Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Somaliland Politics: Somaliland Politics: APPEAL FOR ASSISTANCE: DIL KA DHACAY DALKA HOLLAND 13 NOVEMBER 2000
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, December 08, 2000 - 12:31 pm
13kii November 2000, saacadu markii ay hayd 170hrs, dil naxdinbadan ayaa ka dhacay meel u dhoow magaalada Dan Haag(The Hague) ee dalka Holland.

Gacan ku dhiiglaha dilka foosha xun gaystay waxa magaciisa la yidhaahdaa C/RASHIID TAFE BARRE oo ka dhashay qabiilka MARRAYXAAN. Waxana soo koriyay oo Adeer u haa ninkii la odhan jiray NUUR BIDAAR, ee Immigrationka xukumi jiray.

Gacan ku dhiigluhu wuxu si naxariis darro ah iyo axmaqnimo ah Toorri uga galiyay wadnaha wiil dhalin yaro ah oo cimrigiisu ahaa 24 Years.
Marxuunka la dilay Ilaahay naxarri janno haka waraabiyo'e waxa magaciisa la odhan jiray FAHMI CUMAR CAATEEYE. Wuxuna ka dhashay qabiilka GADABUURSI, qooyska Maxamad Case.

Waxa la sheegay in gacan ku dhiigluhu u badheedhay dilkan oo mudaba uu raadinayay Marxuumka. sobabta uu ku dilayna waxay tahay hinaaso naag daraadeed. Nasiib darro dhagar qabahaa gacanta laguma dhigin wuun baxsaday.

Haddaba marka hore, waxan si naxariis leh uga codsanaynaa dhammaad ummada soomaaliyeed ee warkani gaadho, inay gacan ku dhiiglahaas sharciga u dhiibaan.

Marka xiga waxan ku adkaynaynaa qabiilka uu gacan ku dhiigluhu ka dhashay ee MARREYXAAN, inuu waajib buuxa ka saaran yahay sidii ay ninkaasi sharciga usoo taagi lahaayeen, una kala badbaadin lahaayeen dhiig fara badan oo ka dhex daata labada qabiil.

"NINKA WAALAN, TOLKII AYAA U FAYOOW"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

moxog

Friday, December 08, 2000 - 05:02 pm
soo qaban maa xaa iga saaran soomaali
oo dhamaa gacan ku dhiiglayaal ahe
adigan ha bursaninaan ku dhihi lahaay
heli maydid waad ku daalee waxaadna ku hanjabtay
in labada qabiilo isku baa ba ayso xaa xooga
ood mareexaan u haysaa yuusuf talanba
inya maqasheen aad ka dhaqaaqdeena maxoog
aad soomaaliya ku wayseen aad holan ku haysaa
ee saaxiibow waxaa iga talaa dagaal kasimaysida
bustahaaga hoosta uga jir jalaatadana iska dhuuq
nabaadiina

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, December 08, 2000 - 09:08 pm
TO: Maxog,

Haddaanad wax khayr leh ku hadli karin, inaad iska aamusto ayaa ka sii khayr badan.
Jaahilnimaduna waa xanuun.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SOOMAALI

Saturday, December 09, 2000 - 04:21 am
Salaamu Calaykum,

Anigu waxaan kugula talin lahaa in aad kiiskiisa ka furtaan Holland oo ah meeshii uu dambiga ku galay gacan ku dhiigluhu, ka dibna la raad guro,

Si fudud ayaa loo soo heli jaahilkaasi meesha uu u baxsaday. waajibkiisana waa la marsiin doonaa markaa la soo xidhiidh Isgaarsiinta Netka Samaroon soona qor mar kale magacyada iyo siday wax u dhaceen Huuno.

Somali kasta oo Ilaahay ka baqaya, Muslim ah oo wax kas ahina wuu soo sheegi ninkaas dhagaraysan ayaan u malaynayaa,
Haduu dibada Joogana waa la heli karaa, mar ay noqotaba haduu wadankii ku noqdana wuxuu la mid yahay kuwo kale ee dadka layn jiray oo iyaguna maxkamado la saari doona, cid kasta oo wax laga dilay xaq ayay u leedahay in ay dacwad ku soo oogaan hadii ay garanayaan cidii ka dishay qof.
Dagaaladii sokeeye waxaan ka ahayn waayo midina waa Civil War midina waa Murder ay tii aakhirana sugaysaa.

