Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics: "Manil Qoomu, Nabi Muxamed (SCW) baa yir markaasaa Saxaabadii dhaheen Almuslimuun" Hade waxaa la yiri yaad tihiin markaasey leeyihiin Somalilander and Puntlander!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/Waaxid

Thursday, November 30, 2000 - 03:38 am
Asalaamu Calaykum

Dad badan waxay dhaheen ninkaan Qabiiladaa halkaa daga uma dhalan, qaarna Hawiye iyo qolyo kale buu raacsanyahay.

Si kasta ha ahaato anigu markaan forum-kan wax ku soo qorayo, kama wado khalada aan sheegayo gobolada Waqooyi Bari kaliya baa sameeya oo Soomaalida kale waa fiicanyihiin amaba caalamul Islaami, laakiin hadii maanta aan awood lahaan lahaa sufahaadaa na horbooda gacan baan wax kaga qaban lahaa, maxaa yeeley xad aan loo dulqaadan karin qof damiir lihi bay na gaarsiiyeen oo diintayadii bay u soo dhigteen oo ka baxsan waydey markan wax kasta u ogalaaney, laakiin xaqiiqdii anigu markasta maamulkaa nimanka horbooda waan kasoo horjeedey anoo aaminsan aayadii aheyd:

" Waladii khabutha laa yakhruju ilaa nakadaa" ama waxaad dhahdaa:
" Hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho".
Magacyadan qaabka daran ee ah Somali land iyo Puntland ka dib waxaan aragney in dadkeygii si doqonimo ah ay gaalo ugu dayanayaan iyagoo qaarkood u arkaan maslaxad.

Hada aan u galno xaga jaamacadaha:

Somali land Camuud University iyo Hargeysa University.

Xamar Muqdishu University

Puntland East Africa University!!!!!!!

Yaa Qoom waa maxay magaca aad la baxdeen, magac kale ma waydeen?

Hadaad qaarkood waydiiso cududaar qurux badan bay kuu sheegayaan.

Marka anigu ma lihi magacyada magaalooyinka ama kan Soomaaliya waa magacyo sifo fiican sheegaya ama diin la xiriira, laakiin dadkii hore baa bixiyey oo iyagu waxay galabsadeen anagu shuqul kuma lihin laakiin maxaa anaga nala gudboon.

Marka qabiilkii hadayba fiicnaan moodeen wixii xumaa malagu dhowran karaa?

Kama wado qabiilada dhan baa khaldan, oo dad fiican oo badan baa markastaba jira laakiin iyagu wey garan karaan waxa igubaya oo wey fahmayaan si mowduucu u socdo. " Guubaabadeydaa nin raga garan karaayaaye"

Waligaa adoo is leh cid raali gali ama xeeladayso amuuraha ha ku deg-degin gaar ahaan magac bixinta maxaa yeelay magaca cidii ama meeshii loo bixiyey ma isticmaalaan ee qolooyin kale baa isticmaala oo ka badsada marka hadaad rabtid inaad bedeshid sahal maaha oo kaligaa ma lihid.

" Hadal wuxuu amaan yahay inta aadan oranine"

Raga halkaan aan wax isku waydaarsano qaar ka mid ah oo wax garad iila muuqda waxay leehiin maxaad Jufooyinka ila lafaha qabiilooyinka hoosee aad kuligood wax uga sheegaysaa marka jawaabta mowduucaa kor baan kusoo sheegay.

Marka akhyaarey hadii qabiilo badan layiri awoowgood oo gaajaysan baa bakhti cuney oo wali marka naftu ku qabato diintu banaynayso bakhtiga in nafta lagu cesho, maxaad ka leedihiin qabiilo hogaamiyaashooda diintii lagu diray oo xataa kitaabadii ay ardadu akhrisanaysay ama ku far baranaysey laga aruursado.

Balinkii Ilaahey arintaan dambe baa aad ka xun tan hore.

Marka ilayn taariikhda waa la qorayaaye reer toloowow waxaan ka baqayaa inta ceebaheena la sajilo in jiilasha dambe ay nagu sheekaystaan oo dhahaan niman Reer Khalaf iyo Reer Mahad hor booda baa kitaabadii carabiga ku qornaa Gaalkacyo ka aruursadey marka dadkaasi dambi qaab daran bey sameeyeene yaan loo guurin lagana guursan.
Marka tafiirteena dambe miyaan ceebtu inay u gudubto aan looga baqayn.

Marka maadaama lagu jiro Bishii Barakeysneyd ee Ramadaan waxaan Ilaahey ka baryeynaa Allah ka cabsi iyo Cibaado, marka nimankaan har iyo habayn diintii iyo dadkeedii Allaah ku direy waxaan Ilaahey ka baryeynaa hadii hanuun u qoranyahayna inuu hanuuniyo hadii kalana in Allaah uu na dhaafsho oo uu qolo ka kheyr badan noogu bedelo.

Wa bilaahi Towfiiq.