Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics: harta group and colenel abdullah yusuf
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dhoohane

Monday, December 11, 2000 - 09:30 am
waxaan maqallay in uu mudane col/ c/laahi yusuf uu maamulkiisu ka codsaday inuu soo hor dhigo ducumentiiskii uu heeshiiska kula kalay shirkadda harta group deedna uu yiri waxay yaallaan meel tyurub kamid ah,waxaa is weeydiin leh document muhiim ah oouu maamulku leeyahay waxa dalka kamaqneeysiiyay, mise odogu markan wuu tashtay wuxuu ku fekeray inta goori goor tahay inuu hanti gaar ah samyto kadibna macasalaama, arritan maxay reer puntland latahay iydoon adeerkeen lacaayin sida wax loo malaynayo ha laga hadlo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abshir

Monday, December 11, 2000 - 08:49 pm
war ninyahow anigoo odayga saluugsanaa kase baqayay in iska horimaat dhaco ayaan yeelay oon adeecay, laakiin arinkan markaan maqlay waan ka naxay, aamina ma leh laakiin waxaan la yaabanahay isagoo hadda awood laheyn oo jiran markuu sidan iyo amar ku taagleen ku dhaqmayo markuu awood yeesho yaa noo maqan.

su`aasha kale waxey tahay

-markuu saxiixayay heshiiska ma kaligii buu ahaa meeye wafdigii mase ma watay wafdi

-lacagta ma jeebkuu ku shubtay sow xisaabiye maleh

-documintiska uu geeyay yurubse sow maaha sirteena ma wuusan nagu kalsooneyn

dhoohanow waxaan u maleyna yaa anirkaad sheegday inuu jiro oo uu carayo odeyga

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wardhiigleey

Monday, December 11, 2000 - 11:00 pm
Saaxiibayaal, adinkoo mahadsan waxaa igu maqaalo ah , in HARTGROUP, ay qashinka ku shubto xeebaha koofurta soomaaliya, waxaa la cadeeyay in dekeda cumaan lasoo dhigo,. kadibna inta cadaanka lihi iska reebaan dadka soomaaliyeed ee maraakiibta saaran, inay toban maalmood ku maqnaadaan bada iyagoo qofi la socon. nin reer boosaaso ah ayaa igu yiri, "waxaan uga shaki qabaa inaay walxaha sunta ah ay ku shuban xeebaha ceeldheer". arintaa ma maqasheen?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ugaaska

Tuesday, December 12, 2000 - 12:21 am
shaydaan madow baa ka kacay
shoodhe gurugii dheh
urgiyaaba lagu shiilayaa
shoodhe gurigii dheh
shilin iyo nus baa lagu galaa
shoodhe gurigii dheh
abshir baa shukaanta u fadhiya
shoodhe gurigii dheh.

waayahay.
Hart gruop iyo sheekadeedu beryanhan ma socon waxaa kambaniga la xiriiray rag London deggan oo ay cabdillaahi qoys yihiin iyaga ayaana documentigii haya.
waxayna kula galeen in hart group ka kalluumaysan karto xeebaha Puntland,iyaguna ay ilaaliyaan in aan cid kale in ay badda wax yeesho ama ka ugaarsato.waa sida cabdulahi yusuf noo sheegaye. laakin waxaa la soo caddeeyey in lacag faro badan ay ka qaataan cabdillaahi iyo colkiisu kambaniguna hawshiisa wato oo aanay cidi kontoroolin. oo ay xitaa dhacday in hart group ay kambaniyo kale magaca siiyeen oo badda kaga adeegtaan magaca hart group.
waxaad arki maraakiib faro badan oo xeeb kasta oo puntland joogta.waa yaab kambani intaas oo markab yeelan karaa ma jiro.
waxaa la caddeeyey sida jaaa'idad talyaanigu qoreen in hart group ay qandaraasyo siiso kambaniyo yurub oo dhan oo ay qashinka ku qubaan xeebaha soomaliya oo dhan ha u badnaato puntland eh.
kuma eedaynayo cabdilahi yusuf. waayo gaajo ayaa u geysey danna kamalaha haddii qashin lagu shubo iyo haddii malab lagu daadiyaba isaga lacag baa u daran waana mid ka soo suurto gasha qof kasta oo somali ah haddii munaafaqnimada iyo beenta meel la iska dhigo.
bal malee sidee u dhici kartaa in company la sii shati uu kaga ugaarsan karo badda qaranka,iyadoo dadkeedii baahan yahay.
maxaa lacag yar inta doonyo(small boats)loogu iibiyo dadka loogu shaqaalayn waayey,iyaga wax kasta qaban lahaaye.ha idhan doonyaha ayaa qali ah saa waan aqaan qiimahoodee.

hadal iyo dhammaantii karkaasu waa innagu tegey.