    Daljir | Thursday, December 07, 2000 - 03:37 am Dowlada cusub waxay soo kordhisay oo kaliya lacag faalso ah iyo boobkii lagu yiqiin dowlad soomaaliyeed. |
    halyay | Sunday, December 10, 2000 - 01:38 pm daljir dawlad ma jirtee ee waa dan gaar, lacagta been abuurkana waa mid ka mid ah danaha tuugada carta lago soo dhoo dhoobay. |
    cadaalad | Sunday, December 10, 2000 - 02:50 pm shkhsiyaadka hor kacaya beentii lagu soo dhisay carta waxay u socdaan ookaliya inay xiliga kala guurka ah wax dhacaan.DIb ujaleec tuuga is urursatay nin walba taariikhdiisa waa laguu yaqaan.Ninka saacadan la joogo soo daabacdey lacag wuxuu ka daran yahay kan dad xabada la dhacaayey sabaatoo ah xabadu markiiba waxay dishaa hal qof laakiin sicir bararku markiiba wuxuu dili karaa boqolaanqof. |
    Heybe | Sunday, December 17, 2000 - 01:45 pm cadaalad you are right 100% |
    Daljir | Tuesday, December 19, 2000 - 10:41 am Mahadsanidin dhalinyaro! Cali Khaliif ayaa yiri NINKII LAGU QABTO INUU SOO GELIYO LACAG BEENA WADDANKA WAA DAMBIILE, WAXAANA LALA TIIGSAN DOONAA TALAABO SHARCI AH. Marka uu warkaas yiri 4 maalmood ka hor ayaa magaalada Xamar waxaa soo geshay shixnad lacag ah oo laga soo dejiyey Ballidoogle. Markii shirkii Carta socdey waxaa soo degtay shixnad taas ka horreysay. Muddo laba bil ka yar ayey Haddana shixnad kale soo gaartay Xamar. Saddexdaas shixnadood oo lacagtaahi waxay dhalisay sicirbarar (inflation) aad uu naafeeyay macaamiisha suuqyada gaar ahaan ganacsatda yaryar iyo dadka dhaqaalahoodu aad u hooseeyo. How? Qiimaha doolarka ayaa waxa uu ahaa bishii July SH. SO. 10,000 iyo nawaaxigeeda. Sida aad la socotaan tirakoob fiican lagama hayo waaxyahaya bulshada ee Soomaaliya, sidaas owgeed lama sheegi karo bulshada meeqa ayaa dhaqaale fiican haysata lakin waxaa xaqiiq ah in dadka intiisa badani aysan dhaqaale fican heysan weliba in ka badan 90%. Magaalada Xamar waxaa ;lagu qiyaasay in ay ku noolyihiin ilaa 2M oo ruux. Taas macneheedu waxay tahay waxaa sicirbararku si toosa u saameynayaa 1,800,000 oo qof oo ku nool magaalada Xamar. Tiradaas dadkaa ma haystaan ganacsi waaween sidaa darteed ma keydsan karaan lacagta doolarka oo waxay ku qasbanyihiin inay wax ku gataan shilinka Halka shilinkii qiimihiisu hoos u dhacay 29%. Bishii november dhexdeeda markii la keenay shixnaddii seddexaad muddo 3 bilood ah ayaa shilinka qiimihiisu gaaray 14,000 halkii doolar. Lacagtaasi waxay keeni karta dad badan oo gaaja u dhinta weliba geddisleyda yaryar sida kuwa mooska gada iyo kuwa ka mushtara badeecadaha yaryar. Lacagtaas waxaa keenideeda qayb weyn ka qaatay Abdiqassim oo si toosa ugu xiran Mohamed Deylaaf ahana ninka gacanta ku haya Ballidoogle. Axmed Abdisalan iyo Dulcad oo ah nimanka ka soo daabaca dibedda (Canada) Horayna u keeni jiray lacagtaan boobka ah waddanka kana dhistan television-ka STN ee muqdisho oo ay ku baxday $1.6M. Ganacsatada waaween ee xamar ma saameeyo sicirbararku si toosa waayo waxay lacagtooda u bedeshaan doolar oo mar kasta qiimihiisu sii kaco halka ganacsatada yaryar ay si isdeba joogle suuqa uga baxaan. Waxaad halkaa ka ogaan kartaan dhibaatada ay dowlad isku sheegta Carta u geysatay danyarta iyo agoonta ay horay u naafeeyeen. |
    Anonymous | Wednesday, December 20, 2000 - 08:54 am waad ku mahdsan tihiin dhamaan dhalinyarada sida soomaalinimada leh uga damqanaysa dhibka shacabkeena qaar haysta, kolay ogaada wax waaraya ma lahan,muqdisho weli waxay ku jirtaa xaalad murugsan oo waad u jeedaan maalin kasta waxaa ku soo biiraya koox cusub oo mid kasta huwan magac soomaaliyeed laakiin danahooda runta ah aysan dhaafsiinaun mid shaqsiyeed iyo mid ah u adeeg dawlado shisheeye, sida libiya, egypt, italy oo dantodu tahay kaliya muuska soomaaliya. ilaahay ayaase wax walba marqaati ka ah in shacabka masaakiinta ah qaarna ay hub u dhiibaan oo ay ku dagaal geliyaan magacyo reer qaarna ay lacagta ay haystaan looga bedesho warqado dibada lagu soo daabacay |