    Fiidoow | Thursday, November 30, 2000 - 12:06 pm by Jamhuriya Newspaper TAHLIIL, SARKAAL UNDP AH, OO DACWAD KA FURANAYA EEDDA LAGA MUSTAAFIYEY SOMALILAND. "Digreetada dalka la igaga saaray waa tii Gaani Hargeysa igaga mustaafuriyey 16 sanno ka hor oo kale, mana filany maanta…." Hargeysa (Jam) Mr. Tahliil X. Axmed ayaa beeniyey eedaynta mustaafuritiisa lagu sababeeyey oo ah inuu farageliyey siyaasada gudaha Somaliland, waxana uu sheegay inuu dacwad ka furanayo arrintiisa. Tahliil X. Axmed oo ah sharci yaqaan una shaqaynayey hayada UNDP barnaamijkeeda SCPP (Somali Civil Protection Programme) ee Hargeysa, waxa soo saaray amar dalka lagaga mustaafurinayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Axmed Jaamhiir Suldaan, isniintii Nov 28, isaga oo ku eedeeyey in uu fara-geliyey siyaasada gudaha somaliland. Mr. Tahliil oo loo qorsheeyey inuu ka baxo dalka salaasadii shalay waxa uu ku joogay damaanad, waxana uu dalk ka dhoofayaa subaxnimada maanta. Intii aanu ka amabaxin dalka, ayaa Mr. Tahliil, wax waraysi uu siiyeye Jamhuuriya ku sheegay in ay filan waxa ay ku noqotay arrintani, waraysigiina waxa uu u dhacay sidan: S: Goormaa lagugu wergeliyey mustaafurinta? J: Markii u horreysey ee aan maqlo in la soo saaray digreeto dalk la igaga saarayo, waxaan ku maqlay subaxnimaddii dorraad (Salaasadii) markaan imid xafiiska oo la igu yidhi dalkaa lagaa saaray, ma ogi baan idhi, waxaa la i tusay joornaalka Maandeeq, ogeysiin ka horreysaayna maan helin, markaan akhriyey waxyaabaha ku qoran waxay ila noqotay in ay yihiin waxyaabo meel ka dhac ah. Waayo qof aniga igu caddayn kartaa inaan siyaasad galay ma jirto. Wasiirka arimha guduhuna nin saaxiibnahay ayuu ahaa ma garanayo inuu sidaa wax iiga sheego iyada oo weliba ay tahay bisha laga dhawrsado beenta. Taas waxa ka sii darran, mabda’ahaan waxay igu noqotay wax cusub oo yaab ah, waayo anigu ma fileyn Hargeysa in mar labaad la iga saaro. Anigoo mar horena la iga saaray, 16 sanno ka hor. Waxa la iga saaray Dec 7, 1984kii. Dekreetii markii dambe ee aan arkay waxay u qornayd tii hore oo kale. Maaxaa yeelay taas wayna i ruqsaysay waxayna iga saartay gobolada waqooyi iyo in aanan iman karin, waxaanaa soo saaray rajiimkii hore. 16 sanno ka bacdi iyada oo 7dii December ay maalmo ka dhiman yihiin in Hargeysa mar kale la iga saaro. Tii hore waaban garan karayoo waxa samaynayey "rajiim" dadkoo dhan ku xad-gudbaayey, laakiin hadda ma filanyo. Teeda labaad haddii la eego Soomaalida markii dagaaladu dhaceen kadi, dowladii jiri jirteyna ay burburtay, goboladanina ay samaysteed dowadnima ma fileyn in anigoo Soomali ah, oo weliba deegaanka deggan 25 sanadood oo xaaskayguna u dhalatay in sharciga immagration-ka (Socdaalka ) Somaliland uu fasaxaayo in aniga oo kale la saaro. Dawladaha kale, qof marka uu xaas ka qabo dalka kale, horta marka uu guursado waxa uu xaq u yeeshaa inuu dego dalkaa, markuu sannooyin qabona wax uu xaq u yeesha muwaadinimo. Ma garanayo markaa anigoo Soomali ah dalkana aan dembi ka geli, weliba taariikh fiican ku leh oo heran aniga shaqadaydii ku waayey, helisna geliyey xorriyaddaydii 16 sano ka hor, in isla dadkii laftiisii i dhibaatynayaan oo aniga gef la iga gelayo. Anigu waxaan ahaa ninkii qorey daraasadii (assessment) laga sameeyey nidaamka garsoorka Somaliland. Waxaan u dhisan nidaam garsoor oo buuxa, oo Bariga Afrika dowlad u dhisan yahay aanu jirin. Waxaannan ku kalsoonahay in aan dhinacaa iskaga difaaci karo. Waxaan qabsaday looyar aniga ii dacwooda, ama hadday noqoto dhinaca maamulka ama dhinca garsoorka, waayo maxaa yeelay waqtina la ima siin, lamana tixgelin aniga iyo carruurtayda oo la kala fogeynaayyo iyo xaaskayga oo iyagu halkan u dhalatay, iyada oo marka horeba ay tacaa su ahayd ay gef, waayo waxaan anigu galabsada garam maayo, ma ogi hadday dembi tahay inaan wax u taray garsoorka Somaliland. S: Immisaa laguu qabtay inaad dalk kaga baxdo? J: Waxaa ku qornayd in la i qaado isla subaxnimdaaa aan ogaadey dikreetada, markaa waxaan ka war helay, marka qof lagu eedaynayo shay, horta marka uu dembi yahay waxa la