Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Somaliland Politics: Somaliland Politics: THE HISTORY OF[ INA HIGARE] YAA HAYA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CISMAN

Friday, December 01, 2000 - 06:50 am
SAXIIB YAAL WAXAAN RABAA BOOK SOMALI HISTORY AAN QORO MARKAA WAXAAN RABAA LIST OF ALL THE GREAT SOMALIMEN PLEASE IF YOU KNOW THE HISTORY OF INA HIGARE, LET ME KNOW PST IR TO ME HERE, THANK IN ADVANCE BYE BYE,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Major Muuse Faarax

Friday, December 01, 2000 - 09:58 am
Salaan,

Sxb horta ninka mahgaciisu waxa weeyaan Muuse Faarax . Waxanu ahaa askari Ingiriis ah darajadiisa cid soomaali ah oo gaadhay 1903 may jirin wuxu ahaa Major ama sedex xidigle.

India ayuu ka ahaa Gudoomiye Goboleed ilaa 1913kii. Muuse Faarax wuxu dhashay 1863 waxaanu dhintay 1933gii waa siday taariikhdu sheegtay. Gaar ahaan Jordan Dugless ninkii qoray buugii THE MAD MULLA OF SOMALILAND.

Muuse Faarax wuxu yimi dalka ka dib markii aw wadaadkii rayd badan laayay wuxu watay guuto ah ilaa 6000 oo askari oo ka madax banaan Ingiriiska kana kooban (Habar Jeclo una badan Habar Yoonis)wuxu ahaa ninkii wadaadka Bari oo dhan ka saaray oo ilaa Nugaal geeyay. Isagoo dagaalku si kulul u socoda ayay askartiisu mari kari waayeen qalcadii Taleex. Oo ay daraawiishtu ku dhuumato markay jiq ku noqoto Major Muuse Faarax aya ka codsaday ingiriiska in wadaadka qalcada laga burburiyo oo hub culuc lagu qaraaco. Ka dib markii Taleex la burburiyay Daraawiishta waatay banaanka loo soo saaray ee la jabiyay si hawl yaraan ah.

Wadaadku aad buu u necbaa Muuse Faarax oo wuxu ku tuhumi jiray inu ka kufsaday naago badan oo ah Dhulbhanate. Gabayu badana wuu u tiriyay Muuse Faarax. Nasiib wanaag sawirkiisa waxad ka heli kartaa Devine Madness , buug aw qoray mid aan filaayo inu yahay Darood oo aad u aydsanaa wadaadka, isagoo gamaan ku taagan buu ku sawiranyay.

Muuse markii dambe wuxu noqday nin aad iyo aad aw Ingiriisku uga dambeeyo taladiisa, oo qabiilo badan oo soomaali ah kaga hor yamaadeen. Meel kaste Gaxajis ayuu siiyay, Hargaysa waa garxajis, Berbara sidii oo kale Burco , Ceerigaabo. Qabyaladaas mooye sidiisa kale wuxu ahaa nin wakhtigsaa la maskax ah.

Waxa maalin dhacday isagoo Suldaanka Ciidagale la fadhiya inu mid yar oo aw dhalay dhabta ku hayay oo aw la ciyaaraayay, kii ka weynaa ayaa dusha ka koray Muuse Faarax, intu dhirbaaxay kii weynaa ayuu yidhi" Caruurtaa qaarkood lalama ciyaaro" waxay noqotay iska maahmaah. Maahmaahmada Iska Hadale In Igire,,, islaan ayaa ka dambaysay.

anigu intaas ayaan ka aqaanaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CISMAN

Sunday, December 03, 2000 - 03:53 am
SAXIIB AD IYO AAD BAAN KUGU MAHAD CELINAAY, SIDA SHARAFTA LEH OO AAD HISTORYGA IGU SHEEGTEY,


SAXIIB BOQOR KII XISRI AMAAN MA HAYSTAA SHEEKADIISA,