Moxog
Ninka la baxay moxog waxaan odhan lahaa walaal arrintu maaha arrin qabiil, Mareexaan iyo Gadabuursina waa dad Soomaaliyeed oo walaalo ah iskuguna fiican dadka qolo kastana dilku wuu ka dhex dhici karaa laakiin waa la xaliyaa oo kolayba nin dhagaraysani waa nin dhiig qaba markaa idinka xitaa xil ayaa idinka saaran in aan soo qabataan bahaayinkaas.
Mida kale General Yuusuf talan (Allah ha u naxariistee) Ogow hadii aad wax kala garanayso Soomaali oo dhan ayuu ka dhintee, Kuwii dilayna Anaka iyo dawlada Soomaaliyeed ayaa gacanta ku hayna waajibkoodana waa la marsiin doonaa.

Ugu dambayntii waxaan leehay Soomaali hadaan nahay walaalayaal dambiile waa dambiile markaa:-
Waayo matalan waxaa jiri kara qof bukaba ka soo qaad oo wax kufsada, markaa matalan ninkii wuxuu kufsaday gabadh qolo kale ah, waxaad tidhi maxaa iga galay waa qolo kalee, hadana wuxuu kufsaday gabadh yar oo 11 jir ah waxaad hadana tidhi maxaa iga galay, ugu dambaynta waxaa hubaal ah in uu gabadhaada, walaashaa ama xaaaskaaga uu kusan doono. hadii markaa aad markii ugu horaysayba aad sheegi laheed oo la qaban lahaa waxaa suurta gal ahayd in aanu dad badan waxaas ku samayn lahayn adiguna aad ka badbaadi lahayd isagana la daawayn lahaa xitaa, maraaas.

1)Khalad yaan la isku taageerin.
2)Qofka khalad gala kuligeen aan hor keena sharciga oon inagu iska soo qabano.

Labadaa qodob oo kaliya hadii la helo wadankeenuna mar kale dumi maayo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, December 09, 2000 - 09:21 am
TO: Somali

JASAA'A KA LAAHU KHEYR.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faaiqa

Saturday, December 09, 2000 - 11:13 am
aad iyo aad ayaan uga xumahay arrinta ninkaas Soomaaliyeed ee uu walaalkiis kale oo soomaali ahi ku dilay qurbe isagoo ka soo badbaaday oo ka soo qaxooti noqday dalkiisii hooyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wariye

Saturday, December 09, 2000 - 01:40 pm
diradiraalayaal, waaleydin fahmey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

moxog

Saturday, December 09, 2000 - 01:58 pm
YIHOOY IMAQAL XAW NINKAAN UGA DUWANYAHAY
GACAN KUDHIIGLAYAASH SOOMAALIYEED
IYAGABA LA BURSAN MAA XAAN ASAGA
LOO RAACDAYSAHAA MISE GUDABIIRSAY WAXAY ISMOODEEN
INAY DADKA KA NAF QAALISA YIHIIN MARAA LAYIRI
NIMAAN LAYDIIN QABTAY YIHOOY SOOMAALIYAAD TIHIIN
NAFTIINUNA WAA NAF SOOMAALIYEED XAA DHACAY
SIDII AMEERIKAANKII AAD U HADLAYSAANE
SOO QABTA AA, WALEE INAANAN RAACDAYSANAYN
ANIGIYO,,,,,,,,,,,,,,,,,
EE YIHOOY NIMANKA SII WALAA DADKAAN MASAAKIINTAA
HA BOODBOOTININA EE U SUGA
XAA KU FIKIR AH....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SOOMAALI

Saturday, December 09, 2000 - 03:10 pm
Salaamu Calaykum,

Moxog,

Afkayga wax xun kolay ka heli maysid Bishaa rammadaan intaad xaa xaa-da hayso adigu ha isku kaaya gubin Samaroon iyo Mareexaan.

Ma fahantayse waxa aan kor kuugu soo qoray mise afsoomaaliga?

Malaha hadalku shan shub ayuu kuugu dhacaa.