rabaa in maxkamadaha la geeyo sida nidaamku yahay. Haddii aya tahay wax la dhisaday oo aan dembi gaadhayn oo xataa qofkii ehel u yahayin la eryo anguse ehel uma ahi, sharci ahaana in anigoo kale la eryo maha – waxay ahayd in la isiiyo qofka waqti uu kaga qaato go'aanka laga soo saaray difaac. Anigu fursdahaas oo kale la ima siin laakiin waxaan la yaabay go’aankaa waxay xukuumaddu gaadhi kartaa marka ay u soo baadhan hayadaheeda baadhistu waxaan ka war helay Boolisku in aanay ka war qabin, nimankan kale ee nadab-sugidda ahi in aanay ka war qabin. S: Hayadaada SCPP, waxay la shaqysaa oo ay caawisaa hadayda garsoorka, waxayn aamminsan tahay in garsoorku iskii u madax banaan yahay, markaa ma laga yaabaa in mushkiladdu kaaga timi xidhiidhka tooska ah ee aad la samayso garsoorka idinka oo aan u sii marin wasaarada caddaalada oo kale? J: Maya, maxaa yeelay, siyaasada SCPP ay ku shaqayso waxa weeye, horta garsorka la kaalmaynayaa waa inuu leeyahay dastuur. Dastuurka Somaliland na garsoorku wuu madax bannaanyahay. Haddana anaga garsoorkii toos ulama shaqnee, waxaanu la shaqaynaa "line-minster" wax la yidhaahdo. UNDP "line-minister" waxa u ah wasaarada qorshaynta, wasaaradaha kale ee hoos yimaadda ee SCPP ay la shaqsona waa ka mid ah Wasaardda Arimaha Gudaha, Cadaaladda, Dib u dejinta, markaa SCPP, wasaardahaa waxay la dejisaa siyaasadda qorshe hawleedka iyo baahida jirta. SCPP, kama hawlgasho meel eber ah oo wax loo sheegayo keliya, waxa la soo baadhaa wixii jira,iyada oo hayadihii garsoorka laftooda gacan laga qaadanayo. Marka annagu daraasadda aanu sameyney wasaaradda caddaaladdu waxay nagu dartay nin ka wakiil ah, markaanu soo ururinay, warbixin baanu ka sameynay warbintii buug baannu ka sameynay soo baxay July, Internetkana wuu ku jiraa, warbixintaa iyada oo la hayo ayaa haddana wax loo tagaa wasaaradda , qorshe hawleedka marka aannu samayno wasaardda waa ka qayb gelinnaa fulintiisa, maadaama annagu aannu kaalmo agab siinno maxkamadaha iyo xabsiyada. Markaa taa waxba kama jiraan. S: Waxa nagu maqaala ah in aad wasiirka Cadaalada is qabateen. Markaa adigu hadda yaad tuhunsantahay in ay kadambeeyaan arrintan? J: Waxaan jecelahay in arritaas inaanan taaban. S: Ma filaysaa in xafiiskiina iyo dadka kula shaqeeya ay ka soo baxday arintu? J: Maya haba yaraatee, maxaa yeelay, dadka aan la shaqeeyo inta badan waxaan toos ula shaqeeyaa garsoorayaasha, ciidanka asluubta iyo wasaardda Caddaalada, mana filayo. Xitaa wasiirka laftiisa ayaa qoray qoraallo uu ku akidaayo qorshe hawleedka aan ku shaqeeyo, markaa haddii aad warysi ugu tagtaan ma filayo ammaan mooyaane inay na dhalliilayaan. Mida kale go’aankan cidii gaadhay ayaa laga rabaa in ay caddeeyaan. S: Imminka rajo intee le’eg ayaad adugu ka qabtaa in aad dacwadaa ku guuleysato oo aad dalka sii joogto, ha noqoto maxkamada ama baadhista wasaarada’e? J: Horta Marka laga qaadanayo racfaan arrin maamulku soo saaray kow waxa loo qaataa isla maamulka. Waxaan qabsada nin Looyar ah oo baarlamaanka Somaliland ku jira, isaga ayaana horgeynaya madaxweynaha, Madaxweynuhuna markuu baadho kolley nina dulmi ku raaci maayo. Haddii ay taasi suuragal noqon waydona inaan Maxkamadda sare qaybtaa maamulka nidhaahno ha la baabi’yo go’aankaas maadaama aanu waafaqsanayn sharciga Somaliland ee socdaalka. Dhinaca kale, waxaan ku kalsoonahay inaan sumcad ku leeyahay dalkan. Waxaan ahay sharci yaqaan waxaanaan xillal badan ka soo qabtay meelo badan oo Soomaaliya ah. 16 sanno ka hor markii dalkan la iga mastaafuriyey waxaan ahaa gudoomiyaha maxkamda Berbera, waxaana i mustaafuriyeye Gaani oo igu eedeeyey inaan duullaan ku ahay midnimada oo aan taageerayo ururka SNM. Anigu uma shaqeeyo garsoorka iyo wasaarada arimaha gudaha midna ee UN-ka ayaan u shaqeeyaa iyaguna ima eriy karaan. maamulka degmada iyo Booliska, hadana dadweynaha Gabiley waxa ay xalay isla dhexmarayeen qaarbana meel ku xidhiidhinayeen dhibaatooyin degmada ka jira oo ay ka mid yihiin mushahar la’aanta shaqaalaha dawlada naafada biyaha iyo dawalada hoose ee dhawaan la hoos keenay maamulka dawlada hoose. |