Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: Jenaarl Dhuudhi - oo ku biiray dowladda KMG ah
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muriidi Jeelaani

Wednesday, November 29, 2000 - 01:01 pm
Qaran oo maanta qortey maqaalkaan

MUQDISHO,Talaado:

Jen. Maxamed Nuur Dhuudhi Taliyihii ciidankii Cirka Soomaaliya ee dowladdii la riday oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay qaabka ay dowladda ku meel gaar ahi u abaabuleyso iskuguna keenayso mar kale ciidanka qalabka Sida ee Soomaaliya.

Jen. Dhuudhi oo degan Hoteel Saxafi shalayna QARAN u waramay ayaa sheegay inuu Muqdisho u joogo sidii uu gacan uga geysan lahaa abaabulidda ciidankii Soomaaliya, uuna la kulmay saraakiishii ciidanka cirka Soomaaliya., Wuxuu sheegay inay ka wada hadleen ciidankii cirka Soomaaliyeed uu hadda intooda Muqdisho joogta horkacayo Col. Maxamed Kadiye Jimcaale sidii loo soo noolayn lahaa ciidankaas, wuxuuna Jananku shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay fahmaan dantooda caam ka ah.

(QARAN PRESS)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUDANEH

Wednesday, November 29, 2000 - 03:08 pm
so what?
ma isagaa ugu horeeyo kooxihi doowladii hore oo hadana ka tirsan KMG ah,isaga ugu ma horeeynin mana ugu dambeeydoono waayo ninkastoo caqli leh maanta dhanka laga jiro wuu gartay, maslaxadiisa ayuuna fiirsanaa shaqsi ahaaneed, ka dibna tii reerkiisa, la iima diidin taas.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil shidan

Saturday, December 02, 2000 - 12:46 am
To Muriidi jeylaani

aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay sida aad warka farxadda leh noogu soo gudbisay, waxaana rajeynaa in qof walbo oo somali ah xaqa fahmo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KAROOD

Saturday, December 02, 2000 - 08:25 pm
AAWAYE DADKII DHUUDHI KA ASAYAA NEEYNAA EE CIIDAMADA CIRKA BUULKA KU JIRAY MISE WALI CADAALAD DARADII BAA TAALO MEESHA