay dhegayso Hoobaanta agtaada taalla
Hadiinadu baadi weeye Hashii korisaa u ciillan
Qofaad halab-saariddiisa Daryeelka horseedadiisa
Dedaallada heensihiisa Habeenna ka seexan weydey
Ku meel maray heegantaada Markuu hagar kuu banneeyo
Dharaar ku haleeli waayo Hortaada waxaa yimaadda
Sidaad ugu heellanayde Harraad iyo waa kalkiise
Hillaac baxayow dhegayso Siday talo kaaga hoostay
Calooshu intay ku hoysey Hiyigu ku baxnaaninaayey
Horraadka intaad jaqsiisay Dhabtaydu intay ku haysey
Intaad huwanayd taftayda Hobeeya hobey hobeyda
Intaan dusha kuugu heesay Intaan hanad kuugu yeedhay
Hawraaraha kugu ammaanay Intaan hubin kuu xambaaray
Dartaa u hoggaansanaaday Hadhuubada aan ku siiyey
Habniin adigoo ku diidey Intaan hambo kuu daboolay
Hammuun iyo gaajo qaatay Adoo haqab-beel ku seexday
Intaan hurdo kuu illaaway Ilaashay hareerahaaga
Hungaa i xasuusinaysa Hayaydana meel shishaa leh
Hiloga naftaa aloosan Kashaa hinqanaysa goorba'an
Hankaa i waraysanaaya Tolow hebel mee ku foogan
Aniyo hirashaa is weyney Higsiga noloshaa adkaaday
Adduun iyo haybsigiisa Hangool li'idaan ku daayey
Waxaan ku hagaagi waayey Dhankaad ku hagaagsanayde
Adoo ka hanweyn xaggayga Qof kuugu hanweyn dantiisa
Cid aad ku hallaysay mooyi!
Halyeynnimadaada sheelan Habawgiyo dhiirintiisa
Ayaan halis kuu tusayne Intaan kugu hawlo-daaley
Intaan kugu hoodo-sheegtay
Intaan hebla' kuugu faanay Hilaado fog bay lahayde
Inaan hafarkaaga qaato Sidaad ku heshaa da' weyne
Adiyo habigaaga mooyi!
Habaaska inaad cantuugto Adoo hanadaan ka dooratay
Xaggayga hibaan ku saaray Anigu ku habaari maayo
Huqbaase ku raadinaysa Hibaaq xalan maad ahayne
Hufnaanta dhibtii abuurtay Inaanay hadhayn yiqiinso!
Hawaala adduun rabbaa og Dadkuna kala hoodo weeye
Haddeer iyo tii haddeer Hadhow iyo tii hadhow
Hoosiyo sare tii ku raacda Anuunbaa hooyadaaya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hassan

Monday, November 27, 2000 - 07:29 pm
what a wonderful poem!!!!
tnks bro. for sharing this.