Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics: Hogaamiye ninkii rabaa harab ha noqdo ama habaar qabe ama midaan hal aqoon ama hayin ay gaalo hogaanka u hayso ama mid hunguriga wax ka maqla ama habeen aan iftiin haysan ama midaan diin haysan amaba kasoo horjeeda.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/Waaxid

Friday, December 01, 2000 - 01:07 pm
Asalaamu calaykum

Hadii Nabi Muxumed Sala-Allaahu Calayhi Wasalamu uu yiri " Lan yaflixa qoomun waloow amrahum imra'ah" oo macnaheedu yahay ma liibaano qoomkii taladooda u dhiibta haweeney.

Waxaadna ogtihiin haweenka qaymahooda iyo howsha weyn ee ay u hayaan Muslimiinta iyo meesha ay diintu geysay.

Waad ogtihiin oo mar haday hooyadii ka xaq badan tahay aabe hadee sharax uma baahna.

Laakiin waxaa caada ah in haweenku ay aad u naxariis badan yihiin marka arintaa darteed baa keenaysa in mararka qaarkood arin loo baahnaa in la adkeeyo oo si naxariis daro ah wax looga qabto in ay haweenku hooyanimo darteed dhaafiso.

Marka maxaad umalaynaysaan in dadkaa aan kor ku xusay noqon karaan.

Shaki iigama jiro iney ka liitaan haweenka caadiga ah laakiin tii qab-qable noqota ama ay isku shaqo yihiin hadee " bacdhahum min bacdi).

Marar badan baan ku celceshaa aayadan:

" Waladii khabuta laa yakhruju ilaa nakidaa" oo macnaheedu yahay dhulka kiisa xumaadaa waxaan wax xun ahayn ma soo saaro.
Marka gabayada ama heesaha ugama dan lihi amaan ee markay waxaan rabo buuxiyaan baan soo qaataa qofkii Tafsiirka iyo Axaadiista sharaxooda akhriya wuu garanayaa markii luqad ahaan loogu baahdo.

Putland Nugaal baa durdur weydoo Docmo baa looga aroorey dad ma u qaadan lahaa ama " Godashaye u yeer-yeer Gaanaha aad maashide"

Marka waxaan horey u dhacin baad na baraysaane marka Kornaylku iyo Ina Xaaji Aadan ay barwaaqo idin gaarsiiyaan bal aan aragno.

Wacadee Aw-Muuse sheekadiisii baa meesha taala ama sidii ninkii gabyaaga ahaa Sayidka ku lahaa
" Xarig uma xirmo nimey Hartiga xidid wadaagaane"
" Iidaa Dugaaga iyo Hartey igaga dayraane"
" Abtirsiinyihiinu meeshuu ahaa waa adinkii galaye"

Wacad Allaah diinta ninkii daardaarta dullinimo baa u dambayn.

Tolow anigu idiin digey, ee diin necayb door laguma gaaro.

Yaan loo qaadan inaan dadkoo dhan caayayo ee waa dadka aad taqaanaan iyo kuwo anigu aan afkeyga ku la hadley oo aan garanayo waxay dhaheen.

Wabilaahi towfiiq.