Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Arimaha Qabiilada - Clan Politics: Arimaha Qabiilada - Clan Politics: Waa maxay QABIIL?!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nin leh qabiil halaga gudbo

Tuesday, December 05, 2000 - 02:06 am
salaan iga gudooma soomaaliyey
waan idin salaaamay dhamaan (ASALAAMU ALEYKUM W.W.) RAMADAAN WANAAGSAN

Waa maxay Qabiil?
qabiil waa wax la isku aqoonsdo laguna garto qofka EE ma aha sida ay soomaalidu u qaateen oo ah reer hebal baa reer hebal ka fiican ama ka magac sareeya oo waa qabiil caan ah oo dunida oo dhan laga yaqano.
qabiil macnihiisa waa in ay isku aqoonsadaan dadkii is dhalay ama isu nasab sheegto, waayo hadii uusa ´n qabiil jirin waalidka iyo mawluudku isma garteen. maxaa yeelay ilaah baa quraan kiisa ku leh (YAA'AYUHA AL-NAASU INAA KHALAQNAAKUM SHUCUUBAN WA QABAA'ILA LITACAARAFUU INA AKRAMAKUM CINDAL'LAAHI ATQAAKUM) oo macneheedu yahay "dadoow waxaan idinka abuurnay shucuub ama dowlado iyo qabiilo si aad isugu garataan midkiina ugu fiican xageygana waa kiina iigu cabsida badan ee reer hebal ma aha in ay reer hebal ka fiican yihiin. siddaa sdarteed anigu waxaan u arkaa in qabiil lagu faano dib u dhac aad u balaadhan ee somaaliyey goorma ayaad toosi doontaan ood qabiil iska deyn doontaan

wabilaahi al-towfiiq