Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics: Laguma hayo Maamulka Puntland???
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Keyse

Thursday, December 07, 2000 - 07:43 am
Somalia Inter Online: Last Updated: 06 Dec 2000 23:38:16
Laguma hayo Maamulka Puntland wax yar oo waxqabad ah

(Haleelo Irmaan oo aan Habkeed marin Boosaaso.)

Hashu way Irmaan tahay hadana cidi ma haaneedo,way haraata maysaa hadana Awr hayin ah weeye,waa horor dagaalama hadana waa iska hebedkaase,waa haleelo oo gaawahaa laga hareeyaaye, maatada hareer tuban hadana hungey kala huleelaane.

Hasha waxaa sidaa u galay hadaan idin dareensiiyo, nacabkii haleelaa intuu heeray boqonteeda horor-kiyo waraabaha jira yuu u hadimeeye iyadoo haraad qabtuu hawd iskaga daayey markaasaa hareeraha qandigu haaruf kaga yeelay.

Waa wax aynu wada ognahay markii uu bur-burku Soomaaliya ka dhacay in Magaalada Bossaaso ay noqotay Hooyadii ama hoygii nasashada, habqanka soo hiigsanayeyna dhamaan gobolada Soomaaliya uu ka imaanayey.

Hadii lagu nastay waa laga tabcaday oo nin weliba waxbuu dib u xasuustay howshiisii shaqana horay ayuu ka bilaabay.

Bosaaso waa magaalada aan laka xigsan taasoo muwaadinkasta oo Soomaaliyeed siduu doono ugu noolaankaro ugna shaqeysankaro xitaa xiliyadii ay dagaalada Kharaar ee Qabaailada socdeen, tasi waxaase ka sii qotodheer hasami ugu noolaanshaha dadka Ajanabiga ah.

Hadaba waxaa isweydiin leh maxaa keenay inay noqoto Bosaaso hoygii nabada, nasashada iyo dhaqashada ? Waxaa looga Jawaabi karaa laba qodob oo kaliya, sida amaanka, magaalada guud ahaan oo ku saleysan shicibweynaha ku dhaqan, tan labaad waxa weeye Bosaaso oo ah magaalo ganacsi oo dekad leh lagana xoogsankaro.

Waxaa la dhisay sanadku markuu ahaa 1998kii Maamulka Puntland labaxay kasoo soo nooleeyey magicii boqolaal sano ka hor loo yiqiinay Gobolada Waqooyi Bari.

Dhowr gobol ayaa sumadaas loogu yeeraa,waxaana madax u ah maamulkaas madaxa lagalay sadexda sano Col. C/laahi Yuusaf.

Hantida ugu badan amaba uu ku xisaabtamo Maamulka waa kan Bosaaso ka soo xarooda, taasi oo u muuqata hal madi ah oo la maalo laakiin aan la daajin waayo madida waa latixgeliyaa si gaar ah ayaa loo agaasimaa xitaa haddii xiligu xumaado meelaha cows ku harka leh oo ayan xoolaha kale geli karin ayaa looga cows guraa.

Run ahaantii wax badan ayaa la sheegay waxqabad la’aanta Bosaaso ee maamulka Puntland, balse dhegaha ayey ka fureystaan madaxda maamulka, waxaadna moodaa in maamulku hal maal ah oo uusan yeed u lahayn haysto wax lexo jeclana uusan ka lahayn iska maal mooyee, una muuqda caano diiq caanaheeda la dhaafiyo iyadoo maatadeeda caano u baahantahay.

Gebagebadu waxy tahay ilaa iyo hada laguma hayo maamulka Puntland waxyar oo waxqabad ah oo tilmaaman oo lagu amaani karo ninka madaxda ka ah Puntland waa Col. C/laahi Yuusufka Carta ka dhigtay wax ka sheegeeda wixii ka soobaxay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MR ALULA

Thursday, December 07, 2000 - 08:44 am
walaahi Keyse sxb wax run ah baad kahadashay waan la og yahay wax qabad la aanta maamulka een magaalda Bosaaso. Dhawaan mar aan tagay waxaan arkay magaalad si aan loomaleen karin uwaynaatay mudo aad uyar taas oo keentay in magaalda ay naoqoto magaalada soomaaliya ugu dad badan.
Waxaan arkay magalaada waxa kadhisan in ay tahay uu waxa ay dadka kadhisteen ee san lagu arag wax usub oo lataaban karo oo uu maamulka dhisay tan aad ka looga baahna maamulka uwaxy ahaydii dhinaca jidadka kuwaas oo aad uliita iyo dhismaha Airportka waxa kaliya oo hada uu maamulka wado oo dhismo ah waa uu QASRIGA hada ladhisaayo ee MADAXTOOYADA oo ilaa iyo hada 2 sano socda oo ah QASRI iska waynaaday. Magaalada Boosaaso saad ogtihiin waxaa kasoo gala maamulka lacagta xoo geeda dhan DAKAD iyo CANSHUURBA marka hada dadka magaalada BOOSAASO waxay dhagta utaagayaan doorashada soo socota iyo in ay wax isbadal ah keeni doonto ama in uu maamulka hada jooga uu kusoo noqondoon OO HASHA MAALIDEEDA meesheeda kasii wadi doono.
Hadaan wax ka iraahdo dhanka AIRPORT kaas oo ah mid aad uwayn oo laba qeebood ah mid ay diyaaradaha waayan ee dadka iyo xamuulka ay kusoo dagaan iyo dhinaca ay diyaaradaha yar yar aykusoo dagaan wax diyac tir ah waxaa ugu danbaysay 1997 oo intuu maamulka jirayba max dayactir ah laguma sameen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BADHAN

Thursday, December 07, 2000 - 01:38 pm
Faqash faqsh dhashay baad kuligiin thiin siiba mother fuckerka isku sheegaya kaysi. Go fack your slut mother and leave Puntland and it it's people alone •••••••.

Did I tell you what faqash means •••••••??. Waa doofaarka dhashaa mother fucker, and that is what you are.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qawdhan

Thursday, December 07, 2000 - 01:41 pm
WARyaahee Badhan waar ninka kayse la yiraah saad ku garatay in laga daba tago. Iga walee waxaad sgeegin waxbaa ka jira.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Keyse

Friday, December 08, 2000 - 06:55 am
Salaan kadib:
Caluula waxaan rajanyn Puntland inay hormarto oo ay hesho dad kadanqada dhibaatada dadka haysata iyo deegaanka, waxaan rajaynayaa berito ma foga waayuhuna sidaas ma ahaanayaan ninkii maanta awood leh beri waysuulaysaa waxaana soo haraya wixii uu umada uqabtay.

Nabadeey.