Moxog waxa aan ka hadlayo ee aan ka soo hor jeedaa waa dadka micna darada inta la iska dilo aan dambigii loo ciqaabin naftii waxaas geysatay cidii ay doontaba ha noqotee.
Miskiinimada aad nagu sheegtay waan ogolahay oo Illaahay oo kaliya ayaa Mutatakabir ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

moxog

Saturday, December 09, 2000 - 04:31 pm
ya soomaaliyow ma runtaad diidee xaadse ii
dhaadhaaje waa qdiga gacan kudhiiglaha
qurba jooga bursanaa e.maad runta sheegtid
oo faafaajinta joojisid maskiinnimadana
sidii la doono aa loo safiraa unukoo dhamaa
wada masaakiinah eemanaad tabar haysid.
soo qabo ninkaa waxaan kaa celcelinayaa
waa mareexaan sow maaha waraad qabtaa yaraa
ya iska fariiso oo,shaahaaga fiiqfiiqso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wariye

Saturday, December 09, 2000 - 05:00 pm
maxoog meesha haysku ceebeyn, itaad cidkale iska dhigayso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SOOMAALI

Saturday, December 09, 2000 - 05:39 pm
Moxog, Salaamu Calaykum,

Walaal isma af garanayno waayo maba fahmin qaar kalmadaha aad soo qorayso sida qdiga, dhaadhaaje, safiraa, Unukoo, yaraa etc..
Markaa maljoogay maxaad u jeedaa?
Anigu kumaba af garan, markaas walaal waxaan anigu u qaadan uun dhinaca fiican, Adiga oo aanan Topic-ga ka fogaanina fadlan soo sheeg gacan ku dhiiglaha ama hadii aad xumaan u dig iyo dam leedahay Illaahii ku abuurtay ka baq oo iska aamus.
Halkaasina ha inoo joogto labadeena.

Salaamu calaykum waraxmatullaah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fiidow

Sunday, December 10, 2000 - 09:10 am
ok iga war sug

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

UN

Sunday, December 10, 2000 - 09:33 am
MARXUUNKA LA DILAY WAA SOOMAALI-SAMARROON
HOOYADII WAA SOOMAALI-BARAWAANI
MOCOOYDII HOOYO WAA SOOMAALI-MAJEERTEEN
AYEEYDII AWOOWO, WAA CIISE
WUXU XAGGA AABO KALA WALAALO YAHAY UBAD HOOYO SOOMAALIYEED OO ISAAQ AHI DHASHAY.
DHAGAR QABAHA DILAYNA WAA SOOMAALI-MARAYXAAN
NAAGTA DARAADEED LAGU DILAYNA WAA SOOMAALI-BARAWAANI

HADABA INTAAS OO QABIIL OO SOOMAALIYED OO KALA AH:

GADABUURSI
CIISE
ISAAQ
MAJEERTEEN
BARAWAANI
IYO MARREYXAAN

AYAY SI GOONIYA ARRINTANI U SAARAN TAHAY, SI GUUDNA UMMADDA SOOMAALIYEED EE DHAGARTA NECEB, KUNA NOOL QURBAHA AYAY DAMQAYSAA.

MARKAA DHAGARQABAHA, WAA IN TUSAALE LAGU BIXIYO OO LAGU MUUJIYO ISKU DUUBNIDA SOOMAALIDA DIBADAHA
KU NOOL, OO SHARCIGA GACANTA LAGA GALIYO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, December 10, 2000 - 10:39 am
TO UN

bal sheekada noo tafatir. ninka mareexaan miyuu qabay naagta? maxaa kadhexeeyey marxuunka gadabursi iyo naagta?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

UN

Monday, December 11, 2000 - 09:11 am
TO: ANONYMOUS

NINKA MAREYXAAN WUU FURAY NAAGTA, NINKA GADABUURSINA NAAGTA AYUU RABAY INUU GUURSADO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somaliland

Tuesday, December 12, 2000 - 03:19 pm
Salam,:)
Intaa kadib waan ka xumahay,Ilaahyna ha u naxariisto.
Waxaan halkan kala hadlayaa UN,arintu Issaaq ma taagnee,marxuunka tol ayuu leeyahay,markaa kolay tolkisa ayaa Mareexaan la xidhiidhi doona.
Mareexaan dad fara badan laayeenee,mag fara badana waa loo haystaa.
Waxaan leeyahay anigo ku hadlaya magaca Somaliland dadka dega marxuunkaasi inaguu inaga dhintee Ilaahay Naxariistii jano ha ka waraabiyo......Aaamiin.(wax laga naxo way tahay runtiiyee):